Home Blog Page 398

Midowga Yurub oo ka laabtay hakinta gargaarkii uu siin jiray Falastiiniyiinta

Guddiga sare ee Yurub ayaa dhawaan ku dhawaaqay inaay joojinayaan gargaarka ay siiyaan Falastiiniyiinta, ka dib weerarkii dhaqdhaqaaqa Xamaas uu ku qaaday Israa’iil.

Midowga Yurub ayaa galinkii danbe isniintii shalay ka laabtay hadal ka soo baxay Midowga Yurub oo ku saabsanaa in Ururka uu si degdeg ah u hakin doono kaalmada uu siiyo maamulka Falastiiniyiinta, isagoo taa beddelkeeda sheegay inay dib u eegis ku samayn doonaan gargaarka la siiyo Falastiiniyiinta, ka dib weerarradii ay Xamaas ku qaadeen Israa’iil.

Xaflad lagu abaalmarinayay tartamayaashii kaalimaha hore ka galay tartan cilmiyeedkii Ramadaanka oo Muqdisho ka dhacday

0

Waxaa xalay magaalada Muqdisho ka dhacday xaflad weyn oo lagu abaalmariyey tartamayaasha degmooyinkii kaalimaha hore ka galay tartan cilmiyeedkii bishii Ramadaan ay qabatay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirrada warfaafinta iyo wasiirka arrimaha gudaha ee XFS, wasiirrada waxbashada dowladda federaalka iyo Galmudug, guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, xubno ka tirsan BFS, maamulka Bangiga IBS, masuuliyiinta warbaahinta qaranka iyo marti sharaf badan ayaa ka soo qeyb galay xafladaan lagu soo gunaanaday tartan aqooneedkii bisha Ramadaan.

Degmooyinka Dhuusamareeb, Gaalkacyo iyo Hodan oo kala galay seddaxda kaalimood ee ugu horeysa tartanka ayaa caawa xafladaan lagu guddoonsiiyey koobka, waxaana dadaalkooda ugu hambalyeeyey masuuliyiintii ka soo qeyb gashay munaasabadda.

In ka badan 700 oo ruux oo ku dhintay duqeymaha Israa’iil ee ka socda Qaza

In ka badan 700 oo ruux oo rayid ah oo ay ku jiraan 140-caruur ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen  duqeymaha Israa’iil,kadib kolkii ay go’doomiyeen deegaanka Gaza oo dadka ku nool ay u baahan yihiin  cunto iyo shiidaal.

Wasiirka Caafimaadka Falastiin ayaa dalbaday in la la sameeyo waddo nabdoon oo soo gasha Gaza si gargaarka caafimaad loo soo gaarsiiyo cisbitaalada halkaasi oo ay buux dhaafiyeen tiro dad ah oo aad u fara badan.

Kooxda Xamas ayaa sheegtay in ay dili doonto dadka Israeli ee ay heystaan,haddii aysan joojin weerarada iyo duqeynaha ay ku hayaan dadka rayidka ah.

“Waa dambi dagaal marka loo eego qawaaniinta Qaramada Midoobay in dad rayid ah la go’doomiyo si ay ugu dhintaan gaajo” sarkaal u hadlay Falastiin ayaa yiri.

Dagaalka u dhaxeeyay Israa’iil iyo Falastiin ayaa bilowday maalinimadii Sabtida ee la soo dhaaafay, waxaanna tirade dhimashada Israa;iil ay mareysaa 900 oo qof,iyadoo colaadaha cusub ay dabajoogaan ciidanka Yuhuudda oo sanadihii u dambeeyay  geystay falal xasuuq ah oo ka dhan ah dadka Falastiin iyo in ay mamnuucaan ama xoog ku galaan goobaha barakeysan sida Masjidka Al-Aqsa.

 

Hawlgallo lagu beegsanayo Khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Jubbada Dhexe

0

Howlgallo lagu naafeeyey Khawaarijta oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa saaka laga fuliyey degmooyinka Bu’aale, Jilib iyo Saakow oo hoos yimaada Gobolka Jubbada Dhexe.

Hawlgalkan oo ahaa Duqeymo dhanka cirka ah ah ayaaa lala beegsaday Xarumo ay horjoogeyaasha iyo Maleeyshiyaadka Khawaarijtu kaga sugnaayeen Gobolka Jubbada Dhexe.

Dowladda Soomaliya ayaa maalmihii u dambeeyey xoojisay hawlgalada lagu beegsanayo goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan kooxda Khawaarijtu.

Howlgal lagu dilay 20-katirsan khawaarijta oo ka dhacay degaanka Shabeelloow ee koofurta gobalka Mudug

0

Hawlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa xalay laga fuliyay deegaanka Shabeelloow ee koofurta gobalka Mudug.

Hawlgalka waxaa lagu beegsaday Maleeshiyaad Khawaarij ah oo ku dhuumanaya hawdka deegaankaas, waxaana uu ku soo dhamaaday guul.

Hadafka koowaad ee hawlgalka ayaa ahaa burburinta gawaari wadday maleeshiyaad iyo Saanad dagaal oo isugu jiray Hub, Cunto, Daawo iyo Waxyaabaha Qarxa.

