Madaxweyne Xasan Sheekh :Waxaan dhiseynaa Maktabad Qaran oo lagu xusuusa doono Prof. Jawaari, wasiirka waxbarashada ayaa arintaas u xil-saaran

Date:

-Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa ballan qaaday in Maktabad Qaran loo dhisayo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari oo ku geeriyooday Muqdisho.

“Waxaan dhiseynaa Maktabad Qaran oo lagu xusuusa doono Prof. Jawaari, wasiirka waxbarashada ayaa arintaas u xil-saaran, waa uu joogaa caawa, waxaana farayaa inuu dhulkii keeno, waa dhiseynaa, hadii guri dhisan la helana kaba sii fiican.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha oo ka qeyb galay Munaasabad lagu xusay Madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya AUN Aadan Cadde ayaa intaa hadalkiisa ku daray ahmiyadda ay leedahay weyneyta dadka shaqada fiican u soo qabtay dalka in la helo meel lagu xuso magacyadooda si aysan u lumin.

“Qofkii garoonka Aadan Cadde ka soo dega wuxuu dhahaa magacaan muxuu ahaa? Si lamid ah qofkii Buug ka iibsaday Maktabadda Jawaari waa inuu dhahaa magacaan muxuu ahaa, si loo baro halyeygaas abaalka gashaday umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...