Home Blog Page 373

Ciidamada Xoogga Dalka oo Khaarijiyay Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta ( Warbixin)

0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed kuwooda sida gaarka ah u tababaran ee DANAB, ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxay howlgallo kala duwan ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose, howlgalkaas oo lagu baacsanayay maleeshiyaadka Khawaarijta Al-shabaab.

Howlgalka qeybtiisa koowaad ayaa ka dhacay tuulada lagu magacaabo Aboodan oo hoostagta magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada hoose, bartilmaameedka howlgalkaas ayaa ahaa shan gaari oo ay la socdeen maleeshiyaadka ka tirsan argagixisada Al-shabaab.

Ciidankii fuliyay howlgalkaas ayaa bur buriyay dhammaan gaadiidkii beegsigu ahaa, waxaa kale oo la dilay maleeshiyaadkii saarnaa gawaarida ka dib markii ay dagaallameen.

Dhanka kale, ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorysheysan ku dilay horjooge magaciisu lagu soo gaabiyay “Abuu Sahal” iyo Shan maleeshiyo oo ilaalo u ahaa,kuwaas oo qeyb ka ahaa dhibaateynta shacabk ku nool gobolka jubbada hoose.

Howlgalkaas lagu dilay horjoogahan iyo maleeshiyaadka la socday ayaa ka dhacay deegaanka Kaam-jaroon oo hoostaga magaalada Kismaayo, halkaas oo dhagar qabahan ku dhuumaaleysanayay

 

Gobollada Jubbooyinka waxaa la xoojiyay howlgallada lagu beegsanayo maaleeshiyaad, horjoogayaasha iyo gaadiidka ay u adeegsadaan dhagarta ay u maleegaan shacabka Soomaaliyeed.

Muqdisho-Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jabuuti ugu qeyb galaya shir madaxeedka IGAD

0

Shir madaxeedka Meertada 14-aad ee Urur goboleedka IGAD oo sannadkan diirradda lagu saari doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nabadda, amniga iyo horumarka Gobolka ayaa maanta ka furmaya dalka Jabuuti,shirkan ayaa waxa ka qayb gelaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Hoggaamiyaasha dowladdaha xubnaha ka ah IGAD ayaa xoogga saaraya xal u helidda dagaalka ka socda dalka Sudaan.

Sidoo kale shirkan ayaa looga hadlayaa mideynta dadaallada heer gobol ee ciribtirka argagixisada, xoojinta is dhexgalka gobolka, nabadda, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.

Muqdisho-Somalia

Ra’isul Wasaare Xamse oo dhagax dhigay xarunta gurmadka Deg-degga ee Isbitaal Madiino

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay Xarunta Gurmadka Deg-degga ah ee Isbitaalka Madiina, oo loogu talagalay  in lagula tacaalo muwaadiniinta  ku waxyeelooba musiibooyinka dalka ka dhaca.

Xaruntan oo loo dhisayo qaab casri ah, ayaa waxaa ku baxaya lacag gaaraysa hal milyan, laba boqol iyo konton kun oo dollar, oo ka imaanaysa shacabka iyo  dowladda Soomaaliyeed, iyadoo  ka koobnaan doonta xaruntan 47 sariirood oo lagu qaabilo dadka qaba xaaladaha deg-degga ah, halka ay horey u yaaleen Isbitaal Madiina 3 sariirood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xaruntani marka la dhameystiro ay dabooli doonto baahi weyn oo dhanka caafimaadka ah oo ay qabeen shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran oo ka duuleysa baahida bulshada  ee dhinacyada Caafimaadka iyo Waxbarashada ay qaaday tallaabooyin wax looga qabanayo soo celinta adeegyada bulshada ee asaasiga ahaa.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha oo kormeerey qeybaha kala duwan ee Isbitaalka Madiina, ayaa warbixinno ka dhageystay Maamulka Isbitaalka, isaga oo ku bogaadiyey howlaha baxaadda leh ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Shirka madasha Qaramada Midoobay oo ay qeyb ka aheyd DFS ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Kenya

0

Wasiirul-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud Iyo Dib-udhiska Xukuumadda XFS Mudane Bashiir Maxamed Jaamac(Bashiir Goobe) iyo wafdi balaaran uu hogaaminayay isla markaa uu wehliyo Danjiraha Dowladda JFS ee Dalka Kenya Mudane Ambassador Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo maalmahaan ka qeyb-galayay Shirka UN HABITAT ee ka soconayay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa waxa ay ka qeyb-galeen xeritaanka Kala-fadhiga labaad ee Golaha Deegaanka ee Qaramada Midoobay (UN Habitat).

Shirkaasi oo socday muddo 5 maalin ah waxaa diirada lagu saaray ama looga hadlay “Mustaqbalka magaaloyinka ee waara iyada oo loo marayo is-dhexgal dhinacyo badan leh iyo gaaritaanka yoolalka horumarineed ee Joogtada ah ee waqtiyada xasaradaha caalamiga ah”.

Shirkaan noocaan ah ayaa waxaa la qabtaa (4) afartii sanaba mar si looga wada hadlo xaaladaha magaalooyinka aduunka iyo deegaanada lagu noolyahay.

Inta uu shirkaas socaday ayaa madaxda soomaaliyeed waxa ay kulamo doceedyo la yeesheen wafdiyo kagala socday Dowladaha kala ah:- Gariiga, Biljamka ,Itoobiya, Masar iyo wakiilka UN HABITAT u qaabilsan arimaha Soomaaliya, kulamadaas ayaa ahaa kuwo diirada lagu saaray xariirka Dalka Soomaaliya kala dhaxeeya wadamaas iyo in xooga la saaro wada-shaqeynta iyo dib u dhiska wadanka.

Muqdisho-Somalia

Madaxweynaha Galmudug oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Waxbarashadda Galmudug

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo wehliyo wasiirka Wasaaradda Waxbrashada Galmudug ayaa xariiga ka jaray dhisme cusub oo ay ku shaqeyn doonto Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug

Munaasabadda xarig jarka waxaa kasoo qayb galay xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, mudanayaal ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ka wada hadlay habraaca dhimista ciidamada ATMIS

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo Villa Soomaaliya kula kulmay Wakiilka Gaarka ah Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mohamed El-Amine Souef oo uu wehliyo Taliyaha Guud ee Ciidamada ATMIS Sam Okiding ayaa ka wadahadlay habraaca dhimista ciidamada ATMIS oo Soomaaliya ka baxaya dhamaadka sanadka 2024 iyo ku wareejinta amniga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ambasadoor Mohamed El-Amine Souef ayaa bogaadiyey daddaallada ay ku bixineyso dowladda dagaalka argagixisada looga xoreynayo dalka iyo dardargelinta howlgallada wajiga labaad ee lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas oo khatar ku ah nolosha iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya guulaha isdabajoogga ah ee geesiyaasha Soomaaliyeed ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada ayaa xoogga saaraya abaabulka taageerada farsamo iyo milatari ee wajiga labaad ee howlgalka lagaga cirib-tirayo khawaarijta Alshabaab dalka iyo guud ahaan gobolka iyo Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, lana dhaqan geliyo qorshaha kala guurka si loo gaaro Soomaaliya nabad ah.

Taliska Booliska oo war kasoo saaray weerarkii khawaarijta ku qaaday Hoteel Pearl

0

Hoos ka akhriso war saxaafadeedka Booliska kasoo baxay

Xalay fiidkii 09/Jun/2023 abaare 07:55 PM ayaa 7 Naftood halige oo Khawaarijta Al-Shabaab ka tirsan weerar Naf-lacaarinimo ku qaadeen Hoteel Pearl oo ku yaalla degmada Cabdicasis.

