Madaxweynaha Galmudug iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Bacaadweyne

Date:

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor-Qoor ayna wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulkaadir Maxamed Nuur, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta JFS Cabdiraxmaan Alcadaala iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda iyo Galmudug ayaa soo gaaray Magaalada Bacadweyne ee koonfurta Gobolka mudug halkaas oo ka mid ahayd Deegaanadii laga xoreeyay khawaarijta

Wafdiga ayaa waxa Bacadweyne ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka mudug, Mamaulka Bacadweyne, Guddiga Difaaca iyo dibu xoreynta Koonfurta Mudug, Lataliyaha Madaxweynaha Qaranka Sakariye Xasan Gaashaan, Saraakiisha Ciidamada iyo shacabka Bacadweyne

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa iminka kulan la qaadanaya Masuuliyiintii gobolka,kuwa deegaanka,Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...