

Howlgal qorshaysan oo ay si wadajir ah u fulinayaan Ciidanka Xoogga dalka iyo Ciidamada deegaanka ee beelaha Koofurta Mudug ayaa ka socda hawdka tuulada Shabeelloow ee Koofurta gobolka Mudug.
Howlgalka oo Khawaarij halkaas ku dhuumaalaysanaysay looga qaaday dhawr jiho ayaa ah mid xooggan oo looga sifeynayo deegaanka.
Dagaal u dhaxeeya geesiyaasha halkaas ka wada howlgalka iyo malleeshiyada Khawaarijta ayaa hadda socda, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in khasaare xooggan la gaarsiiyey cadowga.
Hawlgalkaan ayaa imaanaya xilli inta badan Gobalka Mudug laga sifeeyay Khawaarijta.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ka furey wajiga 2aaad ee shirka isku duwidda howlaha hormarinta wax soo saarka xoolaha ee Mashruuca RAAISE.
Shirka waxaa ka qeyb galaya Wasiirada Xanaanada xoolaha dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka.

Xubnaha aqalka Koongareeska Mareykanka ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyay in xilka ka qadista afhayeenkoodi, Kevin McCarthy, tallaabadaas oo noqonaysa tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee soo marta taariikhda Koongareeska Mareykanka.
Aqalka wakiillada Mareykanka McCarthy oo ka tirsanaa xisbiga Jamhuuriga ayaa waxaa xil ka qaadistiisa u codeysay 216 cod, halka 210 ay ka soo horjeesteen.
Siddeed xubnood oo ka mid ah xisbiga Jamhuuriga, ayaa u codeeyay in xilka laga qaado afhayeenka aqalka Koongareeska Mareykanka, taasi oo micno kale u sameyneyso xilka ka qaadistisa.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar si uu uga qeyb galo shirka wada tashiga ee horumarinta Shaqada hufan (Decent Work).
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim oo booqasho ku jooga magaalada Qaahira ayaa kulan gaar ah la qaatay Mudane Alexio Musindo Agaasimaha Xafiiska ILO ee dalalka Somalia, Ethiopia, Djibouti, Sudan iyo South Sudan, ahna wakiilka gaarka ah ee AU iyo ECA ee dhanka Shaqada.
Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socday labada dhinac oo uu ka mid ahaa Mudane Mahdi Maxamuud Cali oo ah La-taliyaha Sare ee MOLSA, Marwo Sucaad Cabdullaahi Macallin Agaasimaha Waaxda Sharciyada iyo Xiriirka Shaqada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Fatuxa Cabdullaahi Ciise La-taliye Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda, ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashiga ka dhexeeya ILO iyo Soomaaliya ee dhinacyada Shaqada iyo Horumarinta Bulshada.
Wasiir Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac, wuxuuna sidoo sheegay in hay’adda ILO uu ka helay ballan qaad la xiriira dhammaan dhinacyada u baahan in Soomaaliya laga taageero sida dhanka ilaalinta Bulshada iyo horumarinta shaqo hufan (Decent Work) iyo tayenyta horumarka shaqaalaha hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
Booqashada Wasiirka iyo wafdigiisa ay ku tageen dalka Masar ayaa waxaa soo qaban qaabiyay xafiiska (ILO Cairo) ee Dalka Masar si ay uga wada hadlaan arrimaha iskaashiga.
Masuuliyiinta Labada dhinac ayaa isku raacay in la sii wado wadatashiga iyo isku xirnaanta labada dhinac si loo gaaro danaha horumarineed ee Bulshada Soomaaliyeed.

Ciidamada qalabka sida ee DFS ayaa Khawaarijta kala wareegay degaanno hoos taga degmada Qoryoolay ee gobolka Shabeellada hoose.
Taliyaha ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed ee degmada Qoryooley Laba xiddigle, Cali Maxamed Aaden ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay khasaaro xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba leh gaarsiiyeen khawaarijta.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay ciidamadau burburiyeen fariisimo ay khawaarijtu ku lahaayeen tuulada Gaay warroow, firxadkoodana ay ku daba jiraan iyagoo kaashanaya dadka shacabka ah.
Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa ka qeybgalay furitaanka shirka 18-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa initiative).
Shirkaan ayaa looga hadlay horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka Geeska Afrika kaas oo uu ugu horeeyo fulinta qorshayaasha isku socodka ganacsiga gaar ka ee bulshooyinka dalalkaasi ay maamulaan.
Wasiirka Maaliiyadda Soomaaliya ayaa khudbad kooban oo uu ka jeediyay shirka waxa uu uga hadlay mudnaanta ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u leedahay ka qeybgalka shirkaan iyo hirgalinta qorshayaasha iskaashi ee dhanka maalgashiga iyo fursadaha dhaqaale ee dalalka Geeska.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo markii kowaad ka qeybgalaya shirkaan ayaa si diiraan loogu soo dhaweeyee shirka.
Wasiirka Maaliyadda dalka Itoobiya Mudane, Axmed Shide oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Sanadkan ee Iskaashiga Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika ayaa ku boogadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay heer wanaagsan uga gaartay hannaanka barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya ee ECF.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed, oo waayihii dambe faafinayay afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasiloonida iyo Dowladnimada Soomaaliya, sidoo kalana taageerayay Khawaarijta.
Sufyaan oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo deganaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayay hay’adda NISA kasoo dejisay magaalada Muqdisho waxa ayna ku bilawday baaritaanno iyo wareysiyo la xiriira cilaaqaadka kala dhaxeeya argagixisada, shabakadaha kale ee ku xiran iyo shaqsiyaadka la wadaaga fikirkan halista ku ah guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA waxaa ka go’an in ay gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh argagixisada, kuna garab siineysa dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Maamulka Koonfur Galbeed,waxaana Garoonka diyaaradaha shaati-Gauddud ku soodhaweeyey Wasiiiro,Xildhibaano Saraakiil katirsan Maamulka KGS.
Wafdiga Wasiirka waxaa qayb ka ah Wasiirada Warfaafinta dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasinka Warfaafinta Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale.
Ujeedka Safarka Wasiirka ee Baydhabo ayaa ah ka qeybgalka shir wadatashi ah oo Wasiirada Warfaafinta dowladda Federaalka kuwa dowladd Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir OO Magaaladaas uga furmaya.

