Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo kulan la qaatay safiirro ka socda dalalka Midowga Yurubย 

Date:

Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa la kulmay safiirro ka socday dalalka Midowga Yurub, kaasi oo looga hadlay arrimaha amniga, ciribtirka khawaarijta, arrimaha biniโ€™aadantinimada, xasilinta iyo mashaariicda horumarinta.

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa sheegay in dowladdu guulo waawayn ka gaartay dhinacyada amniga gudaha iyo hawllgada wajiga labaad ee dagaalka khawaarijta iyo sidoo kale dedaallada adeegga lagu gaarsiinayo shacabka Soomaaliyeed ee iska xoreeyey heeryada kooxaha Khawaariijta ah.

Dhankooda safiirrada ayaa qiray guulaha wax-ku-oolka ah ee dowladu ka gaartay dhinacyada amniga gudaha iyo horumarinta arrimaha bulshada, iyagoo intaa ku daray inay dawladda Soomaaliya ka taageerayaan howlgallada dalka looga xoreynayo Khawaariijta.

Safiirrada kulanka la yeeshay Raโ€™iisul Wasaare Ku xigeenka, ayaa kala ahaa Safiirka EU Karin Johansson, safiirka Italy Dacco Coppi, safiirka Germany Sebastian Groth, iyo safiirka Sweden Joachim Waern.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hayโ€™adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Duqa Muqdisho oo Degamda Kaaraan maanta ka qaatay kaarka diiwaangelinta doorashada qof iyo codka ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen...