Home Blog Page 397

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab iyo Gor Gor ayaa saacadihii lasoo dhaafay Khawaarijta ka xoreeyey goobo ay uga dhuumaaleysanayeen

0
Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab iyo Gor Gor ayaa saacadihii lasoo dhaafay Khawaarijta ka xoreeyey goobo ay uga dhuumaaleysanayeen dhulka howdka ah ee dhaca bariga gobolka Galgaduud.
Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ayaa warbaahinta qaranka u sheegay inay sii baacsanayaan firxadka Khawaarijtii isaga carartay goobahaan ay godadka ka qoteen.

Wasiir dowlaha Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Mudane Adam Aw Hirsi iyo ,Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ayaa waxa ay uga qeybgaleen Shirweyne looga hadlaayey xaaladda bani-aadannimo ee Soomaaliya

0
Wasiir dowlaha Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Mudane Adam Aw Hirsi,Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland waxa ay uga qeybgaleen Shirweyne looga hadlaayey xaaladda bani-aadannimo ee Soomaaliya iyaga oo halkaas ka jeediyay qudbad ay uga hadlayeen xaaladda bini aadinimo ee ka jirta Soomaaliya.
Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay ayaa u jeedadiisu ahayd sidii dalka Soomaaliya loogu tabaruci lahaa, looguna aruuri lahaa deeq maaliyadeed, si wax looga qabto arimaha bini’aadinnimo iyo barakacayaasha ka dhashay fatahaadaha Baardheere, iyo colaadaha ka jira dalka.
Shirka ayaa waxaa ka soo qaybgalay wadamada deeqda bixiya, sida Midowga Yurub, China iyo wadamada Carabta, sidoo kale waxaa shirka qayb ka ahaa hay’adaha aan dowliga ahayn iyo kuwa Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya hawlaha bini’adinnimada

wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Allaha u naxariistee Prof. Ismaaciil Hurre Buubaa oo maanta ku geeriyooday dalka Turkiga

0

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse ayaa ka tacsiyeeyey geerida wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Allaha u naxariistee Prof. Ismaaciil Hurre Buubaa oo maanta ku geeriyooday dalka Turkiga. Marxuumka ayaa Soomaaliya ka soo noqday Ra’iisul Wasaare ku xigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

Ra’iisal wasaaraha xfs mudane xamse cabdi bare ayaa xafiiska ku qaabiley safiirka cusub ee Jamhuuriyadda jabuuti

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf.

Ra’iisul Wasaaraha oo Danjiraha cusub ugu hambalyeeyey masuuliyadda loo igmaday, ayaa sheegay in Jabuuti ay tahay dal walaal ah oo xilliyo adag soo garab taagnaa Soomaaliya, kana taageero dhinacyo badan oo ay ugu horreyso dagaalka kooxaha Khawaarijta ah looga ciribtirayo dalka.

Mudane Xamse oo sheegay in ay mahad u hayaan dowladda iyo shacabka Jabuuti ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ay sii amba-qaadi doonto xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan ee walaalaha ah.

Macron ayaa booqanaya Shiinaha isaga oo doonaya in uu horumar ka gaaro dagaalka Ukraine

0

Taipei, Taiwan – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo Madaxweynaha Komishanka Yurub Ursula von der Leyen ayaa lagu wadaa inay maanta oo Arbaca ah booqasho saddex maalmood ah ku tagaan Shiinaha oo ay kula kulmi doonaan Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping. Macron ayaa waxaa wehlin doona wafdi ka badan 50 maamule sare, waxaana uu la kulmi doonaa ganacsatada Faransiiska, balse dhammaan indhaha ayaa ku eegi doona sida isaga iyo von der Leyen ay uga wadahadli doonaan dagaalka Ukraine iyo madaxda Shiinaha

 

Ciidamada Israel ayaa weerar ku qaaday dad ku cibaadeysanayay Masjidka Al-Aqsa

0

Dad Falastiiniyiin ah oo ku nastay cibaadada cibaadada ah ayaa weerar xooggan ku qaaday barxadda masjidka Al-Aqsa ee ku yaal bariga Quddus ee la haysto, sida ay sheegeen goobjoogayaal. Ugu yaraan 400 oo falastiiniyiin ah ayaa la xiray Arbacadii waxaana weli ay ku jiraan gacanta Israel, sida ay sheegeen saraakiisha Falastiiniyiinta. Waxaa lagu hayaa saldhig booliis oo ku yaal Atarot oo ku taal bariga Quddus la haysto

Goob joogayaal falastiiniyiin ah ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay adeegsadeen awood xad dhaaf ah oo ay ka mid yihiin bambooyinka gacanta laga tuuro iyo sunta dadka ka ilmeysiisa, taas oo sababtay dhaawacyo neef qabatin ah oo soo gaaray dadkii cibaadeysanayay, iyo garaacis ay ku garaaceen budhadh iyo qoryo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Jabuuti, Kanada iyo Kuubba.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Jabuuti, Kanada iyo Kuubba ee loo soo magacaabay Soomaaliya.
Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxeweynuhu waxa uu kaga guddoomiye waraaqaha Aqoonsiga Danjireyaasha kala ah; Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf, Safiirka cusub ee dalka Jabuuti, Mudane Christopher Thornley, Danjiraha Cusub ee Kanada iyo Mudane Juan Manuel Rodriguez oo ah Danjiraha ee dalka Kuubba u fadhin doona dalkeenna.
Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Madaxda iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha ayaa si gaar-gaar ah uga wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leeyihiin dalalkoodu, waxa uuna xusay in soo celinta xiriirka dalka Kuubba uu ka tarjumayo ka dhabeynta qorshihiisa Soomaali Heshiis la ah Dunida.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Shacabka oo kulan la qaatay wafti ka yimid Baarlamaanka Yurub. {SAWIRRO}

