Kumanaan Arday ah oo maanta u soo dhammaaday Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 8aad 

Date:

Inka badan 35,307 Arday oo dhiganeysay Fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe, ayaa si rasmi ah ugu soo xirmay Imtixaanka shahaadiga ah ee dalka,kuwaas oo ka kala tirsana 656 School oo Gobolka Banaadir ah.

kusimaha Guddoomiyaha,ahna Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda,ayaa si wadajir ah u soo xiray qaadista imtaxanaadka Fasalka 8-aad ee Dugsiyada Gobolka Banaadir.

Ardayda sannadkaan loo soo xiray Imtixaanka shahaadiga ah, ayaa waxaa ay kala yihiin 19,766 Wiil iyo 15,541 Gabdhood sida u sheegay Agaasimaha guud ee Agaasinka waxbarashada Gobolka Banaadir,Mudane Maxamed Yuusuf Nuur, isagoo intaas raaciyay in Ardayda loo soo xiray Imtixaanka ay ka  mid yihiin Arday Baahiyaha gaarka ah qaba,kuwaas oo si guud uga qeyb galay Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Dugsiyada dhaxe.

Waxaana maanta waddooyin waaweyn ee magaalada Muqdisho lagu arkayay,Kummanaan Arday ah oo aad ugu faraxsan Imtixaanka u soo dhammaaday.Waxaana u suurta gashay Maamulka Gobolka Banaadir inow qaado Sanadkii 5aad Imtixaanka Dugsiyada dhaxe ee Shahaadiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...