Home Blog Page 34

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

0

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa u gudubtay wareegga 3-aad ee tartan cilimyeedka bisha ramadaan, kaddib, markii 12 dhibcood ay kaga adkaatay Degmada Yaaqshid oo iyaduna heshay 8 dhibcood.

Waa sanadkii lix iyo tobnaad ee warbaahinta qaranka ay qabaneyso tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan,kaas oo sanadkaan ay si wadajir ah u taaba-gelinayaan maamulada Bangiga IBS iyo kan Gobolka Banaadir.

Tartankaan waxaa habeen kasta laga sii daayo Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo si toos ah looga daawadaa Telefishinka Qaranka iyo sidoo kale Radio Muqdisho oo laga baahiyo.

Sanad kasta barnaamijka tartan cilmiyeedka bisha ramadaan waxaa ka qeybgala 32 degmo oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya,waxaana degmadii ku guuleysata tartankaasi lagu abaalmariyaa koobab,lacago iyo abaalmarinno kale sida shahaadooyin muujinaya kaalinta aqoon ee ay gaareen dhallinyarada jiilasha cusub ee soo koroya.

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

0

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed, iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay wafdi ka socday Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), kaasoo ujeedadiisu ahayd dardargelinta dadaallada xal loogu raadinayo xaaladaha abaaraha dalka, gaar ahaan dadka xoola-dhaqatada, iyo xoojinta arrimaha farsamo ee la xiriira horumarinta wax-soosaarka kheyraadka xoolaha.

Madaxa WFP, oo ah masuul sare oo hadda loo magacaabay hogaaminta barnaamijyada WFP ee Soomaaliya, ayaa ka mahadceliyay wadashaqeynta joogtada ah ee u dhexeysa WFP iyo Wasaaradda.

Labada dhinac ayaa si qoto-dheer uga wada hadlay xaaladda cunno-yari ee dalka ka jirta iyo sidii loo laba-laabi lahaa faragelinta hadda la awoodo, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray marxaladaha adag ee ku saabsan gar-gaaridda iyo horumarinta.

Ugu dambeyn, WFP iyo Wasaaradda ayaa hoosta ka xariiqay in si dhow loo iska kaashado xoojinta arrimaha farsamo, si loo abuuro fursado dheeri ah oo maalgelin loogu sameeyo horumarinta wax-soosaarka xoolaha.

 

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

0

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay Xarunta Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo haween ka kala socday degmooyinka caasimadda.

Intii uu kulanku socday ayaa si weyn loo bogaadiyay guusha laga gaaray dhammaystirka dastuurka oo muddo dheer qabyo ahaa. Haweenkii ka soo qayb galay kulanka ayaa dowladda uga mahadceliyay dadaalka ay gelisay sidii loo dhammaystiri lahaa Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta iyo haweenkii ka hadlay kulanka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ay ku faraxsan yihiin dhammaystirka dastuurka, iyagoo ku ammaanay Dowladda Federaalka sida ay uga dhabeysay go’aankeedii ahaa in la dhammaystiro oo la ansixiyo dastuurka dalka.

Xildhibaan Saynab Caamir oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa tiri:-

“Baarlamaanka aan ka tirsanahay, annagoo ku qanacsan ayaan ansixinay Dastuurka dalka.”

Sidoo kale Xildhibaan Canab, oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, ayaa tiri: “Dastuurkii aan mar kasta qabyada ku maqli jirnay waa la dhammaystiray, dowladduna waa ku mahadsan tahay.”

Tan iyo markii xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen dhammaystirka dastuurka dalka, waxaa isa soo taraya hambalyada iyo bogaadinta ay shacabka Soomaaliyeed u jeedinayaan dowladda, taas oo dadaal badan gelisay sidii dalka uu u yeelan lahaa dastuur rasmi ah oo dhammaystiran.

 

 

Kismaayo oo u gudubtay wareegga 3-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

0

Degmada Kismaayo oo ka tirsan Gobolka J/Hoose ayaa u gudubtay wareegga 3-aad ee tartan cilimyeedka bisha ramadaan, kaddib, markii 12 dhibcood ay kaga adkaatay Degmada Dhuusamareeb oo iyaduna heshay 6 dhibcood.

Waa sanadkii lix iyo tobnaad ee warbaahinta qaranka ay qabaneyso tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan,kaas oo sanadkaan ay si wadajir ah u taaba-gelinayaan maamulada Bangiga IBS iyo kan Gobolka Banaadir.

Tartankaan waxaa habeen kasta laga sii daayo Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo si toos ah looga daawadaa Telefishinka Qaranka iyo sidoo kale Radio Muqdisho oo laga baahiyo.

