Home Blog Page 374

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si adag uga hor yimid dulmiga Ethiopia ee madax banaanida dhuleed ee JFS.

Ururka Iskaashiga Islaamka {OIC} ayaa War qoraal ah uu soo saaray si adag uga hor yimid isku dayga Gurracan ee Dowladda Ethiopia ay ku dooneyso qeyb ka mid dhulka Soomaaliyeed.

Xoghayaha guud ee Ururka ayaa ku baaqay in la ilaaliyo Madaxbanaanida Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la dhowrayo xeerarka caalamiga ah iyo kuwa gobolka.

Ra’iisul wasaaraha dalka oo xarigga ka jaray Machadka Dacwadda iyo Daraasaadka Islaamka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo xarigga ka jaray Machadka Dacwadda iyo Daraasaadka Islaamka, ayaa sheegay machadkani looga fadhiyo in uu soo saaro aqoonyahan diimeed oo bulshada ku haga jidka saxda ah ee ay shareecadu ina fareyso.
Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in aqoonyahanka ka howlgalaya machadkani ay ku yimaadeen tartan furan, taas oo ka tarjumeysa sida ay Xukuumadda DanQaran mudnaanta u siineyso daah-furnaan iyo in aqoon lagu tartamo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in xaruntani loo aas-aasay kobcinta diinta Islaamka iyo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan aqoonyahan faham buuxa u leh axkaamta kala duwan ee shareecada Islaamka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare —hirgelinta Machadka Dacwadda iyo Daraasaadka Islaamka, isaga oo faray in xaruntani ay noqoto mid tayo leh oo u dhammeystiran yihiin dhammaan adeegyadii ay ku shaqeyn lahayd.

Baarlamaanka Carabta oo si adag uga hadlay xadgudubta Etoobiya ku hayso dalkeena.

Baarlamaanka Jaamacadda Carabta oo sheegay in si cad uu udiiddan yahay in faraha lalagalo arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku baaqay in la ilaaliyo wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo la ixtiraamayo daris wanaagga.
Bayaan kasoo baxay Baarlamaanka ayaa lagu yiri” baarlamaanka Jaamacadda Carabta waxa uu si cad uga soo horjeedaa in lagu xadgudbo Qaranimada iyo madax banaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana Itoobiya ugu baaqaynaa in ay ilaaliso xeerarka caalamka kuna dhaqanto wada noolaashaha daris wanaagga, iyo ilaalinta qaranimadooda, waana in aanay faraha la galin arrimaha gudaha dalalka dariska la ah si gobolka xasiloonidiisa iyo amnigiisa loo xaqiijiyo”.
Bayaanka kasoo baxay baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in sidoo kale tahay madax banaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mid aan gorgortan laga gali karin oo qayb ka yahay amniga Qaranka Carabta, waxa ayna intaas sii raaciyeen in baarlamaanka Jaamacadda Carabta diyaar ula tahay dowladda Federaalka Soomaaliya garab Istaag buuxa si qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loo ilaaliyo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan degdeg ah la qaadatay Danjireyaasha Beesha caalamka.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS oo maanta Shir isagu yeertay Danjirayaasha Beesha Caalamka ayaa warbixin ka siisay Xaaladda Go’aanka Soomaaliya ee ku wajahan Xadgudubka Itoobiya ee madaxbanaanida dhuleed ee JFS.
Siihaayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS Cali Balcad ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in shirka oo muhiim ahaa uu ku saabsanaa in Danjireyaasha caalamka dowladdu garsiiso go’aankeeda ku aaddan talaabada xadgudubka ah ee ay qaadday Xukuumadda Addis Ababa.

Dowladda Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay qoraal ka soo baxay xoghayaha IGAD.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay hadalkii maanta kasoo yeeray Xoghayaha fulinta Urur goboleedka IGAD, iyadoo u aragta mid u xaglinaya dowladda Ethiopia.

War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibadda JFS ayaa lagu yiri” Waxaan ugu baaqaynaa Xoghayaha Fulinta IGAD inuu si degdeg ah raaligelin uga bixiyo hadalkaas, uuna ka qaado talaabada ku habboon.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka dalka Qatar, Amiir Tamiim Binu Xamad oo ay ka wada hadleen xaaladda gobolka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka dalka Qatar, Amiir Tamiim Binu Xamad oo ay ka wada hadleen xaaladda gobolka iyo arrimaha hortabinta u leh Labada dal.

Labada hoggaamiye ayaa dul-istaagay xiriirka labo geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo, si loo xoojiyo iskaashiga dhow ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Shacabka Muqdisho oo isku soobaxay ayaa dareenkooda ku muujiyay garoonka ciyaaraha ee enjineer yariisow.

0
Dibadbax balaaran oo uu soo aggaasimay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho kaas oo kasoo qeyb galeen Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan DFS, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Guddoomiye Ku-xigeenada Maamulka Gobolka, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka iyo kumanaan ka tirsan shacabka Caasimadda, Dibadbaxaasi oo lagu diidanaa damaca Dowladda Ethiopia iyo Heshiis beenaadka ay la gashay Muuse Biixi.
Dibadbaxayaasha ayaa socod kusoo maray qeybo ka tirsan wadooyinka Caasimadda, iyagoona isugu yimid Garoonka Kubadda Cagta Eng. Yariisow Stadium, halkaasi oo ay kula hadleen; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, Wasiiru Dowlaha Amniga, Xildhibaan ka tirsan BFS iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho.
Madaxda ayaa shacabka ugu mahadceliyay dareenka wadani-nimo iyo sida ay shucuurtooda u cabireen iyagoona sheegay in aan marnaba la aqbali karin xad-gudub lagu soo sameeyo dhulka Soomaaliya, isla markaana ugu baaqay Dowladda Ethiopia in ay ka fiirsato talaabooyinka qaldan oo ay qaadeyso.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda” Taako ka mid ah dalka Ethiopia ma qaadan karto”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad ka hor jeediyey Baarlamaanka, waxaanu si adag uga hadlay faragelinta gurracan ee ay Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha dalka, ka dib heshiiskii afgaradka oo ay dhawaan la yeesheen Somaliland.

Madaxweynaha ayaa yiri: “Wixii dhacay 1-dii Janaayo waxa ay jebinayaan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah, mana noqon karaan kuwoo dhaqan gala .”

Madaxweynaha ayaa sheegay in labada dal [Soomaaliya & Itoobiya] ay ahaayeen kuwo deris ah qarniyaal badan, taariikhda ka dhaxeysana ay astaan u ahayd colaado iyo burbur.

“Jamhuuriyadda 3-aad ka dib, Ummadda Soomaaliyeed waxay qaadatay jihada nabadda iyo la wada noolaanshaha dalalka deriska ah, kamaanaan shaqayn in la kala qaybiyo shacabka Itoobiya, balse nasiib darro, waxaa dhacay wax aan Itoobiya maanta ka filaynay ma ahan.”

Madaxweynaha ayaa ku nuux-nuuxsaday in tallaabadani ay xoojineyso saameynta fikradaha xagjirka ah ay ku leeyihiin bulshada, lagana yaabo in Khawaarijtu ay si khaldan uga faa’ideystaan.

Madaxweynaha JFS ayaa sidoo kale ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay u si wadajir ah ugu midowbaan difaaca midnimada Dhuleed ee dalka iyo madaxbanaanida Qaranka.

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya saacado ka dib markii Itoobiya ay ku dhawaaqday in maamulka Somaliland ay la saxiixatay heshiis sharci darro ah oo qeexaya in ay deked ka sameysato badda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo go’aan adag ka istaagtay xadgudubka dowladda Ethiopia.

Golaha Wasiirrada Xukuummadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya shirkiisa aan caadiga ahayn ee lambar: SHGW058.01.2024 ee qabsoomay 02 Janaayo 2024, uuna shir guddominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumaadda JFS waxay soo saareen qaraar ku saabsan xadgudubka Dowladda Itoobiya ee gobonnimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

MARKII AY ARKEEN:

Qodobka 1and faqradihiisa 1 iyo 2 ee Dastuurka JFS ee dhigaya in Soornaaliya tahay Jamhuuiryad Federaal ah oo dimoqraaddi ah ayna gobannimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tahay laguma- xadgudbaan.

MARKII AY ARKEEN:

Qodobka 7 faqradiisa 1 ee Dastuurka oo xeerinaya “Gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo koobeysa dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo idil, oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawadooda Sare iyo geyi-qaaradeedka iyo dhul iyo biyo-goboleed kasta oo ku soo biira Jamhuuriyadda Soomaaliya, si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Qaranku ansixiyo.”

MARKII AY ARKEEN:

Qodobbada 53ad iyo 54 ee Dastuurka oo siinaya Dawladda Federaalka Soomaaliya xaq awoodeed ee gelista heshiisyo caalami ah gaar ahaan arrimaha la xiriira siyaasadda Arrimaha Dibedda, Dhaqaalaha, Difaaca, iyo Amniga.

MARKII AY ARKEEN:

Qodobka 51 faqradiisa 4 ee Dastuurka oo dhigaya “Dhammaan heerarka Dowladda waxaa waajib ku ah inay u hoggaansanaadaan Dastuurka dalka, iyada oo aan heerna isa siinayn awood ka baxsan kuwa Dastuurku siiyey.”

MARKII AY ARKEEN:

Qodobka 2d faqrada 4 ee Axdiga Qaramada Midoobay ee ku saabsan laguma xadgudbaannimada madaxbaanaannida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee dal iyo Qaraarka Golaha Guud ee Qaramaha Midoobay ee tirsigiisu yahay 2625 oo xeeriyay “Dalna uma isticmaali karo in uu dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan, ciidan ahaan, ama ficil kasta oo ku khasbaya dal kale in uu maquuniyo xuquuqdiisa madaxbannaanida si looga faa’ideysto.”

MARKII AY ARKEEN:

Mabaadii’da sugaya xurmada gobonnimada iyo midnimada geyiga dalalka Afrika ee lagu xeeriyay Axdiga Ururka Midowga Afrika “OAU” iyo Xeerka Dhismaha Midowga Afrika “AU” ee 2002 iyo midka Urur Gobolleedka IGAD.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo saartay qaraarka soo socda:

1. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u diideysaa, isla markaana si cad uga soo horjeeddaa tallaabada gurracan ee Dowladda Itoobiya ay ku sheegtay in ay si sharcidarro ah heshiis is-afgarad iskaashi iyo wadashaqeyn kula gashay maamulka Somaliland (Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya), taariikh 01/01/2024, Addis Ababa. Sida uu qabo Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xeerarka dalka iyo xeerarka caalamiga ah – Somaliland waa qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

2. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u aragtaa tallaabadani mid gardarro ah oo halis gelinaysa deris-wanaagga, nabad ku wada noolaanshaha iyo xasilloonida gobolka oo markii horeba la daalaa-dhacayay dhibaatooyin kala duwan, waxayna xadgudub iyo faragelin qaawan ku tahay madaxbanaannida, gobonnimada, iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

3. Waxa lagu sheegay “heshiis is afgarad iskaashi iyo wadashaqeyn” waa waxba kama jiraan, mana ahan mid ay aqbalayso Dowladda Federaalka Soomaaliya mana laha saldhig sharciyeed.

4. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay Dowladda Itoobiya uga digeysaa isku day kasta oo xadgudub ku ah gobonnimada, madaxbannaanida, iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay kaga jawaabto tallaabada gurracan ee ay qaaday Dowladda Itoobiya waddo kasta oo sharci ah.

5. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ficilka Itoobiya u aqoonsatay in uu yahay gardaro iyo duullaan qaawan oo ka dhan ah gobonnimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

6. Dowladda Soomaaliyeed oo ku tiirsan awoodda shacabkeeda waxay diyaar u tahay waajibna ka saaran yahay difaaca, ilaalinta iyo dhowrista gobonnimada, sharafka iyo midnimada dhuleed iyo midda bulsho ee dalkeeda.

7. Dowladda Soomaaliya waxay ka dalbaneysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka IGAD iyo saaxiibbada kale ee daneeya nabadda iyo xasilloonida Gobolka iyo caalamka, iyagoo ilaalinaya xeerarka ay ku dhisan yihiin, gudanayana waajibaadkii loo aasaasey in ay garab istaagaan xaqa Soomaaliya ee ilaalinta midnimadeeda dhuleed, kuna cadaadiyaan Itoobiya in ay ku soo noqoto xeyndaabka shuruucda caalamiga ah.

8. Dowladda Soomaaliya waxay ka dalbanaysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika inay qabtaan kulamo deg deg ah si looga arrinsado xadgudubka iyo faragelinta Itoobiya ee ka dhanka ah madaxbanaannida iyo midnimada dhuleed ee dalka Soomaaliya.

9. lyadoo arrintan laga jawaabayo, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay la tashi degdeg ah ugu yeeraysaa safiirkeeda dalka Itoobiya.
Ugu dambeyntii Xukuumadda JFS waxay soo saareysaa amarrada munaasibka ku ah ilaalinta qaranimadeeda iyo ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah, dhammaan hey’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaa la farayaa in ay u istaagaan fulintooda.

Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Aminga dagmada Deyniile oo ka bad-baaday kharax Miino 

0

Kooxda Khawaarijta ah ee AS,ayaa goordhoweed Qarax Miino la beegsatay Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Amniga Dagmada Dayniile Abdulkhaadir Ali Faracade.

Guddoomiyaha oo marayay jidka Warshadaha ayaa gaari uu watay waxa ay khawaarijtu u dhigtay miino nuuca soo booda ah.

Gudoomiye Abdulkhaadir Ali Faracade, ayaa maalmihii danbe ku howlanaa sidii khawaarijta looga saari lahaa goobaha dagaalada ka socdaan waxa uuna kasoo baxay shir muhiim ah oo looga hadlayay arrimaha xoreeynta deegaanada Khawaarijta ku dhuumaalaysanayaan.

Guddoomiye Abdulkhaadir Ali Faracade oo la hadlay warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in uu ka badbaaday qaraxa aysan baqdin galin doonin dhagarta Khawaarijta oo ay had iyo goor u maleegaan Bulshada haldoorkeeda.

.