Wasiirka Gaashaandhigga Oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden u fadhiyo Soomaaliya 

Date:

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay Safiirka dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Mudane Joachim Waern, ayaa kala hadlay xoojinta dadaalada socda, taageerada dowladda Sweden ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo kaabayaasha kale ee muhiimka u ah Soomaaliya.

Wasiir Cabdulqaadir, ayaa sharaxay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga go’antahay ciribtirka kooxaha khawaarijta iyo muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay taageerada caalamiga ah ee ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo dib u dhiska kaabayaasha kale ee muhiimka u ah dowlad-dhiska Soomaaliya.

Dhankiisa, Dankiraha Sweden u fadhiya Soomaaliya, mudane Joachim Waern ayaa ku amaanay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dadaalada xooggan ay dalkooda kaga xoreynayaan argagixisada oo ah kuwa dhibaato ku haya guud ahaan caalamka, isagoo balanqaaday in dalkiisu uu xoojinayo taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....