Kulan looga hadlayey taariikhda degmada Cabdicasiis oo lagu qabtay degmadaas.

Date:

Xog’hayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir Mudane Feysal Caraale Afrax ayaa xalay ka qeyb galay madal loogu magacdaray talo wadaag, taas oo lagu soo bandhigayay taariikhda Degmada Cabdicasis ee magaalada Muqdisho, waxaana kasoo qeyb galay, qaar kamid guddoomiyaasha degmooyinka, guddoomiyaasha ururada Haweenka iyo Dhallinyarada iyo xubna ka socday hey’addaha Heritage iyo interpeace.

Degmada cabdicasis oo kamid ah degmooyinka qadiimiga ah ee caasimadda ku yaala islamarkaana ka mid ah degmoyinka ugu faca weyn ee Dalkeena Hooyo ayaa lagu soo bandhigay wax yaabaha ay caanka ku tahay, sida dhismooyinka qadiimiga ah, xeebta Liido, Sports-ka iyo ilbaxnimada.

Xog’hayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir Mudane Feysal Caraale Afrax ayaa ku dardaarmay muhiimada ay lee dahay in lasoo bandhigo goobaha qadiimigaha iyo waxyaabaha ka turjumaayo taariikhda wanaagsan ee ummadeena.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo La Kulmay Danjiraha Shiinaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta,...

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga oo Booqday Markabka Dagaalka ee Turkiga ee Muqdisho

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, oo uu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay kal-fadhiga 48aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Batroolka XFS oo Cape Town kulan la qaatay maalgashadayaal caalami ah

Cape Town – Koonfur Afrika: Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo...