Home Blog Page 389

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa shirka Rotterdam Convention ee Geneva

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya Dr. Aadan Ibraahim Aw Xirsi iyo wefti khubaro ah oo uu hoggaaminayo ayaa gaarey Magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Wasiirka iyo weftigiisa ayaa ka qayb-geli doona Shirar caalami ah oo khuseeya kiimikooyinka iyo sunta kala duwan ee saamaynta ku yeelata caafimaadka aadamiga iyo deegaanka.

Shirarka ay Wasiirka iyo weftigiisu ka qayb-geli doonaan ayaa waxaa ugu horreeya Shirweynaha Sixiixayaasha 11aad ee Axdiga Rotterdam (RC COP 11.) oo berri magaalada Geneva ka furmi doona.

Axdiga Rotterdan (Rotterdam Convention) oo ku qotoma Hannaanka Afeef iyo Oggolaansho ee maareeya ka ganacsiga caalamiga ah ee kiimikooyinka halista leh iyo sunta cayayaanka ayaa ah mid kordhiya hufnaanta mas’uuliyad wadareedka ku gedaaman oggolaanshaha dalalka wax loo iib-geeyo iyo shuruucda caalamiga ah ee xakamaysa waddanada iyagu kiimikadaa soo saara iyo shrkadaha ka ganacsada.

Axdigan ayaa Soomaaliya iyo dalalka la shalalka ah siiya awood sharci oo ay go’aan uga gaari karaan kiimikooyinka ay rabaan in loo waarido iyo kuwa ay diiddan yihiin oo aysan inta badan si bed qabta u maarayn karin.

Muqdisho-Somalia

 

 

Wasiirka Caafimaadka XFS oo agab caafimaad ku wareejiyay dowlad goboleedyada

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa maanta Xarumaha Caafimaadka ee guurguura oo loogu talagalay in wax loogu qabto Hooyada iyo Dhallaanka ku wareejiyey Qaar ka mid ah Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Munaasabdda lagu wareejinayey Gawaaridan u samaysan isla markaana u qalabaysan sida Xarumaha Caafimaad waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirada Caafimaadka Maamulada Jubbaland ,Koonfurgalbeed, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir, Madax ka socotey Hay’adda UNFPA iyo marti Sharaf.

Gawaaridan loogu talagaley hanaanka cusub ee Caafimaadka guurguura oo gaaraya ilaa Shan (5) Gaari ayaa waxbadan ka geysan doona yareytna xaaladaha dhimasho ee  dhaca xilliga dhalmada ee Hooyada iyo waliba wax kaqabashada xilliyada ay dhacaan tacadiyada iyo kufsiyadda ka dhanka ah Haweenka Soomaaliyeed taasoo lagula tacaali doono dhibaatadda soo gaarta.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Dr Ali Haji Aden ayaa sheegey in Gawaaridan qalabaysan ay wax wayn ka tari doonaan Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka gaar ahaan goobaha lagaynayo sida magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Doolow Beladwayne iyo Gobolka Banaadir.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka ee Dowladda.

Muqdisho-Somalia

 

 

Xuska 1-da May ee maalinta Shaqaalaha Dunida

Shucuuubta dalalka dunida ee ku mideysan hey’adda Qaramada Midoobay ayaa maantta u dabbaaldegaya munaasabadda 1-da May oo ku beegan xuska sanadguurada 104-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii ururka caalamiga ah ee shaqaalaha dunida ILO (International labour Organisation) .

 

1-da May waa maalin weyn oo caalamka oo dhan ay u dabbaaldegaan maalinta shaqaalaha dunida oo ah maalin si gaar ah u xambaarsan aasaaskii  ururada xoogsatada,tacadiyadii lala beegsaday iyo halgankii ay u soo galeen xoriyad dhameystiran oo lagu wadaago shaqada.

