Home Blog Page 385

Soomaaliya oo door weyn ka qaadatay Bandhigga Ciyaaraha Diblomaasiyiinta 2023 oo lagu qabtay Beijing

Bandhigga Isboortiga Diblomaasiyiinta 2023 ayaa lagu qabtay Jaamacadda Ciyaaraha ee Beijing, (Beijing Sport University), kaas oo ay kaasoo soo qeyb galeen diblomaasiyiin ka kala socday dalal kala duwan. Ujeedka qorshahan laga leeyahay wuu yahay madal saaxiibtinimo, taasoo kor u qaadaysa isfahanka iyo saaxiibtinimada ka dhexeeya ergada diblomaasiyadeed ee ku sugan magaalada Beijing.

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Mudane Cawaale Cali Kullane,oo ka qeyb galay furitaanka munaasabadda ayaa ka hadlay doorka cayaaruhu ku leeyihiin is-dhaafsiga dhaqanka iyo xiriirka caalamiga ah, wuxuuna hadalkiisa soo jiitay dadweynihii ka soo qeyb galay, isagoo dhanka kale, tilmaamay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay joogteynta ka qeyb galka dhacdooyinka noocaan oo kale ah, si loo xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed.

Bandhiggan waxa ugu muhiimsan ee lagu soo bandhigay waxaa ka mid ah tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee loo yaqaano “futsalka”, oo ay ka soo qayb galeen 16-kooxood oo kala matalayay ergooyin kala duwan. Kooxdii ka socotay Diblomaasiyiinta Soomaaliya ayaa soo bandhigay ciyaar wanaagsan oo soo jiiday mas’uuliyiinta iyo dadkii kale ee madasha ka soo qeyb galay.

Bandhiga ciyaaraha Diblomaasiyiinta 2023 ayaa si guul leh u soo dhammaaday, waxayna ciyaarahan dhiiragelin u yihiin kor u qaadista diblamaasiyadda ciyaaraha iyo isdhaafsiga dhaqanka. Diblomaasiyiinta Soomaaliya ayaa si firfircoon uga qayb qaatay jawiga wanaagsan ee munaasabadda ku bilaabatay kuna dhammaatay, taas oo tusaale u ah xoojinaya xiriirka Soomaaliya iyo bulshada diblomaasiyadeed ee Beijing.

Ugu dambeyntii, Safaaradda Soomaaliya ayaa ugu uga mahadcelisay Xarunta Is-dhaafsiga Ciyaaraha Caalamiga ah ee Maamulka Guud ee ciyaaraha (Isboortiga) Shiinaha oo soo qaban qaabisay Bandhigan cajiibka ah iyo martiqaadkad iblomaasiyiinta Soomaaliyeed. Xiriiirka diblumaasiyadeed iyo isfahamka dhaqanku ayuu xoojinayaa bandhigan oo kale.

Safaaraddu Soomaaliya ayaa Balan qaaday in ay diblamaasiyiinta Beijing kala shaqeyneyso munaasabadaha soo socda mustaqbalka ee xoojinaya midnimada, saaxiibtinimada, iyo isdhaafsiga dhaqanka.

Guddoomiyaha Haya’adda maaraynta masiibooyinka oo gaaray Beledweyne

Wafdi uu hugaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Mahamoud Moallim Abdulle ayaa maanta gaaray Magaalada Baladweyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabelle.

Wasiiro iyo Masuliyiin kale ayaa ku soodhaweyey wafdigaan Garoonka diyaradaha, waxaana intaas kadib uu kulan la qaatay madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo ay kawada hadleen xaalada cakiran ee ka jirta Baladweyne.

Guddoomiye Maxamuud Macalim ayaa u kuur galay xaalada qeybo kamid ah xaafadaha Magaalada Beledweyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabeelle.

Guddoomiyaha oo ay wehliyaan Wasiiro, Maamulka Degmada Baladweyne Saraakil ciidan ayaa socod ku maray buundada Nuur Xawaad iyo qeybo kamid ah xaafadaha Magaalada oo biyaha qaadeen iyo goobaha dadka u barakaceen.

Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay gudidda tira-koobka hantida qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay Guddiga Tira-koobka, Soo Celinta, Qiimeynta iyo ka Talo-Bixinta Nidaaminta Hantida Qaranka.

Gudiddan ayaa ka kooban siddeed xubnood oo kala ah wasiirka Maaliyadda,wasiirka ganacsiga, wasiirka hawlaha Guud, wasiirka Arrimaha dibedda,Guddoomiyaha gobolka Banaadir,wasiir dowlaha madaxtooyadda,wasiir dowlahha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo garyaqaanka guud ee qaranka.

Hawlaha guddidan qaban doonto ayaa waxa laf dhabar u ah tirakoobka hantida dowladda,soo celinta hantidda qaranka ee sifaha sharci daradda ah loo haysto iyo sidoo kale ka talo bixinta nidaaminta hantida qaran ee la soo celiyey.

 

Howlgal lagu dilay tiro Khawaarij ah {Warsaxaafadeed}

Hawlgal qorshaysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen degaanka Cali Fuuto ee hoos taga degmada Kurtun Waarey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayay ku dileen 44 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad, kuwaasi oo isku aruursanayay godad ay ka qoteen.

Howgalkaan ayaa dhacay 12-bishan, ka dib markii Sirdoonka Qaranka ee NISA uu helay xogta maleeshiyadan oo in muddo ah isku aruursanayay degaankaan iyagoo dhagar u maleegayay shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalkaan waxaa sidoo kale lagu burburiyay godad ay halkaas ka qoteen Khawaarijta, hub iyo saanado kale oo ay ku aruurinayeen dembiilayaasha Khawaarijta.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an in Khawaarijta lagu beegsado goob kasta oo ay gabaad ka dhigtaan, iyadoo haatana Ciidanka Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed ay dhul badan ka xoreeyeen Khawaarijta.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan gaar ah la qaatay Maamulaha guud ee sanduuqa hormarinta Sacuudiga.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan Magaalada Jidda ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa kulan gaar ah oo miro dhal ah la qaatay Maamulaha guud ee Sanduuqa Horumarinta Saudi Arabia Suldaan Abdulrahman Al-Marshad iyo madaxda kale ee Sanduuqa.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Maamulaha Guud ee Sanduuqa ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiis dib loogu qaabeynayo deymaha uu Soomaaliya ku leeyahay Sanduuqa Horumarinta Saudi Arabia oo ka mid ah Hey’adaha deynta ku leh Soomaaliya. Heshiis kaan ayaa dhigaya in dib loo dhigo muddada dib-u-bixinta deynta.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa madaxda Sanduuqa Horumarinta Saudi Arabia uga mahadceliyay doorka muuqda ee Sanduuqu ku leeyahay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda oo ka qeyb galaya shirka Sanad laha ah ee Bangiga horumarinta Islaamka oo sanadkaan lagu qabanayo Magaalada Jidda, wasiirka ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda hey’adaha maaliyadda carabta, si Soomaaliya ay u gaarto deyn-cafin dhinac walbo ka dhameystiran.

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirweynaha lixaad ee badweynta Hindiya.

Danjiraha JFS ee dalka Hindiya Mudane Axmed Cali Daahir ayaa qeyb galay Shirweynaha lixaad ee badweynta Hindiya oo ka furmay caasimadda dalka Bangladesh ee Dhaka maanta oo jimco ah.

Danjire Axmed ayaa shirka ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa isagoo dowladda Hindiya uga mahadceliyay ka qeybgalka Soomaaliya ee shirka Badweynta Hindiya.

Soomaaliya waxay xiriir taariikhi ah la leedahay dowladaha gobolka badweynta Hindiya, gaar ahaan qaarad-hoosaadka Hindiya oo inta badan ku saleysan ka ganacsiga marinnada badda waxaan aad iyo aad u jeclaan lahayn inaan sii wadno xiriirkan, waxaanan sidoo kale rajaynaynaa anaga oo kaashanayna iskaashiga kale duwan ee dhinacyada ganacsiga iyo amniga – gaar ahaan amniga badda, waxbarashada, beeraha iyo adeegyada daryeelka caafimaadka.

Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer guud ahaan dhulweynaha Afrika taasoo dhererkeedu dhan yahay sadax kun sadax boqol sodan iyo sadax (3333 km), Waxaan awood u yeelannay in badan oo aad u weyn xagga kheyraadka badda ah sida kalluumeysiga iyo gaaska oo ku jira baddena.

“Badda Soomaaliya ayaa waxaa kusoo badanaya kalluumeysiga sharci darrada ah, waxaanu qabanay maraakiib shisheeye oo wata dhowr tan oo kalluun si sharci darro ah looga soo guray Aagga Dhaqaalaha ee gaarka ah, shaqaalahooda ayaan gacanta ku haynaa oo waxay sugayaan maxkamadeen, xushmad la’aanta noocan oo kale ah ee madax-banaanideena maaha mid dhiirigelinaysa ilaalinta nabadda iyo barwaaqada” ayuu yiri danjire Axmed

Danjiraha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri ” dowladeena federaalku waxay si cad u dejisay mudnaanteeda, Muhiimadda koowaad dabcan waa nabada, waxaan rabnaa nabad dadkeena iyo dalkeena iyo tan aduunka, Sidaa darteed, dowladda waxaa ka go’an in ay la dagaalanto oo ay cirib tirto kooxaha nabad-diidka ah ee Al-Shabaab” ayuu yiri danjiraha.

Kulan looga hadlayay dardar gelinta dagaalka khawaarijta oo Muqdisho lagu qabtay {Sawirro}

Kulan looga hadlayay sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka khawaarijta ayaa maanta ka qabsoomay xarunta ciidanka howlgalka wadajirka ah ee Dowladaha Safka hore oo ay kamid yihiin Soomaaliya Ethiopia, Kenya iyo Djibouti.
Kualanka waxaa kaqeyb galay Taliyaha Ciidanka howlgalka wadajirka ah ee Doowladaha Safka hore Jeneraal Maxamed Cali Bariise, Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Mudane Maxamed Cabdi Waare, safiirka dowlada Kenya u fadhiya Soomaaliya Ambassador Thomas Chepkuto iyo saraakiil katirsan Ciidanka XDS iyo Ciidanka Kenya.

Alle u naxariisteen saciid Khaliif Cali iyo Khadro Cumar Dhuulle oo Muqdisho lagu aasay.

Alle ha u naxariistee Fanaankii Qaranka Saciid Khaliif Cali oo dhawaan ku geeriyooday dalka Germany ayaa maanta Meydkiisa laga soo dejiyay Magaalada Muqdisho iyadoo aas Qaran loogu sameeyay qabuuro ku yaala caasimadda.

Marxuumka Saciid Khaliif  iyo Mafanaanadii fanaanku dhalay ee Khadro Cumar Dhuulle oo Iyana xalay ku geeriyootay xaafadda Ex fiyoore eee magaalada Muqdisho ayaa salaadda Janaasada lagula tukaday masaajid ku yaala xaafadaaas waxaana ka qeyb galay xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan, bahda fanka iyo qeybaha bulshada.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Labada fanaan ee maanta gurigooda dhabta ah loo galbiyay.

Maareeyaha Tiyaarterka Qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure iyo qaar ka mid ah abwaanada Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyeeyay geerida Marxuumiinta.

Sanatar Samsam Daahir Maxamuud ayaa allaah uga barisay naxariistiisa Fanaaniintii geeriyootay Saciid Khaliif Cali Iyo Khadro Cumar Dhuulle kuwaas oo maanta lagu aasay Muqdisho.

Alle ha u naxariistee Saciid Khaliif ayaa lagu aasay Qabuuro ku yaala deegaanka Gubadley halka AUN Khadro Cumar Dhuulle lagu aasay Qabuuraha Iskuul Boliisia ee degmada Xamar jajab,halkaas oo ugu dambeyna loogu duceeyay.

