Home Blog Page 398

Ciidamadda Dowladda oo soo qabtay Horjoogayaal katirsan Khawaariijta (SAWIRO)

Horjooge Xussen Daahir maalin” dhageey” oo kooxda Khawaariijta ah ee al shabaab uga biiray Degmada jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan islamarkaana hogaaminayay dhowr weerar kooxdu ku qaaday qaybo ka mid ah Gobolka Galgaduud ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga ee ku sugan Degmada Ceeldheer.

Sidoo kale Horjooge calas Ibrahim Axmed barre oo Khawaarijta uga biiray Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa ciidanku ka soo qabtay Ceeldheer xili uu doonayay in uu dhibaateeyo Dadka rayidka ah.

Dhagar qabahaan waxaa soo qabtay Kumaandooska Gorgor dib markii xogtiisa la halay.

 

Wasiirka Arrimaha dibadda XFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Canada.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaaliya , Abshir Jaamac Huruuse ayaa maanta nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee ay dowladda Canada u soo magacowday Soomaaliya , Christopher Thornley.

Wasiir Huruuse ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Canada uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer oo ku salaeysan iskaashi iyo saaxiibtinimo, wuxuuna intaa ku daray in Canada ay ku nool yihiin Soomaali badan oo saamayn ballaaran ku leh labada dal.

“Waddamada Soomaaliya iyo Canada waxaa ka dhexeeya xiriir dheer oo iskaashi iyo saaxiibtinimo, waxaana ku nool waddanka Canada jaaliyad Soomaaliyeed oo aad u ballaaran saamayn badanna ku leh labada waddan”.

Wasiir Huruuse ayaa sheegay in dawladda Canada oo Danjire u soo dirsata dalkeenna ay sii adkaynaysaa xiriirka dhinacyada badan leh ee ka dhexeeya labada dal.

Trump oo u duulaya New York si maxkamad loo soo taago

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa “isku diyaarinaya dagaal dhinaca sharciga ah” xilli la filayo in maalinta Talaadada ah uu dhageysiga kiiskiisa ka bilowdo maxkamadda, sida uu sheegay qareenkiisa.

Guddoomiye Madaale oo uu wehliyo Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xooga oo kormeer ku sameeyay qeybta Saalada Isbitaalka Xooga dalka Soomaaliyeed

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu weliyo Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cabaas Amiin Cali iyo Guddiga Bangiyada Soomaaliyeed, ayaa kormeer ku sameeyay qeybta Saalada Isbitaalka Xooga dalka Soomaaliyeed oo dib-u-dhis lagu sameeyay taasi oo ay maalgeliyeen Guddiga Bankiyada Soomaaliyeed.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Midowga Isgaarsiinta Adduunka  oo qabtay Aqoon-isweydaarsi lagu diyaarinayo Istaraatijiyadda IPv6

0

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU) ayaa si wadajir ah u soo qaban-qaabiyey aqoon-isweydaarsi lagu sameynayo Istaraatijiyadda Baratakoolka Internet-ka Nooca Lixaad (Internet Protocol Version 6) ee Soomaaliya.

[DAAWO] Kulan looga hadlayay amniga iyo howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta oo lagu qabtay deegaanka Janaale gobolka Sh/Hoose

0

Kulankani oo shir guddoomiyey taliyaha guutada 14=October  ee ciidanka xoogga dalka Gashanle dhexe Nuur Maxamed Gaabow (Nuur farey) oo ay wehliyaan taliyayaasha ururada afar iyo tobanka oktober,sarakiisha degamada Janaale ayaa looga hadlayay amniga degaanka iyo howlgalka ka dhanka ah khawaarijta oo ay ciidamada  xoogga dalka kawadaan degaannada ka tirsan shabeellaha Hoose.

Soomaliland oo soo dhowaysay magacaabista ergeyga wada hadalada DF iyo Soomaliland

0

Madaxweynaha Soomaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u  horreysay ka hadlay magacaabista Cabdikariin Xuseen Guuleed oo uu maalin ka hor madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay ergeyga gaarka ah ee arrimaha Somaliland.

Raila Odinga oo war ka soo saaray dibad baxyo ballaaran oo la filayay inay beri ka dhacaan Kenya

Hoggaamiyaha mucaaradka ee dalka Kenya, Raila Odinga, ayaa goor dhawayd shir jaraa’id oo uu magaalada caasimadda ee Nairobi uu ku qabtay ku sheegay in uu hakiyay dabad baxyo ballaaran oo la filayay inay beri ka dhacaan dalka Kenya.

Guddoomiye Sheikh Aadan Madoobe oo la kulmay danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya

0

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Mudane Ahmed Jumah Alromaith.

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka oo Gargaar u qeybisay 500 oo qoysas ku nool Degmada Ceeldheer iyo tuulooyinka hoos taga

0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa maanta Gargaar u qeybisay dad kabadan 500 oo qoysas oo ku nool Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud iyo tuulooyinka hoos taga oo howlgalada dib u xoreynta laga saaray Al-shabaab.