 

1919-kii, dalal ka mid ah Galbeedka oo ku jiray Jimciyaddii qarumaha ka dhaxeysay,ayaa ku dhawaaqay dhismaha urur shaqaale oo u howlgala danta xoogsatada,isla markaa ka qeybqaata dejinta xeerarka iyo siyaasadda lagu kala hago shaqaalaha iyo milkilayaasha warshadaha iyo beeraha.

 

Iyadoo la eegayo muhiimadda xoogsatada iyo kororka dalalka ka xoroobay gumeysiga ee qaatay dowladnimada, dagaalkii labaad ee dunida ka dib, Ururka Shaqaalaha Dunida ee ILO waxa ay soo saareen in lagu dhaqmo qodobo aasaas u ah dhismaha ururkaasi,waxaana ka mid ahaa:-

 

1-in si wadajir ah looga hortago shaqada khasabka ah , ku-shaqaynta carruurta, takoorka xagga shaqada iyo shaqaalaha a.

 

2- kor u  qaadidda horumarka caddaaladda bulshada, iyada oo loo marayo nidaamka heerarka caalamiga ah ee shaqada.

 

3-xaqiijinta iyo dhowrista xaaladaha xorriyadda shaqaalaha, sinnaanta, amniga iyo sharafta shaqaalaha iyo in la heli karo shaqo wax soo saar leh oo waarta.

 

4-Hirgalinta qaab-dhismeed saddex geesood ah oo ka kooban wakiillada dawladaha, loo shaqeeyaha, iyo shaqaalaha.

 

5-in sanad kasta xarunta shaqaalaha Gineva ee dalka Austria lagu qabto shir weyne caalami ah oo looga hadlo danaha shaqada iyo shaqaalaha.

 

Haddaba, Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay dalalka caalamka ee maanta u dabbaaldegaya xuska sanadguurada 103-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii ururka shaqaalaha dunida,iyo muunaasabadda 68-aad ee aasaaska ururka shaqaalaha Soomaaliya.

 

waxaa xaqiiqo ah in shaqaalaha ay yihiin kuwo qayb ka ah maamulka dowladnimo ee ka dhisan dalka,marka loo eego kaalinta ay ka qaataan kobcinta dhaqaalaha iyo guud ahaan horumarka dadka iyo dalka  .

 

Ujeedku  waa in maamulka Ururka Shaqaalaha uu noqdo mid u shaqeeya si caddaalad ah oo wax ka qaban kara xaaladaha kala duwan ee la soo dersa shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ah ee hoostaga shirkadaha ,hey’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah .

 

Maanta waxaa muuqata in Shaqaalaha ay yihiin kuwo door ama kaalin firfircoon ku yeelan kara geedi socodka loogu jiro gaaritaanka horumar wanaagsan oo ifitiimiya mustaqbalka dadka iyo dalka.

 

Gabagabadii ,waxaan halkaan hambalyo uga direynaa shaqaalaha dunida,gaar ahaan shaqaalaha Soomaaliya,waxaana u rajeyneynaa guul iyo horumar.

 

Muqdisho-Somalia

 

 

Horjoogayal khawaarij ah oo Carruurtooda kala baxsanaya goobaha kooxdu joogto

Tan iyo markii dagaalka ka dhanka ah Kooxda Khawaarijta Al-shabaab uu ka billawday dalka, waxaa sii kordhayay cabsida iyo argagaxa ka jira goobaha ka taliso Maleeshiyadka khawaarijta.

Warbaahinta Qaranka ayaa waxaa ay heshay magacyada horjoogayaasha caruurtooda kala baxay deegaanada ay dalka ka joogaa khawaarijta, iyaga oo geeyay deegaannada iyo Dowlad Goboleedyada kale.

Waa kuwan magacyada qaar kamid ah Horjoogeyaasha carruurtooda la baxsaday

  1. horjooge Axmed Diiriye oo ah horjoogaha ugu sareeya kooxda khawaarijta,kaas oo markii hore ba carruurtiisa aanay ku noolayn deegaanada ay khawaarijtu ku dhuumalaysato.

