Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson.
Maxkamadda sare ee Ciidamada oo xukun dil ah ku ridday Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed.
Wasiirka Gaashandhiga XFS oo kulan Dar daaran ah la qaatay Saraakiisha Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.{SAWIRRO}

Madaxweynaha Koofur-galbeed oo Baydhabo ku qaabilay Safiirka dowladda Ethiopia {SAWIRRO}
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Federaalka Itoobiya ufadhiya Soomaaliya Mudane Mukhtar Mohamed Waare.
Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay Xoojinta Wadashaqaynta labadda Dowladood, Iskaashiga Amniga iyo sidii Dowladda Itoobiya ay uga qeyb qaadan lahayd Wajiga 2-aad ee Dagaalka.

Horjooge ka tirsanaa khawaarijta oo isa soo dhiibay
Muqtaar Maxamed Isaaq oo ka mid ahaa horjoogayaasha kooxda khawaarijta ayaa isu soo dhiibay qaybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka.
Horjooge Muqtaar ayaa sheegay in uu khawaarijta ka tirsanaa laba sana iyo bar, isagoo kasoo qayb qaatay dagaallo dhowr ah oo ka dhacay gobolka Bakool.
Muqtaar Maxamed Isaaq ayaa sheegay in aysan jirin cid ku qalqaalisay ka mid noqoshada khawaarijta, haatanna uu si iskiis ah ugu soo baxay kooxda ka dib markuu arkay dhibaatada ay shacabka Soomaaliyeed ku hayaan, wuxuuna saaxiibadiisa weli ku jira khawaarijta ugu baaqay in ay isaga soo baxaan.
Horjoogahan ayaa Khawaarijta u qaabbilsanaa qaybta ay kooxda u yaqaanaan Jabhadda ee gobolka Bokool.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo si kulul uga hadlay duqeymaha Israa’iil ay ku hayso Qaza
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa si ba’an u dhaliilay duqeymaha joogtada ah ee Israa’iil ay ku hayso Marinka Qaza, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Jarmalka.
Guterres ayaa sheegay, intii lagu guda jiray shirkii Golaha Ammaanka ee Talaadadii shalay ka dhacay magaalada New York, in ilaalinta dadka rayidka ah macnaheedu aanay aheen in la soo saaro amarro dadka ay ugu baxayaan guryahooda iyo in laga jaro cunnada, biyaha, dawada, iyo shidaalka, ka dibna lagu garaaco duqeyma aan kala joogsi laheen.
Guterres ayaa intaa ku daray in weerarkii ay Xamaas ku qaadeen magaalooyinka ku xeeran Marinka Gaza 7-dii bishan Oktoobar uusan ku dhicin meel bannaan, balse waxa hadda socda ay ka weynyahiin.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa yiri: “Aad ayaan uga walaacsanahay ku xadgudubka sharcigyada caalamiga ah ee bini’aadannimada ee ka dhacaya Qaz, ma jiro dhinac hubeysan oo ka sarreeya sharciga caalamiga ah ee dhowrista bani’aadannimada.”
Guterres, ayaa ka digay fidno dagaal oo gobolka saameeyso, isagoo Carrabka ku adkeeyay in sii socoshada dagaalada ay horseedi karaan inuu dagaalka ku baaho jihooyin ay hadda nabad ka jirto.
Dhanka kale, Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Eli Cohen, ayaa cambaareeyay, dhaleeceynta Guterres ee duqeymaha Israa’iil ay ka waddo magaalada Gaza.
Sidokale, wakiilka Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa ku baaqay in Guterres uu iscasilo, madaama uusan u qalmin inuu hoggaamiyo Qaramada Midoobay.
Madaxweyne Cali Guudlaawe oo magacaabay Wasiiro
Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa soo saaray Wareegto ku taariikheysan 24, Oktoober, 2023, taasi oo ku saabsan magacaabis Wasiirro.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa u qornaa sidan:
Markuu arkay: Qodobada 56aad iyo 57aad ee Dastuurka Dowladda Hirshabeelle.
Markuu arkay: In ay lagama maarmaan tahay dardargelinya Shaqada baaxada leh ee Xukuumadda.
Markuu Tixgeliyay: Aqoonta, kartida iyo Waayo-aragnimada mudanayaasha loo Magacaabay Xilalka hoos ku xusan.
Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle.
WUXUU MADAXWEYNAHU SOO SAARAY XEERKAAN
Qodobka 1aad
1- Waxaa Mudane Abuukar Axmed Cali (Dhaga-gaab) loo Magacaabay Xilka Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle.
2- Waxaa Mudane Cabdixamiid Maxamed Cali loo Magacaabay Xilka Wasiirka Hub-ka Dhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Dowladda Hirshabeelle.
3- Waxaa Mudane Cabdifitaax Jaamac Warsame loo Magacaabay Xilka Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Hirshabeelle.
Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaas oo uu kaga qaybgali doono shirka Midowga Yurub iyo wadamada soo koraya.
Madaxwaynaha ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedin doona madasha oo socon doona inta u dhexeysa 25-26 Oktoobar 2023.
Taliyaha Ciidanka XDS oo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga ku soo dhaweeyay Muqdisho
Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Ibrahim Sheekh Muxudiin oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan xoogga dalka ayaa garoonka ciidanka Cirka kusoo dhaweeyay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka oo tababar kuso qaatay dalka Ereteriya.
Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo khudbad u jeediyey cutubyadan tababarka kusoo qaatay dalka Ereteriya ayaa faray in ay u diyaar garoobaan ka qayb galka dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab.
Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in xilli loo baahnaa ciidankaan ay dalka dib ugu soo laabteen

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka XFS oo guddoomiyay shirka Golaha Sugidda Cunnada iyo isbeddelka cimillada ee heer Wasiir.

