Home Blog Page 385

Fatahaada Webiga Shabeelle oo khasaare gaarsiiyey Cisbitaalka Beledweyne

0

Webiga Shabeelle oo ku fatahay magaaladda Beledweyne ayaa khasaare gaarsiiyey Cisbitaalka Magaaladda Beledweyne sida ka muuqata Sawiro ay heshay Wakaaladda Wararka SONNA waxa ay Biyaha guddaha u galeen dhammaan qolalka Cisbitaalla.

Fatahaada Webiga ayaa sababtay in ay xirmaan suuqyadii ganacsiga sidoo kale na uu hakad galo isu socodka Magaaladda oo goobihii la marayey ay xireen Biyaha.

Waxa sidoo kale khasaare soo gaaray goobihii kale ee caafimaadka oo sidoo kale u xirmay fatahaada webiga iyo daadka roobabka ee magaalada ku soo rogmaday.

 

Bacaadweyne oo lagu soo bandhigay Ciidamo ka qayb noqonaya la dagaalanka Khawaarijta

0

Boqolaal Ciidamo Deegaanka ah oo ka qayb qadanaya dagaalka Khawaarijta ayaa shalay waxaa lagu soo bandhigay Magaalada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, kuwaas oo diyaar u ah in ay ka qaybqataan soo afjarista Khawaarijta .

Ciidankaan waxaa  kormer ugu tagay Saraakil ka kala tirsan Dowlada Federaalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka, waxaana ay u shegeen in ay u diyaar garoobaan howlgal culus oo Khawaarijta looga sarayo deeganada Galmudug.

Guud ahaan dalka si gaar ah Galmudug waxaa uga socda howlgalo culus oo ka dhan ah khawaarijta Al-shabaab, waxaana looga qabsaday dhul badan oo muddo jogeen.

Dab xooggan oo ka kacay Suuqa Xamarweyne

0

Maamulka gobolka Banaadir iyo Shacabka oo is kaashanaya ayaa ku guuleystay daminta dab xooggan oo qabsaday qeybo kamid ah suuqa Xamarweyne.

Dabka ayaa markii hore ka kacay suuqa qeybta Masjidka Marwaaz, waxaa uuna ku fiday qeybaha Suuqa Dahablaha, kawaanka Hilibka iyo meelo kale.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo goobta kula hadlay warbaahinta ayaa ku bogaadiyey maamulka iyo dadkii ka qeyb qaatay daminta dabkaas.

Guddoomiye Madaale “Waxaan daminnay dabkii kacay, waxaana si gaar ah ula xisaabtami doona shirkadaha Korontada,”

Dabkan oo khasaare xooggan dhaliyay ayaa wali maamulka sheegin cadadka hantida ku baa’baday,iyadoo qaar kamid ganacsatada halkaas sheegeen in hanti waxii halkaas u yiilay dabku la tagay.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo gargaar u dirtay Baardheere

0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA oo wali wada gurmadka loo sameenaayo shacabka Soomaaliyeed ee iskugu darsoomeen daadadka El-Niño iyo fatahaadaha ay sameyeen wabbiyada Jubba iyo Shabelle ayaa maanta waxa magalaada Baardheere u dirtay Diyaarad wada shixnad mucaawino ah oo gaaraysa ilaa 6-Tan.

Baardheere waxa ay kamid tahay degmooyinka gobolka Gedo kuwooda ssameynta dag ay ka soo gaartay fatahaada wabbiga jubba, taas oo keentay in ay go’do buundii Baardheere waxaana hore sidaan oo kale hay’adda Maareynta musiiboyinka magaalaaas ugu dirtay Doonyo nuuca dheereeya ah si loo badbaadiyo shacab ay go’doomiyeen Biyaha.

Gargaarkaan waxaa loogu talagalay in la gaarsiyo shacabka ku barakacay dadaadka iyo fatahaadaha.

 

Israa’iil oo sheegtay in Sarakiil sare looga dilay waqooyiga Qaza

Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay subaxnimadii hore ee saakay oo Khamiis ah in laba sargaal oo sar sare looga dilay laba kalena looga dhaawacay dagaal ka dhacay waqooyiga Marinka Qaza.

Dhimashada Sarakiishan ayaa tirada guud ee dhimashada ciidamada Isra’iil ka dhigeysa tan iyo markii uu bilowday duullaanka ay ku qadeen magaalada Qaza 370 Askari.

Guutada Al-Qassam ee dhaqdhaqaaqa wax iska caabbinta Xamaas, ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqay inay burburisay 11 baabuurta Gashaaman ah oo ay lahayeen Ciidamada Israa’iil.

Warkan ka soo baxay Xamaas, ayaa sido kale lagu sheegay in Ciidamadii soo duullaan tagay ay u geysteen khasarooyin nafeed oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, wallow aanay xusin tiro rasmi ah.