2.horjooge Xasan Afgooye oo kasoo jeeda degmada Afmadow ayaa isaguna carruurtiisa kala cararay deegaanka Kuunyo Barow isagoo la aaday deegaano ka tirsan Koonfur-galbeed.

3.horjooge Abu-muslim oo kasoo jeeda degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay ayaa isaguna la xaqiijiyey in Carruurtiisa oo hore ugu kala nool degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe iyo degaanka Kuunya-barow ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa isaguna la xaqiijiyey inuu carruurtiisa ula cararay magaalooyinka Nabdoon ee aanay khawaarijta ka joogin deeganada Koonfur-galbeed.

4.horjoogayaasha kala ah Maxamed Mire iyo Buli oo kasoo kala jeefa degmada Eyl ee gobolka Bari iyo degmada Boosaaso ayaa iyagana la xaqiijiyey in ay carruurtooda ula kala baxsadeen magaalooyin aanay khawaarinta ku sugnan oo ka kala tirsan dowlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland.

Dagaalka ka dhanka Kooxda Khawaarijta ayaa galay wajigii labaad, waxaana iska garabsanaya Ciidamada Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Muqdisho-Somalia

Safaaradda Soomaliya ee dalka Sudan oo xaqiijisay tirada Soomaalida ee kasoo samata baxday colaada Sudan

Safiir kuxigeenka safaaradda Soomaliya ee dalka Sudan Amb Axmed Cabdi Xasan oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in muwaadiniin Soomaaliyeed oo tiradooda gaarayso 1,500 oo qof ku bara baxeen dagaalada ka socda Dalka Sudan,safiirka ayaa sheegay in dadkan isugu jiraan Arday iyo dad kale oo siyaabo kala duwan ugu noolaa dalka Sudan.

Safiir kuxigeenka ayaa sidoo kale sheegay in safaaraddaha Soomaliya ee dalalka Sudan, Ethiopia iyo Wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaliya iska kaashadeen gurmad u fidinta dadka Soomaaliyeed ee waxyeeladu kasoo gaartay dagaalka ka qarxay dalka Sudan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal weyn ugu jirta sidii loo soo samatabixin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibaatada kasoo gaartay dagaalka ka socda dalka Sudan,dadka Soomaaliyeed  ee ku bara baxay dagaalada Sudan ayaa u kala baxay dalalka South Sudan iyo Ethiopia.

Muqdisho-Somalia

Wasiirka Maaliyadda oo shir uga qeyb galay dalka Morocco

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan dalka Morocco ayaa ka qaybgalay furitaanka shirka sanadlaha ah ee hay’addaha maaliyadda Carabta, kaas oo maanta ka furmay magaalada Rabaat ee dalka Morocco, iyadoo looga hadlayaa arrimaha dhaqaalaha iyo iskaashiga hay’addaha dhaqaalaha dalalka  Carabta.

Wasiirka maaliyadda dowladda FS ayaa la waddaagay hay’addaha iyo dowladdaha ka soo qaybgalay shirka arrimaha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo hannaanka dib u-habeynta maaliyadda.

Dr Cilmi ayaa ku booriyey wasiirada maaliyadda dalalka Jaamacadda Carabta ee dhiggiisa ah iyo hay’addaha kale ee maaliyadda ee shirka ka soo qayb galay in ay sii waddaan garab istaagga dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan dhamaystirka barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

“Waxa aan ku booriyey wasiiradda maaliyadda Carabta ee dhiggayga ah iyo hay’addaha kale ee Maaliyadda ee carbeed in ay sii wadaan garab istaagga dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan dhamaystirka barnaamijka deyn Cafinta Soomaaliya”. ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaadan doona inta uu shirku socodo wasiirada dhiggiisa ah iyo madaxda hay’adaha maaliyadda dalalka Jaamacadda Carabta ee shir ku sugan.

