Home Blog Page 377

Maamulka Gobolka Banaadir oo gacanta kusoo dhigay shirkado lacaga been abuur ah ka qaadayay Bajaajleyda ka howl gasha Muqdisho,

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay shirkado lacaga been abuur ah ka qaadayay Bajaajleyda ka howl gasha Muqdisho, waxa uuna maamulka Gobolka sheegay in sharciga lala tiigsan doono kuwa gacanta lagu soo dhigay iyo cidkaste oo ku howlan dhibaateynta bulshada.

 

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay inaan gaadiidka Bajaajta ah laga qaadi karin Lacag dhaafsiisan waxii sharciga ahaa ee ku waajibay.

R/W Xamse oo Qaabilay Xildhibaan Hodan Xasan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Gobolka minnesota ee dalka mareykanka.

0
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaan Hodan Xasan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey kaalinta muuqata ee ay qurba joogtu ku leeyihiin dalalka ay nool yihiin gaar ahaan doorka firfircoon ee haweenka, isagoo intaa ku daray in haweenka Soomaaliyeed ay kaalin hormuud ah ay ku leeyihiin, horumarka dhaqan dhaqaale ee dalkooda iyo taageerada bulshada Soomaaliyeed xilliyada adag.
Dhankeeda Xildhibaan Hodan Xasan ayaa ka mahad-celisay soo dhawaynta qiimaha badan ee loogu sameeyey dalkeeda hooyo, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha uga warbixisay xaaladda qurbojoogta Soomaaliyeed ee Mareykanka oo si dhaw ula-socda guulaha isdaba jooga ee ah ee dowladdu Soomaaliyeed ku tallaabsatay sanadihii ugu danbeeyey.

Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo faahfaahin ka bixiyay dagaalka aagga Caad

0

Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka General Dayax Cabdi Cabdulle oo la hadlay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in tira ka badan 80 khawaarij ah dhibasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay aagga deegaanka Caad ee koofurta Gobolka Mudug.

 

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Daraawiishta Galmudug, iyo xooggaga deegaanka ee macewsley  ayaa saddexdii maalin ee lasoo dhaafey cashar adag ugu dhagay khawaarijtii ku sugneed deegaannada Jeex Jeexa iyo Caad.

 

Taliye Dayax ayaa sheegay in saldhigyadii lagu dagaalamay dhammaan ay ku sugan yihiin geesiyaasha Qaran, dhanka kale khawaarijta oo dagaalkan jab xooggan kasoo gaaray ayaa u firxaday dhulka hawdka ah ee dhaca xaduuda Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Wasaaradda Warfaafinta oo soo saartay eray bixinta rasmiga ah ee ururka EAC oo Soomaaliya ay ku biirtay

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay dhammaan hay’adaha dowladda iyo warbaahinta la wadaageysa erey bixinta Af Soomaaliga ee saxda ah ee loo adeegsanayo Ururka EAC ee aan bishii November 24keedii ku biirnay, isla markaana uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud uu 15 December uu heshiiska ku biiritaanka rasmiga ah uu ku saxiixay magaalada Entebbe ee dalka Uganda.

Haddaba erey bixinta saxda ah waxay noqoneysaa URUR GOBOLEEDKA ISKAASHIGA DHAQAALAHA BARIGA AFRIKA, waxaana loo soo soo gaabin karaa URUR GOBOLEEDKA BARIGA AFRIKA.

Waxaa la farayaa dhammaan mas’uuliyiinta hay’adaha kala duwan iyo warbaahinta inay sidaa u adeegsadaan marka ay qorayaan ama ka hadlayaan urur goboleedkan aan dhowaan ku biirney.

Muqdisho-Somalia

Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Sare oo kulan la qaatay wasiirka Qorsheynta

0

Guddiga Arrimaha Dibadda, iskaashiga Caalamiga,Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Aqalka Sare oo gudnaya waajibaadka ka saran kor joogtaynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda, ayaa xafiiskooda ugu yeeray masuuliyiinta Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha oo uu hoggaaminayay Wasiirka wasaaradaas Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beenabeene.

Kulan oo saacado badan qaatay ayaa wax looga waydiiyay mas’uuliyiinta wasaaradda Mashaariicda dalka laga fuliyo iyo sida loo qaybiyo, howlaha hay’adda tirakoobka Qaranka, dhaqan galka sharciga Maalgashadayaasha iyo Maalgashiga iyo su’aalo kale oo muhiim ahaa.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaah dibadda Aqalka Sare Senator Maryan Farah Kahiye oo kulanka Shir gudoominaysay ayaa Mas’uuliyiinta Wasaaradda Qorshaynta uga mahad celisay sida faahfaahsan oo ay uga jawaabeen su’aalihii ay qabeen xubnaha guddiga, iyadoo ku boorisay in waajibaadkooda ay u gutaan si hufan oo xilkasnimo leh.

 

Taliyaha Ciidanka Dhulka: Dagaalkii shalay Khawaarijta waxaa lagu gaarsiiyay jab xooggan

0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle, oo la hadlay Warbaahinta Qaranka sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Caad lagu khaarajiyay maleeshiyaad badan, islamarkaana looga furtay hub.

“Ciidanka waxay weerar ku qaadeen fariisimo ay lahaayeen kooxaha falaagada, kaas oo saacado badan socday, waxaa lagu gaarsiiyay jab xoog leh, waxaan la burburiyay saldhigyo badan ay ku lahaayeen soonaha Caad”. ayaa yiri Gen. Dayax Cabdi Cabdulle.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in dagaalkii maalin ka hor ka dhacay deegaanka Baraag iyo meel Caad u jirto 10 KM kooxaha Khawaarijta lagu gaarsiiyay jab xooggan, iyadoo la burburiyay saldhigyo halkaas ay ku lahaayeen, waxaana laga furtay hub tiro badan.

“Khasaaraha Khawaarijta soo gaaray lama soo koobi karo, meel kasta waxay daad gureynayaan khasaarihii soo gaaray, gaadiidna waa laga gubay oo kuwa dagaalka ah, hub badana waa laga helay”. ayuu yari taliye Gen. Dayax Cabdi Cabdulle.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa warsaxaafadeed shalay ka soo baxay ku sheegtay  in howgalladii ugu dambeeyay Khawaarijta looga dilay 130 khawaarij ah, loogana lagu furtay hub, iyadoo laga burburiyay qalab iyo goobo gabaad u ahaa khawaarijta.

Muqdisho-Somalia

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa xafiiska Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta kulan kula qaatay xubnaha guddiga iyo Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Ahmed Jumah Alromaithi.

Xubnaha guddiga oo uu hogaaaminayo guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta Xildhibaaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga warbixiyay howlaha guddiga u qabsoomay tan iyo intii la magacaabay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xubnaha ku amaanay howsha muhiimka ah ee ay hayaan iyo sida ay ugu howlanyihiin ka mira dhalinta howsha loo magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta. Sidoo kale Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa Safiirka kula dardaarmay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood iyo in la sii laba jibaaro xiriirka Saaxiibtinimo ee labada Baarlamaan.

Muqdisho-Somalia

Madaxweynaha JFS oo xilka ka qaaday Lataliyaha xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Mudane Nasa Cige oo ahaa Lataliyaha Madaxweynaha ee xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Lataliyaha Hore wakhtiga uu usoo shaqeeyey dalkiisa, isagoo tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan siinayso xoojinta xiriirka ay leedahay caalamka si waafaqsan dahana iyo arrimaha hortabinta u leh shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Janhuuriyadda ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in masuuliyiinta dowladdu ay ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed si masuuliyad leh oo ilaalinaysa qiyamka iyo nidaamka dowladnimada.

Xubin katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

0

Cabdirashiid Maxamed Cabdi oo Khawaarijta dhexdeeda looga yaqaanay “Indhacade” ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga, gaar ahaan Guutada 14-ka October ee ku sugan deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Cabdirashiid oo ku dhashay Magaalada Baydhabo ayaa Argagixisada ugu biiray sida uu sheegay deegaanka Doolan-doole ee Gobolka Baay horraantii 2018, markii uu qaatay fikirka lagu khalday kadib ayuu qeybta jabhadaha ee Khawaarijta uga soo barbar dagaalamay gobolada Baay iyo Shabeellaha Hoose.

Nolol adag iyo dhibaatooyin kala duwan oo uu wajahay darteed ayaa ugu dambeyn ku kaliftay inuu Fikirka Khawaarijta ka laabto, isaga oo Bambooyin “F1” ku hubeysan oo uu la soo baxsaday waxaa deegaanka Janaale ku soo dhaweeyay Taliyaha Ururka 83-aad, guutada 14-ka October Gaashaanle Maxamed Nuur iyo saraakiisha guutada ee deegaankaas ku sugan.

