Home Blog Page 335

Midowga Yurub oo cunaqabateynno dheeraad ah saaray Ruushka

Midowga yurub ayaa ansixiyay tiro cunaqabateyn ah oo cusub oo la saarayo Ruushka,kadib hal sano oo dowladdaasi ay dagaal ka waddo gudaha Ukrine.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay shirka Magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ,ayaa lagu sheegay in cunaqabateynno dheeraad ah oo dhanka ganacsiga ah la saaray Ruuushka.

Tirada cunaqabateynta ee la saaray dalkaasi  waxaa ka mid ah xayiraadaha dhoofinta ku saabsan badeecadaha iyo in laga hortago kuwa Ruushhka ku taageera diyaaradaha Drooniska ee lagu weeraro Ukrine.

Cunaqabateynadaan ayaa ah kuwii ugu adkaa ee ay soo rogaan Wadamada xubnaha ka ah EU-da, si ay Ukrine uga caawiyaan in ay ku guuleysato dagaalka,

Xoghayaha guud ee golaha shacabka oo ka mid noqday guddiga fulinta Midowga Xoghayayaasha Baarlamaannada Carabta

Xoghayaha guud ee Golaha Shcabka Baarlamaanka JFS Mudane Cabdiraxmaan Muxumed Cabdulle (Jaabiri) oo loo doortay Guddiga fulinta Midowga xog-hayayaasha Baarlamannada Dowladaha xubnaha ka ah Carabta ayaa ka qeyb galay Kulanka 42-aad ee Golaha Xoghayayaasha guud ee Baarlamaannada Carabta.
Kulankan oo barbar socday meertada 34-aad ee Baarlamaanadda Carabta oo socon doona Febraayo 25-26, ayaa Xoghayeyaasha waxa ay iska doorteen sedex xubnood oo guddiga fulinta ka mid ah, waxaana xubnahaasi ka mid noqon doona Soomaaliya, Al Jeeriya iyo Ciraaq.

Sirdoonka Kuuriyada Waqooyi oo isku diyaarinaya in ay qarxiyaan bambo nuclear ah

0

Hay’adaha sirdoonka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa isku diyaarinayaan in ay fuliyaan tijaabadii toddobaad ee bambooyinka nuclear-ka ah.

Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka banaan BFS oo Caawa Kormeeray Hoolka Berri lagu qabanaayo doorashada kursiga Hop# 086

0

Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan Baarlamaanka 11aadiyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Gen Sulub Ahmed Firin  ayaa kormeer wadajir ah ku sameeyay Hoolka lagu qabanaayo doorashada kursiga GSH # 086.

Taliyaha Guutada 4-aad, qeybta 27-aad oo gaaray deegaano Hoosyimada Degmada Aadan yabaal

0

Taliyaha Guutada 4-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Kornayl Saneey Cabdulle Gaab iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Aadan-Yabaal ayaa kormeeray tuulada Boos-Caduur oo ay ka jirto biyo la’aan iyo abaar baahsan, waxaana jirta cilad soo wajahday ceelasha biyaha tuuladaas.

Guddoomiye Sheekh Aadan madoobe oo Gaaray magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay  gaaray magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq,waxaana garoonka diyaaradaha Baqdaad ku soo dhaweeyay danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq Amb. Liibaan Sheekh Maxamuud (Maalinguur).

[DAAWO] Maamulka Hobyo oo Saldhig Boolis ka dhagaxdhigay Deegaanka Xiinbarwaaqo

0

Guddoomiyaha degmada Hobyo Cismaan Axmed Cabdulle iyo guddoomiye ku xigeenka degmadaas Muqtaar Cabdullaahi Maxamed ayaa maantay socdaal shaqo ku tagay degaanka Xin-barwaaqo, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka Xin-barwaaqo.

30 katirsan maleeshiyaadka kooxda khawaarijta Al-shabaab oo Maanta lagu dilay Gobolka Mudug

0

KHAMIIS 23-02-2023: Ku dhawaad 30 maleeshiyaad ka tirsan kooxda khawaarijta ah ayaa maanta lagu dilay howlgal ay ciidamada xoogga, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo xaq u dirirka deegaanka ka sameeyeen deegaanka Faarax Aadan, kaas oo ku fiday deegaanka Wadaariq oo ay argagaxisadu ku laheyd saldhig weyn.

[DAAWO] Madaxweyne Qoor-Qoor oo maanta xarigga ka jaray xafiiska cusub ee wasaaradda Caafimadka & iyo Daryeelka Bulshada Maamulkaas

0

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug   Mudane Axmed Cabdi kaariye ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka daah furay Dhismaha Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo ay qayb ka yihiin xafiisyada adeegga degdega ah ee Caafimaadka Bulshada iyo baqaarada keydka dawada.

[DAAWO] Booliska Soomaaliya oo soo Bandhigay Hub culus, walxaha qarxa ,Gaadiid iyo raggii watay

0

Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaliyeed G/lle Saadaq Doodishe  oo manta Shirjiraaid u qabtay Warbaahinta  ayaa  faafaahin ka bixiyay howgal Ciidanka ammaanku ku soo qabteen tiro Khawaarijt ah iyo waxyaabaha qarxa oo ay wateen.