Home Blog Page 377

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Kal-fadhiga golaha Baarlamaanka

Kal-fadhigaan oo si rasmi ah u furay madaxweynaha Jamhuuriyada federalka Soomaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadiisa furitaanka ku bogaadiyay shaqada Baarlamaanka ka qabteen kala fadhigii labaad kaasi oo ay ku ansixiyeen 11 sharci.

Madaxweynaha ayaa sidookale faray, in golaha oo si deg deg ah ay u unkaan gudiyada ku shaqada leh dib u eegista sharciga ee Baarlamaaniga ah, madaxweynaha ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimada ay leedahay in la helo sharci dhamaystiran oo aan qabyo ahayn laguna qoray lagu diyaarayay dalka oo ay ka shaqeeyeen quburo Soomaali ah kana tarjumaya baahida ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa bogaadiyay Ciidamada Qaranka oo dagaalka kula jira khawaarijta Al-shabaab.

madaxweynaha ayaa wacad ku maray in uu ciribtirayo Al-shabaab, ” waxaa iga go’an oo balan ah in aan ciribtirno khawaarijta Al-shabaab,”

Madaxweynaha ayaa sheegay kaalinta culimada Soomaaliyeed ee iftooday in Al-shabaab ay khawaarij yihiin la dagaalankooda waajib yahay dhan malatari iyo dhan fikirba, waxaan raadinay dadaal aan u galnay cid walba oo naga saacidi karta dagaalka xaqqa ah ee aan kula jirno khawaarijta arxanka daran iyo ka ciribtir guud ahaanba dalka.

Muqdisho-Somalia

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS oo khudbad ka jeediyay shir looga hadlayay hormarinta Caafimadka dalka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa khudbad ka jeediyay shir-doceed looga hadlayay sidii loogu heli lahaa xarumaha Caafimaadka koronto ku shaqaysa cadceedda.

Shir-doceedka oo ka mid ah shirar doceedka ka garab dhacaya shirka Madasha Caafimaadka Adduunka ee ka socda Xarrunta Qaramadda Midoobay ee magaalada Geneva ayaa waxaa soo abaabulay Haayada UNOPS.

Waxaa shirkan kasoo qayb galay Wasiiro Caafimaad oo ka kala socday Wadamada kala ah Ethiopia iyo Sierra Leone. Waxaa dhanka kale shirka kasoo qayb galay Hey’ado farabadan oo ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka.

Shirkan ayaa wadankeena Soomaaliya wuxuu u lahaa muhiimad gaar ah, waayo wuxuu indhaha beesha Caalamka kusoo jeediyay doorka tamarta qoraxdu ay ka qaadan karto horrumarinta bixinta adeegga Caafimaadka, iyadoo Wasaaradda Caafimaadka waayadii u danbeeyay ay waday dadaalo xarrumaha Caafimaadka lagu gaadhsiinayo korantada laga dhalliyo tamarta qoraxda.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa shirka ka sheegay in Dawlada Soomaaliya ay ka go’antahay in la horumariyo nidaam Caafimaad oo kor u qaada bixinta adeeg Caafimaad oo aan saamayn xun ku reebin shacabka iyo deegaanada Soomaaliyeed, waxa uuna sidoo kale Wasiirku sheegay in ay ka go’antahay Wasaaradda Caafimaadka in xarrumaha Caafimaadka dalka lawada gaadhsiiyo korontada laga dhalliyo tamarka qoraxda.

Muqdisho-Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay in dalku u guuray doorasho qof iyo cod ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxda  Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa si wadajir ah u qabtay war-saxaafadeed ay  faahfaahin dheraad ah kaga bixiyeen qodobada kasoo baxay war-murtiyeedka shirkii Golaha watashiga Qaran ee la soo gaba gabeeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in  muhiim tahay in laga gudbo doorashooyinkii dalka dhaci jiray,islamarakana shacabka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabaan in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah si loog gudbo caqabadaha dalka muddada dheer uu ku soo jiray.

