Home Blog Page 323

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maanta dhagax dhigay dhameystirka dhismaha wadda Laami ah oo dhaxmarta Degmada Kaxda

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhameystirka dhismaha wadda Laami ah oo dhaxmarta Degmada Kaxda, iyada oo dhagax dhigan ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir.

Waddadan uu dhagax dhigay Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa halbowla u ah isku socodka degmada Kaxda, waxaana jidkaan Laamiga ah lagu dhisi doona masharuuca Dalkaaga ku dhiso Hal dollar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in ay sii socon doonan talaabooyinka wax ku’oolka ah ee lagu horumarinaayo bilicda Caasimadda, si magaalada ay ula tartanto magaalooyinka dhigeeda ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane(Madaale) ayaa sheegay in ay sii socon doonan talaabooyinka wax ku’oolka ah ee lagu horumarinaayo bilicda Caasimadda, si magaalada ay ula tartanto magaalooyinka dhigeeda ah.

Saaxiibbo isla Cabi jiray Xashiishka oo Argagixiso ahaan Loo xukumay

Aadan Maxamed Maxamud Qoslaaye iyo Axmed Xassan Jimcaale Nuur Baariyoow ayaa loo xiray ka mid ahaanshaha Maleeshiyada Khawaarijta una u qaabilsanaayeen Istidlaaca iyo arbushaada Caasimadda iyagoona fuliyay weeraro ka dhacay degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

Aadan Qoslaaye iyo Xassan Baariyoow ayaa ahaa saaxiibbo ku bahoobay balwadda iyo nooc kasta oo maan dooriye ah.

Axmed Xassan jimcaale Nuur Baariyoow Ayaa Maleeshiyada kaga biiray deegaanka Ceelasha Biyaha 2010 waxuuna muddo bil ah tababar la xiriira sahanka iyo jaasuusnimada ku qaatay isla deeganka Ceelsha Biyaha

Axmed Baariyoow ayaa loo wareejiyay kooxda amniyaadka waxa uuna kaga sii bedeshay kooxda qaabilsan kala gudbinya agabka muhiimka u ah kooxda.

Mar kale ayuu sanadii 2012 u bedeshay qeybta istidlaaca ee Muqdisho isagoo adeegsanaaya Magaca Cubayd.

Waxa uu qeyb ka noqday Sahminta dilal iyo weeraro arbushaad ah oo ka dhacay Caasimadda, waxa uuna mushaar ahaan u qaadan jiray 50$ bishii.

Aadan Maxamed Maxamuud Qoslaaye Ayaa Maleeshiyada khawaarijta kaga biiray Muqdisho sanadkii 2022 waxaana ku tashkiiliyay Baariyoow oo aay saaxiibbo ahaayeen.
Aadan Qoslaaye isagoo aan wax mushaar iyo tababar ah qaadan ayuu saxiibkii Baariyoow kala shaqeenaayay qeybta Sahminta.

Qoslaaye ayaa ku fogaaday isticmaalka maan dooriyaha noocyadiisa kala duwan xitaa isagoo dhaawac ah kama baaqsan cabista Xashiishka oo ay si wadajir ah u wada cabi jireen saxiibkiis Baariyoow.

Waxa uu sahminyay weerar arbushaad ah oo loo adeegsaday qoriga RBG bar koontarool ee ciidanka amniga ku lahaayeen isgoyska Taleex.

Baariyoow iyo Qoslaaye ayaa laga soo kala qabtay Taleex iyo Suuqa Bakaaraha Laba iyo Tabaatankii bishii December ee 2022.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudaynta kiiskan waxaana laga ogolaaday Afar iyo Tobankii a bishii August ee sanadkan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku kala xukuntay.

Axmed Xassan Jimcaale Nuur Baariyoow 15 Sano oo Xabsi ciidan ah, halka Aadan Maxamed Maxamud Qoslaaye isna lagu xukumay 5 Sano oo Xabsi ciidan ah.
Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Abdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xilidhibaan Marwa Cabdi Bashiir oo kulan la qaadatay guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti

0

Xilidhibaan Marwa Cabdi Bashiir ayaa kulan la yeelatay madaxweynaha baarlamaanka jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Dileeta Maxamed Dileeta, kulanka ayaa ahaa sida ay dowladda Soomaaliya u hanan laheed hoggaanka guddoomiyaha Midowga madaxweynaha  Adduunka oo lagu wado doorashadiisa sanadkaan la qabanayo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadam Maxamed Nuur “Madoobe” ayaa u diray dhiggisa Dileeta Maxamed Dileeta codsi ah in lagu taageero Xildhibaan Marwa Cabdi Bashiir oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, una sharaxan xilka Midowga  madaxweynaha  Adduunka,xilkaan ayaa u sharaxan afar dowladood oo Afirka kala ah Soomaaliya, Tanzaaniya ,Senegal, Malawi.

