Home Blog Page 375

Wasiirka Awqaafta iyo Arimaha diinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaanada wacyi galinta Ciidanka

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta  iyo Arrimaha Diinta JFS Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa maanta xafiiska ku qaabiley hoggaanada siyaasadda iyo wacyigelinta ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, Ciidanka Booliiska iyo Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliyeed.

Ujeedada kulanka wasiirka iyo hoggaanada wacyigelinta ee ciidamada qalabka sida ayaa ahaa wadatashi iyo is xog wareysi ku saabsan dardar gelinta howlaha wacyigelinta lagu dhiiragelinayo geesiyaasha ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira khawaariijta.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo qaadey daadejinta howlaha wacyigelinta ee ay iska kaashadaan Wasaaradda iyo hoggaanada siyaasadda iyo  wacyigelinta gaar ahaan sidii bulshada looga wacyi gelin lahaa dhinacyada dhaqanka iyo aqlaaqda suuban, isticmaalka waxyaabaha maanka dooriyaha iyo ka hortagga fikirka xagjirka ah ee rabshadaha wata.

 

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya oo Kismaayo gaaray.

0
Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo ay weheliyaan Wasiirka amniga Jubbaland s/gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal, Taliyaha qaybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed General Cali Maxamed Maxamuud, (Bog madow) iyo taliyaha ciidanka Daraawishta Jubaland General Ismaaciil Saxardiid ayaa maanta garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ku qaabilay Wasiirka Gaashandhiga dalka Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale.
Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga iyo sidii iskaashi buuxa looga samayn lahaa nabadgalyada xuduudka iyo dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta ee ka socda dalka.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo Muqdisho ka dirtay Markab sida Shixnad gargaar ah.

0
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaliyeed ee SoDMA ayaa Maanta oo axad ah dakedda Muqdisho waxa ay ka amba-bixisay Markab wada shixnad gargaar raashin ah oo loogu talagalay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee colaadaha, fatahaadda iyo daadadka El-Nino ay sameenta ka soo gaartay.
Gargaarkaan ayaa ku wajahan degaannada dowlad goboleedka Galmudug iyo maamulka KMG ah ee Khaatumo, waxaana lagu wadaa in uu ku xirto Dakedda Boosaaso, iyadoo halkaas looga daabuli doono Gawaari si deeganadaas loo gaarsiiyo.
Hore sidaan oo kale waxa ay hay’adda shixnado gargaar raashin ah oo loogu talagalay Shacabka Soomaaliyeed ugu dirtay Deegaanada Maamulada Koonfur Galbeed, Puntland,Jubbaland iyo Maamulka Hirshabelle.

Wasiirka Arrimaha gudaha XFS oo maanta guddoomiyey kulan looga hadlayey shirka guud ee wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta guddoomiyay kulan guud oo ay kasoo qeybgaleen Agaasime waaxeedyada iyo Lataliyeyaasha Wasaaradda kaas oo lagu soo gabagabeeyay kulamada warbixinnada waxqabadka Wasaaradda ee 2023-ka iyo ballanqaadyada Wasaaradda ee 2024-ka.
Ugu horreyn, Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa sharaxay iyada oo lagu shaqeynayo hagidda Wasiirka heerarka howlihii lasoo qabtay, kooxihii kala duwanaa ee ku shaqeynayay iyo natiijada warbixinta, waxaa uuna Agaasimeyaasha, Lataliyeyaasha iyo guud ahaan howlwadeennada uga mahadceliyay sida wadajirka ah loo wadasahaqeeyay.
kulanka inta uu socday waxaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan iyada oo la falanqeeyay natiijada mid weliba.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay gebogabada kulanka ayaa bogaadiyay howlaha la qabtay ee warbixinta 2023, kooxdii kala duwanaa ee kashaqeysay iyo habka diyaarinta ballanqaadyada Wasaaradda ee 2024, isaga oo adkeeyay in aan la aqbali doonin wax gaabis ah oo la xiriira Halbeegyada iyo Howlaha kala duwan ee ku xusan ballanqaadyada 2024-ka.
Wasiirka waxaa uu xusay ahmiyadda in la gaaro dhammaan hortabinnada Wasaaradda ee la xiriira dowlad-dhiska, Federaaleynta, Dhab u heshiisiinta, doorashooyinka iyo dhammaan howlaha kale ee qaran.

Ciidanka Amniga Jubbaland oo Howlgal ka dhan ah Khawaarijta ka sameeyey Beledxaawo.

Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Jubbaland ee ka howlgala degamda Baladxaawo ayaa saaka sameeyay hawalgal guud oo lagu xaqiijinayo amniga degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.
Hawalgalkan oo lagu xaqiijinayay Gawaarida muraayadaha madow ee aan la aqoonsaneyn iyadoo ay kusoo aaday xogo laga helay dhanka argagasisada oo la xiriira dhagar ay u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool degmada Baladxaawo.
Howlgalkan ayaa waxaa ka qayb qaatay saraakiisha kala duwan ee degmada sida Taliyaha Amniga degmada,Taliye ku-xigeenka Nabadsugida, iyo Taliyaha hawalgalinta Ciidanka NISA ee degmada ka howlgala, waxaana howlgalkan ballaaran laga sameeyay Dhammaan Wadooyinka soo gala kana baxa degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida AUN Xildhibaan hore Sheekh Shaacir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Xildhibaan Hore Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed oo ka mid ahaa Golahii 10-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Sheekh Shaacir uu muddo dheer u soo adeegayey dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isaga oo door muhiim ah ku lahaa geeddi-socodkii dowlad dhiska Soomaaliya.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed oo muddo dheer ayuu u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta ayaa maanta waxa uu booqasho kormeer ah ku tagay xarunta ugu wayn ee daryeelka dhaawacyada

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle, ayaa maanta waxa uu booqasho kormeer ah ku tagay xarunta ugu wayn ee daryeelka dhaawacyada u baahan gargaarka deg degga ah oo dhismaheda haatan uu ka socdo Isbitaalka weyn ee Madiina.

Dhismaha xaruntaan oo haatan meel wanaagsan maraysa ayaa Guddoomiyaha waxa uu u kuurgalay xaaladda dhismaha socda, isaga oo xog-wareystay Maamulka sare ee isbitaalka iyo Engineerada ku howlan dhismaha xaruntaan.

Sidoo kale Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa sidoo kale kormer ku tagay qaybaha kale ee isbitaalka oo haatan meelaha qaar dib u dayactir lagu wado, Guddoomiye Maxamuud Macallim ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qaybqataan dhismaha xaruntaan oo muhiim u ah dalka .

Guusha Deyn cafintu, maxay uga dhigan tahay Soomaaliya?

0

– Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa sharaxad dheeri ka bixiyay waxa ay Soomaaliya uga dhigan tahay Barnaamijka deyn-cafinta iyo faa’idada laga helayo.

Wasiika ayaa hoosta ka xariiqay in faa’idada koowaad ee Soomaaliya ay ka heleyso lacagaha deynta ee laga cafiyay ay tahay in mar kale macaamiil toos ah la yeelato hay’adaha maaliyadeed ee adduunka iyo in kalsoonida maalgashi ee dalkeennu kor u kacdo.

” Waxay koow ka tahay in culeyskii deymeed inaga haray iyo in mar labaad dib u dhalanay marka laga hadlayo macaamilaadka hay’adaha maaliyadeed ee adduunka oo macaamil toos ah la yeelan doono, in kalsoonida maalgashi ee dalkeennu kor u kacdo, fursado kobac dhaqaale iyo mid shaqo abuurna ay ka dhalan doonaan iyo in sumcaddeenii dal ahaan kor u kacdo,” ayuu yiri wasiirka oo ka jaabayay su’aalo ay shacabka Soomaaliyeed ka weydiiyeen Barnaamijka Deyn-cafinta.

Sidoo kale, wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa tilmaamay in fursado waa weyn oo ay ugu mudan yihiin kuwa uu hore u soo sheegay ay ku jiraan tallaabada Soomaaliya looga cafiyay deyn dhan 4.5bilyan dollar, taas oo ku guuleysatay geeddi muddo dheer soo socday Dowladda uu hoggaamiyo mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Deymaha nalaga cafiyay ayuu wasiirku sheegay in la qaatay xilli hore, waxaana deyntii ugu horeysay oo qeyb ka ah kuwa hadda nalaga dhaafay la qaatay 1961, waa xilligii xornimada aynu qaadanay wax yar ka dib, waxayna ahayd lacag Ruuska laga qaatay oo ahayd ” Commercial loan”, sida uu wasiir Biixi hadalku u dhigay.

