Isra’iil oo ku dhawaaqday go’doominta Marinka Qasa

Date:

Isra’iil ayaa ku dhawaaqday inay gebi ahaanba go’doominayso Marinka Qasa, taasoo la micno ah inay ka jarayso cunnada, biyaha, korontada iyo dhamaanba adeegyada lagama maarmaanka u ah noolasha.

Magaalada Qasa oo ay ku nool yahiin ku dhawaad Laba Milyan oo ruux ayaa waxaa maamula kooxda Xamas oo hadda dagaal kula jirta Isra’iil.

Dhimashada labada dhinac ayaa sii kordheysa, iyada oo weli ay dagaallada ka sii socdaan halkaas.

Saraakiisha caafimaadka ee Falastiiniyiinta ayaa sheegay in dhowr iyo toban Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan Haween iyo Carruur, lagu dilay duqeyn ay Isra’iil ay shalay galinkii danbe ka geysteen xerada Jabaliya

Saraakiisha caafimaadka ayaa intaas ku daray in dad ka badan 500 oo qof ay ku dhinteen dagaalladaii ugu dambeeyey, halka 120,000 oo qofna ay guryahooda ka carareen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...