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo uu weheliyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Cabdiraxmaan Muxumed Cabdulle (Jaabiri) ayaa kulan la qaatay wafti xildhibaano ka yimid Baarlamaanka Yurub, kuwaas oo ay ahaayeen Guddiga Difaaca iyo Amniga Baarlamaanka Midowga Yurub.
Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xiriirka labada Baarlamaan, waxayna soo dhoweyeen Safarada uu Guddoomiyaha ku tagay dalal ka mid ah Qaaradda Yurub iyo xiriirka saaxibtinimo uu la yeeshay Baarlamaanka Soomaaliya, qaar ka mid ah Baarlamaannada Yurub. Wafdiga oo Muqdisho u yimid in ay ogaadaan xalada guud ee Soomaliya gaar ahaan Amniga iyo howlgalada ka socda dalka iyo kaalinta uu ku leeyahy BJFS.
kulanka Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka iyo Guddiga Difaaca iyo Amniga oo uu hogaaminayay Mudane Xil. Nathalie Loiseau ayaa u kuur galay hubinta Barnaamijyada lagu Caawinayo sugida Amniga iyo difaaca dalka horumarka dhaaqaalaha guud ee Dalka. Waxaa kale oo ay isku raaceen garab istaaga howlgalada amniga iyo ladagaalanka argigixisada.
Ugu dambeyn Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa uga mahadcelisay Xildhibaanada imaatankooda iyo u kuur gelidooda howlaha iyo mashaariicda midowga Yurub ee Soomaaliya ku bixiso.

Gabar sadax bilood jirtay oo Hooyadeed dib ula midowday 54 maalin ka dib dhul gariirkii Turkiga. {Sawirro}

Gobolka Adana ee dalka Turkiga ayaa waxaa ka dhacday dhacdo cajiiba, taasoo ah gabar yar oo gacanta hooyadeed dib loogu soo celiyay, ka dib markii la waayay muddo 54 maalmood ah dhulgariirkii ku dhuftay dalkaasi 6-dii bishii February. Sida laga soo xigtay wakaaladda Anatolia, Yasmine Bakdash ayaa isku duubtay gabadheeda yar ee faten oo jirta 3 bilood, taasoo ay kooxaha gargaarka ka soo badbaadiyeen burburka dhulgariirkii ba’naa ee ka dhacay gobolka Hatay ee koonfurta Turkiga.

Wasaaradda qoyska iyo adeegga bulshada ee ayaana gacan ka gaysatay kulanka Hooyo Yasmine Bakdash iyo gabadheeda Faten, Sida lagu sheegay xog ay wasaaraddu daabacday Axaddii.

kooxaha gargaarka ayaa ka badbaadiyay ilmaha yar burburka hoostiisa 128 saacadood kadib dhulgariirka. Ilmahan yar ayaa dhul gariirkaasi ku waayay Aabaheed iyo laba wiil oo ay walaalo ahaayeen, halka hooyadeedna yasmine ay ku dhaawacantay oo lagu daweynayo gobolka Adana.

Wasaaradda qoyska iyo adeegga bulshada ee Turkiga ayaa la socotay daryeelka ilmahan yar, kaddib markii la soo badbaadiyay, waxaana loo gudbiyay caasimadda Ankara, si ay baaritaanno muhiim ah ugu sameeyaan qoyskeeda. Baaritaanka DNA-da ka dib, Wasaaradda Turkiga waxay ogaatay in ilmaha yar hooyadii ay tahay Yasmine Bakdash, oo lagu daweynayo Adana. Wasiir Derya Yang ayaana goob joog ka ahayd xilligii ay yasmine Bakdash la kulmaysay gabadheeda yar jawi qiiro leh oo ku tusinaya inay kala maqnaayeen ku dhawaad ​​laba bilood.

Dhulgariir aad u ba’an ayaa ku dhuftay koonfurta Turkiga iyo waqooyiga Suuriya 6-dii Febraayo, kaasoo ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh.

Waxay ahayd cajiib in kooxaha samata bixiyaashu ay heleen gabadh yar ee Faten oo caafimaad qabta.

Ciidamada Kumaandooska Qaranka oo burburiyay Farriisimihii Khawaarijta ee Aagga Ruunnirgod

Ciidanka kumaandooska Danab iyo ciidanka Gorgor ee xoogga dalka Somaliyeed ayaa howlgalo kasameeyay dhulka howdka ah ee waqooyi barri ee degmada Ruun-nirgood oo katirsan gobalka Shabelaha dhexe.
Ciidmadan ayaana waxa ay cagta mariyeen saldhiyo ay Maleeshiyaadka khawaarijtu ku lahaayeen deegaanada dhanka hoowdaka ah.
Saraakisha ciidanka oo lahadlay Warbaahinta codka ciidamada qalabka sida ayaa sheegay inay Argagaxisadu awood iyo itaal midna laheyn dhuumaaleysina ku jiraan.