Dalkeenna Soomaaliya ayaa guul taariikhi ah ka soo hooyay Barnaamijka Deyn cafintu, wuxuuna madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Washington ee dalka Mareykanka kula kulmay mas’uuliyiinta ka tirsan hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka ayaa uga mahadceliyay doorkoodii guushii taariikhiga ahayd ee dalkeennu ka gaaray barnaamijka deyn cafinta.

Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiintan kala hadlay sidii hay’adahoodu ay markale Soomaaliya ugu garab istaagi lahaayeen xaqiijinta himmilooyinka dhaqaale ee u dagsan, tayaynta hay’adaha maaliyadda, kor u qaadista dakhliga iyo maalgashiga caalamiga ah .

 Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku dhawaaqay in bilowga sanadka cusub ee 2024 la qaadi doono qeybo badan oo kamid ah dhagaxyada amni ee yaalla waddooyinka magaalada

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku dhawaaqay in bilowga sanadka cusub ee 2024 la qaadi doono qeybo badan oo kamid ah dhagaxyada amni ee yaalla waddooyinka magaalada, maadaama uu isbeddel weyn oo amni uu ka jiro caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay shir lagu soo bandhigay horumarka iyo guulaha laga gaaray amniga caasimadda Muqdisho, ayaa tilmaamay in Dowladnimadu aysan horumar sameyn karin haddii aan amniga la xaqiijin, isla markaana uu fure u yahay nolosha oo dhan, isaga oo ugu baaqay ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddan dabargoynta Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ku dheeraaday sida ay kooxaha Khawaarijta ah uga been-sheegeen Diinteenna suubban ee ay ku beegsanayaan dadka indheergaradka ah, ayaa faray hey’adaha amniga in ay gacanta ku soo dhigaan kooxihii ka danbeeyey dilkii Xildhibaan hore Saalax Ibraahim Deyfullah.

Mudane Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda DanQaran ay sameysay shuruuc muhiim u ah amniga caasimadda, taas oo qeyb weyn ka qaadatay isbeddelka amniga ee ka jira Muqdisho, wuxuuna ku ammaanay hey’adaha amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir dadaalka iyo wada-shaqeynta dhexdooda ah.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in waddankeennu uu marayo isgoys muhiim ah oo uu caalamku qiimeynayo tallaabooyinka la qaadayo, maadaama dalka laga qaaday cunaqabatayntii hubka, isla markaana dayntii laga cafiyey.

Kulanka oo ay soo qabanqaabiyeen Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, saraakiil ciidan, madaxda gobolka Banaadir, culimada, odayaasha dhaqan iyo haween, iyadoo lagu soo bandhigay muuqaallo iyo warbixinno muujinaya guulaha la gaaray iyo tallaabooyinka la qaaday ee la xiriira amniga caasimadda.

gudoomiye marwo sacdiya o shir gudoomisey kulanka guud ee golaha shacabka bfjs

0

Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 6aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS oo maanta shir Guddoomineysay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo. Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, sidoo kale waxaa goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa
1)Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hashiiska Aas-aaska Ciidamada Heeganka ah ee Bariga Afrika
2)Qeybinta Hindise-Sharciyeedyada kala ah
A)Hindise-Sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliyeed
B)Hindise-Sharciyeedka Ilaalinta iyo Taakuleynta Barakacayaasha.

Xildhibaanada oo dood dheer ka-yeeahay Hashiiska Aas-aaska Ciidamada Heeganka ah ee Bariga Afrika ayaa su.aallo kaweeydiiyay Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga ahna wasiir Ku-Xigeenka wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Abdifitaax Qaasim oo goobjoog ahaa kulanka maanta Waxa uuna mid mid ugu jawaabay dhamaan su’aallaha Xildhibaanada ay weydiiyeen.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo. Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa soo xirtay kulanka maanta.