Wasiirka Gaashaandhigga ”Ceel la-helay iyo Ceel-garas waa xor shacabku waa in ay dib ugu soo laabtaan”

0

Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ku sugan magaalada Ceel la-helay ee gobalka Galgaduud ayaa ugu baaqay Shacabka Khawaarijta ay sida qasabka ah uga saareen Guryahooda magaalooyinka Ceel la-helay iyo Ceel-garay inay dib ugu soo laabtaan.

Wasiirka ayaa sheegay ciidanka Qaranka iyo guud ahaan dowladda inay u taagantahay caawinta iyo garab istaaga dadka deegaanka oo ay dib u dhigeen Khawaarijta.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale aad u bogaadiyay Geesiyaasha dadka deegaanka ee sida buuxda u garab taagan Ciidanka Qaranka oo guulo waa weyn ka gaaray dagaalka Khawaarijta.

 

Howlgal ay ciidanka xoogga dalka ka fuliyeen deegaanno hoostag Magaaladda Kismaayo

0

Ciidanka kumaandooska Danab iyo Darwaashita Jubbaland ayaa hawlgal wada jir ah oo ay ka fuliyey kaas oo ujeedkiisu ahaa sidii  deegaanada dhaca galbeedka magaalada Kismaayo looga sifayn laha haraadiga maleeshiyadka Khawaarijta ah ee halkaas ku dhumaaleysanaya.

Deegaanada howlgalka u ka dhacay ayaa waxaa ka mid ah Barjala,Dharkayn urur,Sariiraha,Orgiyow,Yaaq caleen iyo Aboodin kuwaa oo dhamaantood ay ka sameeysteen ciidamada talisyo ay ugu tala galeen in halkaas ay ka sugaan Amniga deegaannaadan ay ciidamadu saldhigayda ka sameysteen.

Maleeshiyaadka naflacaariga ah ee Khawaarijta Al- shabaab ayaa halkaasi isku uruurusanayay todobaadyadii lasoo dhaafay waxaan ay ka sameysay godod ay ku dhagrayeen dadka shacabka ah iyagoo doonayay in ay ku aasan Qaraxyo si ay waxyeelada dadka ay u siyaadiyaan.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dowladda goboleedka Jubbaland ayaa ka war helay oo ka hortagay dhagarta ay maleegayaan haraadiga nafla caariga ah ee Khawaarijta Al-shabaab ay ka wadda deegaannaada aan kor ku soo xusnay,waxaan halkaas ay ka sameyeen ciidanka howlgal looga sifaynayo.

Isku dayga ay ku doonayeen maleeshiyaadka in ay shacabka ku hagar daameyaan wadooyinka halbowlaha u ah deegaanadaa oo ah kala bare Degmada Afmadow iyo Degmada Kismaayo ayaa noqday mid aan u suurta galin oo ay ka hortageen ciidanka xoogga dalka.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa maamul goboleedayada Galmudug,Hirshabeelle,Jubbaland iyo Koonfur galbeed ayaa waxaa ay waddeen dadaalo lagu doonayo sidii dalka looga xoreyn lahaa haraadiga maleeshiyada Khawaarijta ah ee Al-shabaab ee ku dhumaaleysanaya qaybo ka mid ah gobolada dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Maareeyaha hay’adda aqoonsiga iyo diiwaan gelinta Qaranka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa xarunta gobolka Banaadir kulan kula qaatay Maareeyahaya Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Mudane Cabdiweli Timacade.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd is-xogwareysi iyo u diyaar garawga Shirwaynaha iyo daah-furka Kaarka Aqoonsiga oo16-ka bishan September ka qabsoomaya magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqaynta Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Iyo Gobolka Banaadir.

Ciidanka xoogga oo howlgal ku dilay horjooge ka tirsanaa khawaarijta

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan saaka aroortii ku dilay madaxii maaliyadda Khawaarijta ee Gobalka Baay Aadan gardhuub iyo Maleyshiyaad uu watay.

