Home Blog Page 324

Maareeyaha guud ee HDRS; “ Soomaaliya waxay ku dhowdahay inay sameyso taariikh cusub.

0

-Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Soomaaliya (HDRS), Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa ku dhawaaqay inuu dalka ku dhowyahay inuu qaado tallaabo kale oo ah horumarinta dhinaca duulista, isagoo ka warbixinnayay socdaal ay caasimadda Muqdisho ku soo gaareen khuburo ka socota Hay’adda Bedqabka iyo Amniga ee Duulista Rayidka ee Bulshada Bariga Afrika ( EAC-CASSOA).

Saraakiisha ka socota EAC-CASSOA, ayaa ujeeddda socdaalka ay muddo ka badan toddobaad ku joogaan Muqdisho waxay la xiriirta sidii ay u sameyn lahaayeen qiimeyn iyo ukuur-gelida sida ay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ugu diyaar garoobi lahayd inay marto kormeerka (AUDIT) Hay’adda Caalamiga ah ee Duulista Rayidka Adduunka ee ICAO.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin ayaa sheegay haddii uu dalka ka gudbo kormeerka (ICAO Audit), inay noqonaysa guul muhiimka iyo taariikh horleh oo uu dalka ka sameeyay kormeerka ICAO oo nidaamka Duulista Rayidka Qaranka aan horey loo marin, wuxuu intaa ku daray in hadda khuburada ka socota Hay’adda Bedqabka iyo Amniga ee Duulista Rayidka ee Bulshada Bariga Afrika inay gacan ka geysan doonaan sidii ay u qiimeyn lahaayeen heerka kormeerka , waxyaabaha dhiman iyo arrimaha ay tahay in la horumariyo ka hor ICAO Audit.

“Haddii dalkeennu ku baaso kormeerka iyo qiimeynta ICAO, nidaamkeenna Duulista Rayidka wuxuu gaaraya heerka ugu sarreeya ee caalamiga ah , waxayna diyaaradaha ka diiwaangashay dalka awood u yeelanayaan inaysan sameyn karaan duulimaadyo caalami ah oo ay ku tagi karaan caalamka oo dhan.” ayuu ku daray Maareeyaha guud ee HDRS , Mudane Axmed Macallin oo tilmaamay isku duubnimada dhammaan laamaha Duulista Rayidka ee dalka inay fududeyn doonto natiijo wanaagsan oo laga gaaro kormeerka ICAO.

  1. Ugu dambeyntii, Maareeyaha Guud ee HDRS , Mudane Axmed Macallin wuxuu sheegay in khuburada ka socota Hay’adda Bedqabka iyo Amniga ee Duulista Rayidka ee Bulshada Bariga Afrika ( EAC-CASSOA) baaritaannada iyo qiimeynta ay ka sameynayaan waaxyaha HDRS inay ka soo saari doonaan warbixin la xiriirta sida ay natiijo guul ah Soomaaliya uga gaari karto kormeerka ICAO ee dhinacyada bedqabka iyo amniga duulista.

Ra’iisul Wasaare XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Koonfurta Kuuriya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay dalka Koonfurta Kuuriya, iyaga oo ku sii jeeda magaalada Seoul oo ay uga qaybgali doonaan shir madaxeedka Jamhuuriyadda Koonfur Kuuriya iyo Afrika, oo qabsoomaya 4 – 5 Juun.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliy

0

-Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, waxana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga walaalnimo ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka.

Wasiirka oo uga mahadceliyey taageerada walaaltinimo ee ay siiyaan Soomaaliya, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo, iyada oo mudnaanta la siinayo tayeynta iyo tababarrada ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, si ay u xaqiijiyaan amniga iyo xasillinta dalka.

Dhankiisa, Danjire Aktaş oo ugu hambalyeeyey Wasiirka Amniga masuuliyadda loo igmaday, ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii xoojin doonto taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada amniga oo mudnaan gaar ah u leh dalka.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Nairobi kulan muhiim ah kula yeeshay Agaasimaha Bangiga Adduunka u qaabilsan Soomaaliya

0

-Wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Nairobi kulan muhiim ah kula qaatay Agaasimaha Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Rwanda Mr. Keith Hansen iyo Wakiilka Xafiiska Soomaaliya ee Bangiga Adduunka Kristina Svensson.

Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray horumarinta mashaariicda Bangigu ka fuliyo Soomaaliya oo ah kuwo waxtar u leh, Dowladda iyo Bulshada intaba, sidoo kale waxaa laga wada hadlay kadib barnaamijkii deyn cafinta, sidii loo ballaarin lahaa taageerada uu siiyo Dowladda Soomaaliya.

Bangiga Adduunka ayaa ka mid ah hey’adaha caalamiga ah ee sida joogtada ah u taageera Dowladda Soomaaliya, waxa uuna ku leeyahay mudnaan gaar ah gudaha dalka Soomaaliya.

 

 

Wasiirka Amniga Gudaha XFS ayaa la kulmay Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, waxana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga walaalnimo ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka.

