Maxay ka dhigan tahay Wasiirada oo bishan mushaarkooda ku biiriyay dagaal Khawaarijta? (WARBIXIN)

Date:

Kooxda Khawaarijta ah ee Shabaabku sida aad la socotiin  waxay Shacabka Soomaaliyeed dhibaatada ay ku haysay dadkeenna iyo dalkeenna 15 sano, kala kulmayeen Gummaadka, baadda iyo cagajugleynta iyo falalka ka fog diinta ee khawaarijtu ay ku heysay shacabka Soomaaliyeed waxa ay ahaayeen kuwo diinta iyo damiirkuba aysan ogolayn, sidaasi awgeed ayuu Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud bishii June sanadkii 202-kii  waxa uu si rasmi ah u iclaamiyay dagaalka ciribtirka Khawaarijta, kaasi oo bil gudaheed ka bilowday daafaha magaalada Muqdisho iyo inta badan gobollada dalka, wuxuuna xilligaasi dul-istaagay in uu hoggaamin doono dagaal saddex jiho ah oo Khawaarijta dalka looga xorreynayo, isaga oo hoosta ka xariiqay dagaal toos ah, mid dhaqaale iyo mid fikir, Ciidamada qalabka Sida, hey’addaha dowladda, Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa farriintaasi si isku mid ah u soo wada dhaweeyay, waxayna muujiyeen kaalintooda dagaalka iyo inay barbar taagan yihiin Madaxweynahooda.

Sanadka ay dowladdu waddo dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta waxa uu ahaa, sanad khawaarijta la dilay, la dhaawacay, la qabtay, la cunaqabateeyay, iyada oo inta soo hartayna lagu daba jiro firxadkooda. Haddaba si loo sii dardargaliyo dagaalka ka dhanka ah Kooxda Argagixisada ah Shabaabka ayay Xukuumadda DanQaran ay muujisay sida ay uga mideysan tahay dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, iyadoo Wasiirada Xukuumadda ay bishan October mushaarkooda ku biiriyeen ama ku bixinayaan dadaalada dagaal ka dhanka ah Kooxda Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaare Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa shir gudoominayay kalfadhiga oo dhacay maalinti khamiista ahed, islamarkaana ay sidoo kale ku ansixiyeen hindise sharciyeedyada muhiimka ah, sida:- warbixinta waxqabadka miisaaniyada iyo heshiisyada caalamiga ah.

Biilasha la ansixiyay waxaa ka mid ah:

1.Xeerka Diiwaangelinta Sakada

2.Hindise sharciyeedka Wakaaladda Adeegga Saadaasha Hawada

3.Hindise sharciyeedka dib u eegista burcad badeedda iyo afduubka

4. Hindise Sharciyeedka Taageerada iyo Ilaalinta Barakacayaasha.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya, kaas oo looga gol-leeyahay in lagu dhiso, laguna  kobciyo isbeddelka horseedaya Horumar waara, isla markaana saldhig u noqon doona Soomaaliya xasiloon, Maamul hufan leh, Dhaqaale ahaanna isku filan, iyadoo Xubnaha Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya ay ka kooban yihiin 13 Wasiir.

Fadhigaasi waxa kale oo lagu lafo-guray warbixinta waxqabadka miisaaniyad sanadeedka 2022-ka, iyadoo aragtiyo qiimo leh laga bixiyay miisaaniyada qaranka, iyadoo uu Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Anas, uu horgeeyey golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya warbixinta sanad maaliyadeedka 2022-kii oo ah mid ahmiyad gaar ah u leh dalka iyo nidaamka dhaqaalaha wadanka. Akhrin iyo falanqeyn dheer ka dib golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey warbixinta xisaab xirka sanad maaliyadeedka 2022-ka ee uu soo gudbi Xisaabiyaha Guud ee dowladda.

Waxaa xusid mudan Xisaab xir si rasmi ah loo horgeeyo Golayaasha Dowladda waxaa wadanka ugu dambeysey sanadkii 2017-kii, iyada oo wixii intaasi ka dambeeyay aan la sameyn wax xisaab xir ah.

Dhinaca kalena waxaa safarro lagu doonayo in taageero loo helo dagaalka ay Dowladdu kula jirto Argagixisada heerka caalamiga ah ee Al-shabaab ayay Madaxda ugu sarreysa Dalka ayay ku marayaan, waxaana ka mid ah Madaxdaasi Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Madoobe oo socdaal ku jooga Dalka Maraykanka ayaa boggaadiyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Mareykanka, isagoo ku booriyay in ay gacan ka geystaan dadaalka loogu jiro horumarinta dalka iyo la dagaalanka Kooxda Argagixsada ah ee Shabaabka, “ Madaxweynaha Dalka oo mar walba jooga Jiidda hore ee dagaalka, nooma suurtogaleyso inaan meel iska fadhinno, waxaana nagu waajib ah dhammaanteen inay qeyb ka qaadanna dagaalkaasi, oo aan la garab joogsanno hiil iyo hooba”, ayuu sii raaciyay Guddoomiyuhu isagoo la hadlaayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Washinton DC.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamjuud oo isna safarro ku kala bixinaya Wadamado ayaa taageero u raadinayay dagaalka ay Dowladdiisu ugu jirto la dagaalka Kooxda Khawaarijta ah, waxa uuna safarkiisa ka bilaabay Dalka Bijam, magaalo madaxdiisa ee Brussels, halkaasi oo ay ku kulmayeen Madaxda Midowga Yurub ee Wadamada soo koraya, isagoo halkaasi  kula kulmay Madaxwaynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles Michel, waxayna isla soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin dadaallada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto ciribtirka Khawaarijta iyo iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga, geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqan-dhaqaale ee bulshada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu u sii gudbay Dalka Turkiga oo aan walaalaha nagay, isagoo kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogaan, kaasi oo ka dhacay magaalad Istanbuul, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal, xoojinta iskaashiga, wadajirka iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah, wuxuuna la wadaagay Madaxweyne Erdogan miro-dhalka Wejiga koowaad ee halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, iyadoo Ciidamada Qalabka Sida iyo Shacabka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay gacanta argagixisada ka saareen in ka badan 80 deegaan iyo degmo oo argagixisadu ay ku dhibaateynayeen dadkeenna Soomaaliyeed sannado badan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey muhiimadda xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku saleysan walaaltinimada labada shacab, danaha iyo aragtiyaha ay wadaagaan labada dowladood iyo taariikhda faca weyn ee ka dhexaysa labada dal, waxa uuna uga mahadceliyey doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Dhankiisa, Madaxweyne Rajab Dayib Ordogaan ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay ugu jiraan xoreynta iyo dib u dhiska dalkooda, isagoo xaqiijiyey in dowladda iyo shacabka dalka Turkiga ay ka go’an tahay in ay arrinkaas ku gacan siiyaan walaalahooda Soomaaliya. Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la dardargeliyo kaalinta ay dowladda Turkigu ka qaadanayso amniga, dowlad dhisidda iyo maalgashiga Soomaaliya, iyadoo la isla qaatay in la bilaabo dhammeystirka iyo fulinta mashaariicda horumarineed ee hore ay u kala saxiixdeen labada dal.

Safarka Madaxweynaha ayaa daba jooga kulan ay Dowladaha Dunida ugu waaweyn adduunka ay Soomaaliya taageero xooggan ugu muujiyay dagaalka ay kula jirto kooxda Khawaarijta ah ee Shabaabka, kaasi oo ka dhacay Magaalada Ankara ee Xaruunta Dalka turkiye, waxaana sidaasi caddeyay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Dalka Türkiye, kaasi oo  sheegtay in Ankara uu ka dhacay kulan heerkiisu sarreeyo oo ay ka qeyb galeen Dowladaha Türkiye, Qatar, Isutagga Imaaraatka Carabta ee Midoobay (UAE), Boqortooyada Dalka Ingiriiska the United Kingdom (UK) iyo Dowladda Maraykanka (USA).

Kulanka ayaa waxaa lagu taageeray, weliba Taageero buuxda lagu siinayo dagaalka Soomaaliya kula jirto kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab ee ka socda dalka ee uu  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud hoggaaminayo, waxaana lagu soo waramayaa in Dowladaha kulmay ay sheegeen, islamarkaana ay qireen in Soomaaliya horumar aan la soo koobi karin ay ka gaartay la dagaalanka Argagixisada Shabaabka.

Haddaba isku soo wada xeeriyoo maxay ka dhigan tahay in Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay bishan Oktoobar mushaarkooda ku biiriyay ama ku bixiyaan dadaalka dagaal ay dowladdu kula jirto Kooxda Khawaarijta ah?, sida ay qabaan dadka aad u falanqeeya arrimaha Soomaaliya ayaa ku sheegaya inay tahay inay xubnaha Golaha Wasiirada ay ku muujiyinayaan sida ay u barbar taagan yihiin dagaalka lagula jiro Argagixisada ee uu Madaxweynaha JFS uu Hoggaaminayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...