Madaxda dunida oo cambaareeyay isku day dil oo lala beegsaday Donald Trump

Date:

Hoggaamiyayaasha dunida ayaa taageero u muujiyay madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Mr.Donald Trump, ka dib markii la isku dayey in lagu khaarajiyo isu soo bax ka dhacay Pennsylvania.

FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay in ay dileen Thomas Matthew Crooks oo 20 sano jir ah,kadib kolkii uu isku dayey in uu dilo Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Mr Trump ayaa la sheegay in uu soo gaaray dhaawac ku yimid qaybta sare ee dhegtiisa midig waxaana toogashadaas loo geystay ku dhintay hal qof halka labo kalana ay dhaawacyo halis ah kasoo gaareen.

Qoyska madaxweynihii hore ayaa uga mahadceliyay ciidanka iyo dhammaan saraakiisha kale ee fulinta sharciga sida degdegga ah ee ay u qaadeen tallaabada falcelinta ah.

Laga soo bilaabo Yurub , Koonfurta Ameerika iyo Aasiya, hoggaamiyeyaasha adduunka ayaa ka hadlay rabshadaha siyaasadeed ee ka dhashay toogasho lagu dhaawacay madaxweynihii hore ee Mareykanka.

Madaxda dalalka taageerada muujiyay waxaa kamid ahaa Raiisel wasaaraha Britain Keir Starmer , Raiisel wasaaraha Kanada Justin Trudeau, Josep Borrell, oo ah madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Raiisulwasaaraha Hindiya Narendra Modi ,Ra’iisul wasaaraha Japan Fumio Kishida.

Sidoo kale waxaa taageeray madaxda dalalka Hungary, Talyaaniga,Australia, Argentina,Brazil,Chile,Taiwan,New Zealand iyo Israa’iil

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Guddoomay Shahaadada Musharraxnimo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...