Home Blog Page 397

R/W ku xigeenka XFS oo daah-furay shir ku saabsan Isku-duwidda deeqaha

0

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay Qaab-dhismeedka Guddiyadda Tiirarka, Hab-raaca Cusub ee Wadashaqeynta Isku-duwidda Deeqaha.

Waxaa shirka si rasmi ah u daahfuray Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka dalka Mudane Salaax Axmed Jaamac, waxaana furitaanka munaasabadda khudbado ka jeediyay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene).

Hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed oo Muqdisho ku qabanaysa Shirwaynaha 2-aad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka

0

Hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed ayaa qaban qaabo xooggan ugu jirta qabsashada  Shirwaynaha 2-aad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka, shirkaas oo ay hay’addu qabanayso sanadkii 2-aaD, wuxuuna ka dhici doonaa Magaalada Mogadisho inta u dhaxeysa 24 illaa 26 October 2023.

Shirka ayaa isku  keeni doona dhamaan daneeyayaasha ka shaqeeya Kaabayaasha tayada sida hay’addaha dowlada, hay’addaha aan dowliga aheen, cilmi baarayaal, bahda waxbarashad, bulshada rayidka iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Inta uu socdo shirweynaha 2-aad waxaa lagu falanqayn doonaa sidii ay Soomaaliya ula jaan qaadi lahayd dedaallada dunida ee kor loogu qaadayo Tayada, hirgelinta halbeegyada, horumarinta dhaqaalaha iyo wada ganacsiga.

 

Degaanadii laga xoreeyay Khawaarijta oo laga hirgaliyay adeegyada aas-aasiga ah

0

Hawlgalka Ciribtirka maleeshiyaadka Khawajirta ee ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay ka wadaan qeybo kamid ah gobalada dalka oo jab xooggan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Khawaarijta, iyadoo sidoo kale laga saaray  degmooyin iyo degaanno  in muddo ah ku dhibateyn jireen Shacabka Soomaaliyeed.

Degmooyinka iyo deegaanada laga xorooyey khawaarijta waxaa laga hirgaliyay adeegyadii Aas-aasiga u ahaa noolasha dadka.

Shacabka ku nool degaanadaas ayaa la gaar siiyey Shixnado isugu jiray cunno iyo dawooyin, sidokale waxaa laga hirgaliyay adeegyada Garsoorka, waxbarashada iyo dhammaanba adeegyada bilowga u ah noolasha, kuwaasi oo ay degaanadaas u diideen arxan laawayaasha Al- Shabaab.

Dowladda ayaa dib u dayac tir ku sameeyasay ceelal fara badan oo kooxaha khawaarijta ay gubeen, halka kuwa kalana ay aaseen, hada dowladdu waxay ku howlan tahay xasilinta nabada iyo hormarka gooba laga xoreeyay Khawaarijta.

 

Madaxweynaha Masar oo la kulmay taliyaha Ciidamada Suudaan

Madaxweynaha Masar Cabdi Fitaax Al-Siisii, ayaa la kulmay madaxa golaha sare ee dalkaasi Suudaan Cabdi Fitaax Al-Burhaan, oo booqasho ku tagay dalkaasi.

Bayaan maanta ka soo baxay golaha ku meel gaarka ah ee Suudaan, ayaa lagu sheegay in Taliyaha uu halkaasi u tagay si uu ula kulmo madaxweynaha Masar Cabdi Fitaax Al-Siisii, isagoo kala hadli doona deganaasha la’aanta ka jirta dalkiisa.

Safarka Al-Burhaan, ayaa ah kii ugu horreyay ee uu ku tago Masar tan iyo markii uu billaawday dagaalka u dhaxeeya Milatariga Suudaan iyo xoogaga Taageerada deg degga ah.

Dowladda Masar ayaa balanqaaday in ay sii wadayaan taageerada ay siinayaan ciidamada qalabka sida ee Suudaan, si ay u difacaan sharafka  muwaadiniinta reer Suudaan.

Dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa Taageerada Degdegga ah ayaa galaya todobaadkii 20-aad, iyadoo intii ay socdeen dagaalada ay ku dhinteen muwadiniin farabadan ayna ku barakaceen malaayiin kale.

 

Soomaaliya iyo Mareykanka oo kala saxiixday heshiis hormarineed

0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaaalaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Faraax (Beenebeene) iyo iyo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa maanta heshiis hormarineed la saxiixday Dowaldda Mareykanka.

Heshiiskan hormarineed oo ku kacaya lacag gareeysa $92.6 milyan oo Dollar ayaa ka tarjumaya iskaashiga qotoda dheer ee ka dhaxeeya Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya kaasi oo ku saleysan dhisidda adkeysiga iyo xasilloonida, horumarinta kobaca dhaqalaaha iyo dowladnimada iyo awoodsiinta hogaamiyaasha mustaqbalka, haweenka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Muungaab : In Dowladnimada guulaysato cadowgana laga adkaado waa danta cid kasta

0

Guddoomiyehii hore ee gobolka Banaadir,Dr, Xasan Maxamed Xuseen {Muungaab) ayaa bogaadiyay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo goobaha laga saaray oo ay ugu dambaysay degmada Ceelbuur.