Dacwad loo heysto saraakiil dowladeed oo ka socota Maxkamadda gobolka Banaadir

0

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dacwad loo heysto Agaasimayashii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, kuwaa oo lagu soo eedeeyay falal Musuq maasuq ah.

Agaasimihii hore ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa lagu eedeeyay inuu lunsaday Lacag gaareysa 5 Malyan oo dollar.

Sidokale,  Maxamed Aadan Koofi Agaasimihii hore ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, ayaa loo haystaa  lunsashada lacag gaaraysa 4 Malyan oo dollar.

Madaxweyne Guudlaawe oo gaaray Mahadaay

0

Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo  gaaray degmada Mahadaay ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xaafadaha degmada oo ay saameeyeen roobab iyo fatahaadaha ku dhuftay Degmada Mahadaay.

Madaxweynaha oo kormeer socod ah ku maray qeybaha kala duwan ee xaafadaha degmada Mahadaay ayaa u kuurgalay xaalada dhabta ee ka jirta Degmada oo inta badan xaafadaha looga barakacay roobabka da’aya iyo fatahaada wabiga shabeelle.

Madaxweynaha oo booqashadiisa ay ku wehliyeen Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Wasiir Ku Xigeenka Maaliyada, Wasiir Ku Xigeenka Beeraha iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ugu baaqay bulshada Hirshabeelle inay isu gargaaraan isagoo deeq gargaar ah gaarsiiyay shacabka ku dhibaateysan Degmada Mahadaay.

Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday roobabka iyo fatahaadaha ka jira Magaalada Beledweyne isagoo tilmaamay in xaalad bini’aadanimo oo daran ay ka jirto halkaas loona baahan yahay in gurmad iyo garab istaag loo sameeyo bulshada beledweyne oo guud ahaan uu saameeyay daadadka iyo fatahaada.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa xusay in boqolaal qoys ay hoygoodii iyo hantidoodii ku waayey daadadka iyo Fatahaada Wabiga Shabeele, isaga oo shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Samafalka ugu baaqay in usoo gurmadaan shacabka la daala dhacaya musiibada fatahaadaha ah.

SODMA oo soo saartay Saadasha Roobabka dayrta

0

Todobada casho ee soo socota oo ah asbuuca Sedexaad ee bisha November 2023ka waxay saadaashu roobka xiliga Deryta muujinaysaa in roobab fiican ay ka di’i doonaan Dhamaan gobollada dalka waxayna ku kala duwanaan-doonaan xadiga roobabka ay helayaan sida saadaashu sheegayso roobabkaas cabirkoodu waxuu u dhaxeeyo 𝟯𝟬 𝗶𝗹𝗹𝗮𝗮 𝟮𝟬𝟬 (𝗺𝗺).

➤ Degmooyinka gobolada Gedo iyo Awdal waa meelaha ugu badan oo la filayo in ay helaan roobab xadigeedu sareeyo oo u dhaxeeya 𝟭𝟱𝟬-𝟮𝟬𝟬 𝗺𝗺, Sidookale degmooyin ka mid ah Gobalada 𝗕𝗮𝘆, 𝗕𝗮𝗸𝗼𝗼𝗹, 𝗛𝗶𝗶𝗿𝗮𝗮𝗻, 𝗦𝗼𝗼𝗹, 𝗡𝘂𝗴𝗮𝗮𝗹, 𝗪𝗮𝗾𝗼𝗼𝘆𝗶 𝗴𝗮𝗯𝗲𝗲𝗱, 𝗠𝘂𝗱𝘂𝗴, 𝗚𝗮𝗹𝗴𝗮𝗱𝘂𝘂𝗱, 𝗦𝗵𝗮𝗯𝗲𝗲𝗹𝗮𝗱𝗮-𝗱𝗵𝗮𝘅𝗲, 𝗦𝗵𝗮𝗯𝗲𝗲𝗹𝗮𝗱𝗮-𝗛𝗼𝗼𝘀𝗲, 𝗝𝘂𝗯𝗮𝗱𝗮-𝗛𝗼𝗼𝘀𝗲, 𝗝𝘂𝗯𝗮𝗱𝗮-𝗗𝗵𝗮𝘅𝗲 𝗶𝘆𝗼 𝗕𝗮𝗻𝗮𝗮𝗱𝗶𝗿 ayaa waxaa la saadaalinayaa in ay ka da’aan roobab cabirkooddu u dhaxeeyo
𝟯𝟬 𝗶𝗹𝗮𝗮 𝟴𝟬 𝗺𝗺

➤ Degmooyin ka mid ah gobalada aan kor ku soo xusnay gaar ahaan Gobalka 𝗚𝗲𝗱𝗼, 𝗔𝘄𝗱𝗮𝗹 𝗶𝘆𝗼 𝗕𝗮𝘆 waxay saadaashu sheegaysaa in roobabkaas ay sababi karaan 𝗱𝗮𝗮𝗱𝗮𝗱 iyo 𝗳𝗮𝘁𝗮𝗵𝗮𝗮𝗱𝗼
(𝗙𝗹𝗼𝗼𝗱 & 𝗙𝗹𝗮𝘀𝗵 𝗳𝗹𝗼𝗼𝗱𝘀).

