Guusha Deyn cafintu, maxay uga dhigan tahay Soomaaliya?

Date:

– Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa sharaxad dheeri ka bixiyay waxa ay Soomaaliya uga dhigan tahay Barnaamijka deyn-cafinta iyo faa’idada laga helayo.

Wasiika ayaa hoosta ka xariiqay in faa’idada koowaad ee Soomaaliya ay ka heleyso lacagaha deynta ee laga cafiyay ay tahay in mar kale macaamiil toos ah la yeelato hay’adaha maaliyadeed ee adduunka iyo in kalsoonida maalgashi ee dalkeennu kor u kacdo.

” Waxay koow ka tahay in culeyskii deymeed inaga haray iyo in mar labaad dib u dhalanay marka laga hadlayo macaamilaadka hay’adaha maaliyadeed ee adduunka oo macaamil toos ah la yeelan doono, in kalsoonida maalgashi ee dalkeennu kor u kacdo, fursado kobac dhaqaale iyo mid shaqo abuurna ay ka dhalan doonaan iyo in sumcaddeenii dal ahaan kor u kacdo,” ayuu yiri wasiirka oo ka jaabayay su’aalo ay shacabka Soomaaliyeed ka weydiiyeen Barnaamijka Deyn-cafinta.

Sidoo kale, wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa tilmaamay in fursado waa weyn oo ay ugu mudan yihiin kuwa uu hore u soo sheegay ay ku jiraan tallaabada Soomaaliya looga cafiyay deyn dhan 4.5bilyan dollar, taas oo ku guuleysatay geeddi muddo dheer soo socday Dowladda uu hoggaamiyo mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Deymaha nalaga cafiyay ayuu wasiirku sheegay in la qaatay xilli hore, waxaana deyntii ugu horeysay oo qeyb ka ah kuwa hadda nalaga dhaafay la qaatay 1961, waa xilligii xornimada aynu qaadanay wax yar ka dib, waxayna ahayd lacag Ruuska laga qaatay oo ahayd ” Commercial loan”, sida uu wasiir Biixi hadalku u dhigay.

Dalkeenna Soomaaliya ayaa guul taariikhi ah ka soo hooyay Barnaamijka Deyn cafintu, wuxuuna madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Washington ee dalka Mareykanka kula kulmay mas’uuliyiinta ka tirsan hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka ayaa uga mahadceliyay doorkoodii guushii taariikhiga ahayd ee dalkeennu ka gaaray barnaamijka deyn cafinta.

Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiintan kala hadlay sidii hay’adahoodu ay markale Soomaaliya ugu garab istaagi lahaayeen xaqiijinta himmilooyinka dhaqaale ee u dagsan, tayaynta hay’adaha maaliyadda, kor u qaadista dakhliga iyo maalgashiga caalamiga ah .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....