Howlgalka oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ururka 46-aad, guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee Ciidanka xoogga dalka Xiddigle, Xasan Aadan Maxamed ayaa laga fuliyey degaanada kala ah Adeegow Garaar ,Warta Dollar , Weeley Bagal iyo Eey-Duuraay ee Gobalka Baay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daahfuray Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daahfuray Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya oo ay hirgelintiisa Dowladda Soomaaliya ka taageereyso Dowladda Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hadal ka jeediyey xafladda daahfurka ayaa sheegay in hirgelinta Sanduuqa TPSS uu marag u yahay ahmiyadda ay Xukuummada #DanQaran siineyso soo-celinta addeegyada dowladnimo ee muddada dheer ka maqnaa dalka, si loo gaaro nabad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Sanduuqa TPSS ku tilmaamay hindise togan oo looga golleeyahay in uu qaabeeyo mustaqbalka Qaranka, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda Talyaaniga kaalinta ay ka geysatey taabbagelinta Sanduuqa TPSS.  Wuxuuna beesha caalamka ku guubaabiyey in ay si weyn uga soo dhalaalaan sidii  hindisahani u noqon lahaa mid miro dhala.

Danjiraha Talyaaniga u jooga Soomaaliya, Alberto Vecchi oo munaasibadda hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday sida ay Talyaaniga uga go’an tahay taageeridda nabadda iyo xasilloonda Soomaaliya, taas oo uu sheegay in ay fure u tahay horumar iyo barwaaqo dalku gaaro.

Danjire Vecchi ayaa sidoo kale ballanqaaday in Talyaanigu sii wadi doono taabbagelinta Sanduuqa TPSS, si loo xaqiijiyo in dowladdu adeeg dhinacyo badan leh u fidiso dadweynaha Soomaaliyeed.

Munaasibadda daahfurka Sanduuqa TPSS oo lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socdey Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga, Diblomaasiyiin, qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobey iyo ururrada ka shaqeeya dhanka horumarinta.

Barnaamijkan ayaa looga golleeyahay in lagu dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida dalka, islamarkaana lagu xoojiyo taadeegyada ay bixiyaan hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Warafaafinta: Dalxiiska wuxuu qayb ka qaadan karaa dib u heshiisiinta iyo is-dhex galka bulshada

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, mudane Daauud Aweys Jaamac ayaa furay munaasibadda maalinta Qaran ee Dalxiiska.

Wasiir Aweys ayaa sheegay in dalxiiskii dalka uu ku yimid burbur soddonkii sano ee lasoo dhaafay, balse ay muuqdaan ifafaallooyin aad u qurux badan, maaddaama ay ka wada socdaan dib u dhis xooggan iyo dib u xorayn.

Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in ay dowladdu dhowaan samaysay daraasad ku aaddan sidii dib loogu soo noolayn lahaa dalxiiskii dalka.

Dalxiiska ayuu sheegay in uu qayb ka qaadan karo dhaqaalaha dalka, horumarinta shaqa abuurka, dib u heshiisiinta iyo is-dhex galka bulshadeenna.

Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya ay leedahay kheyraad fara badan oo dhinaca dalxiiska ku wanaagsan, dhammaan gobollada dalkuna ay leeyihiin goobo u diyaarsan dalxiiska una baahan oo keliya maalgashi in lagu sameeyo.

Wasiir Aweys ayaa u bogaadiayay una mahad celiyay shirkadaha maxalliga ah ee u istaagay soo noolaynta dalxiiska dalka, kuwaas oo daboolay inta badan shaqadii looga baahnaa hay’adaha dowladda.

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya iyo hay’adaha waddaniga ah ee ka shaqeeya dalxiiska ayaa isu diyaarinaya xuska 13-ka Septembar oo ah maalinta dalxiiska Soomaaliya.

 

Duqa Muqdisho oo qaabbilay Safiirka Talyaaniga u joogo Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay safiirka jamguuriyada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alberto Vecchi, iyada oo kulankan ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka Gobolka Banaadir iyo taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa looga hadlay arrima ay kamid yihiin xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac, dardargalinta mashaariicda ay dowladda talyaaniga uga qeyb qaadaneyso horumarinta Caasimadda gaar ahaan dib udhiska kaabayaasha dhaqaalaha.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale iyo Safiirka Talyaaniga Mr. Alberto Vecchi ayaa kormeer socod ah ku tagay dhismaha taalada darjiinka arbaca Rukun iyo xarunta Kaasa Itaaliya ee degmada Xamar Weyne oo dhawaan ay soo codsatay Safaarada Dowladda Talyaaniga oo milkiyada dhulkaasi iyagu lahaa.