Duqa Degmada Gaalkacyo oo kulan la yeesha Qeybaha kala duwan ee Bulshada

Date:

Maamulka Dagmada Galkacyo ee Galmudug oo kulan looga Arrinsanaayo Ka qeyb qaadashada Horumarinta Dagmada la qaatay Qeybaha kala duwan ee Bulshada. Duqa Dagmada Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Sheekh Xasan, ayaa bulshada kala hadlay sida ay u kala muhiimsan yihiin,Howlaha sida waddooyinka in laga bilaabo howsha.

Kulanka, ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddiga Sanduuqa Horumarinta Dagmada Gaalkacyo, Ganacsato iyo Xubno ka socday Ururada Haweenka iyo Dhallinyarada. Gudiga Santuuqa Horumarinta Dagmada Gaalkacyo, ayaa warbixin ka bixiyay halka ay marayaan qorshaha Horumarinta , iyadoo sidoo kalane la wadaagay ganacsatada kulanka joogtay sida loogu baahi qabo kaalintooda ka qeyb qaadashada dhismaha Waddooyinka casri ah oo dhawaan laga hirgelinayo Gaalkacyo.

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan, ayaa uga Mahadceliyay xubnaha guddiga Horumarinta iyo xubnaha ka socday Mashruuca Talowadaag, ” waan idin kaga mahadcelinayaa Shaqada ballaaran oo aad bulshada reer Gaalkacyo u haysaan, Ganacsatada siiba Shirkadaha Waxaan ka codsanaynaa in ay buuxiyaan kaalintooda ka qeyb qaadashada Mashaariicda Horumarinta, si gaar ah Dhismaha Waddooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...