Sanad kasta barnaamijka tartan cilmiyeedka bisha ramadaan waxaa ka qeybgala 32 degmo oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya,waxaana degmadii ku guuleysata tartankaasi lagu abaalmariyaa koobab,lacago iyo abaalmarinno kale sida shahaadooyin muujinaya kaalinta aqoon ee ay gaareen dhallinyarada jiilasha cusub ee soo koroya.

Fariinta Madaxweynaha JFS ee Maalinta Haweenka Adduunka

0

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, taas oo ku aaddan munaasabadda Maalinta Haweenka Adduunka ee 8 Maarso.

Haweenka Soomaaliyeed waxay laf-dhabar u yihiin horumarka bulshada iyo dhismaha dowladnimada, waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadanayaan halganka qaran ee lagula jiro Khawaarijta, iyagoo aasaas u ah howlgallada xoreynta iyo barnaamijyada dib u heshiisiinta.

Sidoo kale, Haweenka Soomaaliyeed waxa ay hormuud ka yihiin barnaamijka dimuqraadiyadda dalka, gaar ahaan hirgelinta doorashooyinka dadweynaha ee qof iyo cod.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in la xoojiyo ka-qaybgalka haweenka ee hoggaaminta, siyaasadda iyo go’aan-qaadashada.

Ugu dambayn, waxaan ku bogaadinayaa haweenka Soomaaliyeed dadaalkooda, dulqaadkooda iyo kaalintooda lama ilaawaanka ah ee ay ku leeyihiin horumarka dalka.

Waxaan idiin rajaynayaa horumar iyo guulo joogto ah.

Mas’uuliyiinta Gaashaandhigga XFS oo boogaadiyay kaalinta gabdhaha ee ciidanka xoogga

0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Dhulka, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, iyo Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, ayaa ka qayb-galay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka, isla markaana lagu dhiirrigelinayay gabdhaha ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee haweenku ku leeyihiin difaaca dalka, ilaalinta amniga, iyo ka-qaybgalka hawlgallada Ciidanka Qaranka.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta ka-qaybgalka haweenka ee hay’adaha amniga, isla markaana ay muhiim tahay in la dhiirrigeliyo kartidooda iyo hoggaamintooda si ay kaalin muuqata uga qaataan horumarinta Ciidanka Qaranka. Sidoo kale, munaasabadda ayaa lagu muujiyay taageerada saaxiibbada caalamka ee ku aaddan horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiintii halkaas ka hadlay ayaa bogaadiyay geesinimada iyo dadaalka gabdhaha Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo door muuqda ka qaata difaaca qaranka iyo sugidda nabadgelyada.

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya, Mudane Lionel Laurens.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Warfaafinta iyo UNDP, gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya laga fulinayo kuwaas oo la xiriira horumarinta warbaahinta, wacyigelinta bulshada, nabad dhiska, la dagaalanka argagixisada, kobcinta dhaqanka, dalxiiska, iyo sidoo kale xoojinta tababarrada iyo tayeynta xirfadaha saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla gartay muhiimadda ay leedahay in la sii ballaariyo barnaamijyada taageeraya warbaahinta, wacyigelinta bulshada ee dowlad wanaagga iyo xoojinta doorka warbaahinta ee horumarinta bulshada iyo nabadda Soomaaliya.

Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac ayaa uga mahadceliyay UNDP taageerada mashaariicda horumarineyd ee Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada kor loogu qaado awoodda warbaahinta iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah.

Kulanka waxaa Wasiirka iyo Wakiilka UNDP ku wehliyay Maxamed Hadi, Agaasime Ku-xigeenka Maamulka Qeybta Siyaasadda loo dhan yahay ee UNDP iyo Helene Apollis, Madaxa Mashruuca Bilan ee xoojinta warbaahinta, halka dhinaca Wasaaradda Warfaafinta ay kulanka uga qeybgaleen Agaasimaha Waaxda Istiraatiijiyadda Warbaahinta, Agaasimaha Dhaqanka, iyo Agaasimaha Xiriirka Dowlad-goboleedyada.

Soomaaliya oo La Wareegtay Awoodda Garsoorka ee Maxkamadda Bulshada Bariga Afrika

0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojisay kaalinteeda hoggaamineed ee gobolka, kadib markii ay heshay kursi muhiim ah oo ka tirsan laamaha garsoorka ee East African Community (EAC).

Intii uu socday Shir-madaxeedkii 25-aad ee hoggaamiyeyaasha EAC ee lagu qabtay magaalada Arusha, waxaa si rasmi ah loogu dhaariyey Garyaqaan Cabdiwaaxid Warsame Cabdullaahi inuu noqdo garsoore ka tirsan Qaybta Koowaad ee East African Court of Justice, oo ah maxkamadda ugu sarreysa ee qaadda dacwadaha la xiriira heshiisyada iyo shuruucda ururka EAC.