Dr, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay in ay dowladdu guuleysato, lagana adkaado cadowga khawaarijta ay cid kasta dan ugu jirto.

“In Dowladnimada guulaysato cadowgana laga adkaado waa danta cid kasta”

Mudane, Muungaab ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay in ay hiil iyo hoo la garab istaagaan Madaxweynaha JFS iyo Ciidamada qalabka sida ee ku howlan har iyo habeen xoraynta dalka  iyo ciribtirka cadowga Khawaarijta .

“Ciddii doonaysa in ay siyaasad ka dhex raadiso  xoraynta dalka iimaanka  Allaha geliyo ,waxaana leeyahay war hooy sidaasi geela looma kaxeeyo”

 

Hoggaamiyaha Xisbullah oo diiday in wax laga beddelo xeerarka la macaamilka Israa’iil

Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah ee dalkasi Lubnaan Xasan Nasrullah, ayaa diiday in wax isbeddel ah lagu sameeyo Qawaniinta ay kuwa macaamilaan Ururkiisa iyo Israa’iil.

Xasan Nasrullah,  ayaa go’aankan ku dhawaaqay mar uu  khudbad ka jeedinayay xuska sannad-guurada labaad ee xoreynta silsiladda bari, isagoo khudbadiisa ku ballan qaaday, in dili kasta oo Isra’iil ay ka geeysato dhulalka Lubnaan, Falastiin, Suuriya iyo Iiraan, ay ka bixin doonaan falcelin adag.

Sidokale, Hoggaamiyaha Guud ee Ururka Xisbullah, ayaa bayaan uu soo saaray Isniintii ku baaqay inaan la kordhin wakhtiga Ciiddanka Qaramada Midoobay ee ku sugan dalka Lubnaan, lana horgeeyo Golaha Ammaanka ee QM, wallow hadalkaasi ay Dowladda Lubnaan ku gacan-sayrtay.

 

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS oo kulan la qaatay Culimada Wasaaradda

0

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow oo uu weheliyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed Xaaji Ibraahim ayaa maanta kulan la qaatey qaar kamid ah culimada iyo ducaadda Wasaaradda.

Ujeedada kulanka ayaa ahaa dardar gelinta iyo xoojinta howlaha wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed ee ka hortagga iyo la dagaalanka fikirka xagjirka ah, maadaama lagu guda jiro dhameystirka wajiga koowaad ee dagaalka ay dadka iyo dowlada Soomaaliyeedba ay kula jiraan Khawaarijta.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa ducaadda uga mahad celiyey doorkii muuqdey ee ay kasoo qaateen baraarujinta bulshada iyo ciidamada qalabka iyo caddeynta xaqnimada dagaalka hubeysan iyo midda fikirka ah ee lagula jiro  Khawaarijta iyo guud  ahaan garab istaagii iyo taageeradii ay culimaa,udiinka Soomaaliyeed u muujiyeen Dowlad Federaalka Soomaaliya, si Dalka loo xoreeyo haraadiga Khawaarijta.

Wasaaradda Maaliyadda XFS oo Golaha Shacabka ee BJFS u gudbisay Xisaab -xirka Dowladda ee sanadk 2022-ka

0

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u gudbisay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xisaab -xirka Dowladda ee sanadka 2022 – ka.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane. Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku wareejiyay Xisaab-xirka Miisaaniyad sanadeedkii 2022-ka oo soo maray dhammaan hab-raacyadii sharciga ahaa.

Xisaab-xirkaan oo la soo saaray bishii Abriil, 2023-ka ayaa waxaa baaris Maaliyadeed ku sameeyay Hanti-Dhowrka Guud ee Qaranka, iyada oo natiijada baaritaanka lala wadaagay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha g/banaadir ayaa maanta si rasmi ah Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xooga dalka ku wareejiyay Toban Halaad oo Geel ah oo loogu talagalay ciidamada

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta si rasmi ah Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ku wareejiyay Toban Halaad oo Geel ah oo loogu talagalay ciidamada geesiyaasha qaranka ee ku sugan furinta dagaalka, iyada oo munaasabada deeqda lagu wareejinaye ay ka dhacday Saldhiga Magaalada Dhuusa Mareeb Caasimadda Galmudug.

Goobta uu duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ku wareejinayay Tobanka Halaad ee Geel-ka ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa a Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug, Taliyaha qeybta Boliiska, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) waxa uu sheegay in had iyo jeer uu garab taagan yahay Ciidamada qalabka ee ku howlan ciribtirka Khawaarijta.