Madaxweyne Xasan Sheekh oo Cambaareeyey Weerarkii Argagixiso ee ka dhacay Ruushka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane DR Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey weerarkii Argagixiso ee ka dhacay xalay goob lagu qabanayey Bandhig faneed oo ku taala caasimada dalka Ruushka ee Moosko.

Madaxweyne Xasan Ayaa dowladda iyo Shacabka Ruushka uga tacsiyeey dhacdadan argagaxa leh isagoo sheegay in wakhtiga adag dowladda Soomaaliya garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Ruushka.

Xalay ayey koox hubaysan oo soo gashaday dirayska Ciidanka waxay galeen goob Hool ah halkaas oo ay ka socday Bandhig faneed,iyadoo sida ay sheegtay Warbaahinta Ruushka goobta ku dhinteen 40 qof sidoo kalena ku dhaawacmeen in ka badan 100 qof oo shacab ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeyb-galay Madasha Wasiirrada Caafimaadka Afrika 

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr....

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeyb-galay Shirka Carabta ee yareynta Khataraha Musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xaruumaha Adeegyadda Casriga ah ee Azerbaijan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey xeer-nidaamiyaha Xukuumadda 

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...