Magacaabistan ayaa loo arkaa guul diblomaasiyadeed oo muhiim ah oo Soomaaliya u horseedaysa inay door muuqda ka qaadato go’aamada sharci iyo siyaasadeed ee gobolka.

Garsoore Cabdiwaaxid Warsame Cabdullaahi ayaa ah khabiir sharci oo leh waayo-aragnimo ballaaran oo ku saabsan shuruucda gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Wuxuu hore uga soo shaqeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir isagoo ahaa xeer-ilaaliye dowladeed, taasoo siisay faham qoto dheer oo ku saabsan nidaamka garsoorka Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu shahaadada Master of Laws (LL.M) ee sharciga isbarbardhigga iyo dastuuriga ah ka qaatay Ohio State University ee dalka United States. Kahor magacaabistiisa, wuxuu la taliye sharci iyo dib-u-eegis dacwadeed ka ahaa xafiiska dacwad-oogaha ee magaalada Columbus, halkaas oo uu ka helay khibrad dheeraad ah oo ku saabsan nidaamyada dacwadaha ee heer caalami.

In garsoore Soomaaliyeed uu ka mid noqdo Maxkamadda Caddaaladda ee Bariga Afrika waxay leedahay muhiimad sharci iyo dhaqaale oo weyn.

Maxkamaddan ayaa go’aan ka gaarta khilaafaadka ka dhasha jebinta heshiisyada EAC, oo ay ku jiraan caqabadaha ganacsiga ee ka gudba xuduudaha, sida xannibaadaha sharci darrada ah ee xamuulka iyo caqabadaha aan canshuurta ahayn. Joogitaanka garsoore Soomaaliyeed ayaa la filayaa inuu gacan ka geysto fahamka iyo difaaca danaha ganacsatada Soomaaliyeed ee ka shaqeeya dalalka Bariga Afrika.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, oo ka qayb galay shir-madaxeedka, ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay horumarka ay Soomaaliya ka samaysay dib-u-habaynta dhaqaalaha, dhismaha amniga, dowlad-wanaagga iyo dhameystirka dastuurka dalka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale caddeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo isdhexgalka dalalka ku mideysan EAC.

Magacaabista garsoorahan ayaa ku soo aadaysa xilli ururka EAC uu Soomaaliya faray inay waafajiso shuruucdeeda qaranka heshiisyada ururka, isla markaana ay soo gabagabeyso wada-tashiyada gudaha ee la xiriira Federaalka Siyaasadeed ee Bariga Afrika ugu dambayn bisha Juun 2026. Guushan ayaa muujineysa in khubarada sharciga ee Soomaaliyeed ay door muhiim ah ka qaadanayaan hay’adaha gobolka, xilli Soomaaliya ay sii xoojinayso doorkeeda ku aaddan nidaamka sharci iyo siyaasadeed ee Bariga Afrika.

Wasiirka Amniga Gudaha oo kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kulan la yeeshay Danjire El Hadji Ibraahima Diene, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, taageerada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu xasilinayo dalka. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta wada shaqeynta u dhaxeysa Wasaaradda Amniga Gudaha iyo howlgalka Midowga Afrika, si loo dardar geliyo qorshayaasha lagu xoojinayo nabadda iyo amniga.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa uga mahadceliyay Midowga Afrika doorka muhiimka ah ee ay ka qaataan taageerada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo xasilinta dalka.

Dhankiisa, Danjire El Hadji Ibraahima Diene ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay Midowga Afrika sii wadidda taageerada ay siiyaan Soomaaliya, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo xasillooni.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Aweis Xaaji, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Yuusuf Cali.

Gargaar biyo-dhaamin ah ayaa loo sameeyay qoysaska ay abaartu sameysay ee ku nool gobolka Hiiraan

0

Gargaar biyo-dhaamin ah ayaa loo sameeyay bulshada ku dhaqan deegaannada hoostaga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo si weyn ay u saameysay abaarta ka jirta dalka.

Boqolaal qoys oo ay abaartu saameysay, kuna nool deegaanno u dhow Halgan, ayaa ka faa’iideystay biyo-dhaamintan, taas oo uu bixiyay Xildhibaan C/naasir Xaaji Shirwac.

Bulshada iyo maamulka degmada Halgan ayaa uga mahadceliyay xildhibaanka Gargaarka biyaha dhaaminta ah ee la soo gaarsiiyay qoysaskan la daalaa dhacayay abaarta ka jirta deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka waxaa ka jira abaar daran oo saameysay dad iyo duunyo, waxaana weli socda dadaallo gurmad ah oo loogu gargaarayo shacabka ay abaartu saameysay.