Hayโadda Mareeynta Masiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa muqdisho ku qabatay shir looga hadalyo isku-duwidda hoowlaha ka jawaabidda khatarta El Niรฑo.
Shirka oo ay iskugu yimaadeen inta badan dowlad gobolleedyada dalka, maamulka gobolka Banaadir iyo Hayโadaha dowladda federaalka ayuu hadafku ahaa isku duwidda howlaha ka jawaabista khatarta ElNiรฑo.
Shirkan ayaa waxaa daah-furay Guddoomiye ku xigeenka Hayโadda Maareeynta Masiibooyinka Dr. Axmed Cabdi Adan, isagoo tilmaamay ahmiyadda ay leedahay wada shaqaynta iyo isku xirnaanta dowladda labadeeda heer dhinaca ka jawaabista khatarta El Niรฑo oo qaybo ka mid ah dalka ay ku dhufatay xilli roobaadkan gudahiisa iyo guud ahaan gargaar gaarisiinta bulshada tabaaleeysan.
