Odayaal horay ula shaqayn jiray khawaarijta oo isu soo dhiibay ciidanka xoogga dalka

Date:

Cali Maqane iyo Axmed Cali Gadaf oo ka mid ahaa Odayaasha sida dhaw ula shaqeyn jiray Kooxda Khawaariijta ah ee ku sugan degmada Ceeldheer iyo degaanka Cowswayne ayaa isku soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka iyo Kuwa dib u xoreeynta degaanka ee howlgallada ka wada xadka Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe.

Axmed Cali Gadaf waxaa uu Khawaariijta kala shaqeyn jiray in uu u keeno xoolaha baadda ah ee ay argagixisadu xoogga ugu qaadato dadka degaanka Cowswayne.

Cali Maqane ayaa isna ahaa Oday dhaqameed ama (Naqiib) waxa ay u yaqaanan kaas oo isna khawaarijta u uruurin jiray xoolaha , wuxuuna dhowr jeer ka badbaaday weerar ay ku qaadeen Ciidamada dib u xoreeynta degaanka.

Firxadka Xubnahii la shaqeyn jiray Kooxda Khawaariijta ah ayaa yimid ka dib markii howlgallo gaar ah ay Ciidanka degaanku ka fuliyeen degmada Ceeldheer iyo deegaanno hoos taga, kuwaas oo lagu soo afjaray xubno muhiim u ahaa Khawaariijta qaarkoodna nolol lagu soo watay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...