Home Blog Page 390

Ciidanka Danab oo deeq gaarsiiyay qeybo ka mid ah degaannadii laga xoreeyay khawaarijta

Dhuusamareeb-(SNT)-Kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa Shacabka ku nool Magaalada Galcad iyo degaannada u dhow gaarsiiyay deeq raashiin ah.

Degaannada deeqdaan ay gaarsiiyeen ciidanka XDS ayaa waxaa kamid ah Ceel-Xaaji iyo deegaannada ku dhow,  iyaddoo ay goob joog ka ahaayeen xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacan kula dagaalamaya Khawaarijta Al-shabaab ee naflacaariga ah, gacanna ku garab taagan dadka tabarta daran ee ay nolosha u diideen Khawaarijtu.

Howlgalka la dagaalanka maandooriyaha oo si xoogan uga socda Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa howlgal loogu magacdaray la dagaalanka Maandooriyaha iyo dhaqan xumada wajigiisii labaad xalay ka fuliyay dhowr xarumood oo kuyaala degooyinka Hodan iyo Wadajir, kuwaas oo ay isugu imaadaan dhallinyara.

Howlgalka waxa guddoomiyaha ku wehlinayay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir talisaka Boliiska Gobolka Banaadir waxana lagu soo qabtay tiro dhalinyara ah isticmaalayay waxyaabaha maankadooriya kaa oo uu guddoomiyaha kala hadalay kana waaniyay dhalinyarada in ay joo jiyaan maandooriyaha oo dhibaata badan ku hayo shacabka soomaaliyeed.

Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maalmahan waday howlgallo ka dhan ah maandooriyaha oo qeyb weyn ka ah amni darida mar marka qaar ka dhacda degmooyinka caasimadda.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay Salaadda janaasada AUN Marxuum Cabdi Casiis Maxamed Maxamuud

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya  mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur, taliye ku-xigeenka ciidanka Xoogga Jeneraal Cabaas Amiin Cali iyo  Saraakiil ayaa Salaadda janaasada kula tukaday xarunta wasaaradda Gaashaandhigga AU/N Laba xidigle Cabdi Casiis Maxamed Maxamuud oo ahaa ku-xigeenkii madaxa hogganka howlgalinta Ciidnaka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Marxuumka ayaa kamid ahaa sarakiisha fir-fircoona qeybta weyna kulahaa howlgallada ka dhanka ah khawaarijta ee ka socdo guud ahaan dalka isaga oo taba bara kala duwan ku soo qaatay dalka dibadiisa,waxa una u geeriyooday dhaawac dhawaan loogu geeystay muqdisho.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo soo dhaweeyay dhigiisa dalka Burundi

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay  Wasiirka Arrimaha dibedda iyo horumarinta Iskaashiga ee Jamhuuriyadda Burundi mudane Albert Shingiro iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho labo maalmood ah ku soo gaaray dalkeenna.

Kulan hordhac ah oo ay yeesheen labada mas’uul ayay uga wada hadlen taageerada xagga ammaanka ah ee ina siiyaan iyagoo qayb ka ah hawlgalka ATMIS ee Ciidamada Midowga Afrika.

Wafdiga Wasiirka oo uu ka mid yahay General Silas Ntigurirwa oo ah la-taliyaha Madaxweynaha Burundi ee dhanka  Ciidamada ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyagoo la wadaagi doona dhanbaal ay ka sidaan Madaxweynaha Burundi mudane Évariste Ndayishimiye.

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo qorsheysan ku burburiyay fariisimo Khawaarijta leeyihiin

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka sameeyeen deegaanka Ceel-Qansax oo hoos taga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa waxay burburiyeen fariisimo ay si qarsoodiga ah isugu abaabulayeen maleeshiyaad Khawaarij ah.

Ciidanka Qaranka ayaa sidoo kale nolosha ku qabtay ilaa iyo shan ka tirsan Maleeshiyada Khawaarijta ah, gaari nooca xamuulka qaad ah oo loo yaqaano BG, saanad ciidan iyo sahay raashin iyo shidaal ah.

Guud ahaan ammaanka deegaanka howlgalka laga fuliyey ee Ceel-Qansax ayaa la xaqiijiyay, sida saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ay u xaqiijiseen Warbaahinta Qaranka.

Goor dhow la soco faah-faahin intaan ka badan oo ku saabsan howlgalkaas.

Maamulka Gobolka Banaadir oo xiray goobo lagu iibiyo Maandooriyaha oo ku yaala xeebta Liido

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo masuuliyin kale ayaa xalay howlgal lagula dagaalamayo waxyaabaha maandooriyaha ah ka sameeya xeebta liido ee degmada Cabdicasiis.

Guddoomiya ayaa  ayaa albaabada isugu dhuftay goobo lagu iibiyo Maandooriyaha, islamarkaana ay isugu yimaadan Raga iyo Dumarka oo ku yaala xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis,a,waxa una dhalinyaro uu halkaa kula kulmay ku waaniyay in ka waantobaan isticmaalka waxyaabaha maankadooriya qeyb weyn ku leh amni darida caasimadda.

Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhowr jeer masuuliyiinta Gobolka banaadir ay u digeen dadka waxyaabaha fawaaxishada ee liddiga ku ah diiinta islmaamka ku sameeyo xeebta liido balsa ay ka dhaga adegeen taana ay sababtay in maamulka uu howlgal wadajir ah ay ku qaadaan,waxa uu tilmaamay sidoo kale in maamulka Gobolka Banaadir ay ka g’antahay ciribtirka waxyaabaha maankadooriya oo bulshada soomaaliyeed dhibaata xooggan ku hayo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale ayaa dhankiisa sheegay  in goobtaan sida loo xiray ay tahay dib danbana loo furi doonin cidii furtana ay kula xisaabtami doonaan,waxa uu intaa hadalkiisa sii raaciyay in ay tagi doonaan goobaha kale ee ummadda gaar ahaan dhalinta soomaaliyeed lagu fasahaadiyo ee maandooriyaha iyo waxyaabaha anshax xumida ah lagu sameeyo.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada howlgallo lagula dagaalamayo waxyaabaha maankadooriya oo dhibaata badan ku hayo shacabka Soomaaliyeed,sidoo kalana qeyb ka ah amni darida xiliyada qaar ka dhacda degmooyin magaalada muqdisho.

Muqdisho-Somalia

Gudoomiye Aadan Madoobe oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Khawaarijta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi udiray qoysaska iyo ehellada shuhadadii ku naf waayay weerarkii Khawaariijtu ku soo qaaday magaalada Masagawaa ee Gobolka Galguduud, sidoo kale nabadoonadii Khawaariijtu ku dishay deegaanka kuwaas oo kala ah Nabadoon Cusman Macalin Axmed Nabadoon Ibraahim Maxamed Cusman iyo Nabadoon Cabdullahi Geeljiree.

Guddoomiyaha ayaa falkan ku tilmaamay mid fuleynimo ah taas oo Khawaarijtu ay ku baneeysaneyso dhiiga shacabka birmo-geydada ah ee aan waxba galabsan waxayna ka tarjumeysaa arxan-darrada ay dadka Soomaaliyeed u hayaan, isagooona ciidanka iyo Shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay in qof kasta kaalin ka qaato sidii dalka looga xoreyn lahaa kooxdan arxanka daran.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ugu dambeyn sheegay in dib u xoreynta dalka ku nafwaayay geesiyaal naftooda iyo dhiigooda u huray sidii dalka ugu badbaadin lahaayeen cadowga islamarkaana maanta la joogo xiligii la soo afjari lahaa, maadaama Khawaarijtu laga xorreeyay deegaanno badan oo mudo dheer ku dhibaateynaayeen shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu Allah ugu rajeeyey inta ay dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkan arxan darrada inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay Nabaddoonnada ay argagixisadu ku dileen Masagawaa ee Gobolka Galguduud

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada Nabadoon Cusman Macalin Axmed, Nabadoon Ibraahim Maxamed Cusman iyo Nabadoon Cabdullahi Geeljiree oo ay argagixisadu ku dishay magaalada Masagawaa ee Gobolka Galguduud.

Madaxweynaha ayaa xusay in falkan bahalnimada ah ee argagixasada Alshabaab ay kula kaceen Nabaddoonnada birmo-geydada ah ay ka tarjumeyso cadaawadda iyo arxan-darrada ay dadka Soomaaliyeed u hayaan, ayna tahay in qofkasta uu u istaago sidii dalka looga xoreyn lahaa.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Masagawaa waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dib u xoreynta dalka loo hurayo dhiig iyo naf badan oo qaali ah, balse maanta ay dhowdahay guushu, maadaama Khawaarijta Alshabaab laga sifeeyey deegaanno badan oo dhowr iyo tobon sano ay ku dhibaateynayeen dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyey muwaadiniinta ay dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkan arxan darrada ah in uu Alle u boogo dhayo, waxa uuna Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso.

DHAMMAAD

Muqdisho-Somalia

Khawaarijta oo jab xooggan lagu gaarsiiyay Dagaalkii Masagawaa .

Ciidamada Xoogga Dalka iyo xoogagga deegaanka ayaa fashaliyay weerar naf lacaari ah oo Khawaarijtu saakay ku soo qaadday degmada Masagawaa ee gobolka Galguduud.

Generaal Tareedisho oo ka mid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in weerarka uu saakay ka dhacay duleedka degmada Masagawaa,islamarkaana jab xooggan lagu gaarsiiyay cadowga.

“ Khasaaraha hadda intaan xaqiijinay waa 18- oo Khawaarijta ah, niman maaryaan diimeed ah iyo dadka deegaanka ayaa dagaallamay, waana la iska dhiciyay, dadka deegaanka ayaanna guuleystay,

Sidoo kale, Generaal Tareedisho, ayaa sheegay in weerarkaas ay ku shahiideen saddex oday dhaqameed oo ka tirsanaa dadka deegaanka oo qoryaha u qaatay sidii ay isaga dul qaadi lahaayeen Khawaarijta oo qaarkood ay macallimiin Dugsi ay ahaayeen.

Khawaarijta ayaa ku guuldareystay weerarka Masagawaa, waxaana hadda ciidamada qaranka iyo dadka deegaanka ay ku daba jiraan firxadka Khawaarijta ka baxsaday goobta dagaalka.

Maxaabiis fara badan oo maanta Xabsiyada Muqdisho laga sii daayay {Sawirro}

127 maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar iyo Xabsiga MBC ee Ex-control Afgooye, ayaa saaka lasii daayay markii uu cafis u fidiyay Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud Munaasabadda Ciidda Awgeed.
Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah ayaa soo jeedin u sameeyay Madaxweynaha JFS in cafis madaxweyne lagu sii daayo maxabiista ku xukuman dambiyada fudud ee ku xirnaa xabsiga Dhaxe ee Xamar iyo Xabsiga MBC ee KM7.