Madaxwenaha ayaa tilmaamay in muddada sanadka ah ee dowladda ay jirtay lagu guuleeystay horumar dhinacyo badan taabanayo oo ay kamid tahay xoreynta degaanno badan oo argagixisada laga saaray,arrimaha Deyn cafinta dalka oo u sheegay in heer gaba-gaba ah ay mareyso,sidoo kalana dalka uu heli doonno fursado maalgashi iyo in dowladda ay qaadan karto lacago deyn ah oo qeyb wey ka qaadan doono dib u dhiska iyo kaabayasha dhaqaale ee dalka.

Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay ahmiyada dowladda ee ah in dadka Soomaaliyeed ee ayahooda ka tashtaan oo cida ay rabaan si doorasho qof iyo cod ah ay ku doortaan,dowladuna ay arintaa fududayn  doonto,sidoo kale waxa uu ka hadalay Madaxweynaha xoreynta degaannada dhiman, iyo qorshaha dowladda oo uu sheegay in loo baahan yahay nidaam xukun ah oo dalka dhan ku baahsan laga hirgaliyo degaanadaasi,si bulshada ay u hesho adeega dowladnimo ee ay u baahanyihiin.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrimaha gar-gaar ee xiliyada abaaraha iyo fatahaadaha ee bulshda ay sameeynta ku yeshaan,waxa u sheegay in loo baahan yahay in dalkeenno uu ka guuro caawinaad wadamada shisheeye oo ay dadka soomaaliyeed isku filnaadaan ,Soomaaliya dadkeeda sababa ay u baahnaadaan ma jirto ayuu madaxweynu yiri

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay Kulanka Guddiga Joogta aha ee golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn, oo ajandihiisu ahaa warbixin soo jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo ajandeynta hindise sharciyeedyada horyaala Golaha Shacabka BJFS kalfadhiga 3-aad.

Guddoomiyaha ayaa warbixintiisa kaga hadlay shaqooyinkii muhiimka ahaa ee Golaha Shacabka u soo qabsoomay labadii kalfadhi ee uu shaqeeynayey Baarlamaanka, isla-markaana lagu ansixiyay shuruuc muhiim u ah dowladnimadda dalka, isagoo xusay in kalfadhigan berri furmaya Golaha ay horyaalaan shaqooyin muhiim u ah hannaanka geedi socodka dowladnimada dalka.

DOWLADDA QATAR IYO JAAMACADDA UPEACE OO SAXIIXDAY HESHIIS TAARIKHI AH OO LA XIRIIRA DEEQ WAXBARASHO OO HEERKA PHD.

Waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta waxa u soo hoyotay guul ballaaran ka dib markii hay’adda Qatar Charity iyo Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midioobe ee UPEACE ay kala saxiixdeen heshiis deeq waxbarasho loogu fidinayo Arday Soomaaliyadeed.

Deeqdan waxbarasho ayaa waxa loogu tala galay ardey la doonayo in qaataan shahaadada PhD, waxayna daba socotaa ballan-qaadkii uu sanadkii hore sameeyey Madaxweynaha Soomaaliya Dr Hassan Sheikh Mohamud, oo sheegay in dowladdiisa ay boqol arday oo Soomaali ah u fidin doonto deeq waxbarasho oo heerka PhD.

Hay’adda Qadar Charity oo laga leeyahay dalka Qadar ayaa iyadoo ka jawaabaysa baaqa Madaxweynaha  waxay magaalada Muqdisho kula saxiixatay Jaamacadda UPEACE heshiis ay ugu deeqeyso lacagtii lagu fulin lahaa wajiga hore deeqda waxbarasho oo la siin doono 40-ka arday ee ugu horeeya.

Xafladda saxiixa waxa goobjoog ka ahaa wasiirka waxbarashada Farax Sheikh Cabdiqaadir, Safiirka Qadar u fadhiya Soomaaliya Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi, madaxda sare ee Jaamaca Upeace ee Qaarada Africa Prof Samuel Kale Ewusi iyo madaxa hay’adda Qadar Charity ee Soomaaliya Cabdifitah Adan Macalin.

