Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay dhigiisa dalka Talyaaniga

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Roma kulan kula qaatay dhigiisa Talyaaniga Mudane Lorenzo Fonta.

Kulanka labada Guddoomiye ayaa looga hadlay sidii loo sii amba qaadi lahaa xiriirka iyo wada shaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyo in la dhiso guddi saaxibtinimo ee labada Baarlamaan. Sidoo kale waxeey ka wada hadleen xojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood.

Mudane Lorenzo Fonta oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Talyaaniga ayaa Guddoomiye Sheekh Aadan ku boggaadiyay shaqada adag ay Golaha Shacabka qabteen saddexda kalfadhi ay shaqeeynayeen, isagoona intaa ku daray in Dowladda Talyaaniga ay garab istaageyso halganka dalka looga xorreynaayo Khawaariijta.

Gunnaanadka kulanka labada guddoomiye ee labada baarlamaan ayaa looga hadlay arrimaha amniga, xiriirka soo-jireenka ah ee labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac, waxaana Guddoomiyaha kulanka ku weheliyay xildhibaanno iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka. Sidoo kale Guddoomiye Sheekh ayaa dhigiisa dalkaasi ku casuumay inuu Soomaliya yimaado si uu u arko horumarka dalka ka jira iyo shaqooyinka Baarlamaanka wuuna ka aqbalay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...