Dowlado iyo hay’ado maaliyadeed oo ka tirsan Jaamacadda Carabta ayaa Soomaaliya ku leh Malaayiin Dollar oo deymo ah, waxaana shirkan uu ahmiyad u leeyahay Soomaaliya, si ay ugu soo bandhigto hidisaheeda ku aaddan dhammaystirka barnaamijka deyn cafinta.

Muqdisho-Somalia

Shir heerkiisu sareeyo oo looga hadlayo dardar gelinta howlaha gurmadka Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

Shir heerkiisu sarreeyo oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka  Soomaaliyed ee SoDMA oo looga hadlaayay dardargalinta howlaha gurmadka Soomaaliya iyo Sidii Gargaar loo gaarsiin la ahaa dadka danta yar ee ku nool gudaha dalka  ayaa lugu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa shirkan ka qeyb-galay Ergayaga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyada ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallad  Mudane Maxamed Cabdi Waare, Wakiilo ka socday deeq bixiyayaasha, hay’adaha gargaarka Qaramada Midoobay, hay’adaha aan dowliga ahayn ee gargaarka ka shaqeeyo, masuuliyiin ka socotay Dowlada Gobaleedyada dalka iyo hay’adaha gargaarka ee maxaliga ah.

Gudoomiye ku-xigeenka Hay’addda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Dr Axmed Cabdi Aadan oo si rasmi ah u furay shirka  ayaa sheegay in ujeedka shirka yahay  yahay sidii loogu codsan lahaa deeq bixiyayaasha in kor u qaadaan deeqaha ay ugu talagaleen bulshada si ay awood ugu yeeshaan in ay u gurmadaan shacabka ku nool deegaannada fog fog ee dalka.

 

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magacaabista Xisaabiyaha Guud ee Dowladda

Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansixiyey magacaabista Xisaabiyaha guud ee Dowladda iyo heshiisyo iskaashi oo ay wada gaareen Soomaaliya iyo Qatar.

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee magacaabista Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, kaas oo loo magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas oo leh khibrad dhanka Maamulka iyo Maaliyadda.

Golaha ayaa ansixiyey heshiis Iskaashi Maamul wadaag oo ku saabsan dhaqan-gelinta Sharciga Canshuuraha Kastamada Soomaaliya iyo Qatar, Soo jeedin ku saabsan ku biirista aagga ganacsiga xorta ah ee dalalka Carbeed iyo Heshiiska Is-af-garad ee Iskaashiga Arrimaha Caddaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya iyo Qatar.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa warbixin ka siiyey golaha howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah iyo xasillinta deegaannada la xoreeyey, wuxuuna goluhu boggaadiyey guulaha ay ciidamadu ka gaareen goobihii cadowga laga sifeeyey.

Golaha ayaa warbixin la xiriirta xaaladda dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Suudaan ka dhageystay guddiga gurmadka soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan colaadda ka taagan Suudaan.

Mid kamid ah Khawaarijta oo isku soo dhiibay ciidamada xoogga dalka

Isxaaq Macalin Aadan oo Magaciisa Afgarashada yahay Isxaaq Calooley ayaa isku soo dhiibey Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Isxaaq ayaa khawaariijta u qaabilsanaa jabhadda isagoona ka qeyb qaatey Dagaalo ka dhacay Deegaano ka tirsan Gobollada Baay, Gedo iyo Shabeellaha dhaxe.
Isxaaq waxaa uu sheegey in sababta ku kaliftey in Khawaariijta isaga soo baxo ay tahay Dhibaatada ay u geysanayaan Shacabka iyo gumeysiga dhexdooda ka jira.

[DAAWO] Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka ku soo celisay Muwaadiniin ku go’doonsanaa dalka Sudan.

0

Dowladda Soomaaliya ayaa muwaadiniintii ugu horreysay oo laga soo daadgureeyay dalka Suudaan maanta ka soo dajisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.