Home Blog Page 35

Ra’iisul wasaaraha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya H.E. Wang Yu, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo qotada dheer ee u dhaxeeya labada Jamhuuriyadood.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Shiinaha taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, iskaashiga, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadannimida.

Dhankiisa Danjire Wang Yu, ayaa xusay in Soomaaliya iyo Shiinaha uu ka dhaxeeyo xiriir iskaashi oo soo jireen ah, isla markaana ay dhankooda sii wadi doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-goboleedka Waqooyi Bari

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in doorashadan ay muujineyso tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dhismaha dowladnimada iyo hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya danta shacabka iyo horumarinta deegaanka.

“Waxaan Guddoomiyaha cusub u rajaynayaa in Alle u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, anigoo aaminsan in uu door muuqda ka qaadan doono xaqiijinta dowlad-dhiska, dhammaystirka geeddi-socodka doorashada iyo ilaalinta sharciga”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey xildhibaannada Waqooyi Bari Soomaaliya, waxa uuna u rajeeyey in Alle ku guuleeyo shaqada harsan ee doorashada iyo dowladnimada.

Dr: Aadan Cabdillaahi Aw Xasan oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Wakiilada D/g waqooyi Bari

0

Dr. Aadan Cabdullahi Aw-Xasan ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, wuxuuna ku soo baxay 53-cod, halka musharaxii kale ee la tartamay Cabdiqafaar Dheeliye, uu helay 29-cod, hal cod ayaa xumaaday.

Goordhow waxaa bilaabaneysa doorashada Guddoomiye ku xigeennada.

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka D/G- ka waqooyi Bari oo ka socota Laascaanood

0

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Dowlad goboleedka Waqooyi Bari ayaa maanta ka dhacaysa magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Musharaxiin kala duwan ayaa u kala tartamaya jagadda guddoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa.

Xarunta doorashadu ka dhacayso ayaa hadda waxa khudbadahooda ka jeedinaya musharaxiinta kala duwan iyagoo soo bandhigaya waxyaabaha ay qaban doonaan sidoo kale na waydiisanaya codka kalsoonida mudaneyaasha Baarlamaanka.

Tacsi: Marxuum Danjire Sharif Mohamed Omar

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, Wasiiru dowlaha Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiir kuxigeenka Mudane Isaaq Maxamed Mursal, Xoghayaha joogtada Wasaaradda Mudane Hamsa Aadan Xaadow, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada Guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Danjire Shariif Maxamed Cumar, oo maanta oo Jimce ah, 22 August, 2025 ku geeriyooday Magaalada Dooxa ee dalka Qatar oo muddooyinkii dambe ku xanuunsanayay.

Marxuum Amb. Sharif Mohamed Omar oo ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay billowgii dowladnimada loo diray waxbarasho sare oo dibadda ah ayaa haystay labo shahaado “Laurea” oo uu ka qaatay Jaamacadda Rome intii u dhexeysay 1962-1969, xilligan u dhiganta heerka labaad ee Jaamacadda “Master degree”. Shahaadada koowaad ayaa ah Culuunta Tirakoobka Dadweynaha (Statistical & Demographic Sciences), halka shahaadada labaad ay tahay Culuunta Siyaasadda (Political Science).

Marxuum Shariif Maxamed Cumar ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ku biirray sanadkii 1976, isaga oo ka mid noqday saraakiisha sare ee Waaxda Dhaqaalaha ee Wasaaradda.

Ka hor inta aanu Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku biirin, waxa uu ka soo shaqeeyay labo wasaaradood oo kala ah:

▸Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo uu ka shaqaynayay intii u dhexeysay 1969-1970 isaga oo ahaa sarkaal ka tirsan Waaxda tirakoobka ganacsiga gudaha iyo dibadda, isaga oo sanad kadib loo dallacsiiyay madax qeybeed.

▸Wasaaradda Ganacsiga oo uu ka shaqaynayay intii u dhexeysay 1970-1976, isaga oo labo mar oo is xiga ka noqday agaasime waaxeed waaxyaha kala ah:

➝1973-1976 Agaasimaha Waaxda Isdhaafsiga ganacsiga, Soo dejinta iyo dhoofinta.

➝ 1970-1973 Agaasimaha Waaxda Tirakoobka ganacsiga gudaha iyo dibadda.

➝1972-1973 Kusimaha Maarreeyaha guud ee Shirkadda Ceymiska Qaranka.

■ Intii u dhexeysay 1976-1977 waxa uu ahaa Lataliyaha koowaad ee Arrimaha Siyaasadda, Maamulka iyo Dhaqaalaha ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga.

■ Intii u dhexeysay 1977-1982 waxa uu ahaa Lataliyaha koowaad ee Arrimaha Siyaasadda, Maamulka iyo Dhaqaalaha ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Germany.

■ Intii u dhexeysay 1982-1986 waxa uu ahaa Lataliyaha koowaad ee Arrimaha Siyaasadda, Maamulka iyo Dhaqaalaha ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Belgium.

■ Intii u dhexeysay 1986-1989 waxa uu ahaa Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga.

■ Intii u dhexeysay 1989-2008 waxa uu ahaa Safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar.

Marxuum Shariif Maxamed Cumar oo ku dhashay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, 14 November, 1940 , ayaa ifka uga tagay xaas iyo caruur, isaga oo u adeegay dalka iyo dadka Soomaaliyeed muddo 38 sano si daacadnimo oo nafhurnimo leh.

Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa , ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo, Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan la qadatay Xoghayaha Shaqaallaha Dowladda Norway

0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo wafdi ay hogaamineyso oo safar shaqo ku jooga dalka Norway ayaa kulan la qaadatay Xoghayaha Shaqaallaha iyo Arrimaha Bulshada dalka Norway Kjetil Vevle ayadoo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iyo wada shaqeynta labada dowladood.

Kulanka waxaa Wasiirka ku wehliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Maxamed Bashiir Cumar iyo C/laahi Maxamed Calas oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka ee Norway, waxaana kulankaasi si gaar ah looga wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha la xiriira daryeelka Bulshada gaar ahaan tayeynta adeegyada loo fidiyo Carruurta, naafada iyo Haweenka.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo wafdigeeda ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta Norway (NORAD) Kristin Hagstad, kulanka oo diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka wada shaqeyneed ee u dhaxeeya labada dal gaar ahaanna mashaariicda hormarinta ee ku saabsan daryeelka Carruurta iyo guud ahaan sare u qaadida adeegyada mashaariicda la xiira arrimaha Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo wafdiga ay hogaamineyso ee safarka shaqo ku jooga dalka Norway ayaa waxa ay kulammo muhiim ah la qaadan doontaa qeybaha kala duwan ee dowladda iyo Hay’adaha Dalkaasi.

Guddiga Doorashooyinka oo ololaha wacyigalinta diiwaangalinta codbixiyeyaasha ku qabtay Wanlawayn

0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Kulan looga hadlayay wacyigalinta dadwaynaha ee diiwaangalinta codbixiyeyaasha ku qabtay Degmada Wanlawayn.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada, iyo maamulka Degmada, kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii shacabka Degmada ugu qayb qaadan lahaayeen ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Wasiirka Qoyska XFS oo Oslo kula kulantay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Norway

0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, iyo wafdi ay hoggaamineyso oo safar shaqo ku jooga dalka Norway, ayaa kulan la qaadatay Xoghayaha Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada ee Norway, Kjetil Vevle. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dal.

Wasiirka waxaa kulanka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Maxamed Bashiir Cumar, iyo Cabdullaahi Maxamed Calas, oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka ee Norway. Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay daryeelka bulshada, gaar ahaan adeegyada loo fidiyo carruurta, haweenka, iyo dadka naafada ah.

Sidoo kale, Wasiirka iyo wafdigeeda waxay kulan la qaateen Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Norway (NORAD), Kristin Hagstad, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada mashaariicda horumarineed ee la xiriira xuquuqda haweenka iyo carruurta.

Wafdigu wuxuu sii wadi doonaa kulammo muhiim ah oo lala qaadanayo hay’adaha iyo masuuliyiinta dalka Norway.

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

0

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyey caasimadda Dowlad Gobleedka Galmudug ee Dhuusamareeb, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo iyo bixinta adeegyada bulshada.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray Xarunta Mashruuca Nagaad ee Galmudug, kaas oo ay fulisay Dowladda Hoose ee Dhusamareeb.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu qaadday tallaabo kasta oo lagu xoojinayo wadatashiga arrimaha masiiriga ah, walina sii xoojin doonto si loo gaaro hiigsiga shacabka ee dhameystirka dastuurka iyo qabashada doorashooyin qof iyo cod ah.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Cumar Cali Afrax inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir guddoomiyay kulanka isla xisaabtanka iyo qiimeynta waxyaabihii ka qabsoomay Qorshaha Xukuumadda DanQaran muddadii ay shaqeynaysay, kuwaas oo ku saleysan baahida bulshada iyo horumarinta dalka.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda ay iskula xisaabtameyso wixii ka hirgalay qorsheyaashii shacabka Soomaaliyeed lala wadaagay, caqabadaha yimid iyo qorsheyaasha mustaqbalka.

7- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka warbixiyey la-xisaabtanka Wasaaradaha Xukuumadda iyo hey’adaha hoos yimaada, oo muddo saddex maalin ah ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

8- Golaha Wasiirradaayaa ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dembiyada Internetka Soomaaliya, oo ay golaha u soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda.

9- Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Masar, Mudane Mohamed El-Saeed Ahmed El-Baz, oo muddo xileedkiisa shaqo ee loo igmaday uu dhammaaday.

10- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallijn Fiqi Ahmed iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen ( Muungaab) ayaa kormeeray furimaha dagaalka ka dhanka Khawaarijta ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxayna ku booriyeen ciidamada iyo shacabka inay sii wadaan dadaalkooda dalka looga xoreynaaya Khawaarijta.
11- Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shaaciyay in la soo xiray diiwaangelintii codbixiyaasha doorashooyinka ee ka socotay degmooyinka gobolka Banaadir.

12- Ciidamada gaarka ah ee Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, kadib hawgal ay ka fuliyeen degmada Aw Dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

13- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Cali Yusuf Cali Xoosh ayaa ka qeyb-galay khudbadna ka jeediyey kulanka Golaha cusub ee Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

14- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Mudane Cali Xaaji Adam ayaa kulan la qaatey Wakiilka Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya, waxaana kulankan diiradda lagu saaray sida loola tacaalayo gaajada iyo macaluusha.

15- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige, ayaa si rasmi ah u daah-furay hannaanka Saxiixa Danabeysan ee Maamulka Lacag Bixinta Hay’adaha Dowladda, kadib, munaasabad ballaaran oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

16- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyo wafdi uu hoggaaminayay.

17- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Aqalka Sare ee Baarlamaanka , Senetor Aadan Cabdinaasir Maxamed.

18- Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliyaa oo kaashanaysa Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa 20 weriye tababar ku saabsan Anshaxa Warbaahinta ee tabinta doorashooyinka ugu qabtey magaalada Jowhar.

19- Degmada Buur-Hakaba ee gobolka Bay ayaa si’ rasmi ah uga dagtey diyaaraddii ugu horreysay ee xamuul qaadda, kaddib ,markii la soo gabagabeeyey dhismaha garoon diyaaradeed oo muddooyinkii dambe halkaas ka socday.

20- Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga Boqortooyada Ingiriiska ,oo uu hoggaaminayay G/Sare Richard Grover.
21- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafa Sheikh Cali Dhuxulow ayaa kulan la qaatay wafdi ka socday Dowladda Azerbajan oo dalka booqasho ku joogay.

22- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Maxamed Saneey Dalmar ayaa daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee tababaridda khubarada fidinta adeegyada xanaanada xoolaha.

23- Guddiga Hubinta Iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah usoo saaray Liiska Xubnaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

24- Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL ayaa si rasmi ah u kala saxiixday habraac lagu dhaqan gelinayo heshiiskii is-afgarad (MoU) ee bishii Janaayo 2025 ay wada galeen Hay’adda iyo INTERPOL.

25- Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si’ rasmi ah Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose uga daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

26- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ee ka hawlgala degaannada Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhaba ku soo bandhigay afar dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda.

 

 

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiinta Dowladda Japan 

0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa magaalada Yokohama kulamo miro-dhal ah kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Japan, Madaxweyne Ku-xigeenka Hay’adda JICA iyo Guddiga Baarlamaanka Japan–AU, intii uu socday Shirweynaha Caalamiga ah ee 9-aad ee Horumarinta Afrika (Tokyo International Conference on African Development – TICAD-9).

Wasiirka waxaa kulamada ku wehliyey Danjire Marwo Hodan Cismaan Cabdi, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Shiinaha iyo Japan, Marwo Hodan Cismaan, Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, iyo Mudane Aweys Cabdullaahi Cali, Lataliyaha Dhaqaalaha ee Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Qorsheynta ayaa la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Japan, Mudane IWAYA Takeshi, kulan miro-dhal ah oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka, iskaashiga siyaasadeed iyo taageerada horumarineed. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Japan ayaa mar kale ku celiyay sida dalkiisu ugu go’an yahay taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale, Wasiir Beenebeene ayaa kulan la yeeshay Madaxweyne Ku-xigeenka Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ee Jabaan (Japan International Cooperation Agency JICA), Miyazaki Katsura, iyadoo la isla gartay in la dardar-geliyo mashaariicda horumarinta, tababarrada xirfadaha iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in mudnaanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay shaqo-abuur dhalinyarada iyo horumar waara oo ku dhisan iskaashi caalami ah.

Wasiirka ayaa kulan kale la yeeshay Guddiga Baarlamaanka Japan–Midowga Afrika, waxaana laga wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaale, tababarrada xirfadeed iyo maalgashiga bulshada, Guddiga ayaa dhankooda muujiyay taageero iyo diyaar garow lagu adkaynayo xiriirka labada dhinac.

Wafdiga Soomaaliya waxaa uu kulamo kale la yeeshay madax iyo hay’ado caalami ah oo kala duwan, kuwaas oo looga hadlay fursadaha maalgashi, horumarinta adeegyada bulshada iyo doorka Soomaaliya ee xoojinta nabadda iyo is-dhexgalka gobolka.

Kulamadan ayaa markhaati u ah sida Soomaaliya ugu go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah, iyadoo Japan iyo hay’adaha kale ee horumarinta ay kaalin muhiim ah ka qaadanayaan xaqiijinta yoolalka Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo Hiigsiga Qarameed ee 2060.