Daraasadda Maalgashiga Dalxiiska iyo Martisoorka Soomaaliya oo laga daah-furay Muqdisho

Date:

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha ayaa magaalada Muqdisho ku daahfuray Warbixinta Daraasadda Maalgashiga Dalxiiska iyo Martisoorka ee Soomaaliya.

Daraasadda ayaa waxaa si rasmi ah u daahfuray Wasiirka Warfaafinta, Mudane Da’uud Aweys Jaamac iyo Wasiirka Qorsheynta Qaranka, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene).

Warbixintu waxa ay daaha ka qaadaysaa aragtiyo badan, waxa ayna dhiirrigelinaysaa fursadaha maalgashi iyo caqabadaha ka jira qeybta dalxiiska iyo martisoorka ee dalka Soomaaliya.

Daraasaddu waxay albaabada u furaysaa fursadaha aan la ogaan karin, iyadoo dhiirigelinaysa maalgashadayaasha gudaha iyo kuwa shisheeyeba inay gacan ka geystaan kobaca qaybtan. Marka laga yimaado doorka muhiimka ah ee Martisoorka iyo Dalxiiska ay ku leeyihiin dhaqaalaha Soomaaliya, ma jirto daraasad qeybtan laga sameeyay soddonkii sano ee la soo dhaafay.

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha waxa ay ku dadaaleysaa in ay diyaariso shuruucda u sahlaya maalgashatada gudaha iyo kuwo shisheeye iyadoo horay Golaha Baarlamaanka ay u meel mariyeen sharciga Dhowrista Maalgashtada iyo Maalgashiga.

Daraasaddan waxaa si wadajir ah isaga kaashanaya Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasaaradaha Qorsheynta Qaranka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...