Home Blog Page 389

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Maareeyaha hay’adda aqoonsiga iyo diiwaan gelinta Qaranka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa xarunta gobolka Banaadir kulan kula qaatay Maareeyahaya Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Mudane Cabdiweli Timacade.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd is-xogwareysi iyo u diyaar garawga Shirwaynaha iyo daah-furka Kaarka Aqoonsiga oo16-ka bishan September ka qabsoomaya magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqaynta Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Iyo Gobolka Banaadir.

Ciidanka xoogga oo howlgal ku dilay horjooge ka tirsanaa khawaarijta

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan saaka aroortii ku dilay madaxii maaliyadda Khawaarijta ee Gobalka Baay Aadan gardhuub iyo Maleyshiyaad uu watay.

Howlgalka oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ururka 46-aad, guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee Ciidanka xoogga dalka Xiddigle, Xasan Aadan Maxamed ayaa laga fuliyey degaanada kala ah Adeegow Garaar ,Warta Dollar , Weeley Bagal iyo Eey-Duuraay ee Gobalka Baay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daahfuray Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daahfuray Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya oo ay hirgelintiisa Dowladda Soomaaliya ka taageereyso Dowladda Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hadal ka jeediyey xafladda daahfurka ayaa sheegay in hirgelinta Sanduuqa TPSS uu marag u yahay ahmiyadda ay Xukuummada #DanQaran siineyso soo-celinta addeegyada dowladnimo ee muddada dheer ka maqnaa dalka, si loo gaaro nabad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Sanduuqa TPSS ku tilmaamay hindise togan oo looga golleeyahay in uu qaabeeyo mustaqbalka Qaranka, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda Talyaaniga kaalinta ay ka geysatey taabbagelinta Sanduuqa TPSS.  Wuxuuna beesha caalamka ku guubaabiyey in ay si weyn uga soo dhalaalaan sidii  hindisahani u noqon lahaa mid miro dhala.

Danjiraha Talyaaniga u jooga Soomaaliya, Alberto Vecchi oo munaasibadda hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday sida ay Talyaaniga uga go’an tahay taageeridda nabadda iyo xasilloonda Soomaaliya, taas oo uu sheegay in ay fure u tahay horumar iyo barwaaqo dalku gaaro.

Danjire Vecchi ayaa sidoo kale ballanqaaday in Talyaanigu sii wadi doono taabbagelinta Sanduuqa TPSS, si loo xaqiijiyo in dowladdu adeeg dhinacyo badan leh u fidiso dadweynaha Soomaaliyeed.

Munaasibadda daahfurka Sanduuqa TPSS oo lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socdey Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga, Diblomaasiyiin, qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobey iyo ururrada ka shaqeeya dhanka horumarinta.

Barnaamijkan ayaa looga golleeyahay in lagu dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida dalka, islamarkaana lagu xoojiyo taadeegyada ay bixiyaan hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Warafaafinta: Dalxiiska wuxuu qayb ka qaadan karaa dib u heshiisiinta iyo is-dhex galka bulshada

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, mudane Daauud Aweys Jaamac ayaa furay munaasibadda maalinta Qaran ee Dalxiiska.

Wasiir Aweys ayaa sheegay in dalxiiskii dalka uu ku yimid burbur soddonkii sano ee lasoo dhaafay, balse ay muuqdaan ifafaallooyin aad u qurux badan, maaddaama ay ka wada socdaan dib u dhis xooggan iyo dib u xorayn.

Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in ay dowladdu dhowaan samaysay daraasad ku aaddan sidii dib loogu soo noolayn lahaa dalxiiskii dalka.

Dalxiiska ayuu sheegay in uu qayb ka qaadan karo dhaqaalaha dalka, horumarinta shaqa abuurka, dib u heshiisiinta iyo is-dhex galka bulshadeenna.

Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya ay leedahay kheyraad fara badan oo dhinaca dalxiiska ku wanaagsan, dhammaan gobollada dalkuna ay leeyihiin goobo u diyaarsan dalxiiska una baahan oo keliya maalgashi in lagu sameeyo.

Wasiir Aweys ayaa u bogaadiayay una mahad celiyay shirkadaha maxalliga ah ee u istaagay soo noolaynta dalxiiska dalka, kuwaas oo daboolay inta badan shaqadii looga baahnaa hay’adaha dowladda.

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya iyo hay’adaha waddaniga ah ee ka shaqeeya dalxiiska ayaa isu diyaarinaya xuska 13-ka Septembar oo ah maalinta dalxiiska Soomaaliya.

 

Duqa Muqdisho oo qaabbilay Safiirka Talyaaniga u joogo Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay safiirka jamguuriyada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alberto Vecchi, iyada oo kulankan ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka Gobolka Banaadir iyo taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa looga hadlay arrima ay kamid yihiin xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac, dardargalinta mashaariicda ay dowladda talyaaniga uga qeyb qaadaneyso horumarinta Caasimadda gaar ahaan dib udhiska kaabayaasha dhaqaalaha.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale iyo Safiirka Talyaaniga Mr. Alberto Vecchi ayaa kormeer socod ah ku tagay dhismaha taalada darjiinka arbaca Rukun iyo xarunta Kaasa Itaaliya ee degmada Xamar Weyne oo dhawaan ay soo codsatay Safaarada Dowladda Talyaaniga oo milkiyada dhulkaasi iyagu lahaa.

Duqa Muqdisho oo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya ku wareejiyay dhismaha Casa Italia

0

Safiirka jamhuuriyadda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alberto Vecchi ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uga mahadceliyay sida uu uga jawaabay codsigoodii ahaa in loo banneeyo dhismaha Casa Italia ee degmada Xamar Weyne

Safiirka ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan guddoomiyaha gobolka Banaadir ugu mahad celiyay soo celinta dhismaha Casa Italia, wuxuuna sheegay in tani ay ka tarjumayso sare u qaadidda xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada dal.

