Home Blog Page 329

Wasiirka gaadiidka XFS oo Sacuudiga kaga qayb galay shirka horumarinta iyo gaadiidka badaha

0

Wasiirka Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda JFS Amb. Cabdullaahi Axmed Jaamac ayaa maanta Magaalada Jeddah ee Dalka Sucuudiga uga qayb galay shirka horumarinta iyo adkaynta arrimaha gaadiidka badaha, Dekadaha iyo isbeddalka Cimillada kadib martiqaad uu ka helay dhiggiisa Wasiirka Wasaarada Dekadaha ee Dalka Sucuudiga.

Shirka oo socon doona maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in uu Wasiirku qudbad ka jeediyo.

Hay’adda UNHCR oo sheegtay in dad gaaraya 1.8 milyan oo horleh ay ka Barakici doonaan Suudaan dhamaadka sanadkan

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa bayaan ay soo saartay galinkii danbe ee shalay ku sheegtay in dad ka badan 1.8 milyan oo qof ay ka qaxi doonaan Suudaan, dhamaadka Sanadkan, kuwaa oo la maleynaya inaay u kala firxan karaan ilaa shan wadan oo deris la ah dalkaasi.

UNHCR, ayaa codsatay in la uruuriyo hal bilyan oo doollar si loogu caawiyo dadka qaxay ee laga soo sheegaya xaalado noolal xumo oo kala duwan.

Sidokale, Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ayaa sheegay in kumanaan qof ay soo gaareen xarumaha lagu qaabilo dadka  soo barakacay ee Koonfurta Suudaan, iyagoo intaa ku daray in qaar badan oo ka mid ah dadkaasi ay xanuuna kala duwan la dalaa dhacayaan.

Afhayeen u hadlay Hay’adda UNHCR, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, inay muhiim tahay in la ururiyo hal bilyan oo doolar si gargaar deg-deg loogu sameeyo qaxootiga dheeraadka ah ee la filaya in xeryaha barakacayaysha ay soo gaaraan ilaa dhamaadka bisha December ee soo socota.

 

Ciidamada Xoogga iyo Daraawiishta Galmudug oo howlgallo Qorsheysan ka fuliyay koonfurta mudug

0

Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka ayaa saaka howlgallo Qorshaysan ka fuliyay dhulka miyiga ah ee u dhaxeeya Degaanada Qeycad iyo shabeeloow ee koonfurta Gobolka mudug.

Dhulkan miyiga ah ayaa ahaa meelo ay khawaarijtu ku dhuumaalaysanyeen ayana ku dhibaatayn jireen Shacabka Soomaaliyeed ee halkaasi degan.

Gaashaanle Cabdiraxmaan Nuur Sahal sheekeeye iyo Abaanduulaha Guutada 27 ee Abu-dujaana ee Ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Cabdulaahi Xuseen, ayaa howlgalka dib la hadlay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanka, isagoo sheegay in maalmaha soo socda ay dardar galin doonaan howlgalada lagu ciribtiraya Khawaarijta.

 

Ruushka oo sheegay inay soo rideen diyaaradaha aan duuliye lahayn oo laga leeyahay Ukraine

Wasaaradda Difaaca Ruushka, ayaa subaxnimadii hore ee Saakay ku dhawaaqday inay soo rideen diyaaradaha aan duuliye lahayn oo ay leedahay Ukraine, kuwaasi oo uu hadafkooda ahaa inay duqeymo ka geystaan magaalada Moscow.

Sarakiisha Difaaca Cirka ee Ruushka, ayaa sheegay inay burburiyeen tiro kamid ah diyaaradaha aan duuliye lahayn oo ay Ukraine damacsaneed inay duqeymo kaga geystaan Moscow subaxnimadii hore ee Saakay.

Wakaaladaha wararka Ruushka ayaa sheegtay in laga sii war hayay weerarkan sidaana  inta badan duulimaadyadii Diyaaradaha afarta Garoon ee caasimada loo weeciyay waqti ka duwan kii kolkii hore loo asteeyay.

 

Hoggaamiyaasha Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi oo kulan Xasaasi ah yeelanaya

Sida uu sheegay Mareykanka, Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa yeelanaya kulan ay kaga wadahadlayaan sidii Moscow ay u heli laheed hub ka caawiya dagaalka Ukraine.

Hadalka ayaa yimid kadib markii Aqalka Cad uu toddobaadkii tegay ka digay in Ruushka uu wada-hadallo sir ah kula jiro Kuuriiyada Waqooyi si uu u helo hub.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka John Kirby ayaa toddobaadkii tegay sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay gantaallo siisay Ruushka sanadkii tagay ee 2022, kuwaas oo ay isticmaaleen kooxda gaarka loo maamulo ee Wagner, balse hadalkaasi Kuuriyada Waqooyi way beenisay.

Hadalkan ayaa soo baxay ka dib markii wasiirka difaaca Ruushka Sergei Shoigu uu bishii tegtay u safray Kuuriyada Waqooyi, isaga oo sida la sheegay hub dheeri ah u raadinaya dagaalka ay kula jiraan Ukraine, sida uu sheegay Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka.

 

𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐄 𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈 𝐗𝐀𝐀𝐒𝐇𝐈 𝐎𝐎 𝐊𝐀 𝐓𝐀𝐂𝐒𝐈𝐘𝐄𝐄𝐘𝐄𝐘 𝐆𝐄𝐄𝐑𝐈𝐃𝐀 𝐌𝐀𝐑𝐗𝐔𝐔𝐌 𝐀𝐗𝐌𝐄𝐃 𝐍𝐀𝐀𝐉𝐈 𝐒𝐀𝐂𝐀𝐃.

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Marxuum  Axmed Naaji Sacad oo ku geeriyooday Magaalada London.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa xusay in Marxuum Axmed Naaji Sacad uu ahaa abwaan, Fannaan, mulaxamiiste iyo dhaqan yaqaan door weyn ka soo qaatay horumarinta fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, si kor loogu qaado wacyiga bulshadeenna.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Naaji Sacad, waxa uu dalkiisa iyo dadkiisa u soo adeegayey muddo dheer, gaar ahaan dhinacyada fanka, suugaanta iyo horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed, waxaana Abwaanka lagu yaqaanay waddaniyad iyo dal jacayl, isaga oo door lama illaawaan ah ka qaadan jiray wacyigelinta bulshada, nabadaynta, dowlad-dhiska, kalatagga iyo aayo-xumada colaadaha”

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada, bahda fanka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

 

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA AXMED NAAJI SACAD

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada, bahda fanka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay abwaankii iyo fannaankii Soomaaliyeed ee Marxuum Axmed Naaji Sacad.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu kaalin weyn uga jiray fanka Soomaaliyeed, isaga oo doorweyn ka qaatay sare u qaadida fanka, suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa tiirarkiisa.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Axmed Naaji Sacad oo magac iyo miisaan ku dhex lahaa bahda fanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu Alle u weydiiyey marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa.

Safiirka JFS ee Dalka Shiinaha oo ka qeyb galay daah-furka shirka warbixinta horumarka caalamiga ah ee 2023

0

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane, ayaa magaalada Beijing kaga qayb galay munaasabadda daahfurka shirka warbixinta horumarinta caalamiga ah ee 2023, (the Global Development Report 2023).

Xafladan oo ay soo qaban qaabisay xarunta aqoonta caalamiga ah ee magaceeda loo soo gaabiyo (CIKD), ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ka kala socday Dawladda, hay’adaha caalamiga ah iyo khubaro ka socotay hay’adaha cilmi-baarista (think tank experts).

Warbixinta Horumarinta Caalamiga ah waa hindise ka soo baxay wada-hadallada heerka sare ah ee horumarinta caalamiga ah oo diiradda saaraya wadaaga aragtida Shiinaha ee caqabadaha horumarinta caalamiga ah iyo talooyinka siyaasadda.

Warbixinta 2023, waxa ay sahmineysaa dulucda “hormarka caalamiga ah ee isgoysyada taariikhiga ah (Global development at a historic crossroads), waxaana loo qaybiyaa laba qaybood, qiimaynta horumarka, caqabadaha, iyo isbeddelada horumarka caalamiga ah, iyo sahaminta arrimaha muhiimka ah.

Joogitaanka danjire Kullane ee munaasabadda ayaa muujineysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay iskaashiga iyo sidii ay fikrado ugu yeelan lahayd istiraatijiyadaha horumarinta caalamka. Wuxuu wada hadal la yeeshay la taliyayaal caalami ah, wakiilo ka socday dowladda, iyo khubaro, isagoo la wadaagay aragtida Soomaaliya iyo sahaminta fursadaha iskaashiga ah ee hiigsiga horumar waara.

Ugu dambeyntii, Dr. Changwen Zhao, oo ah guddoomiye ku xigeenka fulinta ee CICD, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay ka soo qeybgalka Danjire Kullane, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay joogitaanka Soomaaliya iyo ka qeyb qaadashada doodda caalamiga ah ee horumarinta. Waxaana shirka lagu muujiyay sida fir-fircoon ee Soomaaliya shirka uga muuqatay iyo sida ay ugu heelan tahay in ay wax ka qabato caqabadaha adag ee soo wajaha.

Wasaaradda warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeysay geerida fanaan ustaad Axmed Naaji Sacad

0

Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska, Wasiirku Xigeenka, Agaasimaha Guud, Agaasimayaasha Wasaaradda Iyo shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS Waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo Hoboladda Qaranka ee Waaberi oo uu ka baxay Allah ha u naxariistee Marxuum Al Fanaan Ustaad Axmed Naaji Sacad oo ku geeriyooday magaalada London ee Boqortooyada Ingiriiska.

Marxuumka waxaa uu ka mid ahaa aasaaseyaasha iyo udub dhexaadka fanka Soomaaliyeed, gaar ahaan hobalada qaranka ee Waaberi.

Ilaahay ha naxariisto, Jannatul Fardowsa Allah ha ka waraabiyo, qoyskii iyo ehelkii iyo ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan Allah ha ka siiyo.

Innaa Lillahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

AAMIIN

 

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhagax dhigay dhismaha wadda Interlock ah

0

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa dhagax dhigay dhismaha wadda Interlock ah oo laga hirgalin doono suuqa Xariyaale ee degmada Warta Nabadda.

Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda Seynab Maxamud Warsame Xaabseey ayaa tilmaamtay in dhismaha waddan ay muhiim ah tahay isku socodka gaadiidka iyo bulshada islamarkaana ay qeyb ka tahay mashaariicda dib udhiska la xariira ee degmada ka socda.

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa kula dardaarmay bulshada Caasimadda in ay xoojiyaan kaalinta lagu horumarinaayo bilicda Caasimadda gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha.