Home Blog Page 339

Madaxweynaha Hirshabeelle oo guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Shir-gudoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada maamulka oo looga hadlay arrimaha amniga deegaanada Hirshabeelle, Howlgalada Khawaarijta looga xoreynayo deegaanada ay ka joogaan Hirshabeelle.

sidoo kale waxaa looga hadlay Baahinta garsoorka, Dar-dargelinta dhismaha gole-yaasha deegaanka, Warbixin mashaariicda Wasaaradda Beeraha ee hada socda iyo kuwa dhawaan bilaaban doona, iyo ka doodista nuqulka, qaab dhismeedka shirkadaha amni ee gaarka loo leeyahay.

Wariye Maxamed Ilig oo maanta Xabsiga Hargeysa laga sii daayay.

0
Maxkamad ku taala Magaalada Hargeysa ayaa maanta xorriyaddiisa usoo celisay Wariye Maxamed Cabdi Ilig oo maamulka Muuse Biixi uu si sharci darro ah xabsiga ugu hayay muddo ku dhaw 2 bilood.
Maxamed ayaa lagu waayay wax dambi ah waxaana ay maxkamaddu amartay in xabsiga laga sii daayo. horraantii Bishii January ayaa Ciidamo ka amar qaata maamulka Muuse Biixi xabsiga u taxaabeen Wariye Ilig oo xilligaas daadihinayay Barnaamij dood ah oo looga hadlayey Heshiiska sharci darada ah ee Muuse biixi uu la galay Xukuumadda Addis Ababa ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed.

Dawladda Soomaaliya oo si kulul u canbaareysay ficilka lagula kacay wafdiga Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ee Adis ababa ku sugan

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u canbaareysay ficilka ay dowladda Itoobiya ku doooneyso inay ku carqaladeyso wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ee ka qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika ee sanadka 2024 kaas oo ka dhacaya magaalada Addis Ababa.

Tallaabadani ayaa waxaa ay jabineysa dhammaan hab-maamuuska dublamaasiyadeed iyo kan caalamiga ah iyo sharuucda loo aas-aasay midowga Afrika.

Kusimaha Madaxweynaha oo daahfuray Barnaamijka shaqo hufan “SAWIRRO”

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta daahfuray Barnaamijka Shaqo Hufan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Furitaanka munaasabadda waxaa goog joog ahaa Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim, Wasiirka Xanaannadda Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal, hay’adaha kala duwan ee deeq-bixiyaasha ah, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO) iyo madax kala duwan oo munaasabada lagu casuumay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Shaqada iyo Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim, oo faafaahin ka bixiyay, Barnaamijka Shaqo Hufan, ayaa waxaa uu sheegay in mashruucan ay Wasaaradda kormeeri doonto, isagoona xusay in shaqaalaha wax-qabadkoooda lagu abaalmarin doono xuquuda shaqalaha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha oo gunnaanadka munaasabadda soo xiray ayaa si rasmi ah u furay Barnaamijka Shaqo hHufan, isagoona khudbad uu ka jeediyay ku sheegay in shaqaalaha Soomaaliyeed iyo dhalinyarada ay bartaan xirfado kala duwan oo ay ku shaqeystaan, Wasaaradduna ay bilowdo tababaro dhalinyarada lagu baraayo xirafado shaqo. Waxaana uu tilmaamay in shaqaalaha cadaalad loo sameeyo si shaqada ay u hufnaato.

Hawlgal Ciidanka Qaran ku fuliyey oo lagu dilay Horjoogeyaal Khawaarij ah

0

Howlgal Guulaystay oo ay iska kaashadeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada Caalamka ayaa xalay laga fuliyey Dagmada KUNTU WAAREY ee gobolka Shabeellada hoose.

Howlgalka oo ahaa Duqayn dhinaca cirka ah ayaa xalay abaaro 11:30 habeenimo ka dhacay goob ay ku aruursanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta.

Howlgalkaas ayaa cadowga lagu gaarsiiyey khasaaro, iyada oo 7 dhagar qabe nolosha lagu dhaafiyey halka dhawaca uu yahay 4, horjoogeyaal ayaana qeyb ka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay Shirka Midowga Afrika

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa kaga qayb galay furitaanka Shir madaxeedka 37-aad ee Midowga Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay kulanka, ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo looga hortagayo falalka caqabadda ku ah nabadda iyo amniga ee ka soo ifbaxaya guud ahaan qaaradda.

Madaxweynaha ayaa markale ku celiyay in aan la aqbali karin talaabooyinka ay Itoobiya dhawaan ku dhaqaaqday, gaar ahaan heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ee ay la saxeexdeen Somaliland oo ah gobol ka mid ah Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa tallaabadaasi ku sifeeyay mid baalmarsan sharciyada caalamiga ah iyo Kuwa Afrika islamarkaana aan la aqbali karin.

laamaha amniga oo gacanta kusoo dhigey askari ka tirsan ciidanka gorgor oo xalay dhac geystey.

0

Maanta Oo Taariikhdu Tahay 17/02/2024 Abaare 12:10 Waxaan Gacanta Kusoo Dhignay

Eedeysane Dable Xoogga 47554 katirsan Guutada 18aad Ee Gorgor Cabdishakuur Xasan Maxamuud Ina Nuuro Xasan Maxamuud 25 Jir Ku Dhashay Xamar Degan Wadajir

Kaasoo Lagu Eedeynayo Inuu Xalay Abaare 1-dii Habbeenimo Dhac U Geystay Dhibane Xuseen Maxamed Xuseen Ina Xasno Xasan Soomow 22 Jir Ah Ku Dhashay Xamar Degan Dharkenley.

Eedeysanaha Ayaa Dhibanaha Ka Dhacay Moto Fekon Taarkadeedu Tahay M7P90 Iyo Telefoon Itell Ah.

Gacanta Ayaan Ku Heynaa Eedeysanaha Iyo Mootadiiba, Waxaana Ku Simeynaa Garsoorka Si Uu Caddaaladda U Maro.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ayaa maanta oo Sabti ah kulan tacsiyeen ah ugu tagay Safiirka Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta oo Sabti ah kulan tacsiyeen ah ugu tagay Safiirka Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Amb. Axmed Jumca Al-Rumeysi.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Safiirka iyo dowladda Imaaraadka uga tacsiyeeyay Saraakishii ku geeriyootay weerarkii argagixisanimo ee Xerada Gen. Gordan, Marxuumintan oo dalkeena u joogay inay gacan ka geystaan dib u dhiska Ciidamada Xoogga Dalka.

Guddoomiye Maxamuud ayaa dowladda Imaaraadka Carabta uga mahadceliyay taageradooda walaaltinimo ee ay la garab taganyihiin Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdooda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulamo muhiim la qaatay Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, oo booqday Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, ayaa kulamo uu la qaatay waxa uu la wadaagay warbixinno kala duwan oo ku saabsan arrimaha amniga iyo dib-u-xoreynta, Arrimaha Siyaasadda loo dhanyahay, Horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee aan dunida la leenahay.

Waxaana uu Ra’iisul Wasaaruhu warbixin gaar ah ka siiyay Guddoomiyeyaasha labada Aqal dadaalka ay Dowladdu galisay difaaca madax-bannaanida iyo Midnimada dhuleed ee Qarankeenna oo ay Itoobiya si gurracan u damacday in ay ugu xad-gudubto Dalkeena, waxaana arrintaas Dowladdu ka soo hoysay guulo diblomaasiyadeed oo wax ku ool ah.

Xukuumadda #DanQaran oo barnaamijkeeda siyaasadeed ee ay horgeysay Baarlamaanka uu ka mid ahaa qabyo-tirka Dastuurka KMG ah, ayaa juhdi dheeri ah galisay sidii dastuurka looga saari lahaa ku-meel gaarnimada, si dalku u yeesho Dastuur dhammeystiran oo ay ku cad-yihiin arrimaha asaasiga u ah Qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Baarlamaanka 11aad uu ku suntan yahay in uu yahay goleyaashii ugu shaqada iyo dadaalka badnaa, iyaga oo meel-mariyay shuruucdii iyo Xeerarkii ugu badnaa, waxuuna ku bogaadiyay gudo-gelidda doodaha la xiriira dhameystirka dastuurka.

Shirka wadatashiga Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee heer Federal iyo heer Dowlad Goboleed ayaa goordhow si rasmi ah uga furmay magaalada muqdisho.

0

Shirka wadatashiga Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee heer Federal iyo heer Dowlad Goboleed ee arrimaha horumarinta barashada farsamada gacanta iyo Tababarada xirfadaha shaqada (BFTX) ee Soomaaliya ayaa goordhow si rasmi ah uga furmay magaalada muqdisho, waxaana ka qeyb-galaya Madaxda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Buslahda Dowladda Federaalka iyo Mas’uuliyiinta Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha bulshadda Dowlad Goboleedyada dalka.

Sidoo kale waxaa madasha ku sugan bah-wadaagta iyo Hay’ado caalami ah oo dowladda ka taageera arrimahaan, madasha oo socon doonta muddo saddex cisho ah ayaa looga hadlayaa qodobada kala ah; Mideeynta hannaanka horumrinta barashada farsamada gacanta , tababaradda xirfadaha ee (Tvet program), Isku-dabaridka halbeegyada kala duwan ee (Tvet program), Hubinta habraaca ka jawaabidda fursadaha suuqa iyo xoojinta shaqa abuurka.