Home Blog Page 36

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

0

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyey caasimadda Dowlad Gobleedka Galmudug ee Dhuusamareeb, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo iyo bixinta adeegyada bulshada.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray Xarunta Mashruuca Nagaad ee Galmudug, kaas oo ay fulisay Dowladda Hoose ee Dhusamareeb.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu qaadday tallaabo kasta oo lagu xoojinayo wadatashiga arrimaha masiiriga ah, walina sii xoojin doonto si loo gaaro hiigsiga shacabka ee dhameystirka dastuurka iyo qabashada doorashooyin qof iyo cod ah.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Cumar Cali Afrax inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir guddoomiyay kulanka isla xisaabtanka iyo qiimeynta waxyaabihii ka qabsoomay Qorshaha Xukuumadda DanQaran muddadii ay shaqeynaysay, kuwaas oo ku saleysan baahida bulshada iyo horumarinta dalka.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda ay iskula xisaabtameyso wixii ka hirgalay qorsheyaashii shacabka Soomaaliyeed lala wadaagay, caqabadaha yimid iyo qorsheyaasha mustaqbalka.

7- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka warbixiyey la-xisaabtanka Wasaaradaha Xukuumadda iyo hey’adaha hoos yimaada, oo muddo saddex maalin ah ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

8- Golaha Wasiirradaayaa ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dembiyada Internetka Soomaaliya, oo ay golaha u soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda.

9- Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Masar, Mudane Mohamed El-Saeed Ahmed El-Baz, oo muddo xileedkiisa shaqo ee loo igmaday uu dhammaaday.

10- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallijn Fiqi Ahmed iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen ( Muungaab) ayaa kormeeray furimaha dagaalka ka dhanka Khawaarijta ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxayna ku booriyeen ciidamada iyo shacabka inay sii wadaan dadaalkooda dalka looga xoreynaaya Khawaarijta.
11- Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shaaciyay in la soo xiray diiwaangelintii codbixiyaasha doorashooyinka ee ka socotay degmooyinka gobolka Banaadir.

12- Ciidamada gaarka ah ee Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, kadib hawgal ay ka fuliyeen degmada Aw Dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

13- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Cali Yusuf Cali Xoosh ayaa ka qeyb-galay khudbadna ka jeediyey kulanka Golaha cusub ee Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

14- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Mudane Cali Xaaji Adam ayaa kulan la qaatey Wakiilka Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya, waxaana kulankan diiradda lagu saaray sida loola tacaalayo gaajada iyo macaluusha.

15- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige, ayaa si rasmi ah u daah-furay hannaanka Saxiixa Danabeysan ee Maamulka Lacag Bixinta Hay’adaha Dowladda, kadib, munaasabad ballaaran oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

16- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyo wafdi uu hoggaaminayay.

17- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Aqalka Sare ee Baarlamaanka , Senetor Aadan Cabdinaasir Maxamed.

18- Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliyaa oo kaashanaysa Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa 20 weriye tababar ku saabsan Anshaxa Warbaahinta ee tabinta doorashooyinka ugu qabtey magaalada Jowhar.

19- Degmada Buur-Hakaba ee gobolka Bay ayaa si’ rasmi ah uga dagtey diyaaraddii ugu horreysay ee xamuul qaadda, kaddib ,markii la soo gabagabeeyey dhismaha garoon diyaaradeed oo muddooyinkii dambe halkaas ka socday.

20- Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga Boqortooyada Ingiriiska ,oo uu hoggaaminayay G/Sare Richard Grover.
21- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafa Sheikh Cali Dhuxulow ayaa kulan la qaatay wafdi ka socday Dowladda Azerbajan oo dalka booqasho ku joogay.

22- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Maxamed Saneey Dalmar ayaa daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee tababaridda khubarada fidinta adeegyada xanaanada xoolaha.

23- Guddiga Hubinta Iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah usoo saaray Liiska Xubnaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

24- Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL ayaa si rasmi ah u kala saxiixday habraac lagu dhaqan gelinayo heshiiskii is-afgarad (MoU) ee bishii Janaayo 2025 ay wada galeen Hay’adda iyo INTERPOL.

25- Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si’ rasmi ah Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose uga daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

26- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ee ka hawlgala degaannada Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhaba ku soo bandhigay afar dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda.

 

 

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiinta Dowladda Japan 

0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa magaalada Yokohama kulamo miro-dhal ah kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Japan, Madaxweyne Ku-xigeenka Hay’adda JICA iyo Guddiga Baarlamaanka Japan–AU, intii uu socday Shirweynaha Caalamiga ah ee 9-aad ee Horumarinta Afrika (Tokyo International Conference on African Development – TICAD-9).

Wasiirka waxaa kulamada ku wehliyey Danjire Marwo Hodan Cismaan Cabdi, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Shiinaha iyo Japan, Marwo Hodan Cismaan, Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, iyo Mudane Aweys Cabdullaahi Cali, Lataliyaha Dhaqaalaha ee Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Qorsheynta ayaa la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Japan, Mudane IWAYA Takeshi, kulan miro-dhal ah oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka, iskaashiga siyaasadeed iyo taageerada horumarineed. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Japan ayaa mar kale ku celiyay sida dalkiisu ugu go’an yahay taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale, Wasiir Beenebeene ayaa kulan la yeeshay Madaxweyne Ku-xigeenka Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ee Jabaan (Japan International Cooperation Agency JICA), Miyazaki Katsura, iyadoo la isla gartay in la dardar-geliyo mashaariicda horumarinta, tababarrada xirfadaha iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in mudnaanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay shaqo-abuur dhalinyarada iyo horumar waara oo ku dhisan iskaashi caalami ah.

Wasiirka ayaa kulan kale la yeeshay Guddiga Baarlamaanka Japan–Midowga Afrika, waxaana laga wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaale, tababarrada xirfadeed iyo maalgashiga bulshada, Guddiga ayaa dhankooda muujiyay taageero iyo diyaar garow lagu adkaynayo xiriirka labada dhinac.

Wafdiga Soomaaliya waxaa uu kulamo kale la yeeshay madax iyo hay’ado caalami ah oo kala duwan, kuwaas oo looga hadlay fursadaha maalgashi, horumarinta adeegyada bulshada iyo doorka Soomaaliya ee xoojinta nabadda iyo is-dhexgalka gobolka.

Kulamadan ayaa markhaati u ah sida Soomaaliya ugu go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah, iyadoo Japan iyo hay’adaha kale ee horumarinta ay kaalin muhiim ah ka qaadanayaan xaqiijinta yoolalka Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo Hiigsiga Qarameed ee 2060.

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo dhaweeyay ansixinta hindise-sharciyeedka Dambiyada Saybarka

0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Mudane Maxamed Aadam Macallim (Soomaali), ayaa si weyn u soo dhaweeyay ansixinta Golaha Wasiirrada ee Hindise-sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu ilaalinayo sirta, badbaadada iyo amniga nidaamyada dhijitaalka ah, isla markaana lagu xoojinayo difaaca danta guud iyo dhaqaalaha qaranka.

Hindise-sharciyeedkan ayaa xoogga saaraya:

Ka hortagga isticmaalka sharci-darrada ah ee nidaamyada kombiyuutarada iyo aaladaha kale ee casriga ah.

– Ilaalinta sirta, amniga, iyo akhlaaqda guud ee bulshada.

– Difaaca dhaqaalaha qaranka iyo kaabayaasha macluumaadka ee muhiimka ah.

– Dejinta xeerar iyo ciqaabo waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo kuwa gobolka.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ay sii wadi doonto dadaallada lagu xaqiijinayo in Soomaaliya yeelato isgaarsiin ammaan ah, casri ah, sharciyeysan, isla markaana la jaanqaada horumarka tiknoolojiyadda caalamka, taasoo laf-dhabar u ah koboca dhaqaalaha iyo ilaalinta amniga dhijitaalka ah.