Si dhamaystiran ayaa loo burburiyay gaadiidkaas waxaana goobta ku halaagsamay maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa oo gaaraya ilaa iyo 20 dhagarqabe.

Sidoo kale waxaa la gubay dhammaan agabkii Khawaarijta ee saarnaa gaadiidkaas.

Shabeelloow oo Maalmo ka hor Khawaarijta loogu gaystay jab aad u xooggan ayaa ah goob ay isku dayayaan in ay gabaad ka dhigtaan maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee ku harsan Koofurta gobalka Mudug, waxaana ku hareeraysan Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha dadka Deegaanka kuwaas oo horay Khawaarijta uga sifeeyay inta badan Gobalka Mudug

Muqdisho-Somalia

Kulan looga hadlayay dardar dagaalka Khawaarijta oo lagu qabtay Baydhabo

0

Taliyaha Booliska maamul goboleedka  Koonfur Galbeed  G/ Sare Cabdi Ibraahim Shaamow ayaa shir gudoomiyay kulanka dar-dargelinta amniga Koofur Galbeed oo lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Waxaa shirka  kasoo qeyb galey saraakiisha Gobalka Baay  iyo Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Qeybta 60-aad iyo  Taliyaha Qeybta Gobalka Baay kan Dagmada Baydhabo iyo hogaanka Baarista ee CID .

Intii uu kulankan socday waxaa looga hadlay dardar galinta Wajiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabaab  ee deegaanada Koofur Galbeed iyo in Ciidamada Booliska ay ka qeyb qaataan dagaalka Maleeshiyaadka Shabaab loogu xoreynayo Goballada Baay, Bokool iyo Gobalka Shabeelaha Hoose waxaana Taliyaha Booliska Koonfur Galbeed uu faray saraakiisha iyo askarta in ay heegan buuxa galaan.

Muqdisho-Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar shaqo ugu ambabaxay Eretria

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya oo ay tababar gaar ah ku qaadanayaan qaar ka mid ah qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida. Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga Gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya ahmiyada ay leedahay hirgalinta qorshaha muddo kooban dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Abdi Kaariye u xil saaray dardargelinta iyo hagida halganka Khawaarijta looga ciribtirayo deegaannada Galmudug, Madaxweynaha ayaa safarka kaddib halkiisa ka sii waddi doono hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Madaxweyne Laftagareen oo sheegay in dhawaan billaaban doono wajiga labaad ee dagaalka Khawaarijta

0

Madaxweynaha dowladda gobolleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ka qeybgalayay kulan wadatashi ah oo looga hadlayay dar-dargalinta howlgallada ka dhanka ah khawaarijta ayaa sheegay in gabagaba uu marayo wajigii koowaad ee dagaalka khawaarijta dhawaana deegaannada koonfur Galbeed iyo jubbaland uu ku billaaban doonno howlgalka wajigiisa 2-Aaad.

Madaxweyne Laftagareen” Wajiga koobaad gabagabuu marayaa, waxaana bilaaban doono sida qorshaha iyo balantu aheyd wajiga labaad oo ka bilaabanayo Koonfur Galbeed iyo Jubbaland”.

Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku dheeraaday sida waajibka ugu tahay dhammaan shacabka degaannada Koonfur Galbeed ka qey qaadashada dagaalka degaannada maamulkaas looga xoreynayo khawaarijta,isagoo sarakiisha iyo dhammaan ciidanka faray in ay u diyaar garowaan wajiga 2-aad howlgalka laga billaabay Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Laftagareen ayaa dhanka kale ku bogaadiyay ciidamada Xoogga dalka guulaha waweyn ay kasoo hooyeen howlgallada dalka looga xoreynayo khwaarijta, islamarkaan dhibaato mudda dheer ku hayay shacabka Soomaaliyeed.

Kulankaan oo ka qabsoomay magaalada Baydhabo waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Qalab sida xubno ka socoday maamulka koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabiley Hoggaamiyaha Maamulka KMG SSC.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha KMG ah ee SSC Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye)

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhageystay Hoggaamiye Firdhiye warbixin ku saabsan xaaladda bulsho iyo nololeed ee ka jirta deegaanada SSC.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo in wixii khilaafa ee jira lagu xalliyo wada-hadal.

wasiirka amniga xfs iyo taliyaha boliiska soomaaliyeed oo la kulmey safiirka safaaradda qatar

0

WASIIRKA AMNIGA XFS IYO TALIYAHA BOLIISKA SOOMAALIYEED OO LA KULMAY SAFIIRKA SAFAARADDA QATAR EE SOOMAALIYA.

Wasiirka Wasaaradda Amniga XFS, Maxamed Axmed Shiikh Cali (Doodishe) iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa la kulmay Safiirka Safaarada Dowlada Qatar u fadhiya magaalada Muqdisho.

Safiirka Qatar ee Muqdisho Dr. Cabdulahi Saalim Al-naciimi, ayaa waftiga ku soo dhaweeyay Safaradda, waxaa laga wada hadlay sidii loo adkeyn lahaa xariirka labada Boolis ee Qatar iyo Soomaaliya, masuuliyiinta ayaa ku balamay in la iska gacansiiyo la dagaalanka dembiyada abaabulan iyo Argagixisada.