Home Blog Page 376

Dowladda UK oo soo dhaweysay warmurtiyeed ay soo saareen DF Soomaaliya iyo Somaliland

0

Dowladda UK ayaa so dhaweysay war murtiyeedkii ay si wadajir ah u soo saareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, oo ku saabsanaa shirkii Djibouti ee dardargelinta Wadahadallada labadal dhinac.

Qoraal kooban ay soo saartay safaaradda Uk ee Soomaaliya ayaa lagu yiri:

“Waxaan soo dhawaynaynaa war-murtiyeedkii ay ku heshiiyeen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ka dib wada-hadallo muhiim ah oo dhex maray, waana tallaabo muhim ah oo loo qaaday dhinaca dib u heshiisiinta.“

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa soo saaray Xalay warmurtiyeed oo ka koobnaa 8 qodob, kuwaas oo taabanaya dhinacyo kala duwan, ujeedkeeduna ahaa in la dardargeliyo wadahadallada.

General Dayax : Reer Qararow wax allaale wixii aad uga baahan tihiin Ciidanka Xoogga diyaara idiinla ahay ee raadsada qaniimada khawaarijta

0

-Taliyaha ciidanka Dhulka xoogga dalka Dayax Cabdi Cabdulle oo boqolaal askar katirsan xoogagga degaanka kula hadlay deegaanka Qararow ee koofurta mudud ayaa uga mahadceliyay sida ay u abaabulan yihiin oo ay ula dagaalameen  khawaarijta

General Dayax “Reer Qararow wax allaale wixii aad uga baahan tihiin Ciidanka Xoogga anaa diyaar idiinla ah ee qaniimada khawaarijta aan wada raadsano”

Waxa uu ku dhiiri galiyay taliyaha ciidanka  in ay gacmaha is qabsadaan oo khawaarijta si hagar la aan ah loola dagaalamo,si dhibaatadooda bulshada looga dulqaado,waxa  uu tilmaamay In khawaarijtu tahay sharwadayaal diinta iyo sharafka muslimiinta ka soo hor jeeda Wuxuu sheegay in kooxdu jabtay dadka deegaankuna ay ka qeeyb qaataan qanimada iyo agabka kooxda laga furanaayo.

“Waxaa loo dhintaa waa gobanimo,xorriyadda Sharaf aad ku noolaatid,intaasba khawaarij uma ogolo bulshadeenna ayuu yari taliye Dayax Cabdi Cabdulle

Dhanka kale wasiirka amniga galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe  ayaa sheegay in bulshadu diyaar u tahay in cadawga khawaarijta la iska qaado sidoo kalana galmudug ay ka go,an tahay in dhulkooda ka xoreeyaayn khawaarijta

Dhankiis bulshada abaabulan ayu mahadceliyay sidoo kalana wuxuu baaq u diray dadka wali ku harsan deegaannada khawarijta heysato.

Koonfur Afrika ayaa gudbisay dacwadda ICJ ee Israa’iil ku eedaysay ‘fal xasuuq’

0

Koonfur Afrika ayaa maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) u gudbisay dacwad ku saabsan in Israa’iil ay “xasuuq” ka waddo Gaza.

Maxkamadda Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay dacwadda ku saabsan ku xadgudubka waajibaadka Israa’iil ee hoos yimaada Axdiga Xasuuqa.

Israa’iil ayaa si adag u diiday eedeynta, waxayna ku tilmaantay “mid aan sal iyo raad toona lahayn”.

“Israa’iil waxay si adag u diidday been-abuurka dhiigga ee ay faafisay Koonfur Afrika,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda.

Maxkamadda ICJ, oo fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland, ayaa ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka sharciga. Waxay xallisaa khilaafaadyada u dhexeeya dawlad-goboleedyada waxayna ka bixisaa talo-bixin ku saabsan arrimaha sharciga caalamiga ah.