Soomaaliya oo ka qayb-galeysa Shirweynaha Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika (TICAD9) 

0

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdullaahi Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeyb-galaya Shirweynaha 9-aad ee Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika (TICAD9) oo ka socda magaalada Yokohama, Japan.

Wasiirka waxaa wehlinaya Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha iyo Japan, Marwo Hodan Cismaan Cabdi, Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, Marwo Hodan Cismaan, iyo Lataliyaha Dhaqaalaha ee Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Aweys Cabdullaahi Cali.

Intii lagu jiray furitaanka shirka, Wasiirka ayaa khudbad ka jeediyay, isagoo si gaar ah u iftiimiyay:

1′ Guulaha ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha, oo ay ka mid tahay dhimista saboolnimada 16% iyo ka bixitaanka barnaamijka cafinta deynta.

2′ Kalsoonida ay muujiyeen maalgashadayaasha caalamka, iyadoo in ka badan 90% shirkadaha ka shaqeeya Soomaaliya ay taageerayaan jihada dhaqaale iyo xasilloonida ganacsiga.

Himilada Soomaaliya ee mustaqbalka, oo ku saleysan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo Hiigsiga 2060 (Centennial Vision), si loo xaqiijiyo koboc dhaqaale, shaqo abuur iyo fursado waara.

Wasiir Beenebeene ayaa ku booriyay dalalka iyo shirkadaha caalamiga ah, gaar ahaan Japan, in ay ka faa’iideystaan fursadaha ballaaran ee Soomaaliya sida:

– Kalluumeysiga badda hodanka ah,

– Xoolaha nool oo gaaraya 40 milyan oo neef,

– Fursadaha tamarta qoraxda iyo maalgashiga ganacsiga gobolka.

“Soomaaliya waa dal leh fursado badan, waxaana diyaar u nahay iskaashi dhaqaale oo ku dhisan kalsooni, dan-wadaag iyo horumar waara,” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene).

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya, oo ay golaha u soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda.

Sharcigan, ayaa xoogga saaraya, sirta, bed-qabka iyo amniga nidaamyada kombiyuutarka, shabakadaha iyo barnaamijyada, ka-hortagga isticmaalka sharci-darrada ah ee nidaamyada kombiyuutarrada, oggaanshaha, baarista, dacwad ku oogidda iyo ciqaabidda dembiyada saybarka, Ilaalinta danta guud, akhlaaqda, iyo qiyamka guud ee bulshada, ilaalinta dhaqaalaha Qaranka iyo sidoo kale kaabayaasha macluumaadka ee muhiimka ah.

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga iyo howlgallada socda ee lagu ciribtirayo Khawaarijta. Iyada oo goluhu bogaadiyey guulaha ay ciidanka qalabsida ka gaarayaan dagaalka argagixisada looga sifeynayo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada oo ka furmay Muqdisho

0

Shirweynaha Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada 2025 ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel Jazeera, maanta oo ay taariikhdu tahay 21-ka Agoosto 2025.

Shirkan ayaa ujeedkiisu yahay in la xoojiyo doorka dhalinyarada Soomaaliyeed ee la tacaalidda isbeddelka cimilada iyo ka hortagga dhibaatooyinka deegaanka.

Waxaa ka qaybgalaya dhallinyaro ka kala timid gobollada dalka, masuuliyiin dowladeed iyo daneeyayaal caalami ah. Shirkan ayaa ah mid lagu dhiirrigelinayo hal-abuurka dhalinyarada si ay door firfircoon uga qaataan dadaallada deegaanka lagu ilaalinayo.

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb-galay casho-sharaf uu u sameeyay Madaxweynaha Galmudug

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay ka qeybgalay xaflad casho-sharaf ah oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Galmudug.

Xafladdan waxaa soo qabanqaabiyay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, isagoo ku martiqaaday wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee safar shaqo ku jooga caasimadda Galmudug, Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddadii uu halkaasi ku sugnaa xarigga ka jaray mashaariic horumarineed, isagoo sidoo kale xusay in Galmudug ay mareyso meel wanaagsan oo tusaale u noqon karta Dowlad-goboleedyada kale ee dalka.