Cadifitaax oo sharaxaad ka bixiyey ujeedada laga leeyahay deeqdan waxbarasho waxa uu yiri “Waxa la doonayaa lagu xoojiyo tayeynta tacliinta sare ee Soomaaliya, maadaama Soomaaliya tahay wadan ka soo kabanaya burbur, waxbarashadana u baahantahay tayeyn xooggan”

Waxa uu intaasi raaciyey in la rajeynayo in ardeydaan ay gacan weyn ka geysan doonaan dhinaca cilmi-baarista.

Wasiirka waxbarashada Faarax Cabdiqaadir ayaa isna sheegay in loo saaray guddi maareeya qaabka loo bixinayo fursooyinka deeqdan waxbarasho.

“Guddiga waxa uu ka koobanyahay xubno matalaya wasaarada waxbarashada, madaxtooyada, hay’adda Qadar Charity iyo Jaamacadda UPEACE. Waxa la qaadi doonaa imtixaan lagu kala saari doona cidda soo dalbata fursooyinkan waxbarasho” ayuu yiri wasiirka.

Madaxa barnaamijada Upeace ee Qaaradda Afrika, Prof Samuel ayaa waxa uu sheegay in talaabadan tahay mid lagu doonayo in lagu xaliyo mushkiladaha haysta Soomaaliya.

“Waxaan doonaynaa in aan xallino dhibaatada dhinaca waxbarashada oo aan kordhinno tayada aqoonyahanada Soomaaliyeed, waana sababta aan bartilmaamayka uga dhiganay heerka waxbarashada sare” ayuu yiri Prof. Samuel.

Barnaamijada PhD-ga ee la qorsheynayo in la maal-geliyo waxa ka mid noqon doona:

  1. PhD ee Nabadda, Maamulka, iyo Horumarinta
  2. PhD ee Hogaaminta iyo Horumarinta Joogtada ah
  3. PhD ee xaalufinta dhulka iyo xaalufinta
  4. Ph.D. ee dhaqaalaha buluuga ah, maamulka, iyo amniga badda.

Hindisahani waxa uu muujinayaa horumar la taaban karo oo lagu horumarinayo waxbarashada iyo cilmi baarista Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadda, dowladnimada, horumarka, hoggaaminta waarta, xaalufka dhulka, xaalufka, iyo dhaqaalaha buluugga ah.

Barnaamijkan deeqda waxbarasho waxa uu shaki la’aan ka qayb qaadan doonaa garaadka iyo kobaca aqooneed ee dalka, isagoo kobcinaya jiil cusub oo aqoonyahanno iyo hoggaamiyeyaal ah oo u heellan horumarka Soomaaliya.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo xubin ku yeeshay Baarlamaanka Pan-Afrika.

Baarlamaanka Pan-Afrika oo la aas aasay 2004-tii, ayaa waxaa ku mideysan 54 dal oo midkiiba uu shan xubin oo iskugu jira labada aqal ee baarlamaanada wadan kasta usoo diro.

Sanatar Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo matalaya Aqalka Aare ayaa markii ugu horraysay xubin ka noqday Baarlamaanka Pan-Afrika oo xilkaasna si rasmi ah loogu dhaariyay.

Sanatar Samatar ayaa markii ladhaariyay kadib warbaahinta uga warbixiyay wax yaabihii looga hadlay kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka lixaad ee Pan-Afrika maadaama uu ka mid ahaa mudanayaashii ka qeyb qaatay doodihii iyo ajandayaashii looga dooday.

Hannaanka Doorashooyinka Dalka oo go’aan mideysan laga gaaray

Shirka 6-aad ee golaha wadatashiga qaran oo uu shir-guddoominayay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayn ka qeyb galeen, Ra’iisal wasaaraha dalka,Ra’iisal wasaare ku-xigeenka, madaxda maamul gobolleedyada Jubbaland,Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo guddoomiyaha gobolka Bamaadir oo Muqdisho ka qabsoomay 24-27-Maajo 2023, ayaa xalay warmurtiyeed laga soo saaray.

