Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo Masaajid Cali Gadud kula hadleyn dadka degaanka ah

Date:

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed Xasan, ayaa kulan dhiirragalin ah la qaatay shacabka ku dhaqan deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo laba sano kahor laga xireeyay kooxaha khawaarijta.

Afhayeenka oo la hadlay qeybaha bulshada, ayaa kula dardaarmay in ay u howlgalaan oo ay la shaqeyàan ciidanka dowladda iyo sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha khawaarijta.

Sarkaalkaasi waxa uu ka codsaday dadka deegaanka in ay la yimaadaan dulqaad iyo iscafiyo,isla markaana ay ka qeybqaataan horumarinta adeegyada lagama maarmaaka u ah bulshada.

Khawaarijta, ayaa laga xurreeyay gooba farabadan,oo ay hadda ku sugan yihiin shacabkii iyo ciidamada kala duwan ee dowladda iyo kuwa degaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...