Wasiirka Awqaafta iyo Arimaha diinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaanada wacyi galinta Ciidanka

Date:

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta  iyo Arrimaha Diinta JFS Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa maanta xafiiska ku qaabiley hoggaanada siyaasadda iyo wacyigelinta ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, Ciidanka Booliiska iyo Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliyeed.

Ujeedada kulanka wasiirka iyo hoggaanada wacyigelinta ee ciidamada qalabka sida ayaa ahaa wadatashi iyo is xog wareysi ku saabsan dardar gelinta howlaha wacyigelinta lagu dhiiragelinayo geesiyaasha ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira khawaariijta.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo qaadey daadejinta howlaha wacyigelinta ee ay iska kaashadaan Wasaaradda iyo hoggaanada siyaasadda iyo  wacyigelinta gaar ahaan sidii bulshada looga wacyi gelin lahaa dhinacyada dhaqanka iyo aqlaaqda suuban, isticmaalka waxyaabaha maanka dooriyaha iyo ka hortagga fikirka xagjirka ah ee rabshadaha wata.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS ayaa la kulmay Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Ra’iisul wasaaraha XJFS oo daahfuray barnaamijka “Hooyo u Hiilli Qarankaaga,”

:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo aqalka dowladda hoose kusoo dhaweeyay Xildhibaan Maxamed Caddow

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf...

Wasiirka Amniga gudaha oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxa howlgalka IOM ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane AAbdullahi Sheikh...