Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka qayb galay aaska qaran ee guddoomiye jawaare

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan madaxda kale ee Qaranka ayaa ka qayb galay Aaska Qaran ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu door taariikhi ah ka soo qaatay dowlad-dhiska, horumarinta dalka iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya, isaga oo mas’uuliyado kala duwan ugu soo adeegay dalkiisa isla markaana ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska dowladnimadeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen madasha janaasada, isaga oo Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowsa.

Salaadda Janaasada Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa ka qayb galay, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka,l iyo mas’uuliyiin kale.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan

Abaalmarinta Waaxda Caddaaladda dowladda Maraykanka waxay bixineysaa abaalmarin gaareysa...

Senator Maxamed Cismaan Majiino oo laascanood kulan wadatashi ah la qaatay hoggaanka dhaqanka iyo waxgaradka

Senator Maxamed Cismaan Majiino oo ka mid ah masuuliyiinta...

Shirweynaha dhameystirka dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo oo maalintiisa labaad galay

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku guda jirto dhameystirka dhismaha...

Danjire Jabriil oo booqasho shaqo ku tagay gobalka Lamu

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa qayb ka ahaa wafdi...