Ka dib codsigii ay u gudbisay maxkamadda ICJ, madaxtooyada Koonfur Afrika ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in waddanku uu waajib ku yahay “inuu ka hortago xasuuqa inuu dhaco”.

“Koonfurta Afrika waxay aad uga walaacsan tahay xaaladda dadka rayidka ah ee lagu qabtay weerarrada hadda ay Israa’iil ku hayso Marinka Qaza taas oo ay ugu wacan tahay adeegsiga aan loo meel dayin ee xoog iyo raridda dadka,” ayaa lagu yidhi.

“Waxaa intaa dheer, waxaa jira warbixino joogto ah oo ku saabsan dambiyada caalamiga ah, sida dambiyada ka dhanka ah bini’aadantinimada iyo dembiyada dagaalka, ee la galay iyo sidoo kale warbixino sheegaya in falal la kulmay heerkii xasuuqa ama dambiyada la xiriira. Xasuuqa Gaza ka socda”.

Dukumeentiga oo ka kooban 84 bog ayaa sheegaya in “ficillada iyo ka-dhaafitaanka Israa’iil” ay yihiin “xasuuq xagga dabeecadda ah sababtoo ah waxaa loogu talagalay in lagu burburiyo qayb la taaban karo oo ka mid ah qaranka, qowmiyadda iyo qowmiyadda Falastiiniyiinta”.

Codsiga ayaa ka codsanaya ICJ dhageysi la qabanayo toddobaadka soo socda wuxuuna codsanayaa in jirto “tallaabooyin ku meel gaar ah” ay maxkamaddu muujiso, oo ay ku jiraan in Israa’iil ay joojiso dhammaan dhaqdhaqaaqyada milatari ee Gaza.

 

Xiriirka kubadda cagta JFS oo sheegay in dib loo dhigay jadwalka

0

Waxaa dib loo dhigay muddo labo maalin ah tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Warqoraal ah oo ka soo baxay xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa lagu yirii ujeedo hakin cayaarah maamul gobaleedyafa iyo gobolka Banaadir:-

Waxaan si xushmad leh idin kaaga mahadcelineynaa ka qeybgalka tartanka maamul gobaleedyada iyo gobolka Banaadir iyo horumarinta kubadda cagta Soomaaliya guud ahaan,hadaba waxaan idinku wargalineynaa in la hakiyay cayaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo dib loo dhigay muddo labo maalmood ah,iyadoo la ciyaari doono 1-daa January 2024 waxaan la idinla soo wadaagi doona jawdalka ciyaaraha tartanka maamul goboleedyadda iyo gobolka Banaadir ee sanadkaan 2023.

Sidaasi darteed waxaan ku rajaweyn nahay in sidii aan horay idinkaaga baranay aad ugu soo diyaar garoobi doontaan.

Gaashaanle Saahid :Maalmaha soo socda Mudug Khawaarijta waan ka soo afjaraynaa

0

Taliyaha Guutada 17-aad Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Saahid Jaamac Faarax oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in maalmaha soo socda khawaarijta guud ahaan laga saari doono meelaha ay kaga harsanyihiin koonfurta Gobolka Mudug.

Waxa uu taliyah sheegay in dagaaladii khawaarijta lagula galay degaanka jeex-jeex jab xooggan lagu gaarsiiyay argagixisad,lagana saaray inta badan degaanka meelaha yar ay ku suganyihiina maalmaha soo socda ay ka saari doonaan.

“Ciidanka xoogga way kaga itaal ronaadeen khawaarijta degaanadii lagu dagalamay oo way isaga carareen maalmaha soo socdana Gobolka Mudug Khawaarijta waan ka soo afjaraynaa.”

Ciiddanka xoogga Dalka iyo kuwa degaanka ayaa khawaarijta maalmihii lasoo dhaafay dagaal culus kula galay degaanka jeex-jeex,iyo Caad halkaa oo khasaara weyn cadawga lagu gaarsiiyay,waxana halkaa lagu dilay 130-isugu jira Horjogayaal iyo maleeshiyada khawaarijta sida lagu sheegay warsaxaafadeeda kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasaaradda Waxbarashada DFS oo dib u furtay iskuulaadkii Maxaas ee Cadowgu burburiyey.

