Home Blog Page 329

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan Maxamed oo wali wada dadaaladii looga hortagi lahaa saameynta taban ee roobabka xiliga gu’ga ku yeelan karaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda nugul ayaa maanta qabatay kulan ballaaran oo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin ka socday Wasaaradaha Dowladda Federaalka ah iyo Hay’adaha Maamul Goboleedyada dalka.

Shirkaan oo ujeedkiisu ahaa dardar galinta iyo u diyaar garoowga roobabka gu’ga ayaa waxaa daah furtay gudoomiyaha Hay’adda iyadoo carabka ku adkeysay muhiimada ay leedahay wada shaqeynta Hay’addaha Dowladda, wadaagista xogaha iyo isku xirka gargaarka.

Shirkan waxaa la isku dhaafsaday xogaha casharadii laga bartay xili roobaadyadii hore, khataraha kadhasha roobabka, agabyada loo baahan yahay iyo sidii looga hortagi lahaa.

Ugu danbeyn waxaa la isla gartay in lahelo xog  hubanti leh oo ay dowladdu leedahay taasoo gundhig u noqota ka jawaabidda saameynta roobabka la filaayo.

NCRI
NCRI

NCRI

Gudoomiyaha NCRI
GUDOOMIYAHA NCRI

Wasiirka Cusub ee Wasaradda Arimaha Gudaha oo Booqasho ku tagay Xafiisyada Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka (NCRI)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ay wehliyaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Md. Cabdixakiim Ashkir, Agaasimaha guud ee wasaarada iyi agaasimaha guud ee wasaaradda Md. Caydaruus Macalim ayaa kormeer shaqo  ku tagay     Xafiisyada Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka (NCRI)

Wafdiga Wasiirka Waxaa xarunta hay’adda kusoo dhaweysay Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka iyo howlwadeenada kale ee hay’adda.

Morwo Safiya Xasan Maxamed Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka ayaa wasiirka la wadaagtay xogta shaqooyinka la qabtay iyo kuwa loo madlan yahay ee Barakacyaasha, Soo laabtayaasha iyo Qaxootiga sida sharciga ah ku jooga dalkeena.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa Boggaadiyay shaqada qaran ee ay hayso Hay’adda qaxootiga iyo Barakacyaasha qaranka, wuxuu intaasi raaciyay inay si weyn Maamulka Hay’adda u garab istaagayaan si dadkeena barakaca u nugul nolal loogu abuuri lahaa kuwa barakacayna loogu dhamays tiri lahaa xaquuqdooda aas aasiga ah.

 

NCRI

 

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ay wehliyaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Md. Cabdixakiim Ashkir, Agaasimaha guud ee wasaarada Md. Caydaruus Macalin iyo masuuliyiin kale oo Wasaaradda ka tirsan ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta dhexe ee Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaan galinta Qaranka (NIRA)

Socdaalkaan ayaa la xiriiray xog-waraysi, isbarasho iyo kormeer ku saabsan hanaanka iyo habsami u socodka shaqada diiwaangelinta Dadweynaha.

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde) ayaa sheegay in shaqo dardar leh ay qabteen muddadii yareyd ee ay Hay’addu jirtay.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Fadaraalka iyo dib u heshiisiinta mudane Cali Yuusuf Cali (Cali ayaa Maamulka Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangalinta Qaranka ku ammaaanay shaqada wanagsan ee ay u hayaan guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna Wasiirku sheegay inay dardar galinayaan sidii Kaarka Aqoonsiga loo gaar siin lahaa guud ahaan Dalka si Muwaadin kasta ay ugu sahlanaato qaadashada Kaarka aqoonsiga Qaranka.

NIRA NIRA NIRA TIMACADE

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

0

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7 ee ku qabsoomay Jasiiradda Capri ee dalka Talyaaniga intii u dhexeysay 16-19 bishan April. Waxa aan ku bogaadinaynaa diirad saariddiisa Geeska Afrika iyo Soomaaliya, waxa aan ammaanaynaa sida ay uga go’an tahay G7 horumarinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka. Waxa aan qiraynaa dadaalkooda wax ka qabashada cunno-yarida, saboolnimada , loolanka hubaysan, cimilada daran iyo barakaca, waxa aan qiimaynaynaa howlaha gargaarka bani’aadannimo iyo iskaashiga caalamiga ee wax looga qabanayo caqabadahaasi.
Soomaaliya waxa ay ka mahadnaqaysaa sida ay Kooxda G7 sida ay u qirireen horumarka ay ka samaysay hannaanka dowladnimada, dhaqaalaha iyo amniga. “Waxaa naga go’an inaan dardargelinno dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sidoo kalena xoojinno hey’adaheena. Sida habsamida leh ee mas’uuliyadda amniga looga wareejinayo Howlgalka ku-meelgaarka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) waa mid muhiim u ah amniga qaranka. Soomaaliya waxa ay si firfircoon ula kaashanaysaa Midowga Afrika iyo bah-wadaagta caalamiga si loo qorsheeyo, loona fuliyo kala-guurkan si wax ku ool ah, iyadoo la sii ambaqaadayo horumarinta awoodaha amni ee dalka iyadoo taageero laga helayo beesha caalamka.

Wadamada G7 oo walaac ka muujiyay damaca gurracan ee Ethiopia ee dhulka Soomaaliyeed
Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada G7 ayaa walaac ka muujiyay Heshiiska beenaadka sharci darada ah ee la sheegay inuu dhexmaray Itoobiya iyo Maamulka Gobalada Waqooyi oo qayb ka ah Soomaaliya bishii Janaayo ee sanadkaan. Wadamada G7 ayaa ku adkaystay in la ilaaliyo sharciyada Caalamiga ah Madaxbaaanida iyo Qaranimada ee ku cad cahdiga Qaramada Midoobay.

Dhinca kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa meesha ka saartay in Itoobiya ay wadahadal la gasho ilaa maamulka ka arrimiya Addis Ababa ay “waxba kama jiraan” ka soo qaadeyso heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la gashay Somaliland, sida lagu shegay bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya. “Soomaaliya waxaa ka go’an inay taageerto nabadda iyo amniga gobolka, waxayna aad u dooneysaa inay xoojiso iskaashiga ay la leedahay G7 iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo barwaaqo ka dhalata Geeska Afrika” ayaa lagu xusay bayaanka ka soo baxay dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

“Soomaaliya waxa ay u heellan tahay taageeridda nabadda iyo amniga gobolka, waxa ayna ku howlan tahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay G7 iyo bah-wadaagta caalamiga si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo barwaaqada Geeska Afrika. Si kastaba ha ahaatee, wadahadal lala furo Itoobiya ayaa ku qabsoomi kara oo qura iyadoo gebi’ahaan laasha is-afgaradkii sharci-darrada ahaa ee ay la gashay gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland), ayna muujiso in ay si buuxda u xurmaynayso midnimada iyo qarannimada Soomaaliya iyo mabda’a aan oggolaanayn in dal uu farageliyo arrimaha gudaha dal kale”, ayaa lagu sheegay Bayaanka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya.
War-saxaafadeedka Soomaaliya ay soo saartay ayaa lagu yiri, “Wadahadallada Itoobiya waa kuwo aan la gaari karin, haddii aanay meesha ka saarin heshiiskii sharci-darrada ahaa ee is-afgaradka ahaa ee ay la galeen gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) oo ay muujinayso ixtiraam buuxa oo ay u hayaan midnimada, madaxbannaanida Soomaaliya iyo mabda’a ah in aan la faragelin.”

Hadalka dowladda Soomaaliaya ayaa daba socday bayaan ay soo saareen Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka G7 ee kala ah, Canada, France, Germany, Italy, Japan, UK, iyo Maraykanka iyo Ergeyga Midowga Yurub oo horayba walaac ka muujisay heshiiska is-afgaradka ah, waxayna ugu baaqday Itoobiya iyo Soomaaliya inay furnaadaan dhammaan waddooyinka wadahadallada, waxay kaloo bogaadiyay horumarada lixaadka leh ee Soomaaliya ay ka samaysay dhanka Hay’adaha dhaqaalaha iyo ammaanka.

Shirka toddobada dal ee dunida ugu hodansan G7 ayaa laga soo saaray war murtiyeed, kaas oo walaac laga muujiyay sii socoshada rabshadaha ka dhacaya Ethiopia gaar ahaan xadguduyada la xiriira xuquuqda aadanaha ee ka socda dalkaasi. “Waxaa ka walaacsan nahay xadgudubyada ka dhanka xuquuqda aadanaha ee ku baahaya qeybo ka mid ah dalka Itoobiya, sidoo kale waxaa jira dhibaato dhaqaale oo adag oo keentay in cuni yaro bahsan ka dilaacdo Ethiopia” ayaa lagu yiri Bayaanka.
Sidoo kale, Wadamada G7 waxay sheegeen in loo baahan yahay ilaalinta xuquuqda rayidka ah, isla markaana la sameeyo wada xaajood siyaasadeed, si loo xaliyo dhibaatada ka jirta Ethiopia, iyadoo uu ugu dambeyn Dalalka G7 ayaa Waxay xuseen muhiimadda ay leedahay in gargaar la gaarsiiyo dadka ku barakacay dagaalada ka dhacaya Ethiopia, kuwaasi oo halis ugu jiro inay u dhintaan maacluusha ka jirta dalkaasi ay colaadaha ka socdaan.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada G7 ayaa sidoo kale waxay ku dhiiragaliyeen dowladda Soomaaliya inay sii wado oo ay sii laba jibaarto ka guul gaarida dagaalka socda ee ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo dhanka kale Wasiiradu ay soo dhoweeyeen qorshayaasha ay wadaan dowladda Soomaaliya iyo midowga Afrika ee ku aadan horumarinta qorshaha dowladdu ay kula wareegayso ammaanka Wadanka.

Dowladahaan iyo kuwa kale iyo Ururada Caalamiga ayaa horey ugu muujiyay Soomaaliya taageero badan oo ku aadan in Dowladda Soomaaliya ay la garab taagan yihiin madax banaanidda dhulka iyo Badda Soomaaliyeed, ayna tahay mid muqadas ah in la dhowro, sida ku cad xeerarka Caalamka. Muranka ayaa yimid kadib markii ay Maamulka Addis Ababa ay Is-afgarad beeneed la galeen Muusi Biixi, 1dii bishii Janaayo ee sanadkan, iyadoo dowladda Soomaaliya ay dhowr mar ku celcelisay hannaanka loo marayo wadahadal dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasi oo ah in nmarka hore uu Abiy Axmed uu la laabto Is-afgarad beenaadka la sheegay, taasi oo loo micneyn karo, kadib ayay isugu imaan karaan wadahadal dhex mara labada Dowladood, taasi oo uu ka meermeerayo Maamulka Addis Ababa.
By. C/laahi Ruush

Taliyaha Ciidanka Boliiska iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shir Gudoomiyay Shirka Amniga Caasimadda iyo kor u qaadida bilicda caasimada.

0

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) ayaa shir Gudoomiyay Shirka Amniga Caasimadda iyo kor u qaadida bilicda caasimada.

Shirkan waxaa ka soo qeyb galay Taliyaha Hay’adda NISA C/llaahi Maxamed Cali{Sanbaloolshe} Taliyaasha Boliiska iyo Nabad-sugidda Gobolka Banaadir, Gudoomiyeyaasha Dagmooyinka Gobalka Banaadir, Saraakiisha fadhiyada madaxa banaan, Taliyaasha Qeybaha Boliiska iyo Nabad-sugidda iyo Taliyaasha Saldhigyada Gobolka Banaadir.

U jeedka Shirka ayaa ahaa daadajinta amniga Caasimadda iyo nawaaxigeeda iyo sidii loo bilaabi lahaa islaxisaabtan dhab ah oo la xiriira amniga guud ee Caasimadda iyo nawaaxigeeda

Wasiirka Amniga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maxamed El-Amine Souef iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka ATMIS.

Wasiirka iyo Ergayga ayaa wada hadlay wada-shaqeynta dhinacyada Amniga iyo la dagaallanka Argagixisada, iyada oo isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga Amni ee labada dhinac, isla markaana si joogto ah ay u kala war qaadan doonaan hey’adaha amniga, si loo helo Soomaaliya xasilloon oo ka caaggan Khawaarijta.

General Fartaag Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa uga mahadceliyey howlgalka ATMIS doorka ay ka qaataan sidii Soomaaliya looga ciribtiri lahaa argagixisada diiddan horumarka iyo amniga Soomaaliya.

Dalalka G7 oo walaac xooggan ka muujiyey Rabshadaha ka socda Ethiopia

0

Shirka toddobada dal ee dunida ugu hodansan G7 ayaa laga soo saaray war murtiyeed, kaas oo walaac laga muujiyay sii socoshada rabshadaha ka dhacaya Ethiopia gaar ahaan xadguduyada la xiriira xuquuqda aadanaha ee ka socda dalkaasi.

“Waxaa ka walaacsan nahay xadgudubyada ka dhanka xuquuqda aadanaha ee ku baahaya qeybo kamid ah dalka sidoo kale waxaa jira dhibaato dhaqaale oo adag oo keentay in cuni yaro bahsan ka dilaacdo Ethiopia” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale, Wadamada G7 waxay sheegeen in loo baahan yahay ilaalinta xuquuqda rayidka isla markaana la sameeyo wada xaajood siyaasadeed si loo xaliyo dhibaatada ka jirta Ethiopia.

Ugu dambeyn Dalalka G7 ayaa Waxay xuseen muhiimadda ay leedahay in gargaar la gaarsiiyo dadka ku barakacay dagaalada ka dhacaya Ethiopia, kuwaas oo halis ugu jiro inay u dhintaan maacluusha ka jirta dalkaas colaadaha ka socdaan.

DFS oo soo dhaweysay war-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7

0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7 ee ku qabsoomay Jasiiradda Capri ee dalka Talyaaniga intii u dhexeysay 16-19 bishan April. Waxa aan ku bogaadinaynaa diirad saariddiisa Geeska Afrika iyo Soomaaliya, waxa aan ammaanaynaa sida ay uga go’an tahay G7 horumarinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka. Waxa aan qiraynaa dadaalkooda wax ka qabashada cunno-yarida, saboolnimada , loolanka hubaysan, cimilada daran iyo barakaca, waxa aan qiimaynaynaa howlaha gargaarka bani’aadannimo iyo iskaashiga caalamiga ee wax looga qabanayo caqabadahaasi.

 

Soomaaliya waxa ay u heellantahay taageeridda nabadda iyo amniga gobolka, waxa ayna ku howlantahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay G7 iyo bah-wadaagta caalamiga si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo barwaaqada Geeska Afrika. Si kastaba ha ahaatee, wadahadal lala furo Itoobiya ayaa ku qabsoomi kara oo qura iyadoo gebi’ahaan laasha is-afgaradkii sharci-darrada ahaa ee ay la gashay gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland), ayna muujiso in ay si buuxda u xurmaynayso midnimada iyo qarannimada Soomaaliya iyo mabda’a aan oggolaanayn in dal uu farageliyo arrimaha gudaha dal kale.

Wadamada G7 oo walaac ka muujiyay damaca gurracan ee Ethiopia ee dhulka Soomaaliyeed

0

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada G7 ayaa walaac ka muujiyay Heshiiska beenaadka sharci darada ah ee la sheegay inuu dhexmaray Itoobiya iyo Maamulka Gobalada Waqooyi oo qayb ka ah Soomaaliya bishii Janaayo ee sanadkaan.

Wadamada G7 ayaa ku adkaystay in la ilaaliyo sharciyada Caalamiga ah Madaxbaaanida iyo Qaranimada ee ku cad cahdiga Qaramada Midoobay.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada G7 ee Kanada, faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga Jaban, Boqortooyada UK Maraykanka iyo Ergayga Midowga Yurubka ayaa bogaadiyay horumarada lixaadka leh ee Soomaaliya ay ka samaysay dhanka Hay’adaha dhaqaalaha iyo ammaanka.

Sidoo kale waxay ku dhiiragaliyeen dowladda Soomaaliya inay sii wado oo ay sii laba jibaarto ka guul gaarida dagaalka socda ee ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo dhanka kale wasiiradu ay soo dhoweeyeen qorshayaasha ay wadaan dowladda Soomaaliya iyo midowga Afrika ee ku aadan hormarinta qorshaha dowladdu ay kula wareegayso ammaanka wadanka.

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha oo soosaaartay digniino ku wajahan Barakacyaasha, qaxootiga iyo dadka Nugul.

Xilli qeybo ka mid ah Gobolada dalka uu ka curtay Roobkii gu’ga ayaa waxaa soo baxaya digniino ku aadan saamaynta ka dhalan karta daadadka Roobka si bulshada soomaaliyeed gaar ahaan Barakacyaasha, qaxootiga iyo dadka Nugul ay oga feejignaan lahaayeen arintaasi.

Hay’adda Qabootiga iyo barakacyaasha qaranka oo ka duulaysa arintaasi ayaa Muqdisho ku qabatay kulan looga sidii wacyi galin loo gaarsiin lahaa Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Barakacyasha iyo dadka Nugul ee dagan Meelaha ay ka jiraan Halista Saamaynta Roobabka

Iyadoona sidoo kole bulshada loogu baaqay ilaalinta nadaafada, Ka feejignaanta waxyeelada Korantada, ka foogaanshiyaha Meelaha biyo mareenada ah xilliga Roobabka iyo Baaqyo kale.

Kulanka kadib waxaa warbaainta qaranka la hadashay gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan Maxamed, Waxayna Dadka daggan Togagga, Biyo Mareenada, Wabiyaha iyo meel kastoo halista daadka ay ka jirto ugu baaqday inay ka dheeraadaan xilli roobaadyada.

Marwo Safiya Xasan Maxamed Gudomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaash Qaranka ayaa sidoo kole iclaamisay Shirweyne ay isugu imaanayaan Hay’addaha Dowladda iyo Dowlad goboleedyada ee ka shaqeeya Arimaha Qaxootiga Barakacyaasha iyo Sidoo kole Hay’adaha Caalamiga ee shaqeeya Gargaarka Barakacyaasha, qaxootiga iyo dadka Nugul. Waxayna guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqday inay is Caawiyaan.

 

NCRI NCRI NCRI NCRI NCRI NCRI NCRI