➤ Waxaa sare u sii kacaya heerka biyaha wabiyada Juba iyo shabeele taasina waxaa sabab u ah roobabka xoogan ee ka da’aya qeybo ka mid ah dalka iyo buuralayda Ethiopia taasoo macnaheedu tahay 𝗶𝗻 𝗳𝗮𝘁𝗮𝗵𝗮𝗮𝗱𝘂 𝗮𝘆 𝘀𝗶𝗶 𝘀𝗼𝗰𝗼𝗻𝗱𝗼𝗼𝗻𝘁𝗼.

𝗙𝗚: Hadii roobabka la filyo todobaadkaan ay u da’aan sida saadaashu sheegeeyso, waxay geeysan karaan khasaare iskugu jira naf iyo maalba.

𝗛𝗮’𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 oo Horay u soo saartay 𝗫𝗮𝗿𝘂𝗻𝘁𝗲𝗲𝗱𝗮 𝗞𝗮 𝗱𝗶𝗴𝗶𝘀𝘁𝗮 𝗛𝗮𝗹𝗶𝘀-𝘄𝗮𝗱𝗮𝗿𝗲𝗲𝗱𝗸𝗮 Saadaasha Roobab ma hiigaan ah oo dalka ka da’ay kuwaas oo geeystay Daadad iyo Fatahaado, ayaa mar kale Bulshada Soomaaliyeed u direeysay Digniino si loogu feejignaado saameynta roobku ku yeelan karo nafta iyo Hantida shacabka Soomaaliyeed.

Forcasting Tempalate Week 1aad June 20 – 27 2023

Akhriso War-murtiyeed wadajir ah Soomaaliya iyo Burundi

0

1. Casuumaad uu fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi Mudane Evariste Ndayishimiye, sidoo kalena ah Guddoomiyaha Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku soo gaaray dalkan, 15ka Noofambar 2023.

2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoggaaminaya wafdi ka kooban Wasiirro iyo mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

3. Markii uu ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Melchior Ndadaye ee magaalada Bujumbura Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa waxaa si diirran u soo dhaweeyey Danjire Albert Shinjiro, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiirro iyo Madax sare oo ka tirsan Dowladda Burundi.

4. Gelinkii dambe, waxa ay si saaxiibtinimo leh labada Madaxweyne u yeesheen kulan fool-ka-fool ah, kaas oo ay ku muujiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee adag ee aan ku koobneyn labada dawladood oo keliya, balse sidoo kale ka dhexeeya labada shacab ee Burundi iyo Soomaaliya.

5. Labada Madaxweyne waxay dib u eegis ku sameeyeen heerka iskaashiga saaxiibtinimo ee labada dal, waxayna  adkeeyeen baahida loo qabo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhow ee ku saleysan kalsoonida iyo danaha guud ee labada dowladood iyo shacab.

6. Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dhiggiisa Burundi Madaxweyne Evariste Ndayishimiye ku ammaanay dadaalkiisa aan daalka lahayn ee uu gacanta kaga geysanayo dib u soo celinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya iyadoo loo sii marayo Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS. Sidoo kale, labada hoggaamiye waxay bogaadiyeen Ciidanka Burundi, kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa ATMIS ee ku sugan furimaha ee la dagaallamaya kooxda argagaxisada ee Al-Shabaab.

7. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu kaloo ku ammaanay Madaxweyne Evariste Ndayishimiye doorka uu ka qaatay dib u soo celinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Kongo iyadoo loo sii marayo geeddisocodka Nairobi iyo sidoo kale doorka Burundi ee hawlgalka nabad ilaalinta ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

8. Mudane Evariste Ndayishimiye, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi wuxuu uga mahadceliyay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya booqashada shaqo ee uu ku yimid Jamhuuriyadda Burundi, wuxuuna ku ammaanay dadaalladiisa aan daalka lahayn ee uu ugu jiro nabadda, amniga, dimuqraaddiyada iyo horumarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

9. Labada Madaxweyne waxay ammaaneen dhisidda Guddiga Wadajirka ee joogtada ah ee qaabilsan iskaashiga (JPCC) si loo dajiyo qaab dhismeed iskaashi labo geesood ah oo u dhaxeeya labada dal, iskaashi dhinacyo badan taabanaya, sida ganacsiga iyo maalgelinta, dhisidda karaanka, beeraha, waxbarashada, caafimaadka, dalxiiska, gaashaandhigga iyo amniga, wada xaajoodyada siyaasadda, si looga faa’iideeyo labada dal iyo dadka ku nool.

10. Si loo sii xoojiyo, loo qoto dheereeyo isla markaasna loo dardargeliyo iskaashiga dhow ee u dhaxeeya labada dal, labada madaxweyne waxay hoosta ka xarriiqeeen baahida degdegga ah ee loo qabo in mustaqbalka dhow la qabto kulan uu yeesho Guddiga Wadajirka ee joogtada ah ee qaabilsan iskaashiga (JPCC). Sidaas awgeed, waxay labada madaxweyne fareen Wasiirradooda Arrimaha Dibadda inay qabanqaabiyaan kulanka Guddiga Wadajirka ee joogtada ah ee qaabilsan iskaashiga labada dal.

11. Arimaha heerka gobol, labada madaxweyne waxay caddeeyeen sida ay uga go’an tahay ajandaha 2030 ee Qaramada Midoobay, ajandaha 2063 ee Midowga Afrika, kan 2050 ee Dallada Bulshada Bariga Afrika iyo hirgelinta Heshiiska Ganacsiga ee hal suuq loogu abuurayo ganacsiga iyo adeegyada waddamada qaaradda Afrika AfCFTA)

12. Labada Madaxweyne waxay xoojiyeen mudnaanta ay siinayaan arrimaha hortabinta u leh Dallada Bulshada Bariga Afrika EAC ee 2022-2026, kuwaas oo ay ka mid tahay, hirgelinta Kastamka mideysan (SCT), in waajibaadka heer gobol lagu saleeyo duruufaha maxaliga ah, si waafaqsan hab-raaca suuqa Mideysan ee dallada EAC, xoojinta nabadda, amniga, xasilloonida iyo maamul wanaag gobolka.

13. Labada dhinac waxay sidoo kale dib u eegid ku sameeyeen xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee wadajirka u saameynaya, oo ay ka mid yihiin xaaladaha Koongo DRC iyo Suudaan.  Labada dhinac waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamku ee dadaallada heer gobol ee hadda socda kuwaas oo ku qotoma in xal siyaasadeed oo dhammaystiran laga gaaro xiisadda Koongo DRC si waafaqsan is afgaradyadii Nairobi iyo Luanda.

Arrimaha Suudaan, labada Hogaamiye waxay isla qaateen baahida degdega ah ee loo qabo in xabadda la joojiyo si loo fasaxo gargaarka bini’aadantinimo iyo in xal waara loogu helo colaadda Suudaan iyadoo loo marayo wadahadal iyo iskaashi.

14. Arrimaha Caalamiga ah, Labada Madaxweyne waxay walaac xooggan ka muujiyeen xaaladda amni ee adduunka ee ay ku soo badanayaan colaadaha tooska ah ee u dhexeeya Waddamada iyo Dagaallada dadban ee ka socda gobollo dhowr ah, waxayna ugu baaqeen dhammaan dalalka ay khusayso in ay adeegsadaan hannaan Diblomaasiyadeed oo ay ka mid tahay wada-hadal, gorgortan iyo iskaashi si xal nabadeed loogu helo caqabadaha amni ee soo wajaha adduunka xilligaan aadka u adag.

15. Labada Madaxweyne waxay kaloo adkeeyeen in la ixtiraamo Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah ee ku aaddan maaraynta colaahada hadda ka socda adduunka, waxayna Labada Madaxweyne baaq u direen dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadaha soo noqnoqday ee adduunku inay si degdeg ah u joojiyaan xabbadda si loo badbaadiyo nolosha dadka aan waxba galabsan, loogana gudbo sababaha wiiqaya dadaallada horumarineed ee caalamiga ah.

16. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gabagebadii safarkiisa shaqo waxa uu mahadcelin iyo bogaadin u jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi Mudane Evariste NDAYISHIMIYE, Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Burundi soo dhawaynta iyo maamuuska ay ku qaabileen isaga iyo weftigii uu hoggaaminayey ee soo gaaray Jamhuuriyadda Burundi.

Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS oo la kulmay Safiirka Jarmalka ee Soomaliya

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta la kulmay safiirka Jarmalka ee Soomaaliya Amb. Sebastian Groth iyada oo ka wada hadlay nabad dhiska, gargaarka banii’aadnimo iyo dhibaatooyinka fatahaadaha.

Amb. Sebastian Groth safiirka Jarmalka ee Soomaaliya oo goobta ka hadlay ayaa adkeeyey sida dalkiisu uga la shaqeynayo xukuumadda Soomaaliya arrimaha hortabinta u leh.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa uga mahadceliyay dowlada Jarmalka iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah sida ay Soomaaliya uga taageeraan arrimaha la xiriira qaran dhiska.