Sanadkan 2023-ka Soomaaliya waxay gaartay guulo taariikhi ah (WARBIXIN)

0

Kadib markii la soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha Dalka Soomaaliya Dr: Xasan Shikh Maxamuud oo lagu soo doortay Teendhada Afisyoone ee Magaalada Muqdisho15-kii bishii May ee sanadkii hore, islamarkaana uu halku dhig ka dhigtay ‘SOMALI HESHIIS, DUNIDANA HESHIIS LA AH’ ayaa waxa uu sheegay inuu wax ka qaban doono qorshayaashaan soo socda:- siyaasadda arrimaha gudaha”- 1. Amiga dalka (la dagaalanka Khawaarijta). 2. Soo celinta amniga Caasimadda ee Muqdisho. 3. La dagaalanka Musuqmaasuqa. 4. Dhameystirka Dastuurka si loo gaaro doorasho Qof iyo cod ah.

Siyaasadda arrimaha dibadda:- inay Soomaaliya Dunida kula dhaqmi doonto si dhex-dhexaadnimo ah, 1. In lagu biro Ururka Bulshada Afrika. 2. Qaadista Cuneqabateynta Hubka. 3. Deyn cafinta. 4, ka bixitaanka Dalka ciidamada nabad ilaalinta ah ee ATMIS oo hore loo oran jira AMISOM.

Haddaba maxaa ka fulay qorshayaasha Dowladda ee dhinacyada siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo midda gudaha?.

Qorshayaasha dowladda ee arrimaha dibadda:-

1.ku biirista Bulshada Bariga Afrika:- Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika, taaso oo u sahleysa Shacabka Soomaaliyeed iyo Ganacsatadaba inay si sahlan ugu safraan Wadamada Xubnaha ka ah Ururkaasi, Madaxweynaha JFS Dr; Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayay tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada Ururkaan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa, waxa uuna ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan ururkaan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyey Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika aqbalaadda codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada Ururkaan, waxa uuna soo bandhigay faa’iidada ay u leedahay Shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga Qaaradda.

2.Qaadista cuneqabateynta Hubka:- ee saarneyd dalka Soomaaliya muddo 31 sano ah, waxayna shir ay isugu yimaadeen 13-kii bisha Desmber ee sanadkan Xubnahas Golaha ammaana ee Qaramada Midoobay ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in Soomaaliyan laga qaado Cuneqabateynta hubka, si ay u dhisato ciidankeeda, islamarkaana sii xoojiso dagaalka ay kula jirto Kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab. “Waxaan soo dhaweynayaa go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka kaga qaaday Soomaaliya. Tani waa guul muhiim ah oo u soo hoyatay Soomaaliya, waxayna muujinaysaa horumarka la taaban karo ee ku yimid hannaanka maamulka hubka iyo rasaasta ciidamada, iyadoo go’aankani uu awood noo siinayo in aan si buuxda u qalabeyno ciidamada Qaranka Soomaaliya”, sidaa waxaa yiri Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Shiikh Maxamuud.

Maalin kadib  waxay Dowladda Soomaaliya ku qabatay Xarunta Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee Magaalada New york ee Cariga Maraykanaka shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska Ciidamada iyo howlgallada Xoreynta. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada New York ee dalka Maraykanka uu markaa ku suganaa ayaa guddoomiyay Shirkaasi, kaasi oo ay ka soo qeyb-galeen in ka badan 26 dal, Wakilo ka kala socday Ururada Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika, waxaana looga hadlay ajandeyaashan; 1- Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya.2-Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya. 3-Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka.

3.Deyn Cafinta : Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta horumarka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Soomaaliya, taasi oo ay ka muuqato in ay Dowladda Soomaaliya ku guulaysatay dhammaan shuruudihii Barnaamijka Deyn-Cafinta. IMF ayaa shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay si guul ah uga soo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista 6-aad oo muddo labo toddobaad ah ay ku shirayeen magaalada Nairobi Dowladda Soomaaliya iyo IMF/ Bangiga Adduunka.

Soomaaliya waxa ay sii wadday dib-u-habeyn xooggan, waxqabadka barnaamijkuna waxa uu ahaa mid lagu qanco. Madaxda IMF iyo maamullada Soomaaliya ayaa gaaray heshiis heer-shaqaale ah oo ku saabsan dib-u-eegista lixaad ee habka amaahda la dheereeyay ee Soomaaliya (ECF). Dowladda Soomaaliya waxay sii wadeen inay horumariyaan, si ay u buuxiyaan shuruudaha lagu gaarayo Heerka Dhameystirka HIPC Diseembar 2023-ka, markaas oo deynta dibadda ee Soomaaliya laga dhimi doono wax ka yar US $ 600 milyan marka la eego qiimaha saafiga ah, marka la barbardhigo US $ 5.2 bilyan dhamaadka -2018-ka, ugu dambeyntiina 12-ka bisha Desember ayaa habi ahaanba deymihii lagu lahaa laga cafiyay.

