Home Blog Page 335

Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 7-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Kismaayo iyo Warsheekh oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartameyaasha labada degmoo ee Kismaayo iyo Warsheekh ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Kismaayo
Tartameyaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay dhigooda Warsheekh, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kismaayo ay heleen waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.
Warsheekh
Tartamayaasha Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal. Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen Warsheekh, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Warsheekh waxay noqotay Toban (10) dhibcood.
Hadaba kulankii 7-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 7-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Bardaale iyo Dharkeynley oo ka kala tirsan Gobollada Baay iyo Banaadir.

Tartamayaasha Degmada Xamar weyne oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 6-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Buuhoodle iyo Xamar weyne oo ka kala tirsan Gobollada Togdheer iyo Banaadir, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Buuhoodle iyo Xamar weyne ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Buuhoodle

Tartameyaasha Degmada Buuhoodle Garbahaareey ee Gobolka Togdheer waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Buuhoodle ay heleen waxay noqotay Lix (06) dhibcood.

Xamar weyne

Tartamayaasha Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal. waxa ay ka faa’iideysteen Saddex su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Buuhoodle, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xamar weyne waxay noqotay Lix iyo Toban (16) dhibcood.

Hadaba kulankii 6-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 6-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Warsheekh iyo Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Jubbada Hoose.

Sawir Qaade:- Khadar Cali Nuur

Tartamayaasha Degmada Dhoobleey oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 5-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Gaalkacyo iyo Dhoobleey oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Jubbada Hoose, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Gaalkacyo iyo Dhoobleey ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Intii lagu guda jiray qeybaha hore ee tartanka oo degmo waliba la weydiiyay min afar su’aal ayaa waxaa qodob ka mid ah sharciga tartanka jebiyay tartamayaasha degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, taasi oo ka dhalatay tabasho ay qabeen oo guddigu xaliyay balse ay ku kaceen fal ka baxsan sharuucda tartanka.u yaalo.

Guddiga tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ayaa go’aamiyay in tartamayaasha degmada Dhoobleey oo ka wada jawaabay su’aalihi la weydiiyay la siiyo dhibcaha tartanki caawa, isla markaana guddiga uu go’aan ka gaari doono talaabada qaldan ee ay qaadeen tartamayaasha Gaalkacyo.

Hadaba kulankii 5-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Sawir Qaade:- Khadar Cali Nuur

Tartamayaasha Degmada Kaxda oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 4-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Deyniile iyo Kaxda oo ka wada tirsan Gobalka Banaadir, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartameyaasha labada degmoo ee Deyniile iyo Kaxda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Deyniile
Tartameyaasha Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Kaxda, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Deyniile ay heleen waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Kaxda
Tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal. waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareer martay tartamaayasha Deyniile, sdaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kaxda waxay noqotay Toban (10) dhibcood.
Hadaba kulankii 4-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 5-aad ee tartanka, waxaa jiri doono labo tartan, waxaana kulanka hore ku baratami doona degmooyinka Gaalkacyo iyo Dhoobley oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Jubbada Hoose, halka kulanka labaad ay ku tartami doonaan Buuhoodle iyo Xamar weyne oo ka kala tirsan Gobollada Togdheer iyo Banaadir.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatey ciidamo ka tirsan kumandoska Danab oo dalka Kenya uga soo qeybgaley dhoolatus milateri oo ilaa iyo 23 waddan ay qeyb ka ahaayeen.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay xafladda qalinjabinta dufcadda 22-aad ee ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah u diray guud ahaan haweenka dunida, gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed oo u dabbaaldegay munaasabadda 8-da Maarso.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo ku aaddan bisha Ramadaan u diray shacabka Soomaaliyeed.

5- Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG oo ka hadlaya matalaadda shacabka iyo doorashooyinka.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Cimillada Cagaaran (GCF), Mafalda Duarte oo ay ka wadahadleen dhibaatooyinka isbeddelka cimilladu sababeen ee heysta dalkeena iyo sidii wax looga qaban lahaa.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee qeybta baarista dembiyada oo lagu soo kordhiyey qalab casri ah.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Waddada Xoosh ilaa Ex Kontorool Afgooye, taas oo sii marta saddex degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar ku saabsan diblumaasiyadda oo soconayey muddo saddex toddobaad ah u soo xiray toban Danjire oo ay dhawaan ansixiyeen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xariga jaray qeybo ka mid ah Wasaaradda Qorshaynta iyo Dhiirigelinta Maalgashiga oo dib u dhis lagu sameeyay.

11- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa xarunta Degmada Hodan ka furay daadejinta doodaha dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka.

12- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in Soomaaliya muujisay isbeddel xooggan oo dib u habeynta dhaqaalaha iyo hay’adaha maaliyadda kadib kulan uu Nairobi kula qaatay hay’adaha dhaqaalaha adduunka.

13- Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Soomaaliya Mudane Cabdirizaaq Cumar Maxamed iyo dhiggiisa dalka Turkiga ayaa kala saxiixday heshiiska dhinaca shidaalka iyo gaaska ah iyo sida looga faa’iidaysanayo.

14- Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji, ayaa daah-furay madasha iskaashiga adeegga gaarka loo leeyahay iyo kan dowliga ee caafimadka.

15- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Axmed Moallim Fiqi, ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir oo ay ka soo qeybgaleen madaxda hay’adaha OCHA iyo FAO oo looga hadlay maareynta isbeddelka cimilada iyo xaaladaha bani aadamnimo ee Soomaaliya.

16- Siihayah Wasiirka Amniga Qaranka ahna Wasiiru Dowlaha wasaaraadda Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa tababar u soo xiray ciidamo cusub oo tababar ku qaatay dugsiga tababarka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.

17- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatey Sii-hayah Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, iyagoo ka wadahadley arrimaha dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

18- Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Soomaaliya Marwo Raaxa Maxamuud Janaqoow ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uga qeyb gashay shirka Iskaashiga Ganacsiga Hey’adaha Dowliga ah iyo kuwa gaarka ah.

19- Xoghayaha Joogtada ah ee cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale ayaa si rasmi ah ula wareegay xilkiisa.

20- Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa gacanta ku dhigtay Guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenlay Abuukar Axmed Caddow Tifoow oo ka tirsanaa Khawaarijta kaas oo in muddo ah ku dhex dhuumanayay hay’adaha dowladda.

21- Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku soo dhigay 140 hoobiyayaal ah oo Khawaarijta dooneysay inay ku dhibaateeyaan shacabka magaalada Muqdisho.

22- Agaasimaha Guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Ahmed Said Mohamed, ayaa daah furay hanaan casri ah oo lagu bixin doono baasaboorka.

23- Ciidamada Booliska ayaa Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ku qabtay Xasan Ibraahim oo ka mid ahaa saddex nin oo sannadkii hore la goostay gaari dowladda ay leedahay, kadibna u galey Khawaarijta Al Shabab.

24- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada Mareykanka ayaa dilay saddex xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab kadib hawlgal milateri oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

25- Dab ka kacay qeyb ka mid Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo khasaare geystay.

26- Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo tababbar ku saabsan maareynta dhibaatooyinka ka dhasha deegaannada laga xorreeyo Khawaarijta loogu soo xiray magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

27- Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa ka qeyb galay carbis ciidan oo ka dhacay dalka Kenya, halkaasi oo ay si wanaagsan uga soo dhex muuqdeen.

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud held a meeting with soldiers from Danab special unit of the Somali National Army who participated in a military exercise in Kenya in which 23 countries participated.

2- President Hassan Sheikh Mohamud participated in the graduation ceremony of the 22nd batch of students of the Somali Nation University.

3- The President of the Federal Republic of Somalia, His Excellency Dr. Hassan Sheikh Mohamud, has sent a congratulatory message to the Somali women on the commemoration of the World’s Women Day of 8th March.

4- President Hassan Sheikh Mohamud congratulated the Somali people on the start of the month of Ramadan.

5- The Parliament of the Federal Republic of Somalia has begun debating Chapter 4 of the Transitional Federal Constitution, which deals with the representation of the people and elections.

6- Prime Minister Hamsa Abdi Barre held a meeting with the Director General of the Green Climate Fund (GCF), Mafalda Duarte and discussed the problems caused by climate change in Somalia and how to tackle them.

7- Prime Minister Hamsa Abdi Barre has inaugurated the new building of the Police Criminal Investigation Department which has been added with modern equipment.

8- Prime Minister Hamsa Abdi Barre has inaugurated the construction of a new road that connects Hoosh Road to Ex Kontorool Afgooye, that passes through three districts of Banadir region.

9- Prime Minister Hamsa Abdi Barre, has attended the closing ceremony of a three-week diplomatic training session for ten ambassadors recently approved by the Cabinet.

10- Prime Minister Hamsa Abdi Barre has cut the ribbon of some parts of the Ministry of Planning and Investment Promotion which have been reconstructed.

11- The Minister of Justice and Constitutional Affairs of Somalia, Mr. Hassan Macallin Mohamud, has launched the public discussions of the country’s draft constitution. In Hodan District.

12- The Minister of Finance Mr. Bihi Iman Ige said that Somalia has shown a strong change in the reform of the economy and financial institutions after a meeting in Nairobi with the world financial institutions.

13- The Minister of Petroleum and Mineral Resources of Somalia Mr. Abdirizaq Omar Mohamed and his Turkish counterpart have signed an agreement on oil and gas cooperation.

14- Somalia’s Minister of Health, Dr Ali Haji, has inaugurated the forum for cooperation between the private and public health services.

15- The Minister of Interior, Federal and Reconciliation of Somalia, Mr. Ahmed Moallim Fiqi chaired a ministerial meeting attended by the heads of OCHA and FAO organizations, which discussed the management of climate change and humanitarian conditions in Somalia.

16- The Minister of State for National Security, Mr. Mohamed Ali Hagaa and the Commander of the Somali Police Force, Brigadier General Sulub Ahmed Firin, have attended the closing ceremony of a training session for new soldiers trained at the Somali Police Force training school in General Kahiye.

17- The Minister of Defense of Somalia, Mr. Abdulkadir Mohamed Nur, met with the US acting Ambassador to Somalia to discuss the war against the Kharijites Al Shabab.

18- Somalia’s Minister of State for Finance Madam Raha Mohamud Janaqow participated an international gathering of business cooperation between public and private institutions in Istanbul, Turkey.

19- The new Permanent Secretary of the Prime Minister’s Office Mr. Kamal Dahir Gutale has officially assumed his post.

20- The National Intelligence and Security Agency has arrested the former District Commissioner of Dharkenlay, Abukar Ahmed Addow Tifoow, who was a member of the Kharijites Al Shabab hiding in government agencies for some years.

21- Police forces in Mogadishu have captured 140 mortars from the Kharijites Al Shabab, which the terrorists wanted to use against the Somali people in the capital and the surrounding areas.

22- The Director General of the Somali Immigration and Citizenship, Mr. Ahmed Said Mohamed, has launched a modern process for issuing passports.

23- The police forces in Dhobley District of Lower Jubba Region have arrested Hassan Ibrahim who was involved in stealing a government owned vehicle and handed it over to the Kharijites Al Shabab last year.

24- The Somali National Army, with the help of the American troops have killed three members of the Kharijites Al-Shabab after a military operation in Lower Shabelle region.

25- A fire broke out in a part of Bakara Market in Mogadishu, causing damage.

26- Officers from the Somali National Forces have completed in Baydhabo a training on the management of challenges arising from the areas liberated from the Kharijites Al Shabab.

27- Danab Special forces of the Somali National Army have participated in a military exercise in Kenya, where they performed well.

 

==============END===========

Tartamayaasha Degmada Ceeldheer oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”
Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 3-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Howlwadaag iyo Ceeldheer oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Galgaduud , waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartameyaasha labada degmoo ee Howlwadaag iyo Ceeldheer ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Howlwadaag
Tartameyaasha Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Ceeldheer, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Howlwadaag ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.
Ceeldheer
Tartamayaasha Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal oo kaliya, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareer martay tartamaayasha Howlwadaag, sdaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Ceeldheer waxay noqotay Afar iyo Toban (14) dhibcood.
Hadaba kulankii 3-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 4-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Kaxda iyo Deyniile oo ka wada tirsan Gobalka Banaadir..

Tartamayaasha Degmada Garbahaareey oo u gudbay wareegga 2aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 2-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Garbahaareey iyo Xamar Jajab oo ka kala tirsan Gobollada Gedo iyo Banaadir , waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Garbahaareey iyo Xamar Jajab ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Garbahaareey

Tartameyaasha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, ttodobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, halka ay iska qaldeen Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su\aal oo soo hareermartay dhigooda Xamar Jajab, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Garbahaareey ay heleen waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Xamar Jajab

Tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sdaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xamar Jajab waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Hadaba kulankii 2-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 3-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Howlwadaag iyo Ceeldheer oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Galgaduud.

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo u gudbay wareega 2aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 1-aad ee wareegga 1aad ku tartamay Degmooyinka Dhuusamareeb iyo Xudur oo ka kala tirsan Gobollada Galmudug iyo Bakool, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Dhuusamareeb iyo Xudur ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

XUDUR

Tartameyaasha Degmada Xudur ee Gobolka Bakool  waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar  su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xudur ay heleen waxay noqotay Lex (6) dhibcood.

DHUUSAMAREEB

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug  waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Todobadii Su’aalood ay la weediiye iyo Labo Su’aal oo soo hareermartay Degmada Xudur, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen dhankooda,  sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb waxay noqotay Sideed (18) dhibcood.

Sidaas darteed tartamayaasha Dhuusamareeb waxa ay heleen 18 dhibcood, halka Xudur ay la yimaadeen 6 dhibcood, sidaas ayayna ugu soo gudbeen Dhuusamareeb wareegga xiga ee tartanka.

Hadaba kulankii 1-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galmudug, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 2-aad ee tartanka, waxaa ku tartami doona degmooyinka Xamar-iyo Garbahaaree oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Gedo.

 Wasiirka Warfaafinta XFS oo si rasmi ah u furay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa si rasmi ah caawa u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo sanad waliba ay Warbaahinta Qaranka u qabato degmooyinka gobollada dalka, iyadoo sanadkan barnaamijka ay si wada jir ah u taaba gelinayaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bangiga IBS.

Munaasabad kooban oo lagu furayey Tartan Cilmiyeedka Ramadaan ee sanadkan oo lagu qabtay Istuudiyaha Radio Muqdisho ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay Agaasimaha Radio Muqdisho, Agaasimaha Telefishinka Qaranka iyo xubnaha guddiga tartan cilmiyeedka Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdifataax Daahir Jeyte ayaa sheegay in tartanka uu soo socday muddo 13- sano ah, sanadkana ay noqon doonto  kii 14aad,  kaasi oo loo qabto degmooyinka Gobolka Banaadir iyo degmooyinka kale ee gobollada dalka oo ay sanadkan ku jiraan degmooyin hor leh.

Guddoomiyaha Bangiga IBS mudane Cabdirisaaq Cali Warsame oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin inay qeyb ka noqdaan sanadkii 4aad oo xiriira taabagelinta tartanka, isagoo guul u rajeeyey ka qeyb galayaasha tartanka.

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa xusay in ujeedka tartanka uu yahay sidii aqoon loogu tartami lahaa, isagoo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada Amniga.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi oo caawa lagu casuumay furitaanka tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka ayaa ugu horeyn bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadan,  isagoo Hambalyo u diray bahda Warbaahinta Qaranka oo sanadkii 13aad la qabanayo.

“Sanad waliba waxaa sii kordhaya degmooyinka tartanka ka qeybgalaya, waxaana degmooyinka 32da ah u rajeynayaa guul, runtii tartanka waxaa nasiib u yeeshay inay sanadkan ka qeybgalaan degmooyin horleh”. Ayuu yiri Wasiir Daa’uud.

Wasiirka mar uu ka hadlayay ahmiyadda uu tartanka u leeyahay bulshada Soomaaliyeed ayaa ugu horeyn bogaadin u jeediyay howlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta sida ay markasta uga go’antahay u adeegidda bulshadooda xilliyadan adag, waxana uu intaa ku daray in tartanka uu yahay mid clmi iyo aqoon lagu kala kororsanayo

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa si rasmi ah caawa u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo sanad waliba ay Warbaahinta Qaranka u qabato degmooyinka gobollada dalka.