Golaha watashiga Qaran ayaa kulankooda uga dooday ajendayaal muhiim ah oo ay ka mid yihiin hannaanka doorashooyinka Dalka, xaaladda amniga dalka gaar ahaan diyaargarowga wejiga labaad ee ciribtirka Khawaarijta, dhammeystirka Deyn cafinta, fulinta heshiisyadii hore goluhu u gaareen, fataahadaha iyo qodobo kale.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalk Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa saxaafadda u aqriyay qodobada ka soo shirka oo xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Goluhu wuxuu ka wada hadlay kuna wada heshiiyay qodobo badan oo muhiim u ah Dowlad dhiska Soomaaliyo iyo hannaanka dimuqraadiyadda, waxaana qodobka ugu weyn ee shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen ahaa in heshiis wadajir ah laga gaaray maamulka doorashooyinka Dalka, sida doorashada golaha shacabka, nidaamka madaxtinimada dalka, mideynta muddada Doorashada,Qoondada haweenka, Somaliland iyo gobolka Banaadir.

Golaha wadatashiga Qaran ayaa ku heshiiyay in Dalka oo dhan ka dhacdo doorasho Qof iyo Cod ah oo ay ku tartamayaan labo xisbi qaran oo kaliya. Hannaanka Doorashooyink Dalka, wuxuu noqonayaa nidaamka matelaadda isku-dheeli-tiran ee liiska xiran ( Proportional Representation Closed-List).

Si loo mideeyo hannaanka doorasho ee hoggaanka JFS, loona dardargeliyo habsami u socodka Dowladnimadeennu, wuxuu goluhu isku raacay in dalka qaato nidaam madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, waxaana hal warqad ku dooranaya shacabka Jamhuuriyadda Federaalka,iyadoo lagu saleynayo nidaamka Xisbiyada badan.

 

Waxaa kale oo goluhu ku heshiiyay in doorashooyinka heer federaal iyo heer DXDF noqdaan qof iyo Cod oo shantii sano halmar ah.Doorashada golaha wakiilada DXDF waxay dhici doonaan 30ka June 2024. halka doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ay dhici doonto 30 November 2024.

 

Sidoo kale, goluhu ayaa ku heshiiyay in kuraasta lagu tartamayo lagu soo doorto hal deegaan doorasho  ( Single Constituency), sidoo kale, kuraasta golaha shacabka ee loo tartamayo oo ah 275-xubnood oo matalaya dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo meel walba ay joogaan ayaa waxaa si toos, madax bannaan oo qarsoodi ah u dooranaya shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xubnaha golaha deegaanka waxaa si toos ah u dooranaya Bulshada deegaanka , kuraasta golaha deegaanka waxaa ku tartamaya urur siyaasadeedyada, waxaana Dalka yeelan doona labada urur siyaasadeed ee ugu cododka badan.

Si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah oo leh hal been caalami ah, waxay Dowladda federaalka Soomaaliya xaqiijineysaa xaqa muwaadinka u leeyahay inuu wax doorto Lana doorto.

Heshiiskan, shacabka Soomaaliyeed wuxuu u dhoweynaya xukunka ayaa muddo la naawilayay, waxayna hadda shacabka Soomaaliyeed rejo buuxda ka qabaan in ay doortaan hoggaankooda si ay ula xisaabtamaan.

Waxaa la dhisayaa guddiga madaxa- bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo ah hay’ad madax bannaan oo u xilsaaran maamulidda iyo qabashada doorashooyinka kala duwan ee dalka iyo Soohdimaha.

Muqdisho-Somalia

Xildhibaanno katirsan BJFS oo ka qeybgalay kulanka labaad ee Baarlamaanka lixaad ee Pan-Afrika

Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ee ka midka ah Baarlamaanka Pan-Afrika oo ay ku mideysan yihiin wadamada midowga Afrika ayaa ka qeyb galay kulanka labaad ee Baarlamaanka lixaad ee Pan-Afrika ugu qabsoomay Xaruntiisa magaalada Johannesburg ee wadanka Koonfur Afrika.

Kulanka Baarlamaanka Afrika ayaa looga hadlay qodobo dhoor ah oo ay ka mid yihiin, halku dhiga sanadkaan ee midowga Afrika ee ah dardargelinta hirgelinta aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, Isbadalka Cimilada, Waxbarashada, socdaalka, dhaqaalaha iyo Amniga, Waxaana si gaar ah looga hadlay dagaalada iyo iska hor imaadyada ka socda qaar ka mid ah wadamada Afrika.

Muqdisho-Somalia

Historic agreement signed for presidential Phd. scholarship in somalia

A significant milestone in higher education leadership was achieved as the United Nations University for Peace (UPEACE) and Qatar Charity signed groundbreaking agreements to establish the first-ever presidential PhD. scholarship in Somalia.

The scholarship will be named after the current sitting president, H.E. Dr. Hassan Sheikh Mohamud, and will be known as the “H.E. Dr. Hassan Sheikh Mohamud Presidential PhD. Scholarship Programme.”

The primary objective of this prestigious scholarship is to transform higher education leadership institutions in Somalia by equipping them with doctoral skills, which will enhance local research and academic development. The scholarship will provide opportunities for 100 students to pursue their Ph.D. studies in various fields.

The initial phase of the program, which will fund 40 students, is a joint effort between Qatar Charity and UPEACE. Qatar Charity has generously contributed to support the first group of scholars, with UPEACE also providing financial assistance.

Speaking at the signing ceremony held in Mogadishu, Somalia’s Education Minister Farah Abdikadir said “We are aiming to improve the quality of Education and research at our higher learning institutions and that is why we are grateful to QadarCharity for taking the lead in supporting this initiative by our President”

Director of Upeace Africa regional Programs, Prof Samuel Kale Eusi said “this is the first step of resolving the challenges facing Somalia. With good education, many of the problems will be resolved easily”

 

The Ph.D. funded programs will cover four essential areas of study. These include:

  1. PhD in Peace, Governance, and Development

 

  1. PhD in Leadership and Sustainable Development

 

  1. PhD in Land Degradation and Desertification

 

  1. Ph.D. in Blue Economy, Governance, and Maritime Security.

 

President Hassan Sheikh Mohamud initially announced the scholarship during his graduation ceremony in December 2022. Since then, the necessary arrangements have been made to make this groundbreaking program a reality.

 

The scholarship program will be based in Somalia, with multi-campus overseas studies planned to offer a global perspective to the students. UPEACE, a UN Mandated University headquartered in Costa Rica, is renowned for its global programs and flagship initiatives across Africa, Asia, China, the European Union, and North, Central, and South America.

This initiative marks a significant step forward in advancing education and research in Somalia, particularly in the areas of peace, governance, development, sustainable leadership, land degradation, desertification, and the blue economy. The scholarship program will undoubtedly contribute to the intellectual and academic growth of the country, fostering a new generation of scholars and leaders committed to Somalia’s progress.

The signing of these historical agreements between UPEACE and Qatar Charity showcases the international collaboration and support for Somalia’s education sector, paving the way for a brighter future for higher education in the country.

I𝗺𝘁𝗶𝘅𝗮𝗮𝗻𝗱𝗸𝗮 𝘀𝗵𝗮𝗵a𝗮𝗱𝗶𝗴𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲 𝗱𝘂𝗴𝘀𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝘀𝗮𝗿𝗲 oo maanta ka bilowday dalka

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare, kaas oo ka bilawday magaalada Muqdisho iyo Dowlad gobaleedyada dalka.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee sannadkan ayaa waxaa u fariistay arday gaaraysa 33,700,  kuwaas oo ku kala galaya 114 xarumood oo ku yaalla gobollada dalka, sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa guul u rajeeyey ardayda u fariisanaya imtixaanka shahaaadiga ah, waxuuna ku bogaadiyey wasaaradda  iyo macallimiinta dadaalka ay galiyeen ilaalinta imtixaanka dowliga ah.

Xukuumadda #DanQaran oo ahmiyad gaar ah siineyso kor u qaadidda tayada waxbarashada, ayaa  dhawaan howlgelisay 3,000 oo macallim,  waxaana ardayda Soomaaliyeed laga dhaafay dhaqaalihii ay ka qaadi jirtay hoon-nanbarka imtixaanadka dalka.

Muqdisho-Somalia