Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Adanaha XFS Khadiija Mohamed Diiriye oo ay Wehliyaan Hoggaanada kala duwan ee Hey’addaha Dowladda Haweenka ku matala ayaa Maanta Booqday Xarunta Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka,waxaana Halkaas ku soodhaweeyey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaliyeed Mudane Mahamoud Moallim Abdulle .
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Maanta qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOS
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOS, Lisa Filipetto, oo booqasho sagootin ah ugu timid.
Kulan Looga Hadlayey u diyaar Garowga loogu Jiro Maalinta Haweenka Qaranka oo Muqdisho lagu qabtay
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gaashaan dhigga oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Boliiska iyo ku xigeenkiisa ayaa Kulan La Qaatey Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Ururka Haweenka Qaran .
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo Tababar u furay Qaar kamid ah Masuliyiin ka socday Wasaradaha arimaha gudaha Maamul Goboledyda
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta Muqdisho ku daahfuray siminaar ay Wasaaradda qabaneyso oo la xiriira kala faa’ideysiga “Peer Learning”.
Diyaarad dagaal oo ku burburtay dalka Masar
Dowladda Masara si gaar ah Taliska Ciiddanka Cirka ee dalka Masar ayaa sheegay inay burburtay Diyaarad Dagaal ee nooca Tababarka kadib markii sida la sheegay ay Cillad Farsamo la soo gudboonaatay, iyadoo uu Duuliyihii uu Dallayad ama Baarshuud kaga booday Diyaaradda, ka hor intaysan dhulka ku burburin.
Wafdi ka socday Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo shir heerkiiso sareeye uga qeyb galay Magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania
Wafdi ka socday Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMA oo uu Hugaaminayey La-taliye Sare Dr. Ismail Jimale Alasow ayaa shir heerkiiso sareeye uga qeyb galay Magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania.
Hadal-jeedinta Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga XFS ee Golaha Shacabka
Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka hor aqriyey hadaljeedin ku saabsan sharciga Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa la wadaagay faahfaahin iyo sharaxaad ku saabsan wax ka badalka lagu sameeyey sharciga, meelaha ugu muhiimsan ee wax laga badalay iyo sabaha keenay in wax kabadal lagu sameeyo sharcigan.
“ Sharcigii hore wuxuu ka koobnaa siddeed (Cutub iyo 44 qodob. Dib u habayn ka dib sharciga aan maanta ka hor aqriyey Golaha Shacabka wuxuu ka kooban yahay, afar iyo toban (14) Cutub iyo 162 qodob, taas oo muujineysa isbadalka lagu sameeyey sharcigan kaas oo aan rajeyneyno in uu daboolo baahi weyn oo loo qabo sharci nuucaan oo kale ah, dalkana siinaya sharci kalluumeysi oo dhamaystiran kana jawaabaya baahida sharci ee khayraadka kalluunka dalkeenna”, ayuu yiri wasiirka.
Ugu dambeyn, wasiirka ayaa xildhibaannada Golaha Shacabka ka codsaday in ay iyaga oo gudanaya waajibaadkooda sharci dajin ay meelmariyaan sharcigan kaas oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid muhiim horumarinta iyo maareeynta Kalluumeysiga Soomaaliya islamarkaana dalka u horseedaya in si hufan loo maanulo Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee dalka.
Dr. Maxamed Sheekh Axmed Maxamed oo loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka
Dr. Xildhibaan Maxamed Sheekh Axmed Maxamed ayaa ku guuleystay Kursiga tirsigiisu yahay GSH#086 oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.
Xildhibaanka guuleystay ayaa waxaa kursiga kula tartamayay murashaxa kale ee Cabdirisaaq Bukhaari Axmed oo tanaasulay, sidaasina waxaa gacan taag loogu codeeyay Dr. Xildhibaan Maxamed Sheekh Axmed Maxamed oo helay 98-cod, oo ah tirada ergada ee kooramka soo xaadirtay.
