Home Blog Page 378

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Moscow kula kulmay Dhiggiisa Ruushka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac oo booqasho rasmi ah ku gaaray magaalada Moscow ee dalka Ruusha ayaa maanta kulan la qaatay dhiggiisa dalkaasi Mudane Sergey Lavrov.

Mudane Abshir Cumar Huruuse iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Ruushka ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

“Waxaan ka wada hadalnay wasiirka xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa una ahaan lahaa mid mar walba ku dhisan Iskaashi, is-qadarin iyo wax wada qabsi” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Abshir Cumar Jaamac.

Soomaaliya iyo Ruushka ayaa leh xiriir saaxibtinimo oo qota dheer, iyada oo dalka Ruushka uu kamid ahaa dalalka Soomaaliya ka caawin jiray dhanka Militariga.

Muqdisho-Somalia

Shirkii Madasha Maayarada Soomaaliya oo Warmurtiyeed laga soo saaray .

Wasaaradda Arrimaha gudaha XFS ayaa Warmurtiyeed kasoo saartay Shirkii Muqdisho ugu soo dhamaaday Madasha Maayarada Soomaaliya kaas oo Wasaaraddu qabatay.

Hub culus oo lagu soo qabtay howlgal {Sawirro}

Ciidanka Amniga oo wali ku jira howlgal ay ka wadaan xaafada Tarabuunka ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa waxay gacanta ku dhigeen nuucyo ka mid ah dharka ciidanka, Hub kale oo ay ku jiraan Qaraxyo iyo Rasaas badan.
Hubkaan iyo agabka kale waxaa lagu qariyay Guri ku yaala Xaafada Tarabuunka oo ciidamadu ay ka soosaareen, waxaana ilaa iyo hadda ciidamadu ay gacanta ku haayaan laba eedeysane oo loo haysto arrinkaan.
Sida ay saraakiisha Ciidamada ammaanka u sheegeen Warbaahinta Qaranka waxaa jira shaqsiyaad lagu daba joogo kuwaas oo baxsad ah.

Hay’adaha amniga oo ku guuleystay in ay fashiliyaan Dhagarta aan muuqan ee Khawaarijta (Warbixin)

18-kii May, Sanadkan 2023, todobaadkii hore Al-shabaab waxay lumiyeen Kunteenar hub iyo walxaha qarxa isugu jira oo ay doonayeen in ay ku gumaadaan Dalka iyo dadka, balse waxaa gacanta ku dhigay hay’adda Sirdoonka Qaranka NISA.

” Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa Dekada Muqdisho ku qabatay allaabo ay ciidamada isticmaalaan oo ay ku jiraan saanad ciidan, kuwaas oo loo waday Khawaarijta Al-shabaab, sirdoonka Soomaaliya ayaa si dhow ula socday saanadan ciidan ee loogu soo dhex qariyay Badeeco ganacsi ahaan Dalka loo soo gelinayay, ilaa iyo wadanka laga soo qaaday iyo muddadii laga shaqeynayay intaba, NISA ayaa sidoo kale la socotay dhaq-dhaqaaqa iyo xiriirka Shabakadda ballaaran oo kala joogay dibadda, Muqdisho iyo gobollada,kuwaas oo ka wada shaqeynayay soo iibinta, soo rarista soo dejinta Dekada ila gaarsiinta gacanta Khawaarijta,” ayuu yiri wasiirka ku-xigeenka amniga gudaha Soomaaliya.

Labo maalin ka dib, 20-kii May 2023, isla sanadkan, 11-kii barqanimo kunteernarkii labaad ayaa galay gacanta NISA, waa qalab ku fadhiyay qiimo sare, bale waa guuldaro kale oo Al-shabaab ay la kulmayaan maalmo is-xig-xiga oo xanuun badan.

” Maanta halkan waxaa yaallo kunteenarkii labaad ee la qabtay, runtiina howlgal wali socda oo aad iyo aad u ballaaran weeye, waxaa runtii hambalyo, bogaadin iyo duco mudan ciidanka qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan ciidanka NISA oo shaqadan aadka iyo aadka u weyn qabtay, dadka Soomaaliyeedna ka badbaadiyay dhagarta weyn ee Khawaarijta soo maleegtay, sidoo kalena, ku guuleystya in wixii ugu weynaa ee Khawaarijtu ku faani jirtay ee ahayd inaan xogtooda la heli karin beeniyay,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Al-caddaala.