Wasiirka oo uga mahadceliyey taageerada walaaltinimo ee ay siiyaan Soomaaliya, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo, iyada oo mudnaanta la siinayo tayeynta iyo tababarrada ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, si ay u xaqiijiyaan amniga iyo xasillinta dalka.

Dhankiisa, Danjire Aktaş oo ugu hambalyeeyey Wasiirka Amniga masuuliyadda loo igmaday, ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii xoojin doonto taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada amniga oo mudnaan gaar ah u leh dalka.

Ra’iisul wasaaraha XJFS oo daahfuray barnaamijka “Hooyo u Hiilli Qarankaaga,”

0

:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daahfuray barnaamijka “Hooyo u Hiilli Qarankaaga,” kaas oo lagu muujinayo kaalinta muhiimka ah ee hooyooyinka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin amniga iyo xasillinta dalka.

Mudane Xamsa, ayaa si qoto dheer uga hadlay sida ay haweenku u yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee dhisidda nabadda iyo amniga, waxuuna tilmaamay in Hooyooyinku ay leeyihiin awood gaar ah oo ay ku baraarujiyaan bulshooyinka, una horseedaan xasillooni iyo is-aaminaad.

Waxa uu sheegay in kooxaha Khawaarijta ah iyo qabylaaddu ay yihiin hooyada danbiyada iyo xumaanta, loona baahan yahay in wadajir loogu istaago ciribtirkooda, isaga oo ku adkeeyey hooyooyinka Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaataan sidii guryaha looga soo saari lahaa kuwa danbiyada geysanaya ee ku dhex dhuumanaya shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay haweenka Soomaaliyeed in ay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan dagaalka Khawaarijta, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay diyaar u tahay in ay taageerto haweenka, si ay u gaaraan himilooyinkooda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in hooyooyinku ay yihiin furaha horumarinta iyo badbaadada Qarankeenna. Wuxuuna ugu baaqay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada in ay garab istaagaan hooyooyinka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabad ah oo horumarsan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo aqalka dowladda hoose kusoo dhaweeyay Xildhibaan Maxamed Caddow

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kusoo dhaweeyay Xildhibaan Maxamed Caddow oo ka tirsan Barlamaanka dalka Kenya, kaasi oo maalamahaan booqasho ku jooga Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Maxamed Caddow oo ay wehliyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa waxa uu Duqa Muqdisho ugu mahadceliyay soo dhaweynta diiran ee loogu sameeyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, asigoona warbixin la xariirta horumarada ka jira caasimadda ka dhageystay Duqa Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku amaanay Xildhibaanka doorka uu kaga jiro Siyaasadda dalka Kenya iyo matalaadiisa Gobolka uu kasoo jeedo, asigoona dhinaca kale ugu baaqay in uu ka shaqeeyo isku xirka dadka Soomaaliyeed iyo Dowladda Kenya.

Wasiirka Amniga gudaha oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxa howlgalka IOM ee Soomaaliya

0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane AAbdullahi Sheikh Ismail – Fartaag ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxa howlgalka IOM ee Soomaaliya Frantz Celestin, kaas oo ay yeesheen wadahadal miro dhal leh.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray doorka ay IOM ku leeyihiin xasillinta, maareynta socdaalka, iyo dadaallada amniga xuduudaha,wasiirka Amniga Gudaha oo uga mahadceliyey taageeradooda, ayaa sheegay in xoojinta daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka laamaha amniga iyo cadaaladda ay sare u qaadayso kalsoonida shacabka iyo waliba adeeg bixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga Dalka oo fashiliyey Miino ay khawaarijta ay ku Aaseen meel waddo ah

0

:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaar ahaan Ururka 26-aad Guutada 6-aad Qaybta 60-aad CXDS ayaa fashiliyey Miino ay khawaarijtu ku aaseen waddo aada dhinaca Beeraha Magaalada Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Miinadan ayey khawaarijtu damacsanaayeen in ku dhibateeyaan Shacabka Beeralayda ah ee ku dhaqan Buula Mareer balse damacii khawaarijta waxa hal bacaad lagu lisay ka dhigay geesiyaal ka mida Ururka 26-aad Guutada 6-aad qaybta 60-aad ee sugan Magaalada Buulo Mareer, kuwaas oo si nabad ah ku soo bixiyey Miinadii kana badbaadiyey Shacabka sida uu Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida u xaqiijiyey,Taliyaha Ururka 26-aad Guutada 6-aad Qaybta 60-aad CXDS Dhamme Faarax Xiirsi Cabdulle

Howlgal qorsheysan oo laga fuliyay gobolka Bari ee Soomaaliya

0

-Ciidanka Qaranka oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah gaar ahaan Mareykanka ayaa howlgal lagu dhabar jabiyay kooxda argagaxisada ee Daacish ka fuliyay gobalka Bari ee Puntland.

Howlgalka oo qeyb ka ah dagaalka lagu ciribtirayo argagaxisada ayaa waxaa jab loogu geystay maleeshiyada Daacish oo halkaas isku uruursaneysay.

Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin doonta qasaaraha dhabta ee gaaray argagaxisada.