Dhinaca kale Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF-ta ayaa lacago badan oo deyn ah ku leh inta badan dalalka ku yaal qaarada Afrika, Web-side-ka Business Insider Africa ayaa soo bandhigtay 10-ka waddan ee Afrika ugu sarreeya ee leh deymaha ugu hooseeya ee Sanduuqa Lacagta Aduunka. Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ah hey’adda ugu weyn maaliyadda adduunka, iyadoo taageero dhaqaale siiya dowladaha ay la kulmaan dhibaatooyinka dhaqaale, iyadoo Dalka Soomaaliya aanan lagu soo darin liiskan la soo bandhigey, waxaana Soomaaliya laga cafiyay deymaha lagu leeyahay oo dhamaa $4.5bn, lacagihii ay dowladii hore ee Siyaad Barre ka amaahatay Bangiga Adduunka.

4.Dhameystirka ka bixitaanka Soomaaliya Ciidamada ‘ATMIS’. “Dhimista tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo haatan socota waxay caddeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo leh hay’ado amni oo si buuxda ula wareega mas’uuliyadda sugidda amniga dalka”, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud oo markaasi kahadlaayay munaasabad ay Ciidanka Dowladda kala wareegayeen Illalinta amniga Madaxtooyada Qaranka, xafiisyada Ra’iisulwasaaraha XFS iyo xaruunta Baarlamaanka Soomaaliya iyo xeyndaabyada ku hareereeysan.

“ Muslimiin baan nahay, meeshaan deganahay iyo Madaxtooyada in Gabar Afrikaan ah oo Miskiin ah oo aan Muslim aheyn inay I waardiyayso oo ay Soomaali iga waardiyeyso wax lagu qanci karo ma ahan”, sidaasi waxa yiri Ra’iisul-wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo muddo hal bil ah markaasi magacaawnaa.

Madaxweyne Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa isna hadalkaan jeediyay markii ay Ciidamada ATMIS ka baxeen Villa Soomaaliya, ayna la wareegeen Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed,  “Waa Taariikhda Jamhuuriyadii Seddexaad ee Madaxweynaha aysan Ajnabi ilaalinayn”.

Qorshayaasha dowladda ee siyaasadda arrimaha gudaha ayaa ahaa:-

1.La dagaalanka Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab.  Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii June sanadkii 2022-dii  waxa uu si rasmi ah u iclaamiyay dagaalka ciribtirka Khawaarijta, kaasi oo bil gudaheed ka bilowday daafaha magaalada Muqdisho iyo inta badan gobollada dalka, wuxuuna xilligaasi dul-istaagay in uu hoggaamin doono dagaal seddex jiho ah oo Khawaarijta dalka looga xorreynayo, Isaga oo hoosta ka xariiqay dagaal toos ah, mid dhaqaale iyo mid fikir, Ciidamada qalabka Sida, hey’addaha dowladda, Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa farriintaasi si isku mid ah u soo wada dhaweeyay, waxayna muujiyeen kaalintooda dagaalka iyo inay barbar taagan yihiin Madaxweynahooda.

Gulufka Dagaalka oo tooska ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta ayaa isna si qorsheysan oo aan hakad laheyn muddo sanad ka badan uga socda dhammaan dowlad goboleedyada dalka kaasi oo saameyn xoog leh ku yeeshay khawaarijtii ku dhuumaaleysan jirtay gobollada dalka, iyadoo dhul ka badan (1.000) Kun KM ayaa sanad gudihiis looga laga ciribtiray Khawaarijta waxaana intaai dheer in ka badan 120 meelood ee isugu jira Deegaanno iyo Degmooyin muhiim ah ayaa soo galay gacanta dowladda welina waxaa socda baacsiga lagu hayo firxadka kooxda khawaarijta, waxaa kaloo jira intii uu socday  howlgallada iyo dagaallada tooska ah oo sanad iyom wax la jira jirsaday ayaa waxaa lagu dilay seddex kun toddobo boqol sagaashan iyo shan oo Maleeshiyaad (3,795) iyo horjoogeyaal sare oo khawaarijta muhiim u ahaa, kuwaasi oo uu ka mid ahaa dhaxal sugihii kooxda Cabdullaahi Nadiir, waxaana tirade guud ee horjoogeyaashu gaareysa gaaraya (57), waxaana lagu burburiyay 73 Saldhig oo khawaarijta fariisin u ahayd iyo (68) shabakadood oo noocyo kala duwan u abaabulnaa.

