Home Blog Page 374

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war ka soo saartay dhimista ciidanka ATMIS.

Wasaaradda Difaaca Soomaaliya  ayaa war cad ka soo saartay dhimista ciidanka ATMIS ee ka howlgala dalka,kadib markii ciidamada xoogga dalka ay awood  buuxdo u yeesheen la wareegidda amniga guud ee dalka.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu caddeeyay Wasaaradu in ay ka go’an tahay sidii Ciidanka Qalabka sida ay u qaadi lahaayeen mas’uuliyadda ah in amniga dalka kala wareegaan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu xusay in illaa iyo dhamaadka bishan June aynu ku jirno ay dalka ka baxayaan 2000 oo ka mid ah ciidamada ATMIS, taasi oo qeyb ka ah qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 2628 iyo 2670.

Sacuudiga oo martigalinaya shirka ganacsatada Dalalka Carabta iyo Shiinaha

Dalka Sacuudi Carabiya ayaa lagu wadaa in 11-ka June  ee Axadda soo socota uu martigaliyo kalfadhiga tobnaad ee shirweynaha ganacsatada Dalalka Carabta iyo Shiinaha .

Shirkaan oa ka furmi doona Magaalada Riyaad,waxaa soo qabanqaabiyay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, ahna Ra’iisul Wasaaraha Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin C/casiis.

Shirkaan oo ah kii ugu ballaarnaa ee noociisa ah ayaa socon doona muddo labo maalmood ah,iyadoo looga hadli doono ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale ee ka dhexeeya bulshooyinka ganacsiga Carabta iyo Shiinaha.

Barnaamijka shirka ayaa waxaa ka mid ah kulamo wada-tashi ah iyo kulamo laba geesood ah oo looga hadlayo sidii barwaaqo iyo horumar waara loogu sameyn lahaa dalalka Carabta iyo Shiinaha.

Kalfadhiga tobnaad ee Shirka Ganacsatada Carabta iyo Shiinaha waa shirkii ugu weynaa ee dhanka ganacsiga iyo maalgashiga,waxaana la filayaa in ay ka qeybgalaan madax ka kala socota carabta Shiinaha,shirkado ,ururo ganacsi iyo kuwo kale.

Ukrain oo sheegtay in ay burburiyeen 4 gantaal iyo 10 Drone

Milateriga Ukraine ayaa sheegay inay soo rideen afar gantaal oo nooca loo yaqaan Cruise missiles iyo 10 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah intii lagu guda jiray weerar cirka ah oo Ruushku qaaday habeen hore.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa bogaadiyay waxa uu ku tilmaamay natiijooyinka dagaal culus oo ka dhacay gobolka Donetsk ee bariga Ukraine.

Dhanka kale,Mareykanka ayaa ku dhawaaqi doona maanta oo jimco ah $2bn oo cusub oo hub ah oo loogu talagalay Ukraine, sida laga soo xigtay Bloomberg News oo soo xiganeysa saraakiisha maamulka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Washington DC  laga daahfuray  xarun cilmi-baaris oo la socon doonta dagaalka ka jira Dalka Ukraine.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay ergayga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu u soo magacaabay dalkeenna Marwo Catriona Laing.
Madaxweyne Dr Xasan Sheekh iyo Danjire Catriona Laing ayaa ka wadahadlay dardargelinta howlaha muhiimka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay uu ka taageero dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa la wadaagay dadaallada dowladdu ku bixinayso dhinacyada la dagaallanka argagixisada, kobcinta dhaqaalaha, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay si wax looga qabto caqabadaha bini’aadannimo ee ka jira goobaha laga saaray argagixisada.
Dhankeeda, Ambasadoor Catriona Laing ayaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelisay soo dhaweynta diirran ay kala kulantay, iyadoo bogaadisay guulaha laga gaaray dagaalka qawaarijta looga xoreynayo dalkeenna, waxa ayna tilmaantay in howlgalkeeda cusub uu xoogga saari-doono adkeynta wada-shaqeynta, sare u qaadidda taaageerada amniga, siyaasadda iyo gargaarka bini’aadannimo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay ergay ka socda madaxweynaha Uganda

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Janaraal Muhoozi Kainerugaba oo ah La taliyaha sare ee hawlgalada gaarka ah ee madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Museveni.
Madaxweynaha ayaa ka guddoomay Janaraal Muhoozi dhambaal uu ka siday Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo Iskaashiga dagaalka ka dhanka ah argagixisada oo khatar ku ah xasilloonida iyo horumarka Gobolka.
Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga warramey wafdiga Uganda sida ay u socdaan hawlgallada dalka ka dhanka ah argagixisada, caqabadaha jira iyo dhinacyada ay dananeyso dowladda Soomaaliya in laga kaabo, si ay ugu guuleysto halgankan, waxa uuna uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda garab istaagga xasilloonida Soomaaliya iyo sida ay dhiig iyo hantiba ugu hureen dagaalka ka dhanka ah argagixisda Alshabaab.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Waajid

0
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Waajid ee Gobolka Bakool, halkaas oo uu ka socdo qorshe lagu dardar galinayo dagaalka Wajiga 2aad ee Khawaarijta.
Maamulka Waajid, Saraakisha ciidamada iyo Qeybaha Bulshada ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Waajid kuso dhoweyey Wafdiga Madaxweynaha.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka golaha Wasiiradda ee tiirka Caddaaladda iyo Garsoor Madax-bannaan.

0
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka golaha Wasiiradda ee tiirka Caddaaladda iyo Garsoor Madax-bannaan.
Kulanka ayaa warbixinno looga dhageystay hay’adaha ka wada tirsan Tiirka Caddaaladda, oo soo bandhigay howlaha ka fulay ajandayashi horutabinta u lahaa Tiirka iyo howlaha hadda horyaala.
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa soo bandhigtay sharciga caddaaladda da’yarta Soomaaliyeed oo muhiim u ah dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddi hoosaadka ku adkeeyey fulinta qorshaha Xukuumadda #DanQaran ee la xiriira kor u qaadidda hannaanka Caddaaladda dalka iyo in deegaannadii dhowaan cadowga laga saaray laga hirgeliyo adeeg garsoor oo bulshada kala haga.

Shirweynaha Aragti wadaagga xakamaynta faafinta wararka been abuurka iyo saameynta ay bulshada ku leeyihiin oo la soo gabogabeeyay

0
Shirweynahan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, intii uu socday waxaa la isku waydaarsaday doodo cilmiyaysan oo ay ka qaybqaadaneen hawlwadeenno ka kala socday hay’adaha dowladda, warbaahinta dalka, ururada saxaafadda, bulshada rayidka ,culimada ah ah iyo khuburo ku xeeldheer arrimaha Warbaahinta.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo furay Shirweynaha Aragti-wadaagga Xakameynta Faafinta Wararka Been abuurka ah iyo Saameynta taban ee ay bulshada ku Leeyihiin ayaa tilmaamay in faafinta wararka aan sugneyn ay khatar weyn ku yihiin amniga qaranka, nabadgelyada iyo wadajirka ummadda, gaar ahaan marka ay faafiyaan argagixisada iyo kuwa lamidka ah ay noqon karto hub wax burburiya.
Xukuumadda DanQaran ayuu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in ay qaadi doonto tallaabooyin sharci ah oo lagula xisaabtamayo kooxaha lagu helo in ay si ula kac ah u faafiyaan wararka been abuur ah, gaar ahaanna kuwa la xiriira amniga qaranka iyo kala qeybinta bulshada.
Ka qeyb galayaasha hadalada ka jeediyay doodaha shirka waxaa mid ahaa Wasiiro, Xildhibaano, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Guddoomiyihii hore Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan jawaari, Culimo, Dhaqan, Booliiska Soomaaliya, Khuburo saxaafadeed oo ka kala socotay Warbaahinta gaarka ah, iyo ururada Saxaafadda
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jaamac ayaa sheegay in ujeedka shirkan yahay aragti
Isweydaarsiga dowladda iyo dadkeeda si xal loogu helo dhibaatada faafinta wararka been abuurka ah.
Ka qeyb galayaasha ayaa sidookale, si qoto dheer uga dooday saameynta wararka been abuurka ah ku leeyihiin nolosha bulshada iyo sida ugu macquulsan oo lagu xakameyn karo si waafqsan sharciga dalka.
Ajandayaasha laga dooday waxaa ka mid ahaa
Baahinta wararka aan la hubin, ama been abuurka ah iyo Warbaahinta casriga ah.
Saameynta wararka abuurka ku leeyihiin kicinta xasaradaha bulshada iyo colaadaha sukeeya.
Muxuu sharcigu ka qabaa faafinta wararka been abuurka ah iyo saameyn intee la eg ayayse ku leedahay dowlad dhiska.
Waa maxay tallaabooyinka loo baahan si loo xakameeyo wararka been abuurka?
Sidookale waxaa khubarada ka qeyb galaysay shirka soo jeediyeen mowduucyo ay ka mid yihiin.
Diinta Islaamka waxa ay ka qabto been abuurka.
Booliiska iyo dhibaatooyinka ay kala kulmaan wararka been abuurka.
Habka hubinta wararka been abuurka ah iyo wadiiqada loo maro xaqiiqo raadinta wararka.
Dood Falanqeyn dheer kadib Ka qeyb galayaashaasha ayaa soo jeediyay talooyin wax ku ool ah oo la xiriira xakameynta faafinta wararka been abuurka ah iyo saameynta ay ku leeyihiin bulshada waxaana ay badan kood soo jeediyeen.
In Dowladda, ururada Saxaafadda Wadajir uga shaqeeyaa sameynta wacyi gain xooggan oo la xiriirta ka hortaga sameynta iyo faafinta wararka been abuurka.
In Dowladda dhaqan galiso shuruucda degsan ee la xiriirta xakameynta faafinta been abuurka si loo maareeyo qataraha ka yimaada been abuurka, marin habaabinta iyo hubin la’aanta wararka.
In sidookale la sameeyo xeerar la jaan qaadi kara Warbaahinta casriga ah laguna xakameyn karo dambiya iyo faafinta been abuurka ah ee lagu sameeyo baraha dadku ku xiriiraan.
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo soo xiray shirweynaha ayaa sheegay in shirkani muhiim u ahaa hey’adaha dowladda, qeybaha bulshada, culimada iyo khubarada kale in ay ku wadaagaan aragtidooda si furan, si xal looga helo wararka aan la hubin, marin habaabinta ku dhisan ama hubinti la’aanta loo baahiyo, kuwaas oo saameyn taban ku leh bulshada.
Wasiir Daa’uud ayaa tilmaamay in wasaaraddu ka shaqeynayo hirgalinta aragtiyaha iyo xogaha ka qeyb galayaashu ku wadaageen shirkani oo dhammaantood taabanaya dhibaatada dalkeena iyo dadkeena ay ku hayaan wararka been abuurka ah.
Ugu dambeyn Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska jamhuuriyadda Soomaaliya waxa ay soo saari doontaa warbixin dhameystiran oo la xiriirta natiijada doodihii wax ku oolka ahaa ee shirweynaha aragti wadaagga xakameynta faafinta wararka been abuurka ah iyo saameynta ay bulshada ku leeyihiin.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta bilaabay kulamo muhiim ah oo uu la yeelanayo Wasaaradaha, si uu ugula xisaabtamo waxyaabihii ka qabsoomay

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaamaanta bilaabay kulamo muhiim ah oo uu la yeelanayo Wasaaradaha, si uu ugula xisaabtamo waxyaabihii ka qabsoomay ballanqaadkii ay horey u kala saxiixdeen.

Kulamada isla-xisaabtanka oo lagu furay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu mas’uuliyiinta Wasaaradda wax ka weydiiyey waxyaabaha ka qabsoomay balanqaadkii ay horey u kala saxiixdaan ee la xiriiray waajibaadka wasaaradda.

Masuuliyiinta mashaariicda Wasaaradda gacanta ku haya ayaa soo bandhigay waxyaabaha u qabsoomay, waxa aan u fulin iyo caqabadaha siyaasadeed iyo farsamo ee heysta, iyada oo Ra’iisul Wasaaruhu mid mid su’aalo uga weydiiyay masuuliyiinta mashaariicdaasi maamula.

Ra’iisul Wasaaraha XJFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa faray Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada in ay noqoto mid ka hufan musuq maasuq, bulshadana loogu adeego si daacad ah, isla markaana wax la taaban karo ka qabta sameynta isbitaallo, keyd daawo, qalab iyo wacyigelin bulsho, iyada oo la raacayo balanqaadkii ay horey u kala saxiideen. Waxaana uu si gaar ah u faray Wasiirka in uu xaqiijiyo in hawl kasta ay ku fusho xilligii loogu talagalay.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa soo saaray awaamiir lagu joojinayo Jeexida Laamiyada iyo Marshibiyeedyada Gobolka Banaadi

0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa soo saaray awaamiir lagu joojinayo Jeexida Laamiyada iyo Marshibiyeedyada Gobolka Banaadir.
Laga bilaabo Maanta Tr-05-06-2023 waxaa la joojiyay in la jeexo Waddooyinka Caasimadda, iyo Marshabiyoodyada, sidoo kale Bulaacado lagama qodi karo Marshabiyoodka, ciddii ku xadgudubta amarkaas talaabo ayaa laga qaadayaa” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska duqa Muqdisho.