Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Date:

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim u ah dalka, sida amniga guud, gurmadka xaaladda abaaraha, hawlgalladii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay kula wareegeen deegaanno horleh, iyo warbixinno ku saabsan casriyeynta nidaamka dowladnimada iyo dardargelinta adeegyada ay dowladda siiso shacabka.

Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu guddoomiyey Xamsa Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu ansixiyey heshiisyo caalami ah iyo xeer-nidaamiyeyaal muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

Heshiis is-afgarad oo ku saabsan ka dhaafista dal-ku-galka baasaboorka diblomaasiga, una dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan.

Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Ruushka oo la xiriira iskaashiga arrimaha caafimaadka.

Heshiis is-afgarad oo ku saabsan habraaca dib-u-eegista iskaashiga dalalka Afrika.

Heshiiska 1965 ee fududeynta socodka caalamiga ah ee gaadiidka badda (FAL 1965).

Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Spain oo ku saabsan wadatashiyada siyaasadeed iyo xeer-nidaamkiisa.

Heshiis u dhexeeya Soomaaliya iyo International Atomic Energy Agency oo ku saabsan dhaqangelinta dammaanadaha la xiriira heshiiska ka hortagga faafitaanka hubka niyuukleerka iyo baratakoolkiisa dheeraadka ah.

Heshiiska Qaramada Midoobay ee ka hortagga ganacsiga sharci darrada ah ee maandooriyeyaasha iyo walxaha maanka saameeya ee sanadkii 1988.

Siyaasadda Maareynta Wax-qabadka Mideysan ee hay’adaha dowladda.

Xeer-nidaamiyaha Hay’adda Daryeelka Agoonta Shuhadada, Naafada iyo Hawlgabka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Golaha Wasiirrada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey in Mudane Aadan Isaaq Cali iyo Mudane Cabdifataax Sheekh Axmed Cabdimannaan loo dalacsiiyo darajada safiirnimo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray bandhigyada ay Hobollada Waabari u diyaarinayaan maalmaha Xorriyadda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax...

Guddoonka Labada Aqal ee BFS oo kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Ciidanka Booliiska oo wada Hawlgallo Lagu Ciribtirayo Anshax-xumada iyo Falalka Lidka ku ah Dhaqanka

Ciidanka Booliiska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Degmada Garasbaaley, ayaa...

Kulan looga hadlayay dardargelinta hawlaha qabanqaabada Xuska Maalmaha Xorriyadda ayaa lagu qabtay Muqdisho

Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, ahna Wasiirka...