Tartamayaasha Degmada Aadan Yabaal oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 12-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Aadan Yabaal iyo Ceelbuur oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Aadan Yabaal iyo Ceelbuur ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Aadan Yabaal

Tartameyaasha Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Ceelbuur, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Aadan Yabaal ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Ceelbuur

Tartamayaasha Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha degmada Aadan Yabaal,  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Ceelbuur waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Hadaba kulankii 12-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 12-aad ee tartanka, waxaa jiri doono ilaa iyo labo tartan, qeybta hore waxaa ku baratami doona degmooyinka Xarardheere iyo Cadaado oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Galgaduud..halka qeybta labaad ay ku tartami doonaan Degmooyinka Heliwaa iyo Jilib oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Jubbada Dhexe.

Sawir Qaade:-Khadar Cali Nuur

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baaris ku wada dhallinyaro ku xadgudbay Gabadh Soomaaliyeed

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu...

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo booqday Xarunta Qaran ee TUBSAN

Agaasimaha Xarunta Qaran ee TUBSAN, Mudane Cali Yaasiin Gurbe,...

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale oo u baxay joojinta colaadda ka taagan magaalada Jalalaqsi

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Senator Fartuun...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Guddoomiyay Shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...