Home Blog Page 34

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha oo kormeer ku tagay xarunta dhexe ee Wasaaradda oo uu dib-u-dhis ballaaran ka socdo

0

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdikhaakim Ashkir, oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Caydaruus Macallin Xasan, ayaa kormeer ku tagay xarunta dhexe ee Wasaaradda ee degmada Boondheere, halkaas oo dib-u-dhis ballaaran uu ka socdo.

Mas’uuliyiintan ayaa indha-indheeyey heerka uu marayo dhismaha oo haatan gabagabo ku dhow, iyaga oo ka dhageystay Injineerrada iyo howlwadeenada kale ee shaqada ka socda warbixin ku saabsan waxa qabsoomay iyo inta harsan.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda, Mudane Ashkir, ayaa ku booriyey in la dardar-geliyo dhismaha si xaruntu ugu howl-gasho waqtiga ugu dhow, looguna adeego qaranka.

Ciidanka Xoogga oo howlgal ka dhan ah khawaarijta ka fuliyay degaanno katirsan gobolka Galgaduud

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Kaa shanaya Ciidamada Deegaanka ayaa habiinimadii xalay weerar ku qaaday fariisimo maleeshiyaadka khawaarijtu ay ka sameysteen dhulka howdka ah ee u dhxeeya deegaannada Cali- heelle iyo Ciid-Kuus ee gobalka Galgaduud.

Ciidanka ayaa bur buriyay fadhiyo argagixisadu maalmihii la Soo dhaafay ay ka sameysteen deegaanadaas, Saraakiisha howlgalka hoggaminayay ayaa xaqeejiyay Baqtiga Tobaneyo khawaarij ah.

Gutada 77-aad ee CXDS iyo Xoogaga deegaanka oo howlgalkan iska kaashaday ayay u suura gashay in dhammaan rugihii argagixisada ee deegaanada Cali-heelle Iyo Ciid-Kuus ay ciidanku Cagta mariyaaan.

Maxkamadda Ciidamada oo fulisay xukun dil ah oo lagu riday xubno Khawaarij ah

0

Xukun dil ah ayaa saaka lagu fuliyey Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud “Salmaan” iyo Aadan Mursal Maxamed Iidoow, kuwaas oo ka tirsanaa Khawaarijta, gaar ahaan qeybta qaraxyada iyo dilalka gaadmada ah.

xubnahaan khawaarijta katirsana ayaa horey loogu soo qabtay falal amni-darro oo ay ka geysteen gudaha Soomaaliya, waxaana Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay ku heshay dambiyo culus oo ay ka mid yihiin:

Dilal qorsheysan iyo qaraxyo lala beegsaday shacabka iyo masuuliyiinta.

Falkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo (Puntland), halkaas oo ay ku dileen haldooro bulshada ka tirsanaa, oo ay ku jireen nabadoono iyo odayaal dhaqameed caan ah.

Ka qayb qaadasho toos ah oo ay ku lahaayeen falalka gumaadka iyo cabburinta bulshada rayidka ah.

Maxkamadda Ciidamada ayaa markii hore dhageysatay dacwadda ka dhanka ah ragaan la shaqeynayay khawaarijta, iyadoo caddeymo muuqda iyo markhaatiyaal lagu soo bandhigay, taas oo horseeday in lagu rido xukun dil toogasho ah,oo ugu dambeyn maanta lagu fuliyay.

Wasiirka Haweenka XFS oo la Kulantay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ee Norway

0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka JFS Marwo Amb Khadija Mohamed Al-makhzoumi ayaa kulan kula yeelatay magaalada Oslo ee Dalka Norway Wasiirka Hormarinta Caalamiga ah ee Norway Åsmund Grøver Aukrust .

Labada Wasiir ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka labada Dowladood iyo sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha hormarinta ee laxiriira Carruurta, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka iyadoo labada wasiir ay isla meel dhigeen sidii loo hirgalin lahaa arrimaha ay kawada hadleen waxaana kulanka wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Mohamed Bashir Omar.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Oslo ee caasimadda Dalka Norway uga qeybgashay Shir looga hadlayay Doorka Haweenka ee Dib-u-dhiska Qaranka taasoo ay kasoo qeyb galeen madax kala duwan oo ka kala socday Soomaaliya iyo Dowlada Marti galisay ee Norway. Kulanka oo ay soo Agaasintay Hay’adaha NOREAF ayaa waxaa furay Wasiir Amb Khadija Mohamed iyadoo sidoo kale madasha ay kasoo qeyb galeen Wasiirka Hormarinta Caalamiga ah ee Noray, Duqa Magaalada Oslo, XIldhibaanno ka kala socday Dowlada Soomaaliya iyo Norway iyo madax kale oo badan.