2.Soo celinta amniga Caasimadda ee Muqdisho. Sanadkan gudahiisa Dowladdu waxay ku guuleysatay inay hanato amniga caasimadda Dalka ee magaalada Muqdisho, waxaana laga ciribtiray Kooxdaha Khawaarijta iyo kuwa u deega ee l magac baxay ciyaal weero (Gangis), kuwaasi oo dhibaato isugu jira dhac, boob, dilal fol xun ka geysan jira gudaha degmoyinka qaarkood, si amniga loo sii xojiyana waxaa kaamarooyin lagu xiray xaruumaha dowladda, waddooyinka iyo gobaha ganacsiga, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay in laga wada qeybqaato sugidda amniga magaalada Muqdisho.

3.La dagaalanka Musuqmaasuqa:- Musuqmaasuqa waa dhaqan haraadi ah oo aan meelna ku laheyn shareecada islaamka iyo dhismaha dowladnimada casriga ah, waxaana jira dadaallo caalamiya iyo mid heer qaran oo lagu dagaalamayo, sanad walbana waxaa  la sameeyaa qiimayn heer caalami ah, waxaana la soo bandhigaa kaalinta dowlad walba oo dunida ah  ka gasho la dagaallanka Musuqa iyo heerkeeda maamul wanaagga, haddaba dowladda ayaa looga baahan yahay inay dagaal adag ku qaaddo la dagaalankiisa, waxaana ilaa iyo hadda maxkamad loo soo taagay Eedeysanayaal badan oo qaarkood lagu xukumay xariga u dhaxeeya 1 sano iyo iyo 8 sano, waxaana Shacbiga Soomaaliyeed la gudboon in ay dowladda Federaalka ku taageeraan dadaalka ay ugu jirto ciribtirka Musuqa oo ka mid ah caqabadaha ku hor gudban xoojinta tiirarka Dowladnimada Soomaaliya.

4.Dhameystirka Dastuurka: si loo gaaro doorasho Qof iyo cod ah. Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Jamhuuriyad ku dhisan hanaanka Sareenta Sharciga, ka soKoow Shareecada Islaamka Dastuurka Jamhuuriyada Federaalaka Soomaaliya ayaa ah sharciga ugu sareeya Dalka. Dastuurka waxa uu muwaadiniinta Jamhuuriyadda siinayaa xuquuqo ay ka midyihiin xuquuqo siyaasadeed, mid dhaqaale, mid bulsho, mid doorasho iyo damaanad qaad sharci iyada oo aan bulashada lakala fuquuqin, sidoo kale waxa uu qeexaa waajibaadka iyo xuquuqaadka dowladda iyo hay’adaheeda, haddana Dastuurka oo ah sharciga ugu sareeya dalka waxaa uu ku meel gaar yahay laga soo bilaabo 2012, (12 sano), sidaasi darteed xiligaan ma tahay mid ku sii haboon in dadka Soomaaliyeed muddo ka badan 12 sano aysan fursad u helin dastuur rasmi ah oo ay iyagu doorteen?.

Su’aashaasi waxaa ka jawaabay Madaxweyaha JFS Shiikh Xasan Shiikh Maxamuud “Dastuurka waa in uu ka jawaabo waxa ay Ummadda Soomaaliyeed rabaan”.

“Dastuurka isagaa ka hadlaayo sida wax ka bedel loogu sameynaayo,dastuurka waxaa la gaarsiin doonaa ururada bulshada qeybaheeda kala duwan, dowladnimada waa inaan u ogolaanno inay korta, hadaladaasi Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaaddii Jimcaha ka dib ka hadlay dhameystirka dastuurka, horumarada la gaaray iyo halka ay marayaan.

Hambalyo iyo Bogaadin sanadkan 2023ka, waayo Deyntii Waa nalaga Xoreeyey, Go’doonkii waa nalaga xoreeyey (Suuqa EAC), Cabsidii khawaarijtii waa nalaga xoreeyey, Cunaqabatayntii Hubka waa nalaga xoreeyey. Iyo Waxayaabo kale oo badanna waa nalaga xorayn doonaa Insha Allah.

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’.