Dhulka uu ku yaallo dhismaha Casa Italia ayaa tan iyo burburkii wuxuu gacanta ugu jiray muwaaddiniin Soomaaliyeed, halkaas oo ay ku yaalleen goobo ganacsi oo kala duwan.

 

Wasiir Al-Caddaala: 48-dii Saac ee lasoo dhaafay 17 howlgal ayaa Galmudug ka dhacay waxaana ku dhintay in ka badan 120 khawaarij ah

0

Wasiirro iyo Xildhibaanno katirsan labada gole ee dowladda Federaalka iyo Galmudug ayaa jiidda hore kula hadlay ciidamada xoogga dalka iyo xoogagga difaaca Shacabka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Caddaala oo furimaha dagaalka kula hadlay Ciidanka ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin dhammaan mas’uuliyiinta,saraakiisha,  ganacsatada , siyaasiyiinta kasoo jeedda deegaanka.

Wasiir Al-Caddaala ayaa kula dardaarmay Ciidanka in aysan hilmaamin hadafkii ay guryahooda ugu soo tageen iyo waxa ay u dagaallamayaan, wuxuuna ku boorriyay in aysan soo noqon illaamaa ay ka xaqiijiyaan wixii ay usoo baxeen.

Wuxuu sheegay Wasiirku in 48-dii saac ee lasoo dhaafay ay 17 howlgal oo lagu baacsanaya khawaarijtu ay ka dhaceen Galmudug, kana dhimatay in ka badan 120 xubnood, kuwaas oo ay ku jiraan horjoogayaal.

Senetor, Cabdi Axmed Dhuxulow “Dheg-dheer”  oo ka mid ah Xildhibaannada ku sugan furimaha dagaalka ayaa ku boorriyay Ciidanka xoogga iyo kuwa dib u xoreynta in ay deegaannadooda ku celiyaan dadkii ay soo bara kiciyeen khawaarijta ee bannaanada ku dhibaataysan.

 

Xil Cabdi Maalik oo Jaaliyadda reer Hiiraan ee London ku boorriyay in loo midoobo dagaalka Khawaarijta

0

Xildhibaan Cabdi Maalik Cabdalla oo ka tirsan golaha shacabka ayaa kulan looga hadlayay  dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Shirkii ka dhacay magaalada Maxaas looga hadlay dardar gelinta dagaalka lagu sifeynayo khawaarijta, isagoo xusay in dadka reer Hiiraan ay sii wadi doonaan dagaalka argagixisada lagula jiro, wuxuuna ugu baaqay Jaaliyadda reer London in ay doorkooda ka qaataan.

Xildhibaan Cabdi Maalik ayaa Jaaliyadda u sheegay in haddii uu dagaalku fashilmo ay khawaarijtu saari doonto cadaadiska ugu badan maaddaama dagaalka lagula jiro ay iyagu hormuud u yihiin, sidaas daraadeedna aan loo kala harin cirib tirka argagixisada.

“Dagaalkan aan u midowno, sababtoo ah dagaalku hadduu fashilmo dadka reer Hiiraan waxaa loo dhigi doonaa cashar aysan weligood illaawin, Soomaalida kalana lagu tusayo haddii aad nala dagaashaan ama aad na ceebeysaan inaadan jirayn”

Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada London ee dalka Ingiriiska , Cabdul qaadir Axmed kheyr, ayaa Jaaliyadda ku boorriyay in ay garab istaagaan Xildhibaan Cabdi Maalik oo ah nin har iyo habeen u taagnaa la dagaallanka khawaarijta, halgankana kaalin libaax ka qaatay.

 

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo Afar sano kadib safarkii ugu horreeyay ku tagaya Ruushka

Wakaaladda wararka Ruushka ayaa maanta oo Talaada ah sheegtay in tareenkii siday hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, uu gaaray dalka Ruushka, halkaas oo lagu wado in uu kula kulmo madaxweyne Vladimir Putin.

Wakaaladda oo soo xiganaysa mid ka mid ah wariyayaasheeda ku sugan Bariga Ruushka, ayaa sheegtay in halkaasi uu gaaray tareenkii uu la socday hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Sidokale, Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu yiri: “Wasaaradda Difaaca Qaranka waxay ogaatay in hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un uu galay gudaha Ruushka subaxnimadii hore ee saakay isagoo isticmaalaya tareen gaar ah”.

Safarka Kim Jong, uu ku tagay Ruushka, ayaa noqonaya safarkii ugu horreeyay ee uu muddo Afar sano ah ku tago meel ka baxsan dalkiisa.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir oo sheegay in ay u baahanyahiin caddeymo dheeraad ah si cadaaladda loo gaaro

Maxkamadda gobolka Banaadir oo maalmahii lasoo dhaafay ku mashquulsaneed dhageysiga dacwada loo haysto muwaadiniin uu xafiiska xeer ilaaliyada Qaranka kusoo eedeeyay howllo Musuq-maasuq iyo wax isdaba marin, ayaa sheegtay si loo helo Caddaalad loo baahanyahay caddeymo deeri ah oo ku saabsan kiisaska muwaadiniintan la soo eedeeyay.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir, mudane Saalax Cali Maxamuud (Dabaan), oo sidokale ah Garsooraha guddiga dacwadda Musuq-maasuqa, ayaa fadhigii Maxmada ka sheegay in maxkamadda ay u baahatay caddeymo dheeraad ah si cadaaladda loo gaaro.