Madashan oo aheyd tii u horeeysay ee noocan oo kala ah oo lagu qabto Oslo ayaa waxaa si qoto dheer loogu qaadaa dhigay kaalintii ay kasoo ciyaareen haweenka soomaaliyeed nabadeynta iyo dib-u-yagleelida Dowladnimada Soomaaliya kadib buruburkii Dowladdii Dhexe.

Kulankan, waxaa kasoo qeyb galay guud ahaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Norway iyo qaar kale oo ka kala yimid guud ahaan caalamka waxana la isla gartay in lasii laba jibaaro dadaalka ay haweenka Soomaaliyeed ugu jiraan xaqiijinta Qaran xooggan oo dib ula fal gala Aduunka.

Wasaaradda Waxbarashada oo galabta Shaacineyso Natiijada Imtixaanka Fasalka 12-aad

0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, waxa ay galabta shaacineysaa Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad ee sanad-dugsiyeedka 2024/2025.

Wasiirka Waxbarashada Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa markii ugu horreysay natiijada uga dhawaaqi doona meel ka baxsan caasimadda Muqdisho, iyadoo munaasabadda rasmiga ah ee shaacinta natiijada galabta lagu qaban doono magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay konteenarro maandooriye ah

0

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Dekadda Muqdisho ku sheegay in laamaha amniga ay gacanta ku soo dhigeen konteenarro lagu soo qariyay waxyaabaha maanka dooriya.

Afhayeenka ayaa xusay in Booliska iyo hay’adaha amniga ay wadaan howlgal ballaaran oo ka dhan ah dadka ka ganacsada iyo kuwa isticmaala maandooriyaha, isagoo digniin adag u diray ganacsatada ku hawlan arrintaasi. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in cid kasta oo lagu helo ganacsiga ama isticmaalka maandooriyaha sharciga la horgeyn doono.

Waxyaabaha maanka dooriya ayaa dhibaato ba’an ku haya dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wadaa dadaallo joogto ah oo looga hortagayo khataraha iyo saameynta taban ee ay ku leeyihiin bulshada.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Waxbarashada oo gaaray magaalada Jowhar

0

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ay wehliyaan Wasiirrada Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa gaaray magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulka Hirshabeelle.

Halkan ayaa lagu shaacin doonaa natiijadda imtixaanka dugsiga sare ee Fasalka 12-aad, waxaa sidoo kale ka qabsoomi doona shirka wadatashiga arrimaha waxbarashada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-goboleedka Waqooyi Bari

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo u diray Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo xubnaha Xildhibaanadda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari u doorteen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo labadiisa kuxigeen ka dib doorasho ka dhacday magaaladda Laascaanood.

Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku amaanay Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari gudashada mid ka mid ah waajibaadkooda muhiimka ah, waxa uuna guddoomiyaha cusub ee la doortay iyo kuxigeenadiisa Alle SWT uga baryay inuu u fududeeyo waajibka shaqo ee loo doortay, asigoo sheegay inuu Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka garab taaganyahay lana shaqeyn doono.

Xildhibaanadda Golaha wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari ayaa Guddoomiyaha Golaha wakiiladda ee maamulkaasi u doortay Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan, waxayna guddoomiye kuxigeenka koowaad u doorteen Amran Axmed Xasan, halka guddoomiye kuxigeen labaad ay u doorteen Mudane Cabdirisaaq Jaamac Warsame.

Kulan kor loogu qaadayo isdhexgalka iyo amniga caasimadda oo lagu qabtay Muqdisho

0

Wasiirka Caadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macalin iyo Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed kala qeyb galay kulan kor loogu qaadayo isdhexgalka iyo amniga caasimadda Muqdisho, kaas oo lagu qabtay fagaare ku yaalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Golaha Dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad oo kulanka soo abaabulay ayaa sheegay in si loo muujiyo amniga caasimadda Muqdisho iyo is dhexgalka bulshada iyo dowladda ay kulamadaan oo kale maalmaha soo socda ku qaba doonaan dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir, si shacabka iyo masuuliyiintu ay u helaan fursad ay ku kulmaan.

Ra”iisulwasaaraha XFS oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-goboleed waqooyi Bari

0

Ra”iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xassan, oo maanta lagu doortay magaalada Laascaanood.

“Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo doortay, gaar ahaan dhammeystirka qeybaha ka haray doorashada hoggaanka maamulka.”

Sidoo kale Ra”iisul wasaare Xamse ayaa ku ammaanay Xildhibaannada Golaha Wakiillada sida ay uga soo dhalaaleen waajibaadkooda dastuuriga ah iyo mas’uuliyadda loo igmaday.

Xukuumadda DanQaran waxa ay dadaal xooggan ku bixisay dhismaha iyo hirgelinta Dowlad goboleedka Waqooyi Bari oo laf-dhabar iyo astaan u ah xoojinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.