Wasiir ku xigeen Wasaaradda Waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Cismaan Ibraahin ayaa xarigga ka jaray dhismo dayactir ah oo lagu sameeyay dugsiga waxbarashada ee Degmada Maxaas.

Dugsigaan oo sidoo kale lagu sameeyay qalaneyn waxaa xafladdii xarig jarka ka hadlay Wasiir ku xigeen Wasaaradda Waxbarashada XFS,isagoo sheegay in hadafka dowlada uu yahay la dagaalanka jahliga iyo horumarinta waxbarashada.

Xafladdaasi waxaa kaloo ka hadlay Wasiirka Waxbarashada Dowlad Goboledka Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle iyo Guddoomiyaha Degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane.

Dugsiga degmada Maxaas ayaa bilo ka hor ku dumay qarax ay ka dambeeyeen kooxaha khawaarijta ee diidan nabadda iyo hormarka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo furay Koobka Dowlad-goboleedyada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyqdda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta daah furay tartanka Dowlad-goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo ka bilowday Staudiom Muqdisho.
Kulanka daah-furka koobka oo ay ku tar tamayeen xulalka Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku bogaadiyey bahda ciyaaraha Soomaaliyeed sida ay ugu mideysan yihiin xoojinta is-dhexgalka, nabadda iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
“Ciyaarta macnaha ugu weyn waa in la is barto, isdhexgal yimaado, lagu saaxiibo, la isugu yimaado, sidoo kale, dadku waa wada farxsan yihiin. Waxaan rajaynayaa in sannad walba aynu isugu nimaadno jawigaan farxadeed oo kale”.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay muhiimadda xasilinta amniga caasimaddu ay u leedahay horumarinta dhallinyarada, iyadoo jawiga nabadeed ee uu ku bilowday tartanku uu muujinayo dadaalka dowladdu ay ku bixisay xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho.
Furitaanka Koobka Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir waxaa ku weheliyey Ra’iisul Wasaaraha, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Maamulka Gobolka Banaadir iyo bahda ciyaaraha ee heer Federaal iyo heer gobol.

Ciidamada NISA oo gacanta ku soo dhigay Gawaari Cadawga u siday Agab iyo Rag ajaanib ah

0
Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa gacanta ku dhigay saddex gawaari ah oo ay ku raranyihiin Alaabo electronics u badan iyo dadkii watay.
Gawaarida ayaa lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose waxaa sidoo kale Ciidanku gacanta ku dhigeen 8 Ruux oo uu ku jiro Muwaadin u dhashay dalka Uganda.
Kooxdaan Ciidanka Sirdoonku gacanta ku dhigay ayaa ku sii jeeday goobaha Khawaarijtu joogto waxaana lagu tuhunsan yahay in qalabka ay u wadeen cadowga si loogu adeegsado gumaadka Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ugu ambabaxey dal Jabuuti halkaas oo ay ku kulmi doonaan Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland

0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar ugu ambabaxay magaalada Djibouti ee dalka Jamhuuriyadda Djibouti.
Ujeedka socdaalka Madaxweynaha ayaa ah in la sii ambaqaado dadaalka wadahadallka u dhexeeya DFS iyo Somaliland iyo xalinta colaadaha dalka ka aloosan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa wafdiga uu horkacayo ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Ganacsiga ee DFS Mudane Jibriil Cabdirashiid iyo Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ah Ergeyga Gaarka ah ee wadahadalada DFS iyo Somaliland.
Dowladda aanu walaalaha nahay ee Djibouti ayaa martigelineysa dadaaladan socda, iyadoo dhanka Somaliland uu wadahadalka uga qeybgalayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.