Isla labaatankii May, kumaandooska Gor Gor ayaa gacanta ku soo dhigay afar dhagar qabe oo ka tirsan Khawaarijta, halka Mahad Caga-duub oo ahaa madaxii Khawaarijta u qaabilsanaa Sakawaadka deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud uu wadno istaag u dhintay ka dib markii uu isku dayay inuu orod kaga baxsado Kumaandooska Gor Gor.

Kooxdan ka tirsan argagixisada naflacaariga ah ee Al-shabaab ayaa u yimid deegaannadaas in lacago baad ah ka qaadaan, balse dadka deegaanka oo la soo xiriiray ciidanka xoogga Dalka ayaa u suurta gashay in ay gacanta ku dhigaan afar ka mid ah Khawaarijta, halka horjooge Mahad Caga-duub uu isku dayay inuu ka baxsado ciidanka, balse ugu yaraan markii uu 3km ordayay ayuu istaagay wadnaha, sidaas meesha ugu quur baxay.

Mahad oo ahaa madaxii Sakawaadka deegaannada Meexaan, Towfiiq, Cali Afrax iyo Budbud ayaa hadda wax Sakawaad dambe ah ka uruurin doonin shacabka  dhammaan deegaannadaas.

Haatan, waxaa xiran oo xukun sugayaal ah  khwaarijta kala ah Cantoob Xiise waa xubin ka tirsan Khawaarijta una qaabilsanaa muddo afar sano Maaliyadda,Jaajuusnimada khaarijinta shacabka Muslimka ah, Yaasiin Cabdulle Cadde asna waa xubin ka tirsan Khawaarijta, wuxuuna muddo 7-sano ah ka tirsanaa kuwa qaada Badda , Siciid Naxar Maxamuud waa xubin ka tirsan khawaarijta wuxuu la shaqeynayay muddo 2-sano ah, kaas oo u qaabilsanaa dabagalka iyo gudbinta xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed, dhammaan hadda waa kuwo xiran oo xukun sugayaal ah.

Amarkii Maareynta Mooto Bajaaj-ta oo maanta Muqdisho ka dhaqan galay

Waxaa Muqdisho ka dhaqan galay amarkii Maamulka Gobolka Banaadir uu ka soo saaray kaltanka gaadiidka loo yaqaanno Mooto Bajaajta laga bilaabo maanta oo Khamiis ah, bishuna tahay 25-5-2023, kaltankan shaqada Mootooyinka Bajaajta ayaa waxuu ku bilowday kuwa leh midibka Jaalaha ah ee ku sundan xarafka (A), halka barrina ay shaqeyneyn doonaan Mootooyinka leh midabka Buluugga ah ee ku sundan xarafka (B).

Sida uu sheegay Af-hayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, waxaan gabi ahaanba magaalada ka shaqeyn doonin Motooyinka aan midabeysneen ee anan ku sundaneen Xarfaha A iyo B, iyo kuwa aan marin habracii rasmiga ahaa, kuwaasi oo Hey’addaha amniga lagu amar inay qabtaan.

Dhaqan galinta amarkan ayaa yimid kadib markii Golaha Wasdiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ay dhawaan soo sareen go’aan ku aaddan xadeeynta Mootooyinka Pajaajta loo yaqaanne ee ka shaqeeya Caasimadda, si loo meesha looga saaro saxmada ka jirta wadooyinka magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaarada Gadiidka iyo Duulista hawada oo kulan Gaara la qadatay Ra’iisulwasaaraha Dalka Malaysia

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukumadda Federalka Soomaliya Xildhibaan Fardowso Cisman Cigal oo Maal mahan Safar shaqo ku joogtay Dalka Malaysia ayaa kulan gaara la qadatay Ra’iisulwasaaraha Dalka Malaysia,Mudane Yab Dato’ seri Anwar iyo wasiirka Arimaha Dibadda Ee Dalka Malaysia Zambry Abdul Kadir.

Wasiir Fardowso ayaa salaan ka Gaadh’siisay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaliyaa Dr Xasan Shekh Maxamuud, iyo Guud ahaan Shacabka Somaliyeed.

Wasiir fardowsa ayaa uga mahad celisay Ra’iisulwasaaraha sida ay shacabka Soomaaliyeed uga saacideen dhanka Waxbarashada Muddadii Bur-burku dalku ku jiray.

Kulankan ayaa waxa sidoo kale looga wada hadlay sidii labadda dal isaga kaashan lahaayeen dhinacyada horumarinta iyo arrimaha hor tebinta u leh labadda dal.

Mareykanka oo xayiraad kusoo rogay shiqsiyaad Soomali ah iyo Shirkado

Xafiiska Mareykanka u qaabilsan koontaroolka hantida shisheeye  ee Waaxda lacagta ayaa xayiraad ku soo rogay  26 qof oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al Shabaab.

