Banaanbax looga soo horjeedo damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Burco

Date:

Kumannaan shacab ah oo ka careysan damaca dowladda Ethiopia ee Badda Soomaaliya ayaa maanta isugu soo baxay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer

Shacabka Burco oo ka careysan heshiis beenaadka is afgaradka ee madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Burco, kuwaas oo si weyn uga soo horjeystay damac gurracan ee Itoobiya ku dooneeyso badda soomaaliya.

Ka qeybgalayaasha banaanbaxa ayaa muujiyay dareenkooda ku aadan sida ay uga soo horjeedaan isku daygaasi,iyagoo sheegay in aysan aqbali doonin in taaka kamid ah dhulka iyo badda soomaaliya midnaba aan la siin karin itoobiya.

Maal mihii la soo dhaafay waxaa ka dhacay guud ahaan dalka dibad baxyo waa-weyn oo looga soo horjeedo heshiis benaadka Itoobiya ay la gashay Somaliland,waxena shacabku mujiyeen sida aanay marnaba loo aqbali karin ku xadgudubka qarannimada ummadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...