Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo heshiis la Saxiixday guddoomiyaha Qatar Charity 

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta dhexe ee SoDMA waxa uu heshiis Istaraatiiji ah kula Saxiixday Guddoomiyaha Hay’adda Qatar Charity Xafiiskeda Soomaaliya Mudane. Cabdifitaax Aadan Macallin.

U jeedka heshiiskaan, ayaa ah in laga wada shaqeeyo ka soo kabashada dhibaatooyinkii ka dhashay musiibooyinka, u adkaysiga aafooyinka, xoojinta gargaarka bini’aadamnimo, tayeynta awoodaha shaqaalaha hay’adda SoDMA iyo in laga tageero helista keydad Gargaar oo ay hay’adda ka dhisanayso Dowlad Gobaleedyada.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah heshiiskaan in Qatar Charity ay hey’adda SoDMA ka saacido helitaanka Agabka gurmadka deg-deg ah, qalabaynta xarunta Qaran ee howlgallada iyo in wadajir la iskaga kaashado ka jawaabista xaaladaha ay sababeen Musiibooyinka, waxaana kulankaan goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda, Agaasimayaal iyo Mas’uuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...