Ra’iisul Wasaare Xamsa oo furay Imtixaanka Dugsiyada Sare ee Dalka

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Imtixaanka Dugsiyada Sare ee 2023-2024 oo sanadkan ay ka qeyb galayaan in ka badan 37,000 oo arday.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare, sida ay u horumarisay habka loo qaadayo Imtixaanka oo laga dhisay mid casri ah, isaga oo xusay in waxbarashadu ay tahay mid kamid ah waxyaabaha mudnaanta u leh Xukuumadda DanQaran.

“Maanta waa maalin weyn oo la xaqiijiyey mid kamid ah himillooyinka shacabka Soomaaliyeed, waxbarashadu waa himillo weyn oo ay xukuumaddu u aragto mudnaan lamid ah amniga. Maalmaha uu imtixaanku socdo dhammaanteen waa in aan askar u noqonnaa Wasaaradda Waxbarashada oo aan kala shaqeyno sidii uu guul ugu soo dhammaan lahaa imtixaanku”

Mudane Xamsa ayaa intaas ku daray in sanadkan lagu qaadayo imtixaanka magaalooyin kala duwan oo aysan horey uga dhici jirin, taas oo xaqiijinaysa guulaha la gaaray ee fursadda u ah ardayda, waxuuna kula dardaarmay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in gacan lagu siiyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Ciidanka amniga sidii imtixaanku ugu soo dhammaan lahaa si guul ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...