Home Blog Page 322

Diyaaradda Air Egypt oo duullimaad ka billaabaysa Muqdisho

0

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda duulista dalka Masar ayaa lagu shaaciyay in Diyaaradda Air Egypt ay Soomaaliya ka billaabeyso duullimaad ay todobaadkii 2 Maaalin ku imaaneyso Muqdisho.

Dowladda Masar ayaa bayaanka ku shaacisay in 11-July la billaabi doono duullimaadyada Soomaaliya, wuxuuna noqon doonaa Qaahira, Jabuuti, Muqdisho.

Danjiraha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Masar, Cali Cabdi Awaare ayaa soo dhaweeyey Bayaanka ka soo baxay Xukuumadda Qaahira , wuxuuna sheegay in tallaabadan ay tahay mid sare u qaadeysa xiriirka iskaashi iyo wadashaqeyn ee Soomaaliya iyo Masar.

Khawaarijta oo Jab xooggan lagu gaarsiiyay Ceeldheer

0

Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo Ciidammada Deegaanka ayaa saakay jab xooggan u geystay Maleeshiyada kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab oo waaberigii hore ee saakay weerar kusoo qaaday fariisimmo ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo deegaanka ku leeyihiin degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Ciidammada ayaa horey u hayey xogta iney maleeshiyaadku Khawaarijtu qorsheynayeen Weerarkan taasi oo keentay in Ciidammada Xoogga Dalka iyo Ciidammada Deegaanka oo aad u feejigan islamarkaana difaacyo uga jira meel ka baxsan fariisimihii lagu yaqiinay ay qaflad ku qabtaan Maleeshiyaadkii qorshahoodu ahaa iney wax dhagraan taasina ay sahashay in Maleeshiyaad badan halkaasi lagu laayo.

Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo la xiriirtay saraakiil ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa xaqiijiyey in Ciidammada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay jab xooggan u geysteen Maleeshiyaadkii Khawaarijta Al-Shabaab oo iyagu dhowr jiho kasoo weeraray magaalada balse badankood Maleeshiyaadka halkaasi lagu dilay islamarkaana hada uu hawlgalka ka socdo duleedka magaalada.

Dowladda ayaa faah faahin ka bixin doonta marka uu soo gebageboobo hawlgalka oo weli socda insha Allah.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 7-da June 2024

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya
Muqdisho, Jimco, 7-da June 2024

1- Soomaaliya oo si rasmi ah ugu guuleysatey mid ka mid ah kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si diiran u soo dhoweeyay ku biiritaanka Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo sheegay in Soomaaliya ay soo ceshatey maqaamkii ay ku lahayd caalamka.

3- Shacabka Soomaaliyeed oo si wadajir ah u soo dhoweeyay in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Antony Blinken, iyagoo ka wadahadley xiriirka labad dal iyo arrimaha gobolka.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Nairobi kaga qeyb galay Shirweynaha Madaxda Afrika iyo Bangiga Horumarinta Qaaradda Afrika ayaa xusay dhibaatooyinka ka dhashay Isbaddalka Cimillada Adduunka ee ka jira dalkeenna, kuwaasi oo ay ka mid yihiin abaaraha, daadadka iyo cimilada sii kululaanaysa.

6- Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Ku-Simaha cusub ee Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo khudbad uu ka jeediyay shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika ayaa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay in Kuuriyada Koofureed iyo dalalka Afrika ay iska kaashadaan dhinacyada ganacsiga, farsamada iyo tiknoolajiyadda.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tagey Balcad kormeer lagu dardargelinayo billawga wajiga saddexaad ee dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa daahfuray barnaamijka “Hooyo u Hiilli Qarankaaga,” kaas oo lagu muujinayo kaalinta muhiimka ah ee hooyooyinka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin amniga iyo xasillinta dalka

10- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Shiikh Aadan Maxamed Nuur”Aadan Madoobe ayaa magaalada Nairobi kaga qeybgaley shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamannada waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka Bariga Afrika ee EAC.

11- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya , Axmed Macallin Fiqi ayaa khudbadii uu ka jeediyay shirka 10-aad ee madasha Shiinaha iyo Carabta oo ka dhacay Beijing , wuxuuna sheegay inay Soomaaliya soo dhaweynayso shirkadaha Shiinaha iyo Carabta, si ay u maalgashadaan fursadaha ka jira suuqyada Soomaaliya.

12- Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada New York kaga qeybgaley fadhiga guud ee 78aad ee Qaramada Midoobay.

13- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinaca amniga.

14- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Nairobi kulan kulan ku saabsan mashaariicda laga fuliyo Soomaaliya la yeeshay Agaasimaha Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Rwanda Mr. Keith Hansen iyo Wakiilka Xafiiska Soomaaliya ee Bangiga Adduunka Kristina Svensson.

15- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa howlgalka IOM ee Soomaaliya Frantz Celestin.

16- Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Izmir ee dalka Turkiga kulan kula yeeshay Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Türkiye, Yaşar Güler.

17- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Soomaaliya Mudane Maxamed Aadam Macalin Cali (Soomaali) ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kula kulmay Mrs. Doreen Bogdan-Martin oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah ee ITU.

18- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ku soo gabagabeeyay shir laba maalmood socday oo looga hadlayey saameynta faafinta wararka been abuurka ah iyo kicinta colaadaha ay ku leeyiihiin nabadda iyo xasilloonida.

19- Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka qeyb galay dood looga hadlayay dadka sida qaldan u isticmaala baraha bulshada ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya marnaba raalli ka ahayn habka xun ee loo adeegsanayo baraha bulshada.

20- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed General Sulub Axmed Firin, ayaa si’ wadajir ah xarigga uga ka jaray qeybta wicitaanada Xarunta Qaran ee hawlgallada gurmadka deg-dega ah ee hay’adda SoDMA.

21- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Md. Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada Baydhabo ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyagoo ka wadahadley dardargalinta mashaariicda aadminimo eel aga hirgelinato Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

22- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam iyo Wasiirka Hawlaha Guud ee Soomaaliya Cabdisalaan Cali Dhaay ayaa magaalada Kismaayo ka dhagax dhigey waddo laami ah oo ay dhismaheeda iska kaashanayaan Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka.

23- Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa gacanta ku soo dhigay shakhsiyaad macaamil la sameeyay kooxda Khawaarijta Al Shabaa boo doonayay inay lacago baad ah siiyaan kooxaha argagixisada.

24- Saddex xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

25- Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa tababar aqoon kororsi ah ugu soo dhammaadey dalka Turkiga.

26- Shirweynaha Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee labada heer ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu qabtey Muqdisho, waxaana shirkaas lagu lafaguray sharciyada hantidhawr ee labada heer.

==============DHAMMAAD==============

adaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay Shir Madaxeedka 23-aad ee EAC

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo habka fogaan aragga ah kaga qayb galay kulanka 23-aad ee aan caadiga ahayn ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa ku bogaadiyey Madaxda dalalka ku bahoobay Ururkaan garab istaagga iyo u qareemidda codsiga Soomaaliya ee ka mid noqoshada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa hadal jeedintiisa ugu horreysay ee Shir madaxeedkaan kaga hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ka dhexeeya waddamada xubnaha ka ah EAC, gaar ahaan dhinacyada nabadda, amniga, ganacsiga, iyo horumarinta dhaqaalaha, isagoo tilmaamay in Soomaaliya dhawaan ay soo direyso wakiilladeeda labada gole ee Baarlamaanka iyo Maxkamadda Caddaaladda Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

“Maanta, Soomaaliya waxa ay u tahay meerto taariikhi ah, inaga oo ka qeyb galnay shir madaxeedkeenii ugu horeeyay innaga oo ah xubin rasmi ah oo ka tirsan Ururkaan. Soomaaliya waxa ay dhawaan soo direysaa wakiilladeeda labada Gole ee Baarlamaanka iyo Maxkamadda Caddaaladda”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku booriyey madaxda kale ee EAC in la sii ambaqaado qorshayaal cad oo lagu xallinayo caqabadaha amniga iyo dhaqaalaha ee hortaagan gobolka, isagoo sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la adkeeyo xiriirka ka dhexeeya dowladaha xubnaha ah ee EAC.

Madaxweynaha JFS ayaa soo dhaweeyey in Soomaaliya loo doortay xubinnimada Golaha Amaanka QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran u soo dhaweeyey in Soomaaliya loo doortay xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, muddo labo sano ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in guushan ay muujinayso horumarka iyo dowladnimada dalkeenna, waxa uuna tilmaamay qorsheyaasha hagaya codka Soomaaliyeed ee fagaareyaasha caalamka, kaas oo ku salaysan ilaalinta nabadda iyo xoojinta iskaashiga.

“Guusha diblomaasi ee aanu maanta gaarnay waxa ay ka tarjumaysaa sida caalamka uga markhaati kacayo dadaalka iyo horumarka Soomaaliya, gaar ahaan dib u soo kabashada iyo dib u dhiska dalkayaga. Waa fursad aan uga faa’iideysan karno inaan ka qeyb qaadanno nabadgelyada iyo ammaanka caalamka”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u mahadceliyey dhammaan dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka, kuwa gobolka iyo Qaaradda ee taageeray codsiga Soomaaliya, isaga oo xusay in tan ay tahay fursad qiimo leh oo horseedaysa in dalkeennu uu kaalin muuqata ka qaato arrimaha amniga iyo nabadda caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed guusha laga gaaray ka mid noqoshada in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadaha 2025 — 2026.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ku tilmaamay tirada codadka ay heshay Soomaaliya guul kale oo taariikhi ah oo ay hanteen shacabka Soomaaliyeed, isagoo intaa raaciyay in tallaabadan ay muunjineyso sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay inay door muuqda ku yeelato masraxyada caalamiga ah iyo wax ka qabashada caqabadaha iyo dhibaatooyinka amni ee ka taagan adduunka.

Wafdi uu hoggaaminaayo Ku simaha Ra’isulwasaaraha ahna Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS oo gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi uu hoggaaminaayo Ku simaha Ra’isulwasaaraha ahna Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, qeybna ay ka yihiin Wasiirrada Beeraha, Tamarta, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa maanta gaaray Magaalada Jowhar, Waxaana garoonka diyaradaha Jowhar ku soo dhaweeyey Wafdigaan Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo boqolaal shacab ah.

Ujeedka wafdigaan u gareen Jowhar ayaa ah daahfurka Mashruuca biyo xireenka Sabuun JOSP oo laga faa’iidi doono in uu hagaajiyo helidda waraab ku filan ilaa in ku dhaw 370Kun oo beeraleey ah taas oo yareen doonta barakaca isla markaana kor u qaadi doonta wax soo saarka beeraleeyda gobalka, yareeynta khataraha fatahaadaha gobolka oo saameeya ilaa 1.5 Millyan oo muwaadin.

Sidoo kale mushruucan ayaa yareyn doona saamaynta abaaraha iyo keydinta biyaha xilli roobaadka si loo isticmaalo .

Xuseen Maxamed Cali

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa la kulmay Madaxweynaha Hay’adda Horumarinta ah ee Kuuriyada Koofureed (KOICA) CHANG,

Seoul, 05 June 2024: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa la kulmay Madaxweynaha Hay’adda Horumarinta ah ee Kuuriyada Koofureed (KOICA) CHANG, Won Sam oo ay ka wada hadleen arrimo muhiim u ah horumarka ay Sommaaliya ku taamayso.

Intii uu socday kulanka, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka waramay muhiimadda uu dalkeenu u leeyahay is beddelka dhaqan dhaqaale iyo horumarinta xirfadda dhalinyarada, isagoo tilmaamay inay xusid mudan tahay in in ka badan 70% dadka Soomaaliyeed ay da’doodu ka yar tahay 40 sano jir, taasoo muujineysa baahida loo qabo in si mug le loo maalgeliyo barnaamijyada Farsamada Gacanta (TVET).

Dhinaciisa Madaxweynaha Hey’adda KOICA waxa uu muujiyay sida ay uga go’an tahay inay taageeraan hindisayaasha uu Raiisul Wasaaraha kala hadlay gaar ahaan Barnaamijyada Casriyeynta Farsamada Gacanta ee Soomaaliya.

DHAMMAAD

Taliyaha ciidanka XDS oo wehliyo Taliyaha ciidamada Dowladda Talyaaniga ayaa ubax dhigay Taallada Daljirka ee Italy

Taliyaha ciidanka XDS Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo wehliyo Taliyaha ciidamada Dowladda Talyaaniga ayaa ubax dhigay Taallada Daljirka ee Italy loona yaqaan Taallada geesiyaashii Ciidamada Talyaaniga.

Munaasabad si weyn loo agaasimay oo halkaas loogu dhigay wafdiga uu Hogaaminayay Taliyaha ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidamada Milateriga Dalka Talyaaniga Admiral Giuseppe Cavo Dragone.

intaa ka dib Taliyaha Ciidanka XDS ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Taliyaha guud ee ciidamada dalka Talyaaniga Admiral Giuseppe Cavo Dragone ayaa ka wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac iyo sidii Dowladda Talyaaniga ay garab buuxda u siin laheed dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka warfaafinta XFS ayaa daahfuray shirweynaha Saameynta faafinta wararka been abuurka ah

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray shirweynaha saameynta faafinta wararka been abuurka ah iyo kicinta colaadaha ay ku leeyiihiin nabadda iyo xasilloonida

Shirkaan oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda, saxafiyiin, khubaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.