Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay dhigiisa dalka Talyaaniga

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Roma kulan kula qaatay dhigiisa Talyaaniga Mudane Lorenzo Fonta.

Kulanka labada Guddoomiye ayaa looga hadlay sidii loo sii amba qaadi lahaa xiriirka iyo wada shaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyo in la dhiso guddi saaxibtinimo ee labada Baarlamaan. Sidoo kale waxeey ka wada hadleen xojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood.

Mudane Lorenzo Fonta oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Talyaaniga ayaa Guddoomiye Sheekh Aadan ku boggaadiyay shaqada adag ay Golaha Shacabka qabteen saddexda kalfadhi ay shaqeeynayeen, isagoona intaa ku daray in Dowladda Talyaaniga ay garab istaageyso halganka dalka looga xorreynaayo Khawaariijta.

Gunnaanadka kulanka labada guddoomiye ee labada baarlamaan ayaa looga hadlay arrimaha amniga, xiriirka soo-jireenka ah ee labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac, waxaana Guddoomiyaha kulanka ku weheliyay xildhibaanno iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka. Sidoo kale Guddoomiye Sheekh ayaa dhigiisa dalkaasi ku casuumay inuu Soomaliya yimaado si uu u arko horumarka dalka ka jira iyo shaqooyinka Baarlamaanka wuuna ka aqbalay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...