Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bayaan rasmi ah Isniintii shalayย ka soo saaray qorshaha Israaโiil ay ku balaadhinayso degaamada dhulka la haysto ee reer Falastiin.
Qaraarkan ayaa waxaa si weeyn u tageeray Mareykanka iyo qaar kamid ah dalalka reer Galbeedka, balse Israaโiilna ayaa qaraarkan ku tilmaantay mid dhinac u janjeera.
Bayaankan ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu yiri: โGolahu waxa uu ku cel-celinayaa baaqiisii ku saabsanaa in sii wadida hawlaha degaamaynta Israaโiil ay khatar ku tahay suurtogalnimada in la helo xal waaro ee dhx maro Falastiin iyo Israaโiilโ.
Bayaankan ayaa sidookale, ugu baaqaya Israaโiil inay si degdeg ah u joojiso dhammaan dhaqdhaqaaqyada degaameeynta ah ee ay ka waddo Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta.
Dhanka kale, warka soo baxay Xafiiska Raโiisul Wasaaraha Israaโiil Benjamin Netanyahu, ayaa lagu sheegay in Israaโiil aysan oggolaan doonin meel marinta Qaraarkan, balse bilaha soo socda aanan degaamayn cusub laga sameeyn doonin Daanta Galbeed.