Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ku qabsoomay xarunta guddoonka Iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka furay,ayaa ugu horeyn xubnaha Guddiga Joogtada u faahfaahiyay safaro mudadii uu goluhu xirnaa ku tagay dalka Turkiga halkaas oo uga qeyb galay shir caalami ah oo arrimaha Falastiin looga hadlayay isaga oo sheegay in shirkaasi Soomaaliya ay ka cadeysay mowqifkeeda ku aadan qadiyada Falastiin.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ayaa faahfaahin ka bixiyay safar isaga Iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku tageen wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti halkaasi oo uu kulamo mira dhal ah kula qaatay dhigiisa dalka Jabuuti iyo madaxda kale ee wadankaasi.

Dhinaca kale Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka warbixiyay safar uu ku tagay Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya halkaas oo uu uga qeyb galay kulankii 17-Aad ee guddoomiyaaasha baarlamaanada wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa (EAC), kaasoo looga hadlayay xalinta caqabdaha hortaagan horumarinta ajendayaasha ururka, waxaana Guddoomiyaha uu shirkaasi ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayay muhiimadda Soomaaliya ay u leedahay ku biirista ururka gaar ahaan kaalinta kaga aadan Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa sheegay in laga maarmaan ay tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo xulo xubnaha Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa (EAC).

Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ka dooday furitaanka kalfadhiga shanaad ka dib ajendayaasha horutabinta u leh fadhiyada guud ee Golaha Shacabka, waxaana Guddoomiyaha oo kulanka soo xiray uu kula dardaarmay xubnaha Guddiga Joogtada ah in ay xooga saaraan howlaha baaxada leh ee Golaha horyaala kalfadhiga shanaad si looga shaqeeyo shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimo ee dalka.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...