Munaasabadda casho-sharafta ah waxaa kale oo ka qeybgalay xubno ka tirsan labada Aqal ee Dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug.

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray Xarummo muhiim u ah Galmudug 

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta xarigga ka jaray xarummo muhiim ah oo laga hirgeliyey caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo dowlad-dhiska iyo adeegyada bulshada.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn xarigga ka jaray Xarunta cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Galmudug, oo si casri ah loo dhisay, isaga oo khudbad bogaadin ah ka jeediyey Kalfadhiga 12-aad ee Golaha Wakiillada Galmudug.

“Maanta Galmudug waxa ay maraysaa meel wanaagsan oo ay tusaale ugu noqon karto Dowlad-goboleedyada kale ee dalka. Farxad bay ii tahay in aan goob joog u noqdo qorsheynta iyo fulinta mashaariicdan, kuwaas oo wax badan ka beddeli doona horumarinta iyo adkaynta maamulka Dowlad-goboleedka Galmudug”.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xarigga ka jaray Xarunta Dowladda Hoose ee degmada Dhuusamareeb oo loo qaabeeyey hannaan casri ah, taas oo bixin doonta adeegyada aas-aasiga ah, waxa uuna Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ku ammaanay dowladda iyo shacabka Galmudug sida ay u hirgeliyeen mashaariicda loo qorsheeyey.

Ugu danbayntii, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Xarunta Shaybaarka Tayada Dhismaha ee Jidadka, kaas oo lagu hubin doono tayada dhismayaasha iyo waddooyinka la hirgelinayo, si loo xaqiijiyo in ay waafaqaan heerarka la aqoonsan yahay.

Danjire Jibriil oo furay tartanka Lady Justice Joyce Aluoch ee lagu qabtay Jaamacadda USIU-Afrika

0

Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa lagu martiqaaday inuu furo tartanka sannadlaha ah ee Lady Justice Joyce Aluoch International Intervarsity ADR Moot, kaas oo lagu qabtay Jaamacadda United States International University,Africa (USIU,Africa), oo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi.

Tartankan ayaa waxaa ka qaybgalaya arday ka kala socda jaamacadaha ugu waaweyn qaaradda Afrika, iyadoo sanadkan diiradda lagu saarayo xalinta khilaafaadka ganacsiga furan iyo murannada xuduudeed ee dalalka Afrika.

Danjire Jibriil oo khudbad muhiim ah ka jeediyay furitaanka tartanka, ayaa ka hadlay muhiimadda uu leeyahay ganacsiga xorta ah ee Afrika, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in xal waara loo helo caqabadaha hortaagan horumarka ganacsiga qaaradda.

Xafladda furitaanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Professor P.L.O. Lumumba, Lady Justice Joyce Aluoch, iyo madax kale oo caan ah.

Masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle oo kormeer dhiirrigelin ah ku tagay deegaanka Xaaji Cali

0

Masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Hirshabelle ayaa gaaray deegaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Wafdiga waxaa hoggaaminayay Xildhibaan Geeddi Oomane oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle, Taliyaha Qeybta Booliska Hirshabelle Jeneraal Xasan Dhicisow, iyo Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellaha Dhexe, Muuse

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay xukuumadda Hirshabelle ku garab istaagayso ciidamada deegaanka ee ka qeyb qaadanaya howlgalka xoreynta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka deegaanka ee ku sugan degmada Cadalle iyo nawaaxigeeda oo safarkan lagu dhiirrigelinayay, ayaa door muuqda ku leh dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda gobolka.

Masuuliyiinta ayaa ciidamada ku boorriyay in ay laba jibaaraan dadaalkooda, iyagoo ballan qaaday in maamulka Hirshabelle iyo dowladda Federaalka ay si buuxda u garab taagan yihiin howlgalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.