Ciidanka xoogga dalka ayaa saaka Khawaarijta ka xoreeyay degmada Galcad ee gobalka Galgaduud.
Soomaaliya oo loo doortay qabashadda Guddoonka waddamadda xubnaha ka ah hay’adda African Risk Capacity ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan Yareeynta Khataraha
Shirka 13-aad ee sanadlaha ah oo ay ku kulmeen 35-ta dal ee xubnaha ka ah ururka African Risk Capacity (ARC) oo ay Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Soomaaliya ku meteleysay ayaa waxaa sanadkan Gudoonka waddamadda xubnaha ka ah hay’adda African Risk Capacity (ARC) ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Yareeynta Khataraha Musiibooyinka u doorteen Soomaaliya in ay noqoto.
Wasiirka Kalluumegsiga XFS oo saxiixay xeerka bixinta shatiyada, kormeerka, iyo ilaalinta aagga dhaqaalaha gaarka ah iyo Maraakiibta Soomaaliyeed
Wasiirka wasaaradda Kalluumegsiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa saxiixay xeerka bixinta shatiyada, kormeerka, iyo ilaalinta aagga dhaqaalaha gaarka ah iyo Maraakiibta Soomaaliyeed ee ka howlgala meel ka baxsan biyaha Soomaaliya.
Howlgalka Wajiga 2aad ee dagaalka Khawaarijta ayaa maanta ka bilowday gobolka Hiiraan
Howlgalka Wajiga 2aad ee dagaalka Khawaarijta ayaa maanta ka bilowday gobolka Hiiraan kaas oo uu horkacaayo Guddoomiyaha Gobolka Hraan calu Jayte Cismaan.
Dowladda Uganda oo sheegtay in si buuxda u taageersan tahay kusoo biiritaanka Soomaaliya urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Africa
Dowladda Uganda oo sheegtay in si buuxda u taageersan tahay kusoo biiritaanka Soomaaliya urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Africa ( East African community)
Kumaandooska Danab iyo Gor-gor oo howlgal lagu baacsanayo Khawaarijta ka sameeyey Deegaanka Baraag Shiikh caamir ee gobolka Galgaduud
Ciidamada Kumaandooska Qaranka ee Danab iyo Gor-gor ayaa howlgal lagu baacsanayo Khawaarijta waxaa ay ka sameeyeen Deegaanka Baraag Shiikh caamir ee gobolka Galgaduud iyo deegaano hoos taga.
Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta
Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta, heshiisyo iyo siyaasado qaran oo muhiim u ah dalka.
Gobol ay hore abaaro uga jireen, oo haatan ay roobabku ku dileen 21 qof
Ugu yaraan 21 qof oo ay ku jiraan lix caruur ah ayaa ku dhintay daadad ka dhashay roobab xooggan oo ka da’ay Soomaaliya toddobaadkii la soo dhaafay, sida laga soo xigtay xafiiska isku xidhka gargaarka bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay.
Madaxweyne xasan sheekh oo ka tacsiyeey geerida raisal wasaare ku xigeenkii hore ee dalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Ra’iisul Wasaare Kuxigeenkii hore ee Dalka ahna Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibbadda Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Ismaaciil Hurre Buubaa uu ahaa aqoon yahay iyo khabiir door weyn ka soo qaatay u adeeggidda qarankiisa, dib u dhiska dalka, xoojinta siyaasadda arrimaha dibbadda iyo dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya, isaga oo xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladihii Kumeel Gaarka ahaa ee soo maray dalkeenna.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey in Ismaaciil Hurre Buubaa uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab iyo Gor Gor ayaa saacadihii lasoo dhaafay Khawaarijta ka xoreeyey goobo ay uga dhuumaaleysanayeen

