Home Blog Page 333

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta XFS oo daah furay Shir weynaha Xalka Waara ee heer Qaran

0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa daah furay Shir weynaha Xalka Waara ee heer Qaran, halku-dhigiisuna yahay Tayeynta iyo isku-dubaridka wax ka qabashada barakaca, iyadoo loo marayo xal hormarineed, shirka oo mudo labo cisho ah ka socon doona Magaaladda Muqdisho.

Shir weynaha Xalka waara ee Heer Qaran waxaa kaso qeyb galay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowaldda Fedaraalka Soomaaliya iyo Saaxibada Soomaaliya ka taageero Mashaariicda Hormarinta’

Shirka inta uu socdo waxa looga hadlay Xaalada abaaraha ka jiro soomaaliya  Xiligaan iyo Xal u helidda Dadka barakacayaasha ah ee Saameeyeen abaaraha iyo Dagaalada khawaarijta lagu jiro ee ka socda dalka.

Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mohamud Abdirahman Beenebeene  oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay Meesha ugu badan ee ku nool yihiin Barakacayaasha’  isagoona sheegay in Dowaldda Soomaaliya ay ka go’an tahay xal u helida  Dadka soomaaliyeed ee Barakacayaasha ah.

Wasiirka waxa uu sidoo kale sheegay in ku dhawaad 3 malyin oo qof ay gaarayaan dadka barakacayaasha ah ee ku nool soomaaliya kuwaasi oo u baahan in laga caawiyo Waxbarashada,Caafimaadka iyo In dib u dajin loo sameeeyo.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo daah-furay Imtixaanka macallimiinta ee qaadaneyso Wasaaradda Waxbarashada

Raiisul wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa si rasmi ah u furay imtixaanka macalimiinta cusub ee u tartamayo seddex kun oo macalin oo ay dowladda Soomaaliya qaadaneyso.

Imtixaanka waxaa ka qaybgalaya 8000 oo macallin, oo ku galaya imtixaanaadka 22 goobood oo ku kala yaala 11 magaalo oo ka tirsan dalka.

3800 oo macalimiin ah ayaa waxaa uu imtixaanka saakay uga farmay xarunta jaamacadda Umadda ee degmada Xamarweyne.

Wasaaradda waxbarashada XFS ayaa sheegtay in Gobolka Banaadir laga qaadanayo kun macalin oo ka mid ah saddexda kun ee macalin oo dalka oo dhan laga qaadanayo.

Dadka ka qeybgelayay imtixaanka ayaa waxaa kamid ah Hooyo Xamdi Maxamed Xusseen oo ah Hooyo umul  ah oo heysata gabar 8-cisho jirta,Sidoo kale sayga Xamdi Maxamed Cabdi Cali ayaa kamid ah macalimiinta imtixaanka gelaysa.

 

Ciidamada amniga oo howlgallo qorsheeysan xalay ka fuliyay degmada kaaraan ee gobolka Banaadir

Ciidamada Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee Duufaan  iyo Ciidamada Booliiska ayaa xalay holwgallo qorsheysan ka fuliyay xaafadaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, halkaa oo maalmihii ugu dambeysay ay falal amni darro ka dhacayeen.

Inta uu howlgalku  socday ayay ciidamada ku beegasadeen guryo lagu tuhmayay inay ku sugan yihiin Kooxo Ciyaal weero ah iyo kooxa kale oo burcad ah kuwaa oo dhibaata u geysan jiray dadka shacabka ah ee dagan degmada karaan islamarkaana ay ciidamda gacanta kusoo dhigeen.

Taliyaha Ciidamada Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Gobolka Banaadir Muxudiin warbac oo howlgalka qeybka ahaa ayaa kormeeray Goobaha ay howlgallada ka socdeen, isaga oo Ciidamada ku bogaadiyay xaqiijinta amniga.

Howlgalkaan Ciidamada Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee Duufaan iyo  Ciidamada Booliska ka sameeyeen degmada Kaaraan ayaa ahaa mid salka ku hayay xaqiijinta amniga degmada oo maalmihii danbe falal amiga lidi ku ah ay ka dhacayeen.

Wasaaradda Deegaanka oo baaritaan ku sameyneysa fuustooyin sun looga shakiyay oo lagu arkay xeebta Cadale

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin la xariirta fuustooyin aan la aqoon waxa ku jira oo lagu arkay deegaanka Cadale, kuwaas oo muddo dheer yaallay xeebta degmada Cadale ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Hamahaan ayey walaac ka muujiyeen dadka degaanka,iyagoo uga shakiyey in ay ku jiraan walxo kiimiko iyo sun ah.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS ayaa lagu sheegay in wasaaradda sida ugu dhaqsiyaha badan ay u qorshayneyso in ay koox khubaro ah u saarto arrintan, kuwaas oo baaris ku sameeyn doono hamaha looga shakisanyahy in walxo kiimiko ah ay ku jiraan,si deg deg ahna ay ku gaari doona deegaanka Cadale ee gobolka shabeellaha Dhexe.

Wasaaradda ayaa sidoo kale xariir la sameeysay maamulka degmada Cadale, waxaana la isla meel dhigay in si kumeel gaar ah loo xiro aagga ay fuustooyinku yaallaan inta baaris rasmi ah looga sameynayo si loo hubiyo badqabka bulshada iyo deegaanka.

Shacabka degaanka ayaa  la faray in ka fogaadaan haamahaas inta laga hubinayo waxyaabaha ku jira, si loo ilaaliyo bedqabka cafimaad ee bulshada dagan Cadale.

 

Muhaajiriin iyo qaxooti kale oo ku dhintay dooni ku degtay xeebaha Talyaaniga

Ugu yaraan 59 qof oo ay ku jiraan 12 caruur ah ayaa dhintay kadib markii dooni ay la socdeen tahriibayaal iyo qaxooti kale ay ku degtay magaalo xeebeedka Crotone ,koonfurta gobolka Calabria ee dalka Talyaaniga.

Doontaasi, ayaa ka soo shiraacday dalka Turkiga dhowr maalmood ka hor ,waxaana  la socdeen muhaajiriin u kala dhashay dalalka Afgaanistaan,Iran iyo wadamo kale oo dhowr ah.

Doontaasi oo ku burburtay meel u dhow Steccato di Cutro oo ah goob loo dalxiis tago oo ku taal bariga xeebta Calabria,waxaa ka badbaaday 81 qof ,sida uu sheegay. Manuela Curra, oo ah sarkaal ka tirsan dowladda gobolka, ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Markabka ayaa ka soo ambabaxay magaalada Izmir ee bariga Turkiga saddex ama afar maalmood ka hor, waxaana saarnaa illaa 150 ruux,iyadoo sababaha shilkaasi lagu sheegay ,doonta oo aad u yareyd, tirade dadka oo badnaa iyo dabeylo wata qabow oo halkaasi ka jiray.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ciraaq

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Ciraaq, waxaana ku soo dhaweeyay danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq Amb. Liiban Sheekh Maxamuud (Maalinguur), qunsulka iyo madaxda sare ee kala duwa oo ka howl gasha safaaradda.

Danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq ayaa Guddoomiyaha warbixin ka siiyay sida ay u shaqeeyso safaaradda, isagoona sheegay in marxalado adag oo kala gedisan ay soo martay safaaradda isla-markaana xaaladahaas adag loogu shaqeeynaayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed looguna adeego dowladnimada dalka.

Guddoomiyahaaya Golaha Shacabka BJFS ayaa mas’uuliyiinta safaarada ku ammaanay doorkooda muhiim ka ah ay ka qaateen ilaalinta sharafka ummadda Soomaaliyed, waxaana uu tilmaamay in Dowladda Federaalka ah dadaal dheer ku bixin doonto sidii wax loogu qaban lahaa, loona qurxin lahaa dhismaha Safaaradda

 

Tirinta cododkii doorashadii Nigeria oo weli socota xilli ay weli codbixintu socoto

0

Dadka reer Nigeria ayaa isugu soo uruuraya goobaha codbixinta ee qeyba kamid ah dalka, halkaas oo cilado farsamo awadeed aanay dadku aanay ugu suuragelin inay codkooda ka dhiibtaan doorashadii Sabtidii.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay Ku simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka dalka Ciraaq

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo howlo shaqo u jooga dalka Ciraaq ayaa maanta waxaa uu kulan la qaatay Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka dalka Ciraaq Mudane Dr. Shakhwaan Cabdallah Axmed.

Wafdi uu hugaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Jubbland oo Gaaray Deegaanka Janaay Cabdalla

0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland Mudane Cabdinaasir Seeraar Maax iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray deegaanka Janaa Cabdalle ee gobolka Jubbada hoose.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Maanta Shir guddoomiyey kulan isuduwayaasha mashaariicda kala duwan ee dalka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta shir guddoomiyey kulanka isuduwayaasha mashaariicda kala duwan ee dalka ka socda, si loo dar-dargaliyo howlaha horutabinta u leh Xukuumadda #DanQaran iyo adeegyadda dowladda ee sannadka 2023.