Xayiraaddaan oo sidoo kale lagu soo rogay todobo shirkadood , waxaa dadka la bartilmaameedsaday kamid ah 15 ‘fududeeye iyo shaqaale, 4 nin oo ganacsato ah oo dhoofiya dhuxusha,kana tirsan Al Shabaab.

Waxaa kaloo dadka la bartilmaameedsaday ku jira hogaamiye goboleedyo muhiim ah, dad gacan saar la leh’ iyo wax Maraykanku ku tilmaamay ‘xubno ka tirsan argagixisada Soomaaliya oo ku lug leh hawlo fara badan oo ay ku taageerayaan Al Shabaab.

Dadka la xayiray ayaa la tilmaamay in ay ku lug lahaayeen fududaynta dhaqaalaha, hawlaha ganacsiga, canshuuraha lagu uruuriyo magaca kooxda, samaynta waxyaabaha qarxa ee gacan ku samayska ah iyo dhuxusha sida qarsoodiga ah looga dhoofiyo Soomaaliya.

Xubnahaas Al Shabab lala xiriiriyey waxay warbixinta Maraykanku sheegtay inay ahaayeen hogaamiye goboleedyo muhiim u ah Al Shabaab oo jooga Shabeellada Hoose, Jubbada hoose iyo Jubbada dhexe.

Hasaan Abshir Xuurow

Aadan Yusuf Siciid Ibraahim

Muumin Dheere  

Macalin Burhan

Cali Axmed Xuseen  

Axmed Kabadhe  

 Siyaad Ayuto

 Maxamed cabdullaahi Xiireey

 Cabdi Roobow (Roobow)

.Xasan Yariisow Aadan 

 Siciid Cabdullaahi Aadan

Aadan Jiis  

Cumar Guhaad 

.Cali Axmed

Bashiir Khaliif Muuse 

Maryan Barre 

Cabdiwahaab Nuur Cabdi

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shalay galinkii dambe madasha shirka Sharm el Sheikh kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina.

Waxay si gaar ah uga wada hadleen xoojinta mashaariicda Bagiga uu ka fuliyo Soomaaliya iyo sidii uu gacan uga geysan lahaa barnaamijka hormarinta dhaqaalaha ee dowladda Soomaaliya ay waddo.

Dr Adesina ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya horumarka ay ka sameysay barnaamijka deyn cafinta, isaga oo sheegay in bangigu kor u qaadi doono taageerada uu siiyo mashaariicda ay ka wadaan Soomaaliya.

 

Wasiirka Maaliyadda oo Sharma Shiikh kula kulmay wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dowladda Canada.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa Magaalada Sharma Shiikh ee Dalka Masar waxa uu kulan miro-dhal ah kula yeeshay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Canada Mr. Harjit Sajjan iyo masuuliyiintii la socotay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Hannaanka Isbadalka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo dhameystirka arrimaha deyn-cafinta.
Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in uu kala hadlay taageerada ay ka geysan karaan saameynta dhaqaale ee isbadalka cimilada oo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka uu saameynta xoogan ku yeeshay.

Wafdi saraakiil ah oo ka socda Booliiska Turkiga oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

Wafdi ka socda Boliiska Gaarka ah ee Ozil Harakat ee Dowlada Turkiga, ayaa maanta booqasho koban ku soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaliyeed, S/Guuto. Cusmaan Cabdulahi Maxamed (Kaniif) iyo Saraakiil kale ee Boliiska Soomaliyeed ah ayaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Adan Cade ku soo dhaweeyey.
Waftigaan ayaa u yimid in ay booqdaan, Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Boliiska Gaarka ah ee Haramcad oo ay Dowlada Turkigu tababarto.
Waftiga oo ka koobnaa 4 Sarkaal ayaa dhamaantood ka socday Ciidanka Ozel Harakat. Waxeyna kala yihiin.
1-Selami TÜRKER Özel Harekat Başkanı 1.Sınıf Emniyet Müdürü (Taliyaha özel Harekat).
2-Ali TÜREDİ Dış İlişkiler Daire Başkanı 1.Sınıf Emniyet Müdürü (Taliyaha Arimaha Dibadda).
3-Turgay OLGUN Dış İlişkiler Daire Başkan Yardımcısı 2.Emniyet Müdürü (Taliye kuxigenka Arimaha Dibadda).
4-Sıddık Mustafa ÜLGER Özel Harekat Başkanlığı Komiser (sarkalka özel harekat kamida).
Booqashadaan rasmiga ah ayaa mudo dhan dhowr cisho waftigu ku joogidoonaan Magaalada Muqdisho.