Safiirka JFS ee Shiinaha oo Ka qeybgalay shirweynaha caalamiga ah ee Qowmiyadaha Shiinaha iyo Afrika,”.

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Danjire Cawaale Kullane ayaa magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha kaga qeyb galay shirweynaha caalamiga ah ee ” Daraasaadka caalamka ee Qowmiyadaha Shiinaha iyo Afrika,”.

Shirweynahan oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Akadeemiyada Daraasaadka Taariikhda Shiinaha iyo Machadka Shiinaha-Afrika ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax iyo aqoonyahano ka kala socda Dalalka Shiinaha iyo Afrika.

furitaanka shirka, waxaa khubad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Danjire Cawaale Kullane, isagoo shirka ku soo bandhigay xiriirka taariikhda guud ee shiinaha iyo Afrika intaba.

Danjiraha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Amb: Cawaale Kullane, ayaa ku dheeraaday taariikhda iskaashiga soo jireenka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo shiinaha gaar ahaan arrimaha xagga dhaqanka iyo xiriirka walaaltinimo ee labada Dal ka dhaxeeyo.

” Xiriirka labada Dal ee Soomaaliya iyo shiinaha wuxuu bilowday qarnigii 15-aad ee Admiral Zheng Ha, soo booqday magaalada Muqdisho, waxaana markaas ka dib, aas-aasmay wada shaqeyn ku saleysan ganacsiga, siyaasad nabad ah iyo iskaashi u-dub-dhexaad ilaa iyo hadda u ah xiriirka labada Dal,” ayuu ku yiri safiirka khudbadda uu ka jeediyay shirka.

Ugu dambeyntii, Danjire Cawaale Kullane ayaa soo dhoweeyay howsha wanaagsan ee Machadka Shiinaha-Afrika “China-Africa Institute”, ( CAI) iyo Akadeemiyada Daraasaadka Taariikhda Shiinaha ” Chinese Academy  of History ( CAH), sida hufnaanta iyo wadajirka leh ay u maamuleen shirweynaha caalamiga ah ee ” Daraasaadka caalamka ah  ee Qowmiyadaha Shiinaha iyo Afrika.

Ergeyga Madaxweeynaha u qaabilsan arrimaha Soogalootiga Sweden uga qeeyb gashay shir looga hadlayey Hijrada.

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweeynaha u qaabilsan arrimaha Soogalootiga iyo xuquuqda Caruurta Ambaashatoor Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf ayaa Magaalada Stockholm ee Caasimadda Dalka Sweden uga qeeyb gashay shir( Swedish Presidency Conference) looga hadlayey Hijrada si wadajir ahna eey usoo qabanqaabiyeen Midowga Yurub & Shabakadaha Hijrada.
Abaashatoor Maryan oo faahfaahin ka bixineeysay shirka ayaa tiri ” Waxaa sharaf ii ah inaan aragtida Soomaaliya ee ku aadan Hijrada ama Tahriibka kusoo bandhigo shirkaan oo looga hadlayo xiriirka ka dhexeeya Masiibooyinka Cimilada & Xaalufka Deegaanka oo Midoowga Yurub soo qabanqaabiyey laguna qabtay Stockholm Sweden”.
Shirka ayaa waxaa aad loogu falanqeeyey sida saameeynta isbedelka Cimiladu saameeyn ugu yeelatay qaababka Hijrada ee meelo kala duwan ee adduunka ah. Kasoo qeeybgalayasha Shirka ayaa hoosta ka xariiqay sida eey muhiim u tahay in dib u eegis lagu sameeyo siyaasadda Socdaalka iyadoo weliba lagu cabbirayo aragti fog.
Ambaashatoor Maryan Yaasiin ayaa shirka u gudbisay sida loogu baahanyahay hab-doowladeed loo dhanyahay kaasoo lagu hormariyo qaab-dhismeedka Sharciyada Qaran ee Hijrada iyo weliba Siyaasadaha ilaalinaya xuquuqda Caruurta iyo Soogalootiga iyadoo lala kaashanayo Heyadaha kala duwan ee ku shaqada leh arrimaha Socdaalka.