Hoteelka ay Naftood halige-yaashu weerareen ayaa ahaa goob ay dadka shacabka ah ku shaah cabaan, taas oo muujinaysa sida Khawaarijtu ay shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta u la dagaalamayaan.

Ciidamada Ammaanka ayaa isla markiiba u howlgalay soo afjarista weerarka Khawaarijta, iyaga oo ku guulaystay in ay soo gabagabeeyaan weerarkaas abaare 02:00 AM.

Weerarka Khawaarijta waxaa ku shahiiday 6 muwaadin oo shacab ah, waxaana ku dhaawacmay 10 kale, intii ay badbaadintu socotay, waxaa ku shahiiday 3 ka mid ah Ciidamada geesiyaasha ee amniga oo u dagaalamayay badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.

Alle mahadii, Ciidamada Amniga ayaa ku guuleystay in ay goobtaas si nabadgelyo ah uga saaraan 84 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan carruur yar yar, dumar iyo dad waayeel ah.

Dhamaad

 

 

Ra’isul Wasaare ku xigeenka dalka oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Zambia

0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Zambia, ayaa uga war-bixiyay xaaladda dalka iyo dagaalka lagula jiro kooxaha khawaarijta.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo magaalada Lusaka ee caasimadda dalka Zambia kaga qeyb galay shir-madaxeedka 22aad ee suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika ee COMESA ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed oo dalkan ku leh ganacsiyo kala duwan.

 

Ciidamada amaanka oo soo afjaray weerarkii Khawaarijta ee Liido

0

Ciidamada ammaanka ayaa soo afjaray maleeshiyaadkii Khawaarijta ee weerarka argagixiso ee naf la caariga ahaa ku soo qaaday hotelka Pearl Beach ee xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanku waxa ay toogteen Khawaarijtii weerarka soo qaaday.

Inta uu socday hawlgalka ciidamada ammaanka waxa ay gudaha hotelka ka soo  badbaadiyeen shacab farabadan oo goobta ku sugnaa.

Faahfaahinta waxyeellada weerarkan ka dhashey dib ayaan ka soo  sheegi doonnaa Insha Allah.

Muqdisho-Somalia

Soomaaliya oo ka qeyb galay shir muhiim oo ka dhacay dalka Lubnaan+SAWIRRO

Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS ayaa ka qayb galay Shirka Madasha labaad ee Arab Forum For Equality oo ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobay ay ku leedahay Dalkaasi

Wasiiro dowlaha Wasaarada shaqada iyo arimaha Bulshada XFS Yusuf Mohamed Adan iyo Xil Mohamed Abdirahman( Nadif), qubaro ka socdey Wasaaradda beeraha iyo Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa ka qayb galay madal looga hadlayey ilaalinta bulshada sinaan la aanta bulshada iyo sugnaanta Cuntada kaasi oo maalmahanba ka socday xarunta Qaramada Midoobey UNESCWA ee Magaalada Beruit.

Wasiir Yusuf oo ka qeb galey Madasha Dood wadaaga ayaa ka faaloodey qorshaha Wasaaradda kaga degan Arimaha Buulshada ayaa ugu horeyn uga mahadeliyey Dowladda Lubnaan iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee magaalada Beyruut casuumaadda ay u fidiyeen waxaana uu la wadaagay in Soomaaliya ay u aragto Wadamada Carabta saaxiibo muhiim ah oo door weyn ka ciyaarayo Dowalad dhiska Soomaaliyeed.

Wasiiro Dowlaha ayaa ku dheeraadey guulaha ay gaartey wazaarada dhanka arrimaha bulshada iyo faaidida uu uu leeyahay diwaanka bulshada nugul(Unified Social Registry)ugu dambeen wuxuu halkaasi ka sheegay sida ay Dowaldda Soomaaliya ugu go,an tahay Siyaasada ilaalinta Bulshada, Xaqiijinta amniga Dalka, iyo Dagaalka Khawaarijta lagula jiro oo dhamaadka Sanadkaan qorshaha yahay sidii lagu so afjari lahaa.