Xildhibaanka cusub ee maanta ka mid noqday golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ayaa uga mahadceliyay ergagada dooratay, wuxuuna ballan qaaday inuu si hufan ugu adeego doono dadka iyo dadka Soomaaliyeed.
Khawaarijta oo looga daba tegay gododkii ay ku dhuumaleysanayeen
Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa Kooxda Khawaarijta Al-shabaab kala wareegay deegaanno dhowr ah oo muddo 10-sano ka badan ay dadka shacabka ah ku dhibaaten jireen, waana goobihii ugu dambeeyay ee lagu jabiyay Khawaarinta, iyadoo loogu tegay godadkii ay ku dhuumanayeen ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.
Taliyaha Macaawisleyda ee deegaanka Ceelbaraf iyo nawaaxgeeda Abuukar Axmed Cabdulle oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay argagixisada kala wareegeen gododkii ay ku dhuumaleysanayeen ee Beerta Cabdirisaaq oo 15-km dhanka galbeed kaga beegan deegaanka Oobaalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
“ Gododkan ayay ku jireen, ay ku dhuumanayeen,nafta jecli inta ay ka qabaan, god inta ay qoteen sida bahaladii oo baco lagu raray oo qoryo la saaray ayaa carro dusha looga shubay,intaas waxa u geynayo oo juqdaas geliyay waxa waaye cabsi, haddii ay geesayaal yihiin waxay noo istaagi lahaayeen bannaankaas ama waddooyinka,” ayuu yiri Taliye Abuukar Axmed Cali.
Sidoo kale, ciidamada huwanta ah ayaa sii baacsanaya firxadka argagixisada harsiga iyo hooyaadka u diiday ummadda Soomaaliyeed kuwaas u baxsaday deegaannada fog fog, sida uu sheegay Xasan Hiiraale oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada deegaanka.
“ Nimanka harsiga iyo hooyaadka u diiday ummadda inaan maalmahan baacsigooda ku jirnay, Illaahaa Mahadleh oo maanta namakinay meesha aan joogno,meesha aan joogno waa beerta Cabdirisaaq oo 15-km dhanka galbeed kaga beegan deegaanka Oobaalle,”.
Argagixisada ayaa goobta kaga cararay hub iyo agab kale, kuwaas oo ay ciidamada Mucaawisleyda warbaahinta u soo bandhigeen.
Deegaannada Khawaarijta laga sifeeyay ayaa la isku yiraahda 7, Jazeera waa tuulooyin Wabiga dhanka galbeed iyo dhanka bari ka saaran, waxayna kala yihiin Oobaalle,Huruwaay,Iji,Nasuur,Diinlow,Dudublle iyo Diinlaawe oo ah goobihii ay ka soo abaabuli jireen weerarada fuleynimada ah ee ay ka fulin jireen gobollada Shabeellaha iyo Hiiraan.
Midowga Yurub oo cunaqabateynno dheeraad ah saaray Ruushka
Midowga yurub ayaa ansixiyay tiro cunaqabateyn ah oo cusub oo la saarayo Ruushka,kadib hal sano oo dowladdaasi ay dagaal ka waddo gudaha Ukrine.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay shirka Magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ,ayaa lagu sheegay in cunaqabateynno dheeraad ah oo dhanka ganacsiga ah la saaray Ruuushka.
Tirada cunaqabateynta ee la saaray dalkaasi waxaa ka mid ah xayiraadaha dhoofinta ku saabsan badeecadaha iyo in laga hortago kuwa Ruushhka ku taageera diyaaradaha Drooniska ee lagu weeraro Ukrine.
Cunaqabateynadaan ayaa ah kuwii ugu adkaa ee ay soo rogaan Wadamada xubnaha ka ah EU-da, si ay Ukrine uga caawiyaan in ay ku guuleysato dagaalka,