Wasiir Maareeye “Dadka Beeralayda ah waan inaan ka caawino,tacbashada Beeraha” 

Date:

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo kulan wadahadal ah la qaatay Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in u jeedka socdaalkoodu la xiriiro fulinta qorsho howleedyo ku aadan sidii loo heli lahaa wada shaqeyn dhexmarta Beeraleyda Soomaaliyeed iyo Dowlad Goboleedyada.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, ayaa sheegay in Dowladda ay ka shaqeyneyso sidii Beeraleyda ay u heli lahaayeen qalab iyo in laga saacido xagga maalgalinta iyo ka hortagga Cayayaanada ee saameynta ku yeesha nuucyada kala duwan ee dalagyada.

Socdaalkaan oo ah kii labaad ee madaxda Wasaaradda Beeraha ay ku tagaan Magaalada Baydhabo, ayaa loogu magacdaray socdaalka tacbashada Beeraha iyo la qabsiga is badalka cimilada,iyadoo horay loo soo maray deegaanka Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...