Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shirka Madasha wadatashiga Qaranka oo ka Furmay Muqdisho.

Ciidanka Qaranka oo howlgal ka sameeyay Degmada Jilib
Ciidanka Qalabka sida oo kaashanaya saaxiibbada caalamiga ah ayaa weerar ka fuliyay magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe, halkaasi oo xarun u ah Khawaarijta Al-Shabaab.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayay ciidanku khasaare xooggan ugu geysteen Khawaarijta kaas oo isugu jirta dhimasho, dhaawac iyo qalab la burburiyay.
Kordhinta tirada iyo tayada ciidanka xasillinta caasimadda (Warbixin).
Kordhinta tirada iyo tayada ciidanka sugaya amniga caasimadda waxay ahayd howl ay Dowladdu gelisay dadaal iyo juhdi xoog leh, iyadoo kaashaneysa saaxiibadeeda si ay magaaladan u hesho ciidan xoog leh oo ku filan amniga caasimadda.
” Dhammaanteen anigoo madaxweynaha Jamhuuriyadda aan ugu sareeyo iyo islaanta Yaanyada jidka ku gadeysa iyo wiilka yar ee iskuulka Elementariga dhigta ee u kala haya dhammaan adinkey idin soo eegayaan, maxay idinka soo eegayaan?, sharaf iyo karaamo in ay ku noolaadaan ayay idinka soo eegayaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlayay ciidamada xasillinta ee loo qorhseeyay sugida amniga caasimadda.
Ciidanka xasillinta oo dhowr kun loo qorsheeyay xasillinta magaalada ayaa ka sokow tababarada iyo qalabeynta casriga ah waxaa u dheeraa habka la dhaqanka bulshada oo laga diyaariyay si meesha looga saaro kalsooni darada ay bulshada ka muujin jireen ciidamada qaar.
” Waayeelka,carruurta iyo dadka qaar ee qaba baahiyaha gaarka ah in aad mar walba gacanta qabataan,isku soo cel-celiyoo warkeyga wuxuu ku dhan yahay dadkeenu u naxariista, cadowgana ku dhiira-naada”.
Waxaa ciidamo si gaar ah loogu soo xulay dhaqan iyo akhlaaq wanaagsan sida ka muuqata shaqada ay ka qabanayaan magaalada oo dadka si wanaagsan oo ixtiraam leh ay ula dhaqmayaan, taas oo meesha ka saareysa cabsidii laga qabay ciidamada qaar.
Ciidamada Baraha kontaroolada taagan ee sugaya amniga caasimadda ayaa shacabka si naxariis iyo cabsi la’aan ku jirto u weydiinaya xaaladda ugana gudanaya waajibaadkooda qaran, iyagoo si gaar ah ugu turaya waayeelada, carruurta iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo waddada si nabdoon ku gudbinaya.
” Annaga adinkaa wax idinku nahay, adinkana annagaa wax nagu tihiin, fadlan aan wada shaqeyno,”. waa oraahda qalbi taabkadka ah ee saraakiisha ciidamada xasillinta caasimadda dadka Kula macaamilayaan.
Waxaa guud ahaan magaalada laga dareemay amni iyo deganaasho la isku haleyn karo, qof walbana wuxuu bilaabay inuu booqdo xaafado muddo dheer ugu dambeysay, taas oo noqotay xilligan hadal haynta ugu badan oo dadka Muqdisho isla dhexmaraan, ka dib dhowr iyo toban sano oo nabadda magaaladan geed dheer ku laalneyd.
Xog’hayyaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Feysal Caraale Axmed ayaa booqday Degmooyinka Kaxda iyo Wadajir.
Xog’hayyaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Feysal Caraale Axmed ayaa booqday Degmooyinka Kaxda amniga iyo bilicda Caasimadda la xariira la qaatay Maamulada Degmooyinka Kaxda iyo Wadajir.
Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa warbixina kala duwan oo xaalada Degmooyinkaasi quseeya ka dhageestay Maamulka Degmada Kaxda iyo Maamulka Degmada Wadajir, kuwaas oo la xariiray horumarka Amni ee kajira Degmooyinka qeybta galbeed, iyo sida loogu guuleystay ka hortaga qataraha ay geysan jireen Argagixisada, Burcadka iyo ciyaal weerada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar

Guddiga ka talo bixinta wax ka bedelka mudo xileedka Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ayaa maanta xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ku yeeshay kulan shir ah
Guddiga ka talo bixinta wax ka bedelka mudo xileedka Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka iyo Madaxweynaha ee qodobada 60-aad iyo 91-aad ee dastuurka KMG ah ayaa maanta xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ku yeeshay kulan uu shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed.
Kulanka waxaa ka qeyb galay wasiirka gaashaandhiga ee Xukuumaddq Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo guddiga xog iyo warbixin dhameystiran ka siiyay horumarada laga gaaray howlgalada dalka looga sifeynayo kooxaha khawaariijta iyo sidoo kale horumarada ka jira deegaanadda maleeshiyaadka Khawaariijta laga saaray.
Ugu dambeyn guddiga ayaa ku amaanay ciidamada Qaranka dadaalka ay ugu jiraan in dhulka Soomaaliyeed laga ciribtiro khawaariijta,waxayna kula dardaarmeen in ay dadaalkooda laba jibbaaraan

Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci-Darrada oo bogaadisay howlgallada ka dhanka ah hubka sharci darrada
Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci-Darrada Ah ee Soomaaliya Marwo Mako Maxamuud Muuse ayaa bogadisay howlgallada ay ciidamada amaanka kula dagaalamayaan hubka sharci darrada ah ee lagu wato magaalada Muqdisho.
Lataliyaha ayaa Sidoo kale soo dhaweysay howlgalka ciidamada hay’adda Nabad Sugidda ay ku qabteen Laba Konteenar oo Khawaarijta kusoo daabushay saanad ciidan oo ay doonayeen in shacabka Soomaaliyeed ay ku dhibaateeyaan.
“Dowladda waxey wadaa baaritaano la xariira shaqsiyaadka ka shaqeynayo dhibateenta Umadda Soomaaliyeed ee la fashiliyay iyagoo saanad Militeri u soo dejinaya Khawaarijta waxaana la hor geyn doonaa cadaaladda” ayey tiri Lataliye Marwo Mako.
Muqdisho-Somalia
Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland oo kulan la yeeshay safiirka cusub ee dowladda UK ee Soomaaliya
Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Soomaaliya mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa kulan gaar ah la yeeshay safiirka cusub ee dowladda UK u qaabilsan Soomaaliya Michael Stephen Nithavrianakis.
Labada mas’uul ayaa kulankooda uga wada hadlay xoojinta wadahadalllada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, Safiirka ayaana soo dhaweeyay dedaalada uu wado xafiiska Ergaygu.
Ergayga gaar ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland mudane Cabdikariim Guuleed ayaa uga mahadceliyay dowladda UK taageerada ay mar walba la garab taagan tahay Soomaaliya.
Muqdisho-Somalia
Wasiirka Maaliyadda XFS oo magaalada Sharma Shiikh uga qeybgalay shir looga hadlayo horumarinta dhaqaalaha Bariga Afrika
Wasiirka wasaaradda maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan Magaalada Sharma Shiikh ee dalka Masar ayaa maanta ka qayb galay shir gaar ah oo ay isugu yimaadeen wasiirada maaliyadda iyo madaxda Bangiyada Dowliga ah ee Dalalka bariga Afrika oo Soomaaliya ay xubin muhiim ah ka tahay.
Waasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in kulanka looga hadlay arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalalka bariga Afrika iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ku hor gudban dhaqaalaha.
Sidoo kale shirka ayaa looga dooday sidii dal waliba uu maalgalin u gaar ah uga heli lahaa Bangiga Horumarinta Afrika.
Dhawaan waxaa si rasmi ah uga furmidoona magaalada Sharma Shiikh ee dalka Masar shirka sanad laha ah ee Bangiga